Wednesday, December 5, 2018

Masuul la dhashey Ex Wasiiradii Caafimaadka Qamar Aadan Cali oo isguna ku dhintey qaraxii Qaley ee Maka Al-mukarama oo lagu garab aasey Walaashiis

09/11/2013

Masuul la dhashey Ex Wasiiradii Caafimaadka Qamar Aadan Cali oo isguna ku dhintey qaraxii Qaley ee Maka Al-mukarama oo lagu garab aasey Walaashiis

Waxaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya xalay dhaawac ugu geeriyooday Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyada ee dalka Ingiriiska oo uu dhaawac ka soo gaaray qarixii xalay ka dhacay hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.
Dr C/qaadir Aadan Cali {Dhuub},oo walaal la ahaa Wasiiradii Hore ee Caafimaadka Somaliya Qamar Aadan Cali ayaa maanta lagu Aasey isla qabuurihii lagu Aaasey Walaashiis.
Masuulkaan geeriyoodey ayaa ka tirsanaa Wasaarada arimaha Dibada Soomaaliya oo uu la shaqeynayey isla markaasna weaxaa la shegay in uu ahaa Masuul aad u firfircoon oo si weyn shaqadiisa u gudan jirey.
Aaska ayaa la shegay in aysan jirin cid ka tirsan Dowlada Somaliya oo ka soo qeyb gashey Aaaska loo sameeyey Masuulkaan Xaley ku dhintey qaraxa Xaley ka dhacey maagaalda muqdisho
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingiriiska ayaa kaas oo ay walaalo ahaayeen Qamar Aadan Cali oo aheyd wasiir ka tirsaneyd Xukuumaddii KMG aheyd, taas oo iyana lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingiriiska ayaa dhawaan yimid magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu Muqdisho u yimid, isgoo u yimid sidii uu dowladda Soomaaliya ugala hadli lahaa dib u soo laabashada jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska si ay maalgashi ugu sameystaan gudaha dalkooda una dhistaan.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingiriiska ayaa mar soo noqday safiir dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalal badadan oo caalamka ah, wuxuuna hadda ahaa diblumaasi dowladda Soomaaliya kala talin jiray arrimaha dibadda iyo sidii dib loogu soo celin lahaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool.


 http://www.falaar.com/November2013/09November5.htm

No comments:

Blog Archive