Thursday, November 29, 2018

Shir Ay Waxgaradka iyo Haweenka Beesha Surre Ku Yeesheen Muqdisho Oo Baaq Xasaasi Ah Laga Soo Saa‏ray20 Dec 2014


Posted Date: 20 Dec 2014  
 
 
Ka dib kulan balaaran oo ay iskuuga yimaadeen Dumarka, Aqoon yahanada Beesha Surre oo ka mid ah beelweynta direed ayaa waxaa lagu qabtay hodheelka Wardheer ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kulankaas ka qaybgaleen 5 xildhibaan oo Dumar ah oo ka soo jeeda Beelweynta Direed waxayna kala ahaayeen:


1 Xildhibaanad Caasho Koos Maxamed Cumar
2 Xildhibaanad Duniyo Maxamed Cali
3 Xildhibaanad Faadumo Xassan Cali
4 Xildhibaanad Bishaarow Cabdi Diiriye Garabey
5 Xildhibaanad Zahro C/qaadir C/raxmaan

Waxaa madasha hadal kajeediyay 3 xildhibaan waa caasho koos,xildhibaanad duniyo maxamed cali, xildhibaanad faadumo xasan cali. Waxay balan qaadeen in ay la shaqeynayaan gabdhaha aqoon yahanada ah ee beesha sure dowlada federaalka soomaaliyana au ugudbiyanaan cabashada ay soo jeediyeen gabdhaha.
Intaas ka dib waxaa war saxaafadeedka ujeedadiisa aqrinaysa aqoonyahanad Safiyo Macalin Xasan
Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh, iyo dhamaan gabdhaha sharafta badan ee naga aqbalay casuumada aan u fidinay maanta waxaan doonayaa inaan halkaan idin kaga soo gudbiyo ujeedada shirka aan u qabanay.
Walaalyaal sida aad ogtihiin beesha surre oo ka mid ah beel weyta direed waxa ay degtaa bartamaha iyo koonfurta soomaaliya sida gobolada hoos ku xusan:
  1. Gobolka Mudug: Toowfiiq,  Godob Jiiraan, Gal xagar, Jariiban, Dhinowda, Bacaad weyne, Baraag Ciise, Qeecad, Jiic Dheere, Labo Ceel, Qeydaro
  2. Gobolka Galguduud: Xeraale, huurshe, miirjiicleey, Mayeeran, Ari cadeys iyo hul ku jir
  3. Gobolka Hiiraan: Kabxanleey, Deefoow, Jeereey, Madiino iyo Buulo Banaan

  1. Gobolka Banaadir NB
Sababta aan NB usaarnay gobolka banaadir ayaa ah in beesha direed gaar ahaan beesha sure aaney waxba laga siinin gobolka banaadir 17 degmo ee uu gobolka ka kooban yahay markii aan xisaabnayna waxaa xaq uleedahay beesha 3.7 markii loo qeebiyo 4.5ta beelaha soomaaliyeed.
  1. Sidoo kale waxaan si xoogan u dagnaa Gobolada Shabeelooyinka iyo Jubooyinka sidoo kale Gobolka Gedo ayaa waxay ka dagnaa sida Degmooyinka Luuq, Bohol garas iyo Dooloow Soomaliya intaas iyo in kale aan halkaan ku soo koobi karin ayey degtaa beesha Surre iyo dhamaan koonfurta Soomaliya oo ay ka dagaan gobolada dalka soomaaliya waa besha kaliya xambaarsan magaca Direed ama Loo yaqaano.
Waxaa lawada ogsoonyahay hadii nahay Beelaha Surre ee Daga Deeganaas aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan ay ku dulmanyihiin inta aan xasuusano ka hor dagaalkii aheliga ahaa ee somaliya laga soo bilaabo 1986 ilaa hada oo la joogo waxaa nagu socday Dagaal iskuuga jira Bara kicin, Xaqiraad, Deegaan Bur Burin iyadoo aan waxba loo reeban intaas waxaa noo sii dheeraa kadib markii la dhisay dowlada Federaalka ee Soomaaliya in uu nagu sii siyaaday Dagaalkii iyadoo naloo adeegsanaayo shaar Dowladeed Dagaaladaas oo iskugu jira heer Qabiil iyo ku hoosa dhuumasho Qaran,  marka aan leenahay heer Qaran hadii aan sii fasiro waxaa hubaal ah in la dalacsiyey raga hogaanimaayey dagaalada tooska ahaa ee lagu qaado deeganada beesha Surre si aan kala sooc laheen.
CODSI:
Waxaan si Xushmadeeysan uga Codsaneyna Gabdheena Xildhibaada Beesha Direed Guud ahaan meel walba oo aad naga maqashaan ama aad qoraalkaan ka aqriisataanba  Dibad iyo Daakhilba inay gaarsiiyaan dhibaatooyinka lagu hayo Beesha Surre. Sidoo Kale waxaan ka codsaneynaa inay na siiyaaan Talooyin iyo Dhaqaale iyo wax walba oo karaankooda ah si loo daba qabto Arimaha Beesha  waxaa kaloo intaasi dheer inay noqdaan Gabdho Fir Fircoon oo isku xira Shacabkooda iyo Dowlada Dhexe ee Soomaliya maadaama ay awoodaan xitaa inay la kulmaan Madaxda ugu sareysa Dalka, waxaan ku soo gaba gabeeneynaa Codsigeena iney nala kulansiiyaan Madax Weynaha Dowlada Soomaliya, R/Wasaaraha, Sidoo kale Ra’isal Barlamanka iyo Golaha Wasiirada

Baaq
Waxaan Cod Dheer ugu Baaqeenaa
Madax Weynaha Faderaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
R/Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Gudoonka Baarlamaanka
Gollaha Wasiirada
Beesha Caalamka: sida Qaramada Midowbay, Mareenka, Midoqga Yurub, Midowga Africa, Urur Goboleed IGAD, Jaamacada Carabta oo aan ka midka nahay iyo Dowladaha daneeya Arima Somaliya iyo Ururada U dooda Xuuququl Insaanka, Sida Human Rights Watch Salaandiinta Soomaaliyeed, indheergaradka, Culima’ u diinka soomaaliyeed waxaan ujeedineynaa inay soo faro galiyaan dhibatada lagu haayo guud ahaan beesha direed.

No comments:

Blog Archive