Wednesday, May 4, 2011

MAH MAHYO SOMALIA IYO INGRIIS IYO GABEY

Maahmaahyo Somali iyo ingiriis ah
1. Aabayeelid li'ida goorta iyo goobta. Regardless of time and space.
2. Aadane gef lagama waayo. To err is human.
3. Aammusnaan waa oggolaansho barkeed. Silence gives consent.
4. Af daboolan waa dahab. Speech is silver, silence is gold.
5. Afkeennu waysu ammaan. Between you and me.
6. Akhri sadarrada dhexdooda. To read between the lines.
7. Ammin dumay dib uma soo laabto. Lost time is never found again.
8. Aqooni waa awood. Knowledge is power.
9. Aqoonla'aani waa iftiinla'aan. Learning is the eye of the mind.
10. Aragtida qaanuunka. The eyes of the law.
11. Awr hal waa loo tu’in karaa, ninse naag looma tu’in karo. Love cannot be compelled.
12. Ballandarro waa diindarro. A promise is a promise.
13. Baruur keliya baa baruuro qurmisa. One scabbed sheep infects the whole flock.
14. Baryaaye waa aadane, bixiyana Eebbe weeye. / Dadku waa dalbade, deeqfidiyahana Daa’inka weeye. / Talo maaha aadmigu Tuu uur jecleystee, Hadba waa Ilaahay Arrintuu hirgeliyaa. Man proposes but God disposes.
15. Beeni raad ma leh. Lies have short legs.
16. Beentaada hore runtaada dambe bay u daran tahay. A liar is not believed when he speaks the truth.
17. Bidaari sibiq bay kugu gashaa. Baldness comes up on you stealthily.
18. Budee inta birtu kulushahay. Strike while the iron is hot.
19. Caano uma kabbado. Make no scruple about smth
. 20. Cagta cagta u saar. Breathe down smb.’s neck.
21. Cagweynta ayaa gabyi. Money talks.
22. Calool dheregsani calool baahan kama naxdo. A man with a full belly thinks no one is hungry. / He that is warm thinks all so.
23. Cayaar carruureed. Child's play.
24. Cir kaa dheer, dhul kaa dheer. Between the devil and the deep blue sea.
25. Cunto-u-noole uun ha ahaannin, cunnadase ku noolaasho u quudo. Live not to eat, but eat to live.
26. Dabaggaalle timir gaariwaayay `qadhaadhaa!´ buu yiraahdaa. Sour grapes.
27. Daljirka Daahsoon. The Unknown Soldier.
28. Dantaa lagu ogaadaa naflaha, kii dir kuu xiga’e. / Baahida, dadka waad ku barataa. A Friend in need is a friend indeed.
29. Degdegsiinyo door ma dhaliso. More haste, less speed.
30. Diid ama ha diidin. Willy-nilly.
31. Dil waqtiga. Kill time.
32. Dux iyo dareen la’aan. A dry stick.
33. Dhagax qudha ku dil labo shimbirood. Kill two birds with one stone.
34. Dhammaan wixii dhalaala dheemman maaha. All is not gold that glitters.
35. Dhexdhexaadiye. Go-between
36. Dhex iyo dhexaad. Betwixt and between.
37. Dhibbaan eebo waa laga bogsadaa, dhaawaca carrabka aadanase lagama bogsado. One heals from a spear wound, but not from a wound from the human tongue.
38. Dhibla’aan dheefi ma timaaddo. He that will eat the kernel must crack the nut.
39. Dhurwaaga midka ciya iyo ka aammusa, ka ciya ayaa roon. Better the devil you know than the devil you don’t know.
40. Eebbow iga badbaadi sharka saaxiibbaday; nacabkayga aniga ayaa iska difaacaya. God defend me from my friends; from my enemies I can defend myself.
41. Fadhi-ku-dirir. An armchair fighter.
42. Falka iyo iswaafaji fekerka. To practice what one preaches.
43. Faras-hadiyo foolkiisa lama feydo. Don’t look a gift horse in the mouth.
44. Fool-ka-fool. Face to face.
45. Fuley geesi hortii buu dhintaa. Cowards die many times before their deaths.
46. Fursad munaasabad. Await smb.’s convenience.
47. Fursadda ugu horreysa. At one’s earliest convenience.
48. Gaalka dil, gartiisana sii. Give the devil his due.
49. Gacmo badan ayaa garabsiin hawl fududeeya. / Wadajir bay gacmuhu wax ku gooyaan. Many hands make light work.
50. Gacmo furan. With open arms.
51. Gacmo isweydaartay ayay galladi ka dhalataa. Friendship cannot stand always on one side.
52. Garaadyo laysu keenay ayay garasho ka dhalataa. Four eyes see more than two.
53. Garo naftaada. Know thyself.
54. Geel kolkii loo heeso, goroyo u hees. Speak a different language.
55. Geeriyi nin aanad garanayn iyo geeljire ayay ku wacan tahay. Death is a commonplace only when it happens to camel-herders and to people you don't know.
56. Gees lo'aad kulaylka ayaa lagu gooyaa. Make hay while the sun shines.
57. Gogol rag waa godob la’aan. A good conscience is a soft pillow.
58. Good iyo abeeso waxba isma doorshaan. Between two evils ’tis not worth choosing.
59. Guul ama geeri. Do or die.
60. Guulle haydin gargaaro! God bless you!
61. Habar fadhida legdin la fudud. Easier said than done.
62. Hadal calool baahan ma buuxsho. Fine words butter no parsnips.
63. Hadal daan la qabto ayuu leeyahay. A word spoken is past recalling.
64. Haddii kale. Or else.
65. Had iyo jeeraale ruux toosani ma jiro. No man is wise at all times.
66. Hadduusan qadhaadh jireen, miyaa la qiri lahaa malab? Who has never tasted bitter, knows not what is sweet.
67. Ha dhaafin, ha dhiteen oo dib haw dhigan hawl eegga ku dhawri! Procrastination is the thief of time.
68. Hadhuub caano daata, dabada ayaa la qabtaa. It is no use crying over spilt milk.
69. Hal aad nin ku baratay kaama luminnin. No great loss without some small gain.
70. Hawl aan laguu dirsannin dalaq ha soo orannin. / Hawl yeello. Mind one’s own affairs.
71. Heddeedii / heddiisii baa gashay. One’s time has come.
