Saturday, May 14, 2011

BOQORTOYADA BIMAAL DIR QEYBTII 1

TAARIKHAHA DIR EE LA AASAY WAXAA UGU WEYN TA BOQORTOYADII BIMAAL IYO KACDOONKOODI AY SOMALIA ISKU DAYEEN IN AY KA XOREEYAN GUMEYSTA NOOC WALBA GAAL, CARAB IYO DABADHILIF SOMAALIYEED

1857 BIMAALKA WAXA AY KU BILAABEEN DAGAAL BOQORTOYADII SICIID BARQASH EE CUMAANIYINTA AHAYD IYAGOO U DIIDAY IN AY DALKA KONFURTIISA BANADIR XUKUMAAN.

SULDAANKA BIMAAL AYAA WAXA UU U DIRAY WARQAD BOQORKA CUMAAN OO UU KU LEYAHAY CARABTU SADEX SIYAABOOD AYAY AFRIKA KU SOO GALAAN: DACWA DIIN FAFIS, ISHTARAK GANACSI AMA FATUUX QABSASHO XOOGA AH. SULDAANKA BIIMAAL WUXUU U SHEEGAY IN CUMAAN DIIN FAFIN KARIN WAAYO WAA CIBADI, GANACSI KA FURI KARIN WAAYO SULDAANKA BIIMAAL FASAX KAMEY HELIN, XOOGNA IN AY WALIGEED SOMAALI CARAB KU QABSAN ISKA DAA DIR E.

1)DACWA- IYAGOO DIIN WADA, WAXA UU CUMAANIDA KU YIRI DIIN IYO DACWA KAA AKHRISAN MEYNO OO WAXAAD TIHIIN (CIBAADIYIIN) IBAADITES WAA MADHAB DALKA CUMAAN KALIYA KA JIRTA OO UU UGU YEERAY MADHAB AAN SAX EHEYN ISAGUNA ISKU TILMAAMAY SHAFICI GAADIRIYA HAYSTA IYO AHMADIYA

2)FATUUXNA DAGAAL CARAB WALIGOOD SOMALI UGAGA MACAASHIN

3)WARQADA WAXAA KU QORNAA IN GANACSI AY KA SAMEYN KARIN CUMAANIDU ISKA DAA QALCADO IN AY KA DHISTAAN IYO HIRZ (FORTES) BIMAALKU CUMAANIDA IN AY DHULKA JOOGAAN WAAY U DIIDEEN XAMAR IYO WARSHEEIKHNA AYAY U CARAREEN. CUMAANIDU WAXA AY ADEEGSADEEN BOQORTOYADA GOBROON OO XUKUMI JIRTAY XAMAR BEELAHA HAWIYE EE DAGA IYO RAXANWEYN. GOBROON WAXA AY KA MID AHAYEEN GALADIGA IYO BEELWEYNTA RAXANWEYN DIGIL.

1890 MAJEERTEENKA TALYAANIGA AYAY ISKU DHIIBEEN- TALYANIGUNA SACIID BARQASH WIILKIISI AYAY KU QANCIYEEN IN AY KA KIREEYAAN GOBOLKA BANAADIR MAADAMA AY XUKUM KARI LA YIHIIN BIYAAMAALKA DARAADOOD. KONFURTA BANAADIR TALYAANIGA AYAA KIREYSATAY OO BILAABAY GOBROONTA IN AY HUBEEYAAN.

SAYID MAXAMMED CABDULLE XASAN XITAA TALYANIGA AYUU ISKU DHIIBAY OO TALEEX AYAA LA SOO DAJIYAY WAXAAN HESHIISKA KU QORNAA IN UU JOOGO ITALIAN SOMALILAND KADIB TALYAANIGU KIREYSTAY.

BIMAALKA SADEX GOBARNATOORE GOVERNERS IYO BOQOLAAL TALYAANIYA AYAY DILEEN. XAFADA XAMAR EE KAAMBO AMXAARO AYUU TALYANIGU KEENAY 4000 OO ASKARI OO ERITERIA LAGA KEENAY, 340 CARABA, IYO 10000 OO CIDANA OO GOBROONTU HOGAMINAYSO. BIMAALKU 21 SANO AYAY TALYAANIGA LA HALGAMEEN. GOOBAHA LAFOOLENA UGU YARAAN 46 ASKARI OO GENERAL SEECHI (CEECHI) KU JIRO AYAY KU DILEEN.

