Tuesday, May 10, 2011

Dir Rooble beesha Damal Muuse sheegatay ee Gaboose Ka soo Jeedo

WAXAAN WARSAN LAHAA DIRKA KOONFURTA DAGAN ANIGOO AH NIN MAJEERTEENA INA DHALEEN DIR ROOBLE MAXAA AY KU DHACDAY IN AY ABTIYAASHEEY OO GABOOSAYAASHA AHAA IN AY ISAGA HAYAAMAN GALKACAYO AYAGOO WAQOOYI AADAY SHEEGTAYNA ISAAQ. MAXAA KEENAY DHIBKAAN? WAA RUN DAD BADAN OO LADHASHAY ABTIYAASHEY WAA JOOGAAN GALKACAYO LAAKIN HADA QUNYAR SOCOD AYAY NOQDEEN DAD KALENA WEY KU HOOS JIRAAN OO DIR AH DAGANA GALKACAYO OO AYAGU GACANTA HAYN JIREEN INTII AYSAN DIR ROOBLE FASHILMIN OO U KALA BIXIN QAAR ISAAQ OO MAGAC CUSUB SHEEGTA IYO KUWOO DIRNIMADOODI SHEEGTA LAAKINSE KA XISHOODA MAGACII HOREE AY LAHAYEEN KUN TIIRSAN DAD KALE??

ABTIYAASHEEY DAGEYSO GABEYGAAN LA TIRIYAY 1909 KII OO SAYIDKU MAJEERTEEN LAF DHAN OO DIR ROOBLE LA DHAHO KU ABTIRSATA . DIREEY MA WAXAAD DHEHEYSAAN MAJEERTEEN OO ILAA INTAAS KU ABTIRSADAY GABOOSE CIDIISA ILAA 800 SANO MANTA MAGACII MA JIRO OO WAA LAGA TANASULAY.???? AQRI GABEYGA CIID XIRSI, GALKACAYO 2005


http://www.aftahan.com/gabayo/sayid/bahdir%20rooble.htm


Bah dir Rooble

Hordhac: Majeerteen iyo Boqor Cismaan ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey isagoo difaacayey Daraawiishta iyo halgankoodii oo Boqor Cismaan laf-dhuungashay ku noqday:


Bahdir inay majnuun wada tahaan marag u haystaaye
Waa niman masakhan oon ahayn midhaha Daaroode
Waa niman siddii Moolaadhabe miciya dheerdheere
Waa niman maddada oo cir weyn oo masiiba ahe
Waa niman lafaha mudhuxsadoon muruqna reebayne
Waa niman haddad min u furtoo malab durduursiiso


Ama aad maqaarreyda geel xero u meegaarto
Waa niman inay mahad naqaan laga malaynayne
Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay maalka oo dararay
Waa niman martidu eeyan tegin madal ay joogaane
Waa niman madaal inay baxshaan loogu muhanayne
Waa niman haddaad gabadh markab ah maqaasiinka u geyso
Wuxuu fiidka horre mayracoo marakabeeyaaba


Waa niman masaladood jabtoo hooyadood mira e
Waa niman misciliisha ugu jira sina u meerkeede
waa niman candhada laga maraa milil ka dhiiqaaye
Waa niman maruubada la’oo minidu dhaaftaaye
Waa niman siddiii mowle bahal laga mareertaaye
Waa niman mareeg lagu dabraa sida maliid awre


Waa niman madhuushoodu tahay mooye qaab darane
Waa niman margigu siiban yahay iyo mataanuhuye
Waa niman macaankii jannada meel aan ku lahayne
Waa niman futadu maastahoo duud maloogna ahe
Waa niman miskaha lagala dhacay qaare madax weyne
Waa niman minjuhu ay yihiin miiqan taag darane
Gabaygaa ha laguu maadsadee mariya oo geeya
Markab nagaga sii qaada oo meel walba u dhoofsha
Nimankii makhaayadaha fadhiyey naga mihiibsiiya

=======================================================================

ciid saxiibow ilaaha cadil ah maxaa isku cebeyneysaa oo laan gaabyasha abtiyaashaa u soo bandhigeysaa. Saar, sheegad, laangaab magan sheegte iyo dad liitaa ka dhashatee



========================================================================
Cayda ma haboona, Dir Rooble waa Dir wali oo meel dheer ma aadin, Habar Yonis waa niman oo dir ah maahe Dirna gala marka Dirtaan dagan mudug waa Dir waana maahe Dir marka Dir Rooble hadii ay Maahe Dirka Mudug dagan ka wareegsadeen oo tolkood oo Habar Yoonis ah sheegtaan saad adigu leedahay ha sheegtaan. Laakin adiga Majeerteenow yaa kuu sheegay in isirka Dir Rooble ka soo jeedin Habar Yonis oo aad ugu riixeydaa Dirka Mudugta.