72. Huriweyto hooyada ikhtiraaca weeye. Necessity is the mother of invention.
73. Iga fog fadqalallo. Out of the woods.
74. Ilaahow, Adaa Qaaddir ah. God Almighty.
75. Indhahaaga oo shan ah. Under smb.'s nose.
76. Indholaawe illaawe ayaa dhaama. Better one-eyed than stone-blind.
77. In la waayo raagidda ayaa ka wacan. Better late than never.
78. Inta aadan falin ka fiirso. Look before you leap.
79. Isha ayaa u macallin ah. Speaks for itself.
80. Isha ka rid. Hit the right nail on the head.
81. Ixsaanka ehelka ayuu ka unkamaa. Charity begins at home.
82. Jidka ku dhac. Hit the road.
83. Ka aammusnaan mu’aamaraad. A conspiracy of silence.
84. Kol hadday wasaayad jirto, waddana waa jirtaa. Where there's a will, there's a way.
85. Kor muuqaal u hayn. Keep up appearances.
86. Kor waayeel waa wada indho. Old birds are not to be caught with chaff.
87. Kuma weeye kuma. Who’s who.
88. Kun iyo kow hawlood. A thousand and one.
89. Kutiri-kuteenno ayaa kadlaynaya. Rumours are going round.
90. Khayr wax kaama dhimmee, shar u toog hay. Hope for the best and prepare for the worst.
91. Labawajiile. Show a false face.
92. Labo daran mid dooro. Of two evils choose the least.
93. Labo oodafo iskama abaal weydo. Claw me and I will claw thee.
94. Lama halmaamaan. Second to none.
95. Lillaahi iyo laqdabo meel ma wada galaan. Straightforwardness and slyness cannot enter one and the same place.
96. Lumi waqtiga. Lose time.
97. Macaan midnimo ayaa leh. Union is strength.
98. Ma noola mana dhimannin. Neither dead nor alive.
99. Mannooge baa raxan leh, maquuste baa reer leh. / Hawlkarnimo waa hooyada hannaanka guusha. Diligence is the mother of success.
100. Mar la dage, digtoonaa. Once bitten twice shy.
101. Mar maaha. Time and again.
102. Masallaha dhulkiyo ciiddu waa, mahudhadaadiiye. East or West, home is best.
103. Meel siday u taallo ayaa loola yaallaa. Do at Rome as the Romans do.
104. Miro gunti ku jira, kuwo geed saaran looma daadsho. A bird in the hand is worth two in the bush.
105. Muunad cadow u ahe, waa dhalan nacab u ahe. An enemy to beauty is a foe to nature.
106. Naasnuujinta iyo naxdingelinta. The carrot and the stick.
107. Naga duw, Eebbow, aafaadka soconaya. God, save us from the present disasters.
108. Nimaad dhashay kuma dhalinnin. Your offspring are not your parents.
109. Nimaan dhididin ma dhergo. No sweet without sweat.
110. Nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan. He that will not work shall not eat.
111. Nin daad qaaday xumbo cuskay. A drowning man will catch at a straw.
112. Nin dhintay kabahiisa ayaa dhaama. A living dog is better than a dead lion.
113. Nin waliba wuxuu yahay ayuu ku moodaa. Measure smb.’s corn by one’s own bushel.
114. Ninba meesha bugta isaga ayay belbeshaa. / Ninba meesha laga hayo, hay ama haabay. Every heart knows its own bitterness. / Everyone talks about the things on his mind.
115. Oofi ereygaaga! Keep one's word.
116. Qaanuun addeece. Law-abiding.
117. Qaanuunka qarjoogta. The jungle law.
118. Qalad qalad ka dabagee qallooc aan la saxin buu dhalaa. / Xumaani xumaan ma dhaqdo. Two wrongs don’t make a right.
119. Qalinka ayaa qoriga ka quwad weyn. The pen is mightier than the sword.
120. Qasad dhammaystirma waa marmarsiinyaha wasiilada. The end justifies the means.
121. Qayaxid daliileed. Burden of proof.
122. Qayblibaax. The lion’s share.
123. Ruux walbowba raaco danahaaga. Every man for himself and the devil take the hindmost.
124. Saafi. Simon-pure.
125. Sababtaas darteed. By the same token.
126. Samraa sed weyn hela. Everything comes to him who waits.
127. Sankunneefle maaha soorunnoole. Man shall not live by bread alone.
128. Sebi saancadde suxufinnimo bar. Teach one’s grandmother to suck eggs.
129. Sixinka ugu wacan safrad weeye. / Garow iidaankiis gaajo weeye. Hunger is the best sauce.
130. Shaki shafeecid shakhsi. Give smb. the benefit of the doubt.
131. Shakhsi aan is xushmaynnin lama sharfo. He that respects not is not respected.
132. Shayddaankuba farax kolkuu, shuush u toog qabine. The devil is good when he is pleased.
133. Shimbir waliba shimbirkeeda ayay la duushaa. Birds of a feather flock together.
134. Shinkeedii baa dhow. She is near her time.
135. Shulleyn ayaa shaafiyayn ka shiddo yar. Prevention is better than cure.
136. Waa wax fahamkoodu iga sarreeyo. It is beyond me.
137. Wadnaha ka qabo. Give somebody a hard time.
138. Waqtigu lacag weeye. Time is money.
139. Wararka suuqa. The talk of the town.
140. War iyo wacaal lagama hayo. Nothing is heard of smb.
141. Wasiilada dhammaystirka. Means to an end.
142. Wax qof dila ayaa qof kale dawo u ah. One man’s meat is another man’s poison.
143. Wax walbaayi waxay ku socdaan sidii loogu talaggalay. Everything is under control.
144. Waxaan naf lahayn. Next to nothing.
145 Af jooga looma adeego.
146 Af macaan, gacan macaan baa dhaanta.
147 Af wax cunay xishoo.
148 Abaal raaga rag baa leh.
149 Adduun waa hadhka labadiisa gelin.
150 Ama afeef hore lahow, ama adkeysin dambe lahow.
151 Ama buur ahaw, ama buur ku tiirsanow.
152 Amaano kugu raagtay yedaa baad moodaa.
153 Aqoon la´aani waa iftiin la´aan.







