Saturday, July 7, 2018

Geeridii Halyeygii Muj.C.Koosaar Third SNM Chairman-Marxuum Cabdiqaadir Koosaar Cabdi Geele

Image


Wednesday, December 29, 2010



Tixdan gabayga ah oo aan ugu baroordiiqaayo halyeygii weynaa mujaahid Marxuum Cabdiqaadir Koosaar Cabdi Geele oo lagu dilay 12 07 1987, Magaalada Mustaxiil ee kutaala kilalka shanaad ee soomaalidu degto ee katirsan dalka Itoobiya Ilaahay naxariistiisa haka waraabiyee marxuumku waxa uu halkaa u tegay hawl shaqo, (xalin khilaaf )asaga oo kamid ahaa gudi xubno badan ka kooban oo isugu jirta saraakiil , siyaasiyiin iyo aqoon yahan katirsan maamulkii xaq u dirirka ahaa ee SNM.Markii halkaa lategay ee la arkay inaan khilaafku dhamaanayn oo ay go´aan sadeen in la soo noqdo laakiin aanay soo noqon Abdiqaadir iyo gaariye, iyaga oo gaariye lagaga yimi mustaxiil Abdiqaadirna Qabritahare markii uu waayey warqada dhaq-dhaqaaqa ee uu ku soo noqon lahaa, xubnihii kale se ay iyagu heleen halka gaariye isagu ugu hadhay degmada Mustaxiil hawlo shaqo oo ku saabnsaa khilaafka lootegay meesha,masuuliintii kale se ay Diridhaba ku soo noqday balse Cabdiqaadir uu uga hadhay warqad la´aanta uu Qabritahare mudada sadexda bilood ah uu joogay,sida ay maamulkii SNM noo sheegay,tiraba laba warqadoodna uu u soo diray gudoomiyihii SNM Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo nasiibdaro se aanu wax jawaab ah ka helin Marxuumku.





Hadii aan khilaafka meesha loo tegay wax ka yara taabto wax jiray ciidan Hawiye ah oo SNM katirsanaa oo degenaa tuuladaa Mustaxiil madaxna uu ka ahaa ninkii la odhan jiray Gorgor ee Habar Gidir iyo saraakiil kale oo ubadan Habar Gidir waxa markaa dhacday in la isu qabto laba qaybood ama laba reer sida Xawaadle oo askarta u badnaa doonayeyna in ay SNM ka mid ahaadaan iyo qaybta Habar Gidir oo uu hogaaminayo Gorgor oo doonaysay in ay ku biiraan SSDF, markaa xawaadlaha ayaa qaylo u soo dirtay maamulkii SNM ee joogay Diridhaba iyaga oo doonaayay in ay ku hadhaan SNM hubkana kala hadhaan qolada ku wareegaysa SSDF.

Waxa Gaariye ii sheegay laba sedex jeer in ay saraakiil Habar Gidir ah ku wada hadleen Cabdiqaadir magaalada Qabritahare, laakiin aanay waxba isku afgaran balse markan ladili doono ay ugu yimaadeen kuna yidhaahdeen waxaanu diyaar u nahay in aanu khilaaf-kii soo af jarno ee ina keen Mustaxiil baynu kuwada hadlaynaaye oo aanu gogosha wada hadalka dhigaynaaye, isla maalintiina uu dhacay wixii ay shirka ku sheegayeen oo isu bedelay mu´aamarad iyo khiyaamo,fiidkii markii gabalku dhacay ee shirkii guul daraystayna ay halkaa Cabdiqaadir , Gaariye iyo xubno kamid ah qoladii Xawaadle ay iska raaceen oo ay tageen meel ay deganayd Faisa Cabdillaahi doob ilkoole oo meesha deganayd daarad-deediine ay gogol u dhigtay marxuumka iyo ragii lasocday, gaariye se uu gogoshii u doontay meeshii hore ee uu seexan jiray si ay daaradan u wada seexdaan balse uu rasaasta maqlay asaga oo soosocda meeshiina uu soo gaadhay Cabdiqaadir oo mayd ah iyo inantii oo ka dul baroora-naysa.Ilaa maalinimadii dambena ay sugayeen in cidi uga timaado xaruntii SNM ee Diridhaba halkaana ay ugu yimaadeen Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo iyo Axmed Warsame Baalcade abaaro duhurkiina halkaa lagu xabaalay.

Image

Akhristayaal raali iga ahaada waan idinku dheereeyey hadalkee kuna soo dhawaada tixdan gabayga ah .

Inkastaan guwaynoo Cabdow, guudku i cadaaday
Haduun baan waxaan goohijiray, aan godkii degaye
Gujona kayga kuma soo lisee, waa gal ii xidhanay
Waa godomo soo maaxda oon, waaqood go´ahayne
Goortaan u baahdaba anaa, gaawe soo dara e

Marku gabaygu kaasoo go´ee, gawraxyada dhaafo
Ee gaws dambeed-kiyo tashiga, guulka ugu hoydo
Gafimaysid oo waa inaad, madasha gaysaaye