Dirka Muduga waxa ay sheegaan saan:

Dir Rooble wax la yidhi odeyga Saleeban Cabdalle ayaa bari hore helay Gabar wiil yar wadata oo la yiraahdo Rooble oo saxaraha ku luntay ninkii qabeyna dhintay. Waxa ay sheegtay in uu adeer wiilka yar u yahay Saleeban Cabdalle waayo in uu dhalay nin Maxamed Xiniftire ah. Saleeban cabdaale mudo ka dib ayuu guursaday gabadhii wexeyn u dhashay Cismaan Saleeban Cabdalle. Marka Dir Rooble iyo Cismaan Habar isku hooyo ayeey noqdeen. Afarta Cabdaale wax ay shhegi Jireen in ay leeyihin labo adeer oo kala ah Dir Rooble iyo Habar Deel. Rag badan oo ay ka mid yihiin Ina iigare oo askari ingiriiska u ah iyo Cabdullahi Qarsho iyo Ilmo Gabooseba Dir Rooble ayay ku abtirsadaan. Suurrah ayeyna meel walb la daganayeen. Arintu iyadoo saa tahay ayaan waxan ka war helany Dir Rooble ay yihiin Damal Muuse (Habar Yoonis). Callaa kuli xaal Rooble ama Damal waa niman tolka ah oo Cismaan Saleeban Cabdaale la dhashay. Wixii kale Allahu Yaclam.

posted to The History of the Dir People.. at Sat Apr 02 02:22:40 EST 2005.Posted: Fri Aug 17, 2007 11:00 pm Post subject: DIR ROOBLE,DAMAL MUUSE (HABAR YOONIS)
________________________________________
waraa adi nimankaan sheegadka ah ha difaacin wana sheegeysaaa in ay Saleeban Cabdalle heleen naag uur leh. okey, odeygaad ku abtirsaneysidna waa aroosay aad leedahay oo qeyb adinka idin ka midaa Dir Rooble ilmo Habreeda la ah. Iisheeg xayawanyow wecelkii aad sheegtay iyo wecelkii aad dhehysid anakaadhalnay na is raacino. ani galgaduudaan ka imaaday....1980kii waxaan ogahay ragaas kuwii magacoodi bedeshay la racadeeyay kuwii soo harayna ----ceeb badanaa dhacaday oo wiil iyo walalkiis iyo aabe iyo wiilkiis aa wax kala sheegtay qaarna waa bexeen oo guure

Gabey aaba jiray: oo Beesha Dir Rooble ugu weyn Galin Saciid aa la dhahaa lagu cayay oo ahaa: Galin Saciid waa garacyo gugana rooble sheegta jilaakana geed damal ku abtirsada wax saasa. waxna jirtay in 4 nin oo ayaka ah ay dileen mareexan dhanka xadka Galgaduud oo magtoodina qadan kariwaayeen ilaa laba nin oo kuwii la dilay ay sheegteen laf Dir ah oo magtii loo raadshay
Posted: Sat Aug 16, 2007 5:23 pm Post subject: Bah dir Rooble

________________________________________
HAL WAX AYAA LAGU HAYSTAA RAGAAN

DHABATADA UGU WEYN EE HAYSATA RAGAN DIR ROOBLE LOO AQOON JIRAY WAXA AY TAHAY:

1000 SAN0 DIR ROOBLE AYAA LOO AQOON JIRAY BEESHAAN, XITAA GABAYADII SAYID MAXAMED CABDULE XASAN GABEY DHEER OO LA DHAHO BAH DIR ROOBLE OO UU KU DACAYADEYNAYO MAJERTEEN BAH DIR AYAA JIRAY,MAR KALIYAATAA, MALIN MALIMAH KA MID AH SANADKU MARKUU AHAA 1978 KII AYAY WAX AY BILAABEEN IN AY H.YOONIS SHIRAR IS DABAJOOGA LA GALAAN, WAXANA LAGU AMRAY IN AY ISTICMAALAN MAGAC CUSUB (DAMAL MUUSE) DIB DANBENA LOOGA MAQAL DIR ROOBLE!!!!!!

MACQUUL MIYAA IN NIN MAGAC LOO YAQAANAY 1000 SANO KU DHAWAD OO AY KU ABTIRSADAAN BEELO DHAN OO MAJEERTEENA (BAH DIR ROOBLE) IN MALIN KALIYA UU BADALO MAGICIISI.

