Sunday, June 3, 2018

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Sayid Cumar Aadan Guuleed Ayaa Maanta Booqasho Shaqo Ah Ku Yimid Magaaada Hilsinki Ee Wadanka Finland (Sawiro) May 16, 2017



 Image result for Sayid Cumar Aadan Guuleed



Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Jaaliyada Puntland waxaana ka mid ahaa Gudoomiyaha ku xigeenka Jaaliyada Puntland Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan shiinle,Gudoomiyaha haweenka Jaaliyada Puntland ee Finland Marwo Nasra Jaamac Deeble, Xamdi Cabdulaahi Qodmadow xubin ka mid ah gudiga golaha dhexe,Madaxda laanqayrta cas Mudane Maxamed Tarax iyo Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar.Jaaliyada ayaa isla maanta qado sharaf u sameysay wasiiru dowlaada,halkaas oo wasiirku warbixino dheeraada oo ku saabsan shirki London uga warbixiyay jaaliyada.

Jaaliyada ayaa soo dhaweeyey warbixin uu wasiiru dowlaha ka siiyay xaalada caafimaad ee Puntland isagoo balan qaaday in ay xiriir iyo iskaashi kala samayn doonaan Puntland iyo waliban Dalada Qurbajoogta Puntland ee Finland sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tirada caafimaadka Puntland.



Gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Puntland ayaa meesha ka xusay in dadwaynuhu aqoonsan yahay madaxda iyo hayadaha dadka iyo dalkaba wax uqabta iyadoo wasiirka lagu tilmaamay shaqsiyaadka wax qabadka dhabtaa uhaya bulshada Puntland.

Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Puntland Mudane Sayid Cumar Aadan Guuleed ayaa ka mid ahaa wafdigii uu hogaaminayey madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali gaas wafdigaas oo ka qaybgalay shirkii London lagu qabtay.

Mudane Sayid Cumar ayaa wadanka Finland u yimid inuu madaxwaynaha Puntland kusoo dhaweeyo wadanka Finland.

Madaxwaynaha Puntland ayaa Casuumad ka helay wadanka Finland wuxuu imaanayaa 21.5 Maalinta Axada.






http://markanews.net/wp-content/uploads/2017/05/unnamed-1.png
 http://markanews.net/wp-content/uploads/2017/05/unnamed-6.png
 http://markanews.net/wp-content/uploads/2017/05/unnamed-5.png

No comments:

Blog Archive