TALYAANGU GOOB TAALA AYAY KA DHISEEN SHALAMBOOD OO LA DHAHO VICTORIA DEL AFRICA AADNA ULA YAABEEN GEESINIMADA IYO XAMASADA MUJAHIDIINTA. XILIGII SIYAAD BARRE IYO DOWLADIHII KA HOREEYAY LAGAMA HADAL HALGANKA BIMAAL OO KA DHEERAA KII SAYID CABDULLE XASAN,XITAA SAYIDKA MARKII UU ISKU DHIIBAY TALYAANIGA EE TALEEX SOO DAGAY BIMAALKU DAGAAL KULUL AYAY KULA JIREEN BEEL AHAAN.

GOBROONTA OO XAMAR, WARKSHEEIKH IYO KONFURTA BANAADIR WAKIILA UGA AHEYD CUMAAN IYO TALYAANIGA DHIBAKANAA KU DHACAY

4. Suldaanadii Gelledi, sida suldaan Maxamud, suldaan Yuusuf, iyo suldaan Axmad.
Haddaanu wax ka xusno labadaas maamul, waxaa jira in Suldaan Axmad Yuusuf (1848-1878) uu ahaa suldaankii ugu dambeeyay xilliyadii wacnaa oo ay taariikhda ku yeelatay boqortooyadii Gelledi. Suldaanku wuxuu ku dhintay kacdoon ay Biyamaalku kaga cabanayeen cadaadiskii siyaasadeed ee maamulkii suldaanku uu ku hayay bulshadii degaanka. Dagaalkaas lagu dilay suldaanka wuxuu ka dhacay meel la yiraahdo Aw-Shaafac oo ku dhow degmada Marka, sanadkii 1847-kii. Suldaan Axmad wuxuu xiriir siyaasadeed iyo mid ganacsiba la lahaa suldaankii Sensibaar oo markaas ka talinayay Xamar. Xiriirkaas oo uu ku helay kaalmo dhaqaale iyo mid ciidan ayaa sababay xasilloonidii maamulkii aabihiis iyo kii awoowihiis. Waxaa kale oo jiray ciidamo reer Sensibaar ah oo ku sugnaa degmooyinka Xamar iyo Marka, kuwaas oo dhinacooda ka cadaadin jiray dadka Soomaalida ah. Heesaha dhaqan galay ee inoo muujinaya cadaadiskaas siyaasadeed ! ! waxaa kamid ah tixdan ay Biyamaalku tiriyeen xilligaas :
Inta askar, inta Axmad
Allow Ilaahoow
Intee aadsaheynaa.
Waxaa kale oo ay taariikhdu reebtay, markii Suldaan Axmad la dilay dabadeed, sheeko dhex martay gabar uu suldaanku dhalay iyo nin Biyamaal ah. Gabadha suldaanku dhalay ayaa magaalada Marka waxay ku aragtay nin Biyamaal ah, markaas baa iyada oo aabaheed waydiinaysa, ayay hees waxay ku tiri :
Shucbaale aan kuu gadaa aad shuun ku xiiratee
Shaqo aan kuu xiraa aad ku shoobtidee
Shood bun aan kuu tumaa aad sharuursatee
Aabow Shooblahayga ma ii sheegi kartaa.
Ninkii Biyamaal, isaga oo gabadhii u jawaabaya ayuu wuxuu yiri :
Shucbaalahaaga ad shuun ku xiiro
Shuqadaada adlee ku shoob
Shantaada bun adlee sharuurso
Aabow shooblahaaga an kuu sheego
Aw-shaafac aa shufta looga gooyey
Humbow waraabaa hambuuqahaayay
Haad boorraa hirrigey ku haayay
Hablahaynaa har-haraatihaayay
Hirka maanyaa hab-dhabow ku haayay.

Blog Archive