MAANTA NIN DADKAASA OO WAQOOYIDAGAN MAGACAA MA SHEEGTO, MAXAA DHACAY?

MIDA KALE WAXAA JIRA ILAA HADA BEESHAN DIR ROOBLE IN LABO NIN OO WALAALO AH MIDNA DIIDO HABAR YOONIS MIDNA WAQOOYI UU JOOGO OO SHEEGTO MAGACAA CUSUB.

BUUGATII ISTACMAARKA INGIRISKA AY U MEERIYEEN ODAYASHA HABAR YOONIS WAX DAMAL MUUSE LA DHAHO KUMA JIRIN.

MARKA DIR ROOBLE WAXAAN KA CODSANAYAA HORTA IN AY ISICMAALAN MAGAC ABAHOOD--DIR ROOBLE-- KADIB WAXA AY DOONAN HA SHEEGTAN -- H.YONIS AMA WAX KALE.

WAXAA HADA KA HORE AAN KULA KULMAY ODAYAAL D.ROOBLE AH HARGEYSA WAXAANAN KU IRI AYAAN DARO AYAA IDIN HAYSATA REER SHEIKH ISXAAQ MANTA IYAAGII AYAA DIRNIMO SHEEGANAYA-- IDINKA MAXAA IDINKA MAMNUUCAY MAGACIINI LA IDIN YAQAANAY-- HABAR YOONISBA ISKA NOQDEE

Posted: Sat Aug 18, 2007 5:42 am Post subject: Bah dir Rooble


________________________________________


Tariikhda Qaboose

Posted: Sun Aug 19, 2007 2:11 pm Post subject:

Mar Dr Gabboose oo kalaa Xabsi la Geshaa

________________________________________
Mar Dr Gabboose oo kalaa Xabsi la Geshaa

By: Cabdulwaaxid Khaliif Cabdulwaxid@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Dr. Gabboose! Waa kuma Dr. Gabboose? Waxaa la sheegaa inuu ku dhashay Walwaal oo ka mid ah ceelasha ugu caansan carro Dannood. Sida ku dhacday dad badan oo ku dhashay dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu heysato ayaa dhaqtarka loo qoray inuu ku dhashay deegaan kale. Warqaddiisa dhalasho waxaa ku qoray inuu ku dhashay Gaalkacyo. Gaalkacyo ayuu ka bilaabay dugsi Qur’aanka iyo waxbarashada hoose. Isagoo gaban ahna Muqdishaa la geeyey halkaas oo uu waxbarashadiisa ka sii watay ilaa uu ka dhammeeyey dugsigii sare ee Banaadir. Dabadeedna wuxuu ku biiray jaamacadda caafimaadka/daawada ee Soomaaliya isagoo ka galay kaalinta koowaad. Sida la sheegay, si loogu diyaariyo inuu macallin ka noqdo kulliyaddaas, waxaa loo diray inuu takhasus ku soo qaato Talyaaniga siina kordhiyo aqoontiisa caafimaad. Mar kale ayuu kaalinta koowaad ka galay jaamacaddaas.

Waxaa magaca dhaqtarku dhegohayga kusoo dhaceen dhowr sano ka hor intuusan caan ka noqon isbitaallada, kulliyada dhaqtarnimada iyo wasaaradda caafimaadka. Anoo labadii sano ee dugsiga sare iigu dambeysay ka dhiganaya Banaadir ayaan ka ogaaday dad aan daris ahayn oo qaraabo la ahaa Dr Gabboose inuu dhigan jiray iskuulkaas. Waxay ii sheegeen inuu ku fiicanyahay waxbarashada sidoo kalana ahaa nin aan lagu aqoon dhib, ceeb iyo waqti-is-dhaafin midna. Micnuhu waa wuxuu ku mushquulsanaa waxbarasho. Hal mar baa magaca Dr. Maxamed Cabdi Gabbose bud soo yiri! Waxaa la is yiri: war wiilkan, ma shanta nin ee horboodayey golihii sare ee kacaankaa dhalay mise qaraabo u ah? Ma wasiir kalaa dhalay? Mise….? Iyadooy joogaan dhaqaatiir isaga dhalikarta oo weliba u ahaa macallimiin buu siduu isagu cadceed yahay iyaguna xiddigo qariyey. Illeyn wiilka waxaa gubaya waa aqoon iyo dadaal uu Ilaahay ku manneystay. Iyadoo dadka Soomaaliyeed u shaqeynayeen qaab qabiil haddana wiilkaasi ma ahayn mid qabiilkiisu meel geeyey sababtoo ah meeshuu ku dhashay iyo meeluhuu ku soo korayba waa looga badnaa qabiilkiisa. Marka Ilaahay baa caqligiisa ku gargaaray.

