Wednesday, May 4, 2011

beesha layiile ali madaxweyn dir iyo kal habowgeedi iyo reer aw saciid

( Dir ) waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay kuwooga ugu taariiqda fog. deegaanka geeska afrika. haday noqon lahayd xaga hogaanka, siyaasada, xadaarada, waxaana ka soo jeeda runtii hogaamiyaashii diimeed ku wooga ugu caansan gayiga soomaaliyeed mana aha mid qoraal lagu soo koobi karayo muhiimada ay inoo leeyihiin geesiyaashaasi oo ahaa hormuudka saldanadihii aanu cadceedu ka dhici jidhin;
waxaanu qaybtaan maanta ku soo qaadanaynaa qabiilka Layiile,,

Layiile Sidaan Lawada Socono Waxay ka Tirsan Yihiin
Umadda Direed ee Faraha Badan. Waana Beel dagan konfurta Soomaliya oo ay
qaybo fara badan kaga kala dadsan yihiin Kismayo Ilaa Beledweyne. Mida
kale, Reer Awa Saciid iyo Layiile anaga xagayaga waa ka mid oo waa isla Cali
Madaxweyn. 2-1995-kii anigu waxaan isku dayay in aan uruuriyo Tariikhda
Dadka Direed meelkasta oo ay joogaan Geesta Afrika anigoo isku dayay in aan
Baaro waxa ay Reer Galbeedku ka qoreen dadka Direed. Isla Markaana Baari tankeygi
waxaan ku Tagay Dalka Djabouti, Dire- dhabe, NFD,
iyo Waqooyiga Soomalia. Marka ugu
Horeeysa qoraaga I.M Lewis ee Ingiriiska ah oo Waqooyiga ka qoray Bugaagta ay
ka mid yihiin "Nomadic Democracy"oo ku saleyn jiray Buugaagtiisa Baritaano hore oo Qoraaga Talyaaniga ee la yiraahdo Cerruilli ayaa aad uga
hadlay Tariikhda Layiile Ali Madaxweyne.

In uu layiile Ali
Madaxweyn ahyeen nimanka ugu awooda weyn Madaxeeyn Direed ilaa 300 sano. ka
Horna ay Jabiyeen Labo Beelood oo kala ah Isaaq iyo Ogaadeen
iyo Ajuurankii ka talin Jiray Dhanka Qalaafe. I.M Lewis "The Layiile Ali
Madaxweyn Dir Became Highly Dispersed and Lost Their Tribal Integrity" 2)
I.M Lewis waxaa uu qoray oo uu sheegay in Dadkan Direed ee Layiilaha ah ay kala
Daadasho, iyo Firir weyn ku Dhacay oo ay ku Dhex Milmeen Ummado kale oo Dir iyo
Shisheeyaba Leh. Waa sidii ku Dhacday Beelah Baajimaal
iyo Dabruube oo Labaduba ku Dhamaaday
Dagaladii ay Ajuuraanka Qalaafo kula galeen qarnigii 1700. Sanadkii
2000-2001 anigoo isku Taxluujinaya inaan ka Salgaaro oon Wax Ka Ogaado
Dadkaan Direed iyo Tariikhdooda ayaan Waxaan Tagay Dalka Ethiopia
oo aan Safar Dhulka ku kala Maray ilaa Dira
Dhabe---Jijiga--Hargeysa---Sheeikh--- Burco---Boorame-Arabsiya iyo meelo kale
oo fara badan waxaanan soo ogaaday Taarikho bada:


Magaalada Diraa Dhabe iyo Jigjiga intaa u Dhexeysa Waxaan
kula kulmay Dadka Indheer Garadka iyo kuwa Tariikhaha Uruuriya oo u kala
Dhashay Dadka Direed Sida Barsuuga, Gurgurah, Akishoda, O Layiile, Gadabuursi
iyo Ciisaba. Waxaa la ii sheegay in
Layiilah Badankiisu ay Dhex Dagaan Gurguraha
oo ay Dad isugu xigaan. Waxa kale oo la ii sheegay in ay Degaan Layiilah Carro Ogaadeen oo xitaa Qaar kamid Ahi ay Xukumaan
Ogadeenka Qaybo Dhan. Waxaa la ii sheegay in Gabyaaga weyn ee Dhoodaan uu Asal ahaan ka soo Jeedo
Beesha Layiile oo waxaa La’yidhi Ninkii Layiile ee Dhalay ayaa Nin Layiilaha
Dilay Una Cararay Deegaanka Ogadeenka Isagoo Wata Canugiisi iyo
xaaskiisii. Odeyaashii aan La kulmay ee Layiile ee Gurgurah la Dagaanaa waxa ay
ii Sheegeen in Kala Daadasho Xoogan ay ku dhacday Beesha Layiile oo ay
Badh Dhankaas Nageele-- ilaa Guure Dhaamoole
ay Gurrah Wada Dagaan, Badhna ay
Waqooyi Galbeed Hargeeysa xageeda jiraan,
laakin xooga Beesha uu u Badan yahay Dhankaan Howdaka.
Magaalooyinka Harta sheeikh iyo Qabri bayax Layiile fara badan ayaan Kula kulmay.
Bartamihii 2000, Waxaan Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa oo aan ku soo Dagay
Xaafada la Yiraahdo Xero Awr. Malin maalimaha ka mida, ayaa Dagaal xoog Badan
ka Dhacay xaafad Xero Awr oo ilaa 400 oo Nin ay isku Soo Baxeen oo ay Suuqa
ilaa Xafadah Dhexdeedi la is Eryadaay:


Maalintii Ayaanu Ku Barjaynaynay Aqal waxaanan La
fadhiyay niman Isaaq oo Habar Awal ah waxaa la igu Yidhi Waxaa Dagalamay
Beel Habar Awal ah iyo Layiile. Anigii yaab ayay igu Noqotay Arrintii, Gadaal
ayaa waxaa la iiga sheegay in Layiilaha ay ku Badan Yihiin Magaalada Hargeeysa
oo ay Si Wayn Isu Dhalaan Reer Gadiid
oo ka mid ah Habar Awal, Waxaa ay Iisheegeen Ragaas inkastoo ay Layiilah aheyn
Isaaq Hadana Reer Gadiika ayaay isla Dhiig Baxaan Layiilah. Maalintii uu
Dagaalka Dhacay Ka Dib Ayaa Waxaanu Israacnay Labo Nin oo
Midna Gurgure yahay midna Surre laakin ku Dhashay waqooyiga,
waxaanu Fariisanay Guri uu leeyahay nin Layiile ah oo odey u ah Layiilah Xafada
Dagan Waxaana Lagu Yidhi nin Direed oo Konfurta ka Yimid ayaa Doonaya
inuu kula kulmo. Ragii meesha iigu Yimid waxa ka mid ahaa Cabdisamad X.
Cabduulahi iyo Xasan Cabdi. Ragaan ayaa ii Sheegay in ay Dadkooda ay Dagaan
Ethiopia Dhanka Hawd oo ay Qaarkalena ay Mandaluug Uwada Guureen Kismayo iyo Hiiraan
oo ay la Dagaan Dirka Dalkaas. Waxa
kale oo ay ii sheegeen Layiilaha in ay Rag iyaga ka mid ah Ay Soo Dageen
Waqooyiga Hargeeysa 200 sano ka hor, Markii ay soo Dageen la Ximiyay oo ay
Dagaalo Fara Badan Galeen Oo Markaa Mag ( Diyo ) Farabadan loo Qabsaday oo ay
Sidaa Darteed Diyada ku Darsadeen Beesha Hargeysa Dagta ee loo Yaqaan Reer
Gadiid inkastoo Aysan Iska Heyb Aheeyn:


Ragaas waxa ay ii Sheegeen in ay isku Dad Yihiin Guurah iyo Gurgurah
Waxa aynaa ii Xisaabsheen Xildhibaanada Barlamaanka iyo Dowlad kilinka Shanaad
ku Jira ee Gurgure iyo Guureba Sidii ay Yihiin Rag Layiila ah.
Qabiilka Direed ee Reer Dood Maalin
Niman Isaaqa Ayaan Qaad la Cunay Markaas Ayaa Ruux u soo Galay oo uu ku Yidhi
Ninkan Idiinla Fadhiyaa Yuu Yahay waxaa ay ku Yirahdeen Waa Nin Direed. Markaas
ayuu Ragii ku xanaaqay oo uu Yidhi, War Soo Idinkoo Dhan Dir MaTihiin, Isaaqow
Maxaad ka Wadaan. Ninkii Markaanu Sheekeysanay in aan nin Direed oo Reer Mahe
Dir ah u Sheegtay oo Ladhashay Maxamed Xiniftire
ayaa (Lilmo Indhihiisa ku soo Joogsatay) Waxaa uu ii sheegay in uu 70
sano jiro Walina Uusan Horey u arkin Qof Dir Sidaan u kala sheeg sheegi
kara, Odeygii ayaa i Weydiiyay Miyaad Maqashay Reer Dood, Hadii Aad Tahay Wiil Direed oo Maxamed Xiniftire
dhalay ? Waxaan ugu Jawaabay Maya ee ii Sheeg, Tolkeey aan Bartee? Odeygii
Waxaa uu igu Yiri Waxaan Ahay Reer Dood,
Reer Doodna waa Dad Direed oo La daga Habar
Jeclo, kana Mida Habar Jeclo Laakin ka soo Jeeda Maxamed Xiniftire. Waxaa u ii Sheegay Odeygaan
in Fananda Weyn ee Guduudo Carwo Ay
Ka Soo Jeedo Reer Dood, Waxaana uu i Siiyay Walakeed oo Jigjiga Dagan oo
uu Igu Yiri Raadi:


Qabiilka Maxbuubta
Aad sheegeyso waxan kula kulmay Nin Darawal ah oo Dagan Magaalada Abaarso Habeen aan ka Doodnay Dirnimada iyo
Shirkii Carta ayaa Rag waxaa i Weeraray Habar Awal ah oo Yidhi Wax Dir la
Yidhaada Majiraan, Geelaa Carta ku sameeyay. Ragii Isaaq ahaa ayaa waxaa iiga
soo dhex Baxay Nin Difaacaya Dirnimada
oo Markii Danbe Si Cad u Yiri Anigu Waxaan Ahay Nin Direed oo ma Diidayo
Dirnimo. War Yaad Dir ka Tahay ayaan ku Idhi Darawalkii Waxaa uu iigu Jawaabay
Anigu waxaan Ahay Nin Direed oo Maxbuubta
ka Mida oo La Dhiig Baxa Reer Shirdoon (Habar
Awal). Markii aan sii War Wareystay ninkii waxaa soo Baxday in Ninkaan
uu Yahay Gaaljecel-- Maxbuub oo Waligood
la Dagaanaa Rerkan Habar Awal Lana Dhiig Baxaan Reer Shirdoon. Ninkaan
adinku Hawiye u arka ama iska Daaya Isagu Waxaa uu ii Sheegtay in uu Yahay
Maxbuub Dirna Yahay Dalkaa Waqooyigana uusan ka Xigin Nina. oo uu Yahay Dal
Direed. Magaaloyinka Arabsiyo-Awbare-Gibiley-Ijaara
-Taysa-Darbiga Waxaan La kulmay Rag fara Badan oo ay ka Mid Yihiin Mandaluug reer galbeeda iyo Gurgure( Reer awbare)
iyo Madiigaan
iyo Beel weynta Gadabuursi oo Si Wacan iiga Waramay Tariikhaha Dadka
Direed:Lasoco Qaybaha Xiga,,,,,,,,,



Beesha Layiile Waxa ay ukala Baxdaa
Sidan,

1 Abkeey Xaaji oo Aderkii Ah

2 Faarax Saciid

3- Abiikar Saciid

4- Sacdi
Saciid

5- Nuur Saciid

6- Cali Saciid

7- Cismaan Saciid

8- Xuseen Saciid

9- Xasan Saciid

10- Cumar Saciid

Isha Tixraaca: Mr Agoon Hagaajintii: Suxufi AbrooneAdal Ghost Group-Ururka Ruuxaanta AadalUnited Kingdom

16 comments:

Unknown said...

Maxumid laakiin waxyaalo farbadan koley waa runtaa lakiin tirada beesha iska sax waa sidaan ahmed iyo siciid waana lix xassan iyo xussen maya aqii is kastba waad ku sax san tahay

Unknown said...

Goley anigane afkaarteyda ayaan soo dhiibaya. Koley somaalida waa sadex dad ahaan sha hooda tirsiimaha hore markaad u fiiriso labo ka mid ah waa wada heyb midan doorsoome weyaan labo wey usku dar daarmeen midkadmid ah waa diirsiimo dardaan midna waa daaq siimo oo sahan doone marka dulucda hadalka waa sadax labo usku dar daarmay iyo mid doorsoome dir ayaa u weynaa dirsiimo ayuu noqday midna waa hawiye daaq ayuu sahan u aaday midna dara oodkii ayuu ahaa oo xoolaha ayuu la joogay isagii ayaa noqday doorsoome marka saas ayaan taariiqda ku ogeyn hadal ama luqda waatii ay ku dhasheen oo ay sadaxda kuwada hadli jireen lakiin kala qaatay xarfaha (d) (h) yaraankii oo qatay (d)

Anonymous said...

Beesha Layiile waxa ay ku hoose jiraan Habar Awal Reer Gadiid. Qaar kalena waxa ay dhex Dagan yihiin oo juffo la yihiin Gadabuursi Adan yoonis -Reer Maxamud xasan. Samaroonta ayay xitaa kursi uga kacay : Samaroon ayaa kursi uga kacay xildhibaan Cabdi Muxumad oo lagu wareejiya Hinda Ismaacil Qaalib Adan yoonis -Reer Maxamud xasan ah Samaroon ayaa kursi uga kacay xildhibaan Cabdi Muxumad ah Hinda Ismaacil Qaalib


Anonymous said...

Adeer beenta iska daa Reer Dood waa niman Habarjeclo ah oo dhalad ah
Waxa la dhahaa Daauud Muuse sheekh isxaaq. Waa iska dacaayad sheekooyinka kale

Unknown said...

Waa sax arinkaas

Unknown said...

Ma.

Unknown said...

Walhi waĆ  tarikh sax
Lakiin laayile odayshoda maa la igu xidhi kara

Unknown said...

Anigah laa laayle qolo kle la dagan ahy

Unknown said...

Meesha ma kiniyaati baa ku jira oo rabba in ay muran dadka geliyaan sidii badda somalia

Qoraagu siduu sheegay wax baa ka jira ee yaan lagu degdegin

Reeruhu siduu sheegay waa isku dhex milmeen
Assimilition baa dhacay

Dir waa dhacantahay waana reerka ugu badan geyiga afrika

Unknown said...

Ila so xarir plz rayan bintu muhamad wyay facebokeyga

Anonymous said...

Xagee jogtana walalo ang Nairobi

Anonymous said...

HAaa anaa ah gabar dir madaxweyna dir ah bisha layile oo reer awsaciid ah❣️

Anonymous said...

Ila so xirir ana ah beesha rer awsacid

Anonymous said...

Booga i.m lewis waan raadiyey waana waayey fadlan magaca booga oo saxan ama linki lagaga gadan karo oo online ah ila wadaag Mahadsanid

Anonymous said...

Mnta waxa alle mhadi ah in layiile mnta u is arursanayo una hurdada ka kacy msha allh besha layiile wa 2 Cali layile iyo geedi layile
Cali layile wxa lo yaqana Rer Awsacid waxyna degan konfurta somalia halks ayey ku leyihin mtalaad her federal iyp heer gbol

Anonymous said...

Anibo sas ahy

Blog Archive