Gaariyaw su´aal gara hadaan, gacal ku waydiiyo
Koosaar guyaal badan ayaa, garab ahaydeene
Gurigiisa waataa wax badan, talo gorfayseene
Guutooyin- kuu kula dhisaa, gubay kacaankiiye
Gayigii amxaarada hadii, Eebe idin geeyey
Garma-qaatayaashiyo guntiyo, gobolkii uu joogay
Golihii hagoog-naa markii, hadalku guumoobay
Gorgor-baa habkaba sii dhigiyo, garabadiisiiye
Gaadhiga ninkii lagu siday, gaadhka ka hayeene
Iyagaa gefkeed-iyo lahaa, gumura- deediiye
Gabalkoo markaa dumay hadii, gaadme lagu toogtay
Gantaalaha rasaas-tiyo hadii, gumuc la leefsiiyey
Gahwii inantu keentiyo markay, gogoshi dhiigawday
Gonda-haaga waakii ku go´ay, geesi-lahubaaye
Nin-uu gogosha maydkii u yaal, gama´a loo diidye
Garbadii shabeeliyo biyii, godonka xiimaayey
Guntigii adoon furan waxaad, gees walba u roortay
Guuraha habeen-kii waxaad, godobtii baadhaysay
Gadiid-kiyo hadhnimadii hadii,lagugu soo gaadhay
Garbadii xabaashiyo markaad,goofki dhinac joogtay
Hogii lagu gambiyay iyo markaad, iilka gelinaysay
Gaariyoow halyeygii miyaad, gabay la,aan aastay
Godka lagu janeegii miyaanad,kaba dul geeraarin


Afartaa garaad-kiyo caqliga, hadal ku gaaxnaa dheh
Gole wayn su,aal aan la rabay, gogol dhigeedii dheh
Afar kalena waa gocashadiyo, waxaan la goohaayo


Goolaftan mooyee rag-baan, gole ka fuulayne
Sidii Cali galaal uga gabyaa kula gudboonayde
Gabashada ragbaan lagu aqoon,oo gilgilanlaaye
Xaaji Aden baan gaabsadeen, goola dhalin-laaye
Salaan-baa gantaal ridi-lahaa, qaaradaa guba
Ali Jaamac baa gudan lahaa hal aan gaboobayne
Garyaqaan Abdi-iyo Qaasin-baa, guufgto kicinlaaye (Abdi iidaan)
Gahayr iyo hubaal Timacadaan cidiku gaadheene
Gidigood janada Eebe-heen, gurada hawdhigo,e
Gocashda waxaa iigu wacan, waa gunaad jira e
Garbadh weeye xaajada hadaan, laga garaabayne
Gadhase iyo maxay soo qoreen gobolka kii haystey(gadhase=tadhase)
Gudidii dilkaa igmaday, hubantiday gaadhay
Gebigaba wixii dhacay, miyey gunaanad-kii sheegtay
Gamashiga maxaa dhiiladii looga wada gaabshay
Nimankii gadeedaba yiqiin, yaa ka gaasiraye
Hadraawi-ba go,uu ka huwadee waa gambiyi laaye
Gabooyaha xagooduu baryahan geedi-gaw raraye
Dhul-gariir intuu tirinayuu gabay-ba Koosaare
Gudoonkii maxaa maxamedow godolki kuu diiday
Gaydhii qaboobayd maxaa gobona kuu waayay
Gaa-gaxu xaguu kaaga yimi gororna waa maadhe
Gaariyoow halyeygii miyaad, gabay la,aan aastay
Godka lagu Janeegii miyaanad, kaba dul geeraarir

Afartaa garaad-kiyo caqliga hadal ku gaaxnaa dheh
Gole wayn su,aal aan la rabay gogol dhigeedii dheh
Afar kalena waa gocashadiyo waxaan la goohaayo


Mudaan gaata mayaan lahaa, way giraangirine
Geerigo´an kuwii kugu xidhiyo, kii ku kala gooyay
Gees-kastaba markii aan u rogay, waa gudboonyiine
Guracii ninkaas lagu xanibay, maanka geliwaaye
Garaad-kaba bal waydii hadii qalinku kuu gooyay
Geesiyadii shahiidaa lahaa, guushan maanta ahe
Geesh-kii ragbaa gubay arlada, gaadhka ka ahaaye
Gaashaan-layaal iyo dablii, ganayey baaruuda
Wixii gaas-dhegooliyo halgamay, guurti odayaala
Gabanada naftooda uhuraa, gaadhay kumanaane
Gadh-cas iyo aqoon-yahan wixii, nacab-ku googooyay
Garanwaa wixii ay dileen, gaari iyo caydi
Gobanimada tii loo dhintaa, gobi u aydaaye
Gudoomiye la jecel yuu ahaa, goraygi koosaare
Gobaninimo horyaal buu ahaa , lana gudoonsiiye
Guluub-kii xorayntuu ahaa, gubayay kaaraaye
Gashaan-dhig weyn buu ahaa, goobta dirireede
Ninaan guusha laga qaadin oo, gaadha-buu ahaaye
Geesi lagu hirtaa buu ahaa, geerida horteede
Galaw-daba nimaan barininoo , guluf kacshuu ahaaye
Go´aamada siyaasiya nin-kii gacanta loo taagay
Gidigood quruumqaha ninkii, kuu af garanaayey
Tabahiisa gaarka ah ninkii, hawl u gudanaayay
Durdur aan go´ayn buu ahaa, gu iyo jilaale
Guurti buu ahaa xaajo adag, soo gunaanade e
Garta nin ay u dhiibtuu ahaa, gaaliyo islaame
Gurgur-shuu ahaa aan didayn,oo garsoore ahe
Nin gargaara buu haa kuwaan, goosan kara hayne
Galad lagu manaystuu ahaa , waanay garanayne
Garashada ilaah siiyey-baan, cidi ku gaadheene
Geerida ayaan maalin qudha, gaabis noqonayne
Guuloow janada gee aday gooni kuu tahaye
Aamiin<<<<<<<<




N.B.Gobanimada tii loo dhintaa gobi u aydaaye

By Abwaan Cabdiwelli Yalas Cabdi Geele

No comments:

Blog Archive