Doqonkii ogaadeen ahaa doolo laga qaadye.
Alaahu akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene Ashahaaday gaalkuba waase ehelu naarkiiye Uubo weysa waan kugu arkaa Agab salaadeede.
Weyshaan u xiray reer Subeer wiil kafura waaye markay waa Tiraahdaba baqay wagac ka siiyeene.Wadkii dililahaa iyo imoode waramadiisiiye.
Alla may wadnaha joojiyaan waaxid baajira ee.
Cad hadduu carada kaaga dhaco amase cidoobo.
Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno calafka qaarkiise. Anigana caruuraha yaryari wa iga caynkaase.
Maxaan Aadan carab kala hadlaa caaqil baan ahaye
Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye
Nimankaan Haraadkiyo aqoon, hawdka mariddiisa, Kolay haber jeclo muuse tahay, waw handamayaane,Nin waliba haruub u toshiyo,haamo gooniya,Haweenkuna hadday doonayaan,inay hidiidaane.
Iidoor wagaash lahaa wabiga jeexsiiye
Nacasku waa i wiiqaye iidoor waanigii wadaye,waatii waddada aan ku riday, wagacda jiilaale,waa tii wadnaha aan u galay, sida wadaadkiiye, Oo waalidxoortaan ogaa wiish la caridaye
Waxaan oo habeeyaba reer tolkay oodda soo jebiye waa ku waas ardaayada dhigay idhanka toomoodde.
Bada gabay Ismaaciil miraa Buuni ku ahaaye.
Beyd uu akhriyey ma odhan,ya badala kaase.
.
Hal igalay sida ugaxa goray ha igu gaadhnaado.
Midhihii xujaalagu arkoo lagu xariimooye xuduntay fadhiisteen ninkii xaashay laba goore xeerada kacalo aniga wayga xaaraan e.
Ogadeenka noosoo gabyoow waa gar xaajaduye.
Mooyaa ka ciyey baad maqashay reerahaad maca wadaagteene. Waxaad maqashay Madhle iyo Gobley bay midho ku yaaliine Ogadeena midhihii ku guray mohoradiisiiye in aad Himirta muudmuud sataad mihindiseysaaye.
Koley aniga oo aan hawraarsan iyo haa ku odhanaynin, maxaad gacanta ii haysataa waa habeyn dumaye.
Saddexdiiba naag loogu maray oo lagu madoobeeyey, In muraayaddeedii jabtaan marag u haystaaye, Martabtay heshaa waa carmali magac ku yeedhaaye, Iga maarso yaan ina Calaay kuugu malaqsiine.
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne. Dheddigaanshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada e. Haddayan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene. wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine. Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.
Cayuun shaash leh oo wiilkii lahaa shaaha karinaayo Waayeelna xeeb uga shir tegey male Shirshooruuye Isagaan shaarublow Reer Isaaq shucub aan reebeene Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulkii mooyaane, Sharba idin ma daareen haddaad shalay na dhaaftaane Daraan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyeene.
War bal Baaruuda foorari inaan kugu bogi waayo.
Nin la maagay aasaan midho yaraan lagu malaynaynin oo maansada ilaahay baroo macalinkeeda in ma dhoodho loo soo tirshaa wa macno la'aan
Hadii dherer wax taro naagahaa dhicin lahaa geele.Ayaba aabahood oo dhintey dhaxal ka waayaane