Haddaad fiiriso taariikhdiisa shaqo, wey adagtahay inaad aragto qof sidaas oo kale sallaanka jagada u fuuli kara. Waxaa la sheegaa inuu 1986 loo doortay agaasimaha guud ee isbitaalkii Digfeer. Sanadkii ku xigay 1987-kii wuxuu noqday wasiir-ku-xigeenka caafimaadka. Waxaa u sii raacay wasiir-ku-xigeenka dalxiiska iyo warfaafinta. Wuxuu kaloo noqday dhaqtarka khaaska ah ee madaxweynaha. Dadka taageera xisbiyada kale ee mucaaradka ah waxay dhahaan abtigiis baa Maxamed Siyaad ahaa! Ma fahmin waxay ka wadaan. Ma madaxweynihii Soomaaliyeed baa iskuul u dhigay? Ma isagaa ka dhigay inuu koow ka galo kulliyadda caafimaadka? Waa qofkee, qofkaan rabi lahayn in Dr Gabboose dhaqtar u noqdo? Ileyn caqli badnaantu waxay keeneysaa in dhaqtarku fahmo waxyaalo aysan dhaqaatiirta kale arki karin. Sidaas darteed, xaq buu u lahaa in madaxweynuhu ka raadsado daaweyn dhaqtarkaas. Iska daa madaxweyne Soomaaliyeede xitaa haddii dadkii ajnabiga ahaa ee Soomaaliya ku noolaa u soo raacsadaan dhaqtarka inuu daaweeyo waxaa khasab ku ahayd inuu daaweeyo. Dhaqtarku xudduud ma leh. Waa inuu daaweeyaa gacal iyo cadow labadaba.

Hadalkii siyaadeed ee ugu horreeyey ee Dr. Gabboose

Dr. Gabboosihii aan ku soo korin dhulka qabiilkiisu dego sidoo kalana heystay waxaas oo jago, magac iyo nimco ah wuxuu ka doortay inuu iskaga tago Soomaaliya. Ma filayo in si shakhsi ah cidi igu dhibtay Xamar ee keliya wuxuu uga tagay mabda’. Waxaa la sheegaa in 1989 ama 1990 mar laanta Afsoomaaliga BBC-du weydiisay inuu wax uga taabto caafimaadka madaxweyihii Maxamed Siyaad ayaa wuxuu Dr. Gabboose bixiyey jawaab la yaab ku noqotay wixii dhegeysanayey isagoo dhaqtarku sheegay in aan la bixin akhbaarta u dhaxeysa dhaqtar iyo qofkuu dabiibayo! Waa jawaab qofkii caqli lihi ka fahmi karo caqliga iyo mas’uulnimada uu xambaarsanyahay dhaqtarkaasi. Waxay tuseysaa xammilaadda iyo dulqaadka dhaqtarkaas, isagoo iska ilaaliyey inuu sheego sirta uu ka hayo bukaankiisa, ugana faa’iideysan xurguftii siyaasadeed. Iska daa Soomaaliye, waa yartahay inaad adduunka ku aragto qof noocaas oo kale ah. Hadalkaas kaddib ayaan gartay in dhaqtarkaasi noqon karo hogaamiye caaqibo leh haddii Soomaalidu ka faa’iideysato.

Burburkii Soomaaliya kaddib, wax aad ah kalama socdo taariikhda dhaqtarka oon ka ahayn inuu Somaliland ka qabtay jagooyin sarsare. Marka taas waxaan naga shaafinaya dadka reer Waqooyiga ah.

Maxaa xabsi loo dhigay Gabboose?

Labada korneyl ee Soomaaliya midna qorigii buu weliba dadka la dhacayaa midna waxaan xabsi-gelin ahaynba ma yaqaan. Riyaale imisa qof buu xiray? Meeye dadkii Soomaali Galbeed ka yimid? Culumadii? Nabaddoonnadii? Iyo hadda oo dhaqtarkii iyo siyaasiyiintii kale uu xiray. Soow Soomaalidu ma tiraahdo: fartaad taqaan qor? Ama: qofna qowlkiisu hadlaa, qorina qiiqiisuu uraa. Waa uun dadka Soomaaliyeed dadka inta beerta geed aan miro dhalin haddana jawaanno u tosha iney ka gurtaan hoobaan bislaatay.

Dhaqanka Soomaalidu waa ka liitaa kii mushrikiinta! Inkastoo mushrikiintii Makaad ay dhibi jireen muslimiintoo dhan haddana marna isku si ulama dhaqmi jirin nabiga (SCW), Abuu Bakar (RC) iyo Cismaan Binu Cafaan iyo muslimiinta kