Tuesday, August 1, 2017

SAWIRO: Waa kuma Wasiirka Beesha Biimaal ee had & jeer ka dhexmuuqda siyaasadda dalka? (AKHRI)




Waa kuma wasiirka Beesha Biimaal ee had iyo jeer ka dhexmuuqda masraxa siyaasadda dalka Soomaaliya? Waa wasiir ku xigeen marka aad u fiirsato ka sareeeya wasiir, kana shaqa badan dhamaan wasiiradii soo maray beesha Biimaal.

Waa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xuseen oo wasaaradaas ka shaqeynayay in mudda ah tan iyo bilowgii dowladdan rasmiga ah ee hadda waqtigeeda gebagebada ah.
Wasiir Cabdalla ayaa ah dhalinyaro aad u firfurcoon marwalbana lajaanqaada siyaasadaha kala duwan ee ka soo cusboonaada dalka Soomaaliya.


Wasiir Cabdalla waxa uu ka qeybqaatay xallinta dagaal beeleedyo, nidaaaminta ciidamada dowladda si gaar ah waxaa u ra.yi badan ku lahaa in ciidama qaranka Soomaaliya ay u ekaadaan qaab qaran oo labaabi. Iyo sumada qabiilka.


Wasiirka ayaa horseed ka noqday in ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan ciidama deegaanka lagu qarameeyo degmada no50 oo tan markaas aanan cidna ku dhiiran in degmada lambar Konton laweeraro oo ay dowladda u aqoonsatay meel ay masuul ka yihiin cutubyo katirsan ciidamada militariga Soomaaliya.


Mudane Cabdalla ayaa sidoo kale heshiisyo dhowr ah la saxiixday dowladaha Italy, Egypt, Turkey, UK, si kor loogu qaado tayada iyo waxtarka ciidamada xoogga Dalka.
Wasiir Cabdalla ayaa sidoo kale lagu xusuustaa in uu ahaa masuulkii ugu horeeyay ee furay tabarka ciidanka isku dhafka qaranka oo kismaayo laga bilaabay xilligii xukuumadii xiirane khudbad taariikhi ahna ka jeediyay.

Wasiir Cabdalla aya sidoo kale had iyo jeer ku saacideeya xubnaha kadhashay beesha uu ku matalo dowladda wax allaala wixii ilaalo, ama saad ah marka ay doonayaan in ay booqdaan gobolka ama meela kale oo ay doonayaan in ka soo fuliyaan danaha beesha.

Mudane Cabdalla ayaa muujiyay dowrka ay ka ciyaari karaan dhalinyarada hadii jaanis loo siiyo ka mid noqoshada xukuumadda; balse dhabta ayaa waxa ay tahay in aanan taariikhda wasiirada beesha Biimal laga heleyn sida uu Cabdalla ugu muuqday masraxa siyaasadda 4tii sano ee la soo dhaafay.
Waxaana u aqoonsanay wasiirka kaliyah ee matalay korna u qaaday magaca iyo jiritaanka, sumcadda beesha Biimaal ay ku dhexlahyd xukuumadihii kala duwanaa tan iyo 2012kii.

cabdala1 cabdala2 cabdala3 cabdala4 cabdala5 cabdala6 cabdala7 cabdala9 cabdala10 cabdala11
MUURINEWS.COM—BAYDHABO JANAAY 
ISHA WARARKA OO…DHAN






Image result for Mundane Cabdalla Xuseen








https://hiiraan.com/news/2015/apr/wararka_maanta21-91139.htm

http://muurinews.com/2016/06/16/akhri-waa-kuma-wasiirka-beesha-biimaal-ee-had-jeer-ka-dhexmuuqda-siyaasadda-dalka/

No comments:

Blog Archive