Hakaraamo seegina Habaar leygu kari waaye.
Ma mucaarad baan ahay hadaan xaqa ku maansoodo.
Bal Muxuu micneeyoo itaray ministerkaan doortey.
Waan idin masaafurin ilaa toban kun oo meyle
Makhsin baan idiin furi hadhuudh lagu masruuftaaye.
Dabkii lagu gubto faruhu kuma diraabaane.
Hitler baa u weynaa wiil arlada galiya hawl weyne isagaba meel haad ku cunay hubati loo waaye.
Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye.
Ceydiga malaynee nin raga ceymo ma udiidney.
Waa digo hoostu nooshahay korkana degel lamoodaayo.
Waa maxay raga u Muhanayaa Meheradaan haystey.
Amba kama mahoobiyin tolkay maansadaa badane, masarna iyo kharduuna uma tegin mana masaafoonee, kamana mudannin sheekh ii marsha oo macarifo i dheere, Waan mihindisaye ii ma dhigin macallin yeedhsheeye, Waa shay maqaadiir ku yimid aan yar maamulaye,Sow duul masayr ugu dhinteen madadka lay siiyey.
Mahdabtaa Shanaad baan dajoo nala murmaysaanee.
Carabkii qoyani waa hadlaa, hey canjalafaynee in cadaalad sheekadu gashaan kaa codsanayaa.
Hadii geed la jaro oo gudumo looqaato oo barka sare la googooyaa waa wax gar weyne ma guntay ugu ursadeen kan dhacay waa gobkii Maxan ee.
Kadadii la ii qoray horteed in aan dhintaa kaafka kuma taale. Ha karaama seegina habaar lagu kari waaye.
Murti baan ka reeba Hadha iyo Anigu maahmaah'e
Miisaan hadaan hadal lahayn aa macno la'aane.


Geesigii tilmaanaa marbaa fulay u tookhaaye. Nin tabiino kuu guri jiraa kuu talaal noqone. Niman adiga kugu toosin baa kuu takhaashumiye.
Asteexiyo wanaag iyo ninkii ilindi kuu keeni. Ummuurtii aad leedahay ninkii kuu ebyoonahay
Aduunka iyo Aakhiro ninkii aslaaxaahaya. Ninkii maalintaad iilan tahay aano kugu jiidin.Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha.
Eebow nin goba baan ahoo guni rifaysaaye
Maandhow ixsaan lagama tago eed hadaad faliye.
Ma cirkaa lagayn oo dhulka laga gawdiidsan geydhooy maraakiib miyaa gurada loo saari.
Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne
Adigaa jidkii lagugu wici jimicla'aaneede
Jahannama la geeyow haddaad aakhiro u jihato
Nimankii jannow kacay war bay jirin inshaalleye
Jameecooyinkii iyo haddaad, howhartii aragto
Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda.
Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin.
Amaan aniga lay oran karayn, tanu ahaan mayso.
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta
Wax walba wow hurayaa ninkii ii walaal noqone.
Ninka yiri wax baan gani anoo,gol iyo cayn jooga.
Ee yiri badii garacad baan, gudub u weydaarin.
Godka lagu cadaabyow muxuu, go'uhu been sheegay.
Danbiguu falaayaa Uweys loogu dowgalayeCandho dogoble goortaan dillaa roobku noo da’aye
Sargaalka iyo Hindiga waa dilaan uma sujuudaane Surkana waa ka gooyaan dadkii saaxirka ahaaye Soomaalidii uma turaan saaruqa ahayde
Cudud ma leh col kula weerar gala ciidan iyo xooge. Inkastey cid kuu soo diraan waa cidloo kale. Caloosha iyo madaxay sidii dumar cantuugaane.Maandhoow cayaayirka iga daa Carabi waa naage


Qab qab dhaafay baa laba qabiil, qaran ku weydaaye
Haabiilba Qaabiil markuu, qoonsaduu dilayee.
Rag kaa faqay rafiiq nimad tihiin talo lagaa reebay Meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco Layskuma ridaan rido haddaan ruuxu ku eryaynin.
Aakhiro raggii tagey haddan Eebbe ka aqoodo Inna arri jireed iyo nimaan habarti awr goynin Sow waxaan illawaba nin xumi ima ogaysiiyo.
Aboodigu ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye. Orod uma holodo ooglihii adhaxda beelaaye.
Bus xagaa ah jiilaal baryaday qaranka oo biifay. Barqin doog leh nayluhu gugay banana rooraane. Lag baruur leh bowdiyo shanshiyo badhi hadduu waayo. Baraar habartii loog kama furtoo gowrac kama baajo
Baajiri jarkeed waa bukurin laba bikuuroode. Binjaday lahayd saan hadday ugu bilkaynayso. Buluskii biyaha ceel ma sido mana baqool daayo
Geeluba ugaasoow hadduu ayda miranaayo. Abeerkiisa naaxiyo hadduu aaranku is waayo. Isaguba ma kala aamusee waysu ololaaye. Haddaan ina adeereey ku idhi sowma urugootid.


