Wednesday, June 27, 2018

BEESHA REER AWSACIID WAA BEEL DEEGAANO BADAN ( Madaxweyn Dir)

XILIBAAN XASAN ISAAQ  YACQUUB (GEESCADE):  BEESHA REER AWSACIID WAA BEEL DEEGAANO BADAN LEH BALSE WAXAAN KU SABIRNAY IN QARANKA SOOMAALIYEED BADBAADO RABO MAANTA


See the source image


Xildhibaan Geescadde

Xilibaan Xasan Isaaq Yacquub  Gees Cade oo isagu ku sugnaa shirka soomaalida ee wadanka kenya Mudada ka socday ayaa sheegay in Beesha Reer aw Saciid ay Saami Culus ku leedahay Deegaanada Soomaaliya, Xilibaanka oo sii Hadlayana waxa uu Yiri Sidan , 
Beesha Reer Awsaciid  waxa ay kala dagaan Gobolo kala duwan iyo Deegaanobalaaran oo kukalo baahsan dalka oo dhan ku waas oo leh dagmooyin iyo tuulooyin faro badan waana lala dagaa beesha deegaanadaas qaarna iyada kaligeed ayaa dagta , 
Deegaanada beesha reer awsaciid waxa ka mida , 

Gobolka Gedo

Dagmada Baardheere gaar ahaana Tuulada Hureeyn tuulada Dhoobleey iyo TuuladaDeqaani Tuulada Markableey waxaa daga beesha oo qurainta kalle waa lala dagaa, 
Beesha waxeey ku leedahay Dhulkaan dhul Daaqsin iyo Waraabka Beeraha labadaba waxaana Saaran 12 Mator oo waraab ah oo ay ledahay beesha reer Awsaciid 

Gobolka Bay  

Beesha Reer Awsaciid waxay ka dagtaa Buur waxaana si gooniya udagnaa Tuulada BuuloFulaay Dagmada Ufuroow waxaan ku leenahay Dhul Beereed xaga Roobka iyo daaqsin wayn oo xoolaha Reer Awsacid Ku dhaqmaan, 

Gobolka Shabeelaha Hoose

Beesha Reer awsaciid waxa ay  si xoogleh wax uga dagtaaDagmada Qoryooleey taas oo Daaqsin ahaan si wayn aan ujogno xaga beerahana waxaan ku leenahay dhul balaaran, 

Gobolka Jubada Dhaxe

Dagmada Saakoow waxeey beeshu ku leedahay ama ka dagan dad aad u badan oo gaaraya Boqolkiiba %40 Caanaha iyo Qoryahana anaga Keena  Tuulooyinka BaroowDiinle Buulo Cadeey Baarka Muumin Dhooroow iyoDhakaajo waxaa nala daga Soomaali kalle Balse  Aqlabiyada Anagaa Leh Tuulooyinkaas oo aan ku leenahay Beero waween iyo Daaq Faro Badan TuuladaDhakaajo oo qorshuhu ahaa in loo aqoonsado Dagmo Buuxda waxey la Kulantay Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya Naafeeyay

Gobolka Jubada Hoose

Deegaanka Qooqaani iyo Dhoobleey Waxaan ku leenahay Deegaan waynTuulada BeerXaani waxaa si madax banaan udaga 40% kiiba beesha oo kaliya  inaga ayaana Keena Caanaha iyo Qoryaha Gobolka oo dhan Tuulada BuuloGuduud iyoYoontooy waxaan ku leenahay Daaqsin iyo Beero Labadaba iyo Lix Matoor 

Hiiraan

 Waxa ay Beesha Reer Awsaciid Ka Dagtaa Deegaanada Soosocda,
Dagmada Baladwayne Tuulada Kabxanleey waxaana noo saaran ilaa iyo Sideed Matoor oo waraaba  Deegaan Daaqsined oo Baadxad Badan waan ku leenahay, 

Banaadir

Beesha Reer Awsaciid waxa ay dagantahay 30%kiiba  gaar ahaana Caasimada Soomaaliya Ee Muqisho     

Waqooyiga Soomaaliya  

Waxa ay beesha Rer awsaciid ka dagtaa Dagmada Gibileey Gaar ahaana Tuulooyinka sheek iyo meelo kaloo badan 
Marka anagu waxaan nahay beel baaxad badan oolagu xisaabtami karo Waxana Xilibaanada Soomaaliyed ka Helnay Hal Xilibaan waana is kaga Qanacnay Maadaama Maslaxada Soomaaliya Laga Talinayo Maanta Ayuu Yiri Xilibaanku
Beesha Reer Awsaciid Waxa ay ukala Baxdaa Sidan  
  • 1-     Abkeey Xaaji oo Aderkii Ah
  • 2-     Faarax Saciid
  • 3-     Abiikar Saciid
  • 4-     Sacdi Saciid
  • 5-     Nuur Saciid
  • 6-     Cali Saciid
  • 7-     Cismaan Saciid
  • 8-     Xuseen Saciid
  • 9-     Xasan Saciid
  • 10-   Cumar Saciid
Xilibaan Xasn Yacquub GesCade oo War Saxaafadeed  ka soo saaray Magaalada Nairobi
 

4 comments:

Anonymous said...

Saxiib nimankaan kula jiray kaa jiray ah naga daaya ee Dirka Saxada ahaa ee sooma jestyaasha nooga warama. Anigaa hebel Ayaan la dagaa iyo ku tiri ku tireen looma baahna. Kuraastaa iyo jagooyinka la bixinaayo ee beesha Dir ha la siiyo beelaha fir fircoon ee magaca leh

Anonymous said...

Fiir ina maqal beesha Dir waxa la rabaa in nimba ninkuu ka firfircoon yahay in la siiyo xilba xilka uGu sareeya. Laakin Rag waxa jira aan dadka soo dhex galin oo malinta waxa la qeybinayo uun soo bax oo yiraahda xil ha la ii dhiibo. Beesha Aw Saciid xabad xabad mooye inteeda kal waa da aan ka soo bixin saamigii laga rabay. Oo meelahaas dad ku hoos gabada, gabaadna looma baahna maanta Dir wuxuu u baahanyahay dad adadag oo cadkooda goosanaaaya. Looma baahna dad sidii gabdhah dhuumanaya marka arimuh adkaadaan markii wax laqaybinaayana ka soo baxayaa godod islaameed oo libin ka soo raadinaaya magaca. Aw Saciid kaca doorka la idinka sugaayay ciyaar.

Anonymous said...

Beesha reer awsaciid waxay degtaa goboladan soo socda

1.gobolka baay (degmada buurhakaba,ufurow,bulafulaay)

2.G.shabelada hoosee (degmada qoryooley,Mubarak,tooretoorow)

3.G.jubada/hose (kismayo) 4.G.jubada/dhexe(jamame,jilib)


Beesha Dir

1) Max’ed Cumar Carte R. Wasaare Ku Xigeen (Dir, Isaaq, Habar Awal)
2) Axmed Xasan Gaboobe W. Beeraha . (Dir, Biimaal, Gaadsan)
3) Cabdisalaan Hadliye Cumar W. Arr. Dibadda. (Dir, Gadabuursi, Makahil)
4) Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda. (Dir, Habar Yoonis)
5) Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, W. Warfafinta. (Dir, Isaaq, Habar Jeclo)
6) Cabdulqadir Sh. Cali Baqdaadi, W. Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. (Dir, Aw Saciid) February 10, 2015

Anonymous said...

Ufurow (Bay, Somalia)
Ufurow is a town in the Bay region of Somalia. An overview map of the region around Ufurow is displayed below.
Nearby towns :: Beesha Luwaay


Ufurow (4.1km south east) // Buulo Daaraf (7.6km west) // Dhuboi (7.6km south) // Hareri Falaq (9.3km north west) // Dure Emed (9.3km north east) // [all distances 'as the bird flies' and approximate]













3}Cumar Digil waxa uu dhalay Garre, garahana wuxuu u kala baxaa labo kuwaas oo kala ah:

A}Tuuf
B}Quraanyoow

Waana xoolo dhaqato deegaankiisuna waa shan Garre oo ka tirsan degmada Aw Dheegle iyo degmada Daafeed (Wanle Weyn).



Degmooyinka gobolka Bay

Gobolka Bay wuxuu ka mid yahay gobollada Soomaaliya ee ay ku nool yihiin dadka badani, wuxuuna ka kooban yahay degmooyinka hoos ku qoran:
•Baydhabo
•Diinsoor
•Buurhakaba
•Qansaxdheere
•Bardaale
•Ufurow

Degmada qansaxdheere waxay ka kooban tahay
•garasoor
•wadajir
•busleey
•buuloshumuq

Blog Archive