Saturday, July 7, 2018

Sawiro Deegamada Towfiiq ee Saleeban Cabdalle Surre Dir- Reer Agoon


Degmada Towfiiq ee Gobolka MUDUG oo Ku Tallaabsatay Hormar Dhinacyo Kala Duwan. (Sawiro).



Degmada Towfiiq ee Gobolka MUDUG oo Ku Tallaabsatay Hormar Dhinacyo Kala Duwan. (Sawiro).
egmada Tawfiiq waa Degmo maamul ahaan hoos timaadaa Puntland waxaana hoos yimaada tuulooyin badan sida:
Ceel dhanaane
Xingaras
Galhagoog
Buq qallooc
oo dhamaantood ka tirsan gobolka Mudug, kuna yaal waqooyi bari ee gobolka khaasatan dooxada caanka ah ee Golol waxay degmadani aad ugu wanaagsan tahay xoolaha la dhaqdo sida ariga, idaha iyo geela maadaama ay ku taal dhul cadduun ah waxaa kaloo degmadani alle ku manaystay biyo macaan degmadani waxay aasaasantay bilowgii 2000.
Dhinaca Horumarka
Inkastoo degmadani jiritaankeedu kooban yahay hadana waxaa run ahaanti aad iyo aad wax loogu farxo ah in ay si xawli ah u kobcayso oo horumarka ay gaarayso marba marka ka dambeeysa iyo koritaankeeda sii korayo. waxaa sanadkii 2011-ka laga hirgaliyay degamada Cabdulahi insaaniya Primary and intermediate school iyadoo waliba la gaarsiiyay adeega isgaarsiinta ee Golis Telecom waxaa sidoo kale la bilaabay dabayaaqadii 2013 dhismaha isbitaalka guud ee degmada Tawfiiq General Hospital, sidoo kalena la dhagax dhigay mashaariic isugu jira ceel biyooddyo, Guryo martida ama Hotelo yaryar, suuqa weyn ee bacadlaha iyo xarumaha maamul oo ay ka mid yihiin saldhig bilays iyo xarunta dawladda hoose waliba waxaa sii soconaya qorshayaasha lagu hormarinayo degmada ee dhinacyada kala duwan ee adeega bulshada iyo bilicda magaalada sida: Waxbarashada sare, caafimaadka, korontada, biyaha, ka faaiideysiga kheyraadka bada iwm.
Towfiiq markaad 15 km ka baxdo ayaad madaxa gelineysaa dhul xeebeed baaxad weyn ee badweynta India.
Dhanka Maamulka
Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ku guuleysatay in ay Maamul hoosaad u dhisto Degmada Towfiiq kaddib markii dawladda Puntland ay wafdi xoogan oo ay arintaasi u xilsaartay ay gaareen degmada Towfiiq isla markaana ay u dhiseen maamul hoosaadkii Golaha Deegaanka Degmada Towfiiq oo ka kooban 17 Xubnood, iyagoo xubnaha Xildhibaanada
Golaha Deegaanka ay soo doorteen Duqa Degmada Towfiiq iyo Kuxigeenkiisa. Degmadan ayaa leh maamul wanaagsan kana adkaatay nabad galyadeeda oo aan wax amni darro ahi ka jirin iyadoo dalka intiisa badan qalalaaso ka jirtay hadaba dadka nabada jecel ee degmadan waxay aad ugala shaqeeyeen maamulada dariska ah dhimista khatarta burcad badeeda.
Goloha wasiirada Puntland ayaa maamul ahaan u aqoonsaday magaalada degmo buuxda sanadkii 2013 ka dib markii ay arkeen inay Tawfiiq buuxisay shuruudihii degmo dhan kasta.
Hadaba waxaan ku boorineynaa dhamaan jaaliyadaha qurbo jooga ee bulsho weynta soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaankaas baaxad 250 km oo wareega ku fadhiya inay u diyaar garoobaan horumarinta iyo dhiirigelinta maamul wanaag ee loo siman yahay.
Filo Goor dhow sawiro Dheeraad ah.
sawirka-1aaad-towfiiq
sawirka-3aad-300_towfiiq
sawirka-4aad-300_towfiiq
sawirka-5aaad-towfiiq
cowslafil.com



https://www.google.ca/search?q=towfiiq+degmada&safe=active&tbm=isch&tbo=u&source=univ&sa=X&ved=0ahUKEwjPsLyq5ubbAhUO-lQKHfLlAooQsAQIaQ&biw=1366&bih=651#imgrc=_


Degmada Towfiiq Oo Laga Hirgeliyey Mashaariic Kala Duwan, Iyadoo Gudoomiyaha Degmadaas Uu Ku Baaqay In Laga Qeyb Qaato Hormarinta Degmada (Sawir)

Waxaa dhawaan la daah furay mashaariic lagu hormarinayo Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug mashruuca wejigisa hore oo lagu bilaabay Ceelkii Degmada ayaa la daahfuray 7 bishan aan ku jirnee ee february.

Furitaanka Ceel qodista waxa kasoo qeyb galay dad weyne aad u tiro badan iyo wafdi  isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ah oo ka socoday Maamulka Puntland, waxaana sidoo kale lagu wada dhawaan in la bilaabo dhismaha saldhiga Degmada Towfiiq  iyo gurigi Degmada ay laheyd.
Dhawaan Degmada waxa la gaarsiiyey daawo ay Dowlada Federalka ugu deeqday Maamulka Puntland waxaana mahadnaq aad u balaaran usoo jeediyey maamulka iyo dadkii ka qeyb qaatay howlaha kala duwan ee laga bilaabay Degmada oo hada soo kobceysa.

Gudoomiyaha Degmada Maxamed Cabduqadir  ayaa  dadka kasoo jeedo Degaanka Towfiiq ku wargeliyey in dhibaatada ugu weyn ee degmada  ka jirto ay tahay wado xumo, waxa uu tilmaamay in Hey’adahII imaan lahaa deegaanka ay imaan karin sababo la xiriira wadada oo aad u bur bursan.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha ayaa dadka qurba joogta ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii Degmada Towfiiq kor loogu qaadi lahaa dhismaha wadooyinka iyo ka hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahanyihiin bulshada.

http://markanews.net/blog/2016/02/11/degmada-towfiiq-oo-laga-hirgeliyey-mashaariic-kala-duwan-iyadoo-gudoomiyaha-degmadaas-uu-ku-baaqay-in-laga-qeyb-qaato-hormarinta-degmada-sawir/

No comments:

Blog Archive