Nin anbaday halkuu aaday waa ula e
koonaaye. Anigoo arkaayaan wadada Erogoo maraye. Abtirsiimadii
baa ihoday Adan Carabowe.
Ayaan iyo labo wax kabadan eregtu
waax ceebe nin amaano necebbaan ahay oo iguma aameene.
Amarkii Ilaah iyo wakhtigu waa wax kaa adage.


Luqmo dheerahaan helay hadday laqanyo kaa hayso Anigguba markaan kaa lal maday iima lood samine Lubigii walaalnimo ninkii laalay baad tahaye. Gablan lexo jecloy waa wiixii lumiyey Ayjeexe


Idin bacasa awrkay dhashiyo, aarankay wadatay.
Asxaabihii horaba, way ku intifaaceene.
aakhiro ninkaan geel lahayn, lama ammaanayne.
Maxaan idinla awlaadsadaa awgayoow,awr ma dhaansado e


Haddaan gabaygu uurkoo bukiyo, arami kaa keenin Amaan olol xanuun iyo jacayl,kugu ikbaarayni.Afkuu baad ka leedahee tixuhu, arar ma yeeshaane.



Ragoow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado.
Hadii reerka neef laga Ajalo Waa Abaar kulule Adimda Hadii ley karshoon Awlalada laasto In aan Adarka kula Fuuqsada waa Asluubxumo'e maxaad Fuudka ii soo Ag dhigi ma ihi iidoore.
Hadaan Anigu Odayoobey oo Anafadii daayey oo Ashaahado mooyee eebo ridi waayey Alaa igu og in aan aabahaa cidu u aarayne .
Kugu xiiqay sidaan kuulahaa xaaxayahay toose, xaguun labada daarood ku daran hays xakabin meele.
Inta kaamil kooriyo kudkiyo kiisku daba joogo Walee Geel nin koolkooliyow kabaradaa dhaanta.
Inkastuu dhabcaal go'an yahuu kuu dhadhamo diido Isagoo dharaar maqan koluu dumar wax kuu dhiibo. Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa waad dhadhamisaaye Waa dhaawac kugu yaal bahdaa dhaqasho weydaaye.
Geenyada la fuulaan xaday iyo gabadha iimowday.
Haddaad moodey in keligaa uu gubaayo jiillaalku Sangihii garbaha waynaa geed ka kici waaye wakaa gooni daaqii habsadey gubaddii hawde.
Aniga oo arkaayaa faraha laygu iibsadeye.
Ha fur furin dermada la iga waa ina fadhiistaaye.
In kastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo bad kalluun ku jira koley kutahay amase koob shaaha kulligood adoomaha rabbow qeybshay kimistiiye Nin waliba waxii loo katibay waa la kulansiine Nina inaanu soo kororsanayn kaa hala ogaado


Waxba habar jeclada aan makalay, haw makaabbirine,Shan qolaa mataanaha ka jaban, maxamedkiiniiye. Madmadoobayaal oo dhan baan, loo muraad qumine, Waa muusanow iyo baroor, maansadaad tidhiye,Maadhiinka nimankaan la dhacay, miidha Habar Yoonis, Magta geedquwaax lagu xukumay, waa rag kaa maqane, Ma mardaaddi bay kaa jiraan, muuqan mahayane? Mise waa kuwii lagu mudmuday,maqasha daaqeeda?
Anna waxaan la xoodnaa shalay, iga xayuubsheene, hadba waxaan la xarakaadayaa,waa xogtaan helaye, waa kaa jirkaygii xugnaa,soo xankaakubaye,xoonkii shinnida quudayoo,xoon bax oranaayey,aan xababarshiyo awlallada,cidi la xaalaynin,xawliga durduradaan ka biqi,xeeb inaan tago e,xaaladooda niman baa qarshooy,xani ka raacdaaye,xuurtiyo waraabaha miyaa, xalay ducaynaayey
Nin darxumi waa reerkooda doc uma dhaafaane. dadka kugu diryaa iyo af xumo kugula dulmeeryaaba sidii laba dumar ah oo lawada qabuu kuula diriraaye.
Magligaad afaysaa ku goyn muruqa Yawloowe.
Xasan iyo Xuseen sidood annoo la ii xanbaarayo iyo hadoo gadhkii iyo xaadii ayga ka cadaday. Xabad iyo dilbay noo ahayd reer Xirsi Cimaanne.
Waa nimankaas Higlada quuta iyo heeligaa bariye halalacdii miyeydaan arkeyn hunuga dhiigiisa.


