Sunday, April 1, 2018

Degaanka Beesha Gure Dir- iyo Qariirada Xagee ku Yalaa ( The Somali Guure Dir Clan and Map of Afdheer Guradamole


Degaanka Beesha Gure xagee ku yaala? 

Beesaha Gure waxay ku nooshahay Ismaamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Waxay ka tirsantahay gobolk Afdheere ee xaga koonfureed ku yaala dhankiisa waqooyi.

Gure waa beel balaaran oo ku nool 3 degmo oo degaanka ka tirsan. ku waas oo kala ah Gurra Dhaamole, Goro-baqqasa iyo Qarsa Duula. Qarsa Duula waxay ka mid tahay degmooyinka cusub ee dhowaan degaanku aqoonsaday. Ugu yaraan 3 degmo waxaa ku nool shicib dhan 113,862 (Boqol sadex iyo toban kun sideed boqol iyo lixdan iyo labo) sida daraasada Tirakoobta Ityoobiya ee la sameeyay2007xusasyso. Haseyeeshe, tirakoobtan waxaa ka taagan dood ku aadan degmadda Gura Dhamole oo waqtiga daraasda la sameeyey aan la wada tira koobin dhamaan tuulooyinka/qabaleeyada oo dhan.

Degaanka Soomaalida meelo ka baxsan ayey beesha Gure ku nooshahay gaar ahaan zoonka Baali iyo Guuji ee degaanka Oromada ka tirsan.

Sadexda degmo ee beeshu ku nooshahay waxxa ugu magac dheer degmadda Gura Dhaamole. Gure waa besha magaceeda Dhaamole waa buur weyn oo ku taala dhanka waqooyi magaala madaxda degmada Haro Dibi. Degmadan waxaa la aasaasay xiliyadii Boqor Xayle-silaas ka talinhayey Itoobiya. Labada degmo ee kale waxaa ay degaanka ku soo biireen intii ka danbeysay markii Itoobiya qaadatay nidaamka Federaalka ah ee laga ta kahlusay maamulkii xili tashifa ahaa ee Mangistu Xayle Mariam. Degmadda Goro-baqaqsa waxaa magaal madaxdeeda la yiraahdaa Guldima. Qarsa Duula waxaa magaala madax u ah Xorriyo.

Dadka degaanka ku nool waa dad xoolo dhaqata ah oo dhaqda sadaxda caana macaan - geela, Lo'da iyo Ariga (ishkin). Gurre iyo Geel waa oraah caan ah oo muujinaysa sida beeshu ugu noo shahay dhaqashada geela. Qeybta sawirada ee websiteka ayaad ka
daawan kartaa geela iyo xoolaha kale ee beshu dhaqato.   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 



Blog Archive