Friday, June 1, 2018

(Sawiro): Jaaliyada Beesha Biimaal ee Sa’udi Arabia Oo Dooratay Maamul Cusub.


Shir ballaaran  ay isiugu yimaadeen Jaaliyada Beesha Biimaal ee boqortooyada Sa’udi Arabia ayaa lagu doortay hogaan cusub oo ka kooban 3
xubnood  kuwaasi badalay maamulkii horey uu gudomiye ka ahaa Aweys Macalin Macow.
Munaasabada doorasho waxaa goob joog ka ahaa duqa guud ee Jaaliyada Beesha  Xaaji Cumar Moordi, gudiga marjica beesha, odayaasha dhaqanka beesha, culimaa’udiinka, dhalinyarada  ee beesha Biimaal.
Falanqeyn  dheer kadib ayaa la isla gartay qaabka loo dajin karo maamul leh  sal adag isla markaaan lagu wada qanacsanyahay intaasi kadib waxaa la guda galay cida ku haboon ee loo codeynayo.
Doorashada gudomiyaha Jaaliyada Beesha Biimaal ee boqortooyada Sa’udi Arabia waxaa codka caqlabiyad ku guuleystay G Xabiib Xaaji Cumar halka ku xigeenka loo codeeyey G Aweys Nuur Xuseen Iyadoo  xoghayaha guud ee Jaaliyada loo doortay  mudane Xasan Cali Cabdi (Kenya)
Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyada  oo hadal Kooban ka  jeediyay Madasha ay doorashada ka dhacday  ayaa ku dheeraaday inay Muhiim tahay isku Xirnaanta iyo Midnimada Beesha in laga Shaqeeyo dadka joogo Sa’udi Arabia  la isku xiro si looga hortago Waxkasta oo wiiqi karo Magaca Guud ee Beesha Biimaal
“Aad ayaan Ugu Faraxsanahay inaan Arko isku xirnaan iyo Midnimo Bulshada dhexdeeda ah taas oo dhabaha u xaartay in halkaan looga dhawaaqo aniga iyo Gudiga Jaaliyada ee ila Shaqaynaayo” Ayuu yiri  Gudoomiyaha. ”
Kasoo qaybgalayaasha Munaasabada doorashada ayaa ayaguna dhinacooda balanqaaday inay la Shaqayn doonaan Gudoomiya Jaaliyada Beesha Biimaal ee boqortooyada Sa’udi Arabia Xabiib Xaaji Cumar.

No comments:

Blog Archive