Lama siisan karo xoolo kale, sidigta dhaameele
waxba yaan surweel midab leh iyo,
saacad lay xirane Sicirka dunida geeleennu waa,
ugu sarreeyaaye,
Soomaaligii diidanow waad silloon tahaye


Waxba yaanu xeerkay i marin xoolona i siine
Xaashee nin libin kaa xistiyey xumihi waa yaabe
Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane Balse inay xusuus daran yihiin xaylka kale mooge
Wax libaaxu dhacadiidiyaa gool u dhays bidaye Goortuu dhergaabuu dugaag ugu dhawaaqaaye Ragbaa libinta maantuu dharqado dhaata abidkiise Isagoo dhantacay faarax nuur dhuda ma luuqeeyey
Haddaad ficil hinaasiday asaad hilin kari weydey Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanjabaysaaye
Gabadh waliba waa hooyadeed tay u gurataaye Goonbaartu waxay caasidaa midaanay gaadhayne Ma gudboona gaarida sare iyo gibirta naaxdaaye
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo iyo wiil cartiis qaba intuu amar la ceeryoomay Cindallaahi waa siman yihiin waana laba cayne


Haddey boogi kugu taal, ninkale tiisu kaa dedane.
Haddaad adigu tuur leedihiyo, tootir iyo qaallo.
mid kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicine.


Dhibaatiyo adoo gaajo qaba, dhaxanta jiilaalka.
Dhoor caano laga soo lisoo, yara dhanaanaadey.
Nin dhadhamiyey waa garanayaa, dhul ay qaboojaane.
Goortaad dhantaa baa jidhkaba, dhididku qooyaane


sayidkii cishqiga fuuliyo caliba soo gaadhye
Carruurtay sideen ciirshe meesha iyo Nebigiiye
Cidla lagama beermeen dadkoo cudud waaxida ahe
Waxba qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyaane.



Allhayoow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay. Nin i daaqsanayaana maxaan daafidow kariyey.Jidhku nimaan doonayn maxaan hadalka deeeqsiiye
Ma degdego xaajada maxaan rag u dulqaad yeeshay.


Sagalkii guduutaba miyaan sarar hayaa buuran
Soomaali rubuceed miyaan siin karaa hilib wan


Aduun yadan sidii luqunta diin laabatiyo hooya Goortii an laacaba haddii layga lalinaayo. Oo ayan lugi lug ii raacahayn ma aniggaa laylyi.


Cirku waa daruuraynayaa gooru di'i yaa og. Waa la ii dardaar werinayaa darajaday yaa og. Anigiyo daraawiish midkii dhiig ka di'i yaa og.
Hadii aannan subuubaha ku bixin siriqda layqoolay, maxaa aniga iyo seediyaday saancad kala haysta.
Hadalba waxaan isga dhaafay oo aan haabkiiba ugooyay hooyaday kuway dhashay iyo Hiirad baa inacay e.


Gidigeeda Soomaalidaa guudka ka islaan dheh. Gun markaad u sii fiirisana gaalo taag daran dheh.
Nabi Muxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (csw)
Isagana waxaa lagu jirabay inuu jihaadaaye
Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ka damacdeene
Waxaa murugo iyo qoomamiyo maanqashiyo ciil leh. Maskax iyo garaad iyo wixii muruqba kaa liita. Markuu adiga sharaftaad mudnayd kaa maroorsado e
Naftu inay maqnaato iyo inay mahad ku noolaato. Maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye
Wallee in ayna laakiin ahayn laydha socotaaye. Libin baa dhow ruuxii jihaad laabta ku hayoowe
Soomaalina macnaa lagu yaqaan meel ay joogtaba e. Oo waa hiddaha noo macaan malab siddiisiiye. Mar kastana ma moogaano ee wuu naga dhex muuqdaaye
Waraabaha ku ruugaaya iyo aar ku raamsanaya
Sidday kuugu kala roon yihiin maad u kala reebtid
Ninkii rodolna miisaama ee kiilo raajiciya
Ee raasamaalkuu helaa rubuc ka hooseeyo
Xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra'yigu ma aha
Danbaaburiyo gaaraabidhaan fiid is daba yaacay. Danbas iyo wax nool kay yihiin daa'imaan garane. Dab iyo qiiqna waan kala aqaan saa duqbaan ahaye
Qof walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye. Gacal uu xigaalkood hagraday gocosho dayn waaye


Allaa faxane faroweey haddan kugu filaan waayey. Nin fadeexad neceb baan ahoo waan ku furayaaye.


