Wednesday, May 4, 2011

Alle ha u naxariistee Drs. Sakiyo C/salaam Caalin

XASUUS XILDHIBANADII SUURE DIR EE GEERIYOTAY 2005


Alle ha u naxariistee Drs. Sakiyo C/salaam Caalin oo ka mid ahayd Xidhibaanada Soomaaliya oo maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi
July 03, 2005.
Waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi laguna Aasay Allaha u naxariistee Drs Sakiyo Cabdi Salaan Caalin oo ka mid aheyd Xidhibaanada Dowladda KMG ah ee Soomaaliyeed sida uu Xaqiijiyay Dr Jaylaani Cali Kadiye iyadoo Muddo labo Asbuuc ah ku jiraneyd Cusbitaalka Nairobi,
Drs. Sakiyo Cabdi Salaan waxa ay ka mid ahayd Xidhibaanadii Dowladii Carte sidoo kale waxa ay ka mid aheyd Bulshada Raydka ah iyadoo qayb ka ahayd Dadkii doorka Lixaadka ah ku lahaa Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacay wadanka Kenya,
Waxa ay ka qalin Jabisay Kuluyada Dhaqalaha ee Soomaaliya iyadoo sidoo kalena wax ku Baratray Dalal Dibada ah waxa ayna la soo shaqeysay Ururada Bulshada ee hoos taga Qaramada Midoobay Drs Sakiya waxa ay aheyd Shaqsi Sumacad Badan ku leh Bulshada dhaxdeeda,
Waxaa isla Maanta lagu Asay Qabuuraha Muslimiinta ee Kenya oo ku Yaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi waxaana Askeeda ka soo qeyb galay Boqolaal Muslimiin ah Siyaasiyiin Wasiiro Xidhibaano Iyo Siyaasiin Soomaaliyeed,
Dadkii Aaska Marxuumada ka qeyb qaatay waxa ka mid ahaa Musharxii madaxweynanimada ee Soomaaliya Dr Cabdulaahi Axmed Cadow,Gudoomiyaha Bankiga Dhaxe Ee Soomaaliya Dr Maxamuud Maxamed Culusow Wasiiro iyo Xidhibaano ka tirsan Dowlada Soomaliya,
Drs. Caasha Xaaji Cilmi iyo Drs Fahmo Axmed Nuur oo ay Saxiibo isku dhaw ahaayeen Allaha u naxariistee Drs Sakiyo Cabdi Salaan Caalin ayaa maanta waxaa ka muuqday murugo iyagoo Tacsi gaara gaarsiinaya Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Drs Sakiyo Cabdi Salaan Caalin Allaha u naxariisto.
Inaa lilaahi wa inaa ilaahu Raajicoon,



Mid ka mid ah haweenka xildhibaanada ah oo ku geeriyootay Nairobi

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaa xalay ku geeriyootay Nairobi xildhibaanad Zakiya C/salaan Caalin oo ka mid aheyd xildhibaanada baarlamanka ee ka soo jeeda beelaha Direed, waxaana la sheegay xildhibaanada inay muddo dhowr cisho ah ku xanuusaneysay Nairobi.
Marxuumada oo ka mid ah aheyd gabadha baarlamaanka kuwooda ugu firfircoon, waxeyna aheyd Zakiya C/salaan xubnihii ururrada bulshada rayidka ee ka mid noqda baarlamanka, iyadoo dowladdii Cartana ka aheyd xubin baarlamaan.
Marxuumada ayaa galabta lagu aasay magaalada Nairobi, waxaana tacsi u diraya xildhibaanada kala ah Caasha Xaaji Cilmi & Caasha Axmed Cabdalla
Nairobi:- Xildhibaan Zakiya C/salaam Caalin oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka DFGM ayaa saaka ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Nairobi
Marxuumad Zakiya ayaa waxay ku geeriyootey 13:30 waxaana la sheegay inay mudo xanuunsanaa ALLE ha u naxariistee Zakiya C/salaan ayaa waxa uu ka mid ahaa Baarlamankii lagu soo dhisey shirkii Carta ee dalka Jabuuti oo uu madax ka ahaa Dr:C/qaasim Salaad Xassan
Waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso Qabuuraha Islaamka ee magaalada Nairobi.
Al-Tawxiidonline
A/Cawale
Nairobi






1. Zakiya cabdisalan Caalin
2. Qamar Aden Cali
3. Mahad Cabdala Cawad
4. Cabdulaahi Sheekh Ismail
5. Cabdi Warsame Isaaq
6. Cabdiraxmaan Aaden Ibraahin Ibbi

44- Hon. Qamar Aadan
45- Hon. Zakiya Sh. C/salaam

No comments:

Blog Archive