Lix halkaa ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada
Luquntana haddii laydin jaro lugaha meermeersha


Ramadaan ninka soomay,
Oo soddonkeeda idleeye. Iyomaqaayad mid rudaaya.
Oo hadba rooti karaaneIsma raaci karaane.
Alloow yaa kala reeba


Ma mooyaan kuu tumay Habar Jeclow, gun waa loo mashxaradaaye, ma libin aydaan lahayn baan idin mihiibsiiyey.


Ninba maalin baa loogu iman maxashadiisiiye.
Qoladay markaa haysataad kaga maqnaataane Xaasidnimada maarowday waydiin macaan tahaye.


Dillaal saylad ku raagey, xadhiguu la raftaa.Rubbiyadaan sarrifnayni, kiishadday rafataa.Awrkii heeryo ridaa, haamuhuu ku raftaa
Ruuxa biilka waayana,hilibkuu la raftaa


Nin Qalbi la' Quraan kii u dhigay,Qaaf dheh ku harradye.
Qayrkii ka hare waa ninkii qalay walaalkiise.
Kutubada sidii lagu qarriray,qiil la'Aakhiro.
Halbawlaha suntii idin jartaad hinif ka siiseene
bahashii khalqiga heemisaa loo hadoodilaye
heerkaa intay taagan tahayoo kala higoonayso
anuunbaa u hinqanayee wanaag uma hilawdaan.
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado e







Hala rooro run mooday

Waxaa la yiri (Awoowga aan wax horumar ah qaban intuu noolaa, awlaadiisu waxay ka dhaxlaan inay caayaan Awowgii wax qabtay).

‘Libaax laba raqood lagama wada kiciyo’ (‘Do not attempt to make a lion
surrender two carcasses.’)

 Habar Yoonis, having lost the Presidency, now contested their allocation. A Somali proverb described their mood:

The Hargeysa Peace and Reconciliation Conference, October 1996-February 1997
The Hargeysa Shir-beeleed signalled the formal conclusion of the 1994-6 war. Like Boorame
the conference employed the Beel system of representation to work out a new power-sharing
formula – one that addressed the grievances of the opposition, particularly the Habar Yoonis
among the Garxajis19. This conference also benefited the minorities. The Habar Yoonis clan
gained five more seats in Parliament. Cigaal also gave them four cabinet posts and several
assistant ministerial posts. The Madigaan, Akisho, Abba-yoonis, Gurggure, Jibraa’iil,
Gahayle, Gabooye and the Carab minority clans who were not represented at Boorame, were
given representation in the parliament through the addition of nine new seats.


Hosting a hot tea as Somali traditional way of life spells, he said to them "I tend to suppose that you are Majeerteen. Are you from Omar Mohamud or Osman Mohamud?" Cogitating a response of Omar or Osman, they conversely and rigorously said, "We are from Liban Geshe." Liban Geshe is said that they are less than 50 men, and were never seen two of them residing a place. My ancestor, a poet, was severely astonished by the clan they belonged to and said, "Anigoo lixdan boqol, tolkeey laba nin dheeraaday, miyaa Liibaan Geshe, caawa iga lib roonaaday, oo Lug iyo Leg baan rabaa lig isla soo siiyey." (Sawaqroon is larger than Liban Geshe as Sayyid Mohamed Abdulle Hassan said, "Sawaqroonba waa dad, markey socoto Xaafuun." I have never seen one individual from Liban Geshe, but Nuur Shire Osman who was a BBC correspondent in Puntland five years before was the only Sawaaqroon I have ever met).
Faaarax Oomar ; "Dhulkeyga wax la kala qeybiyo ka yar" in ay maanta ay diidaan somalilnimadii .

No comments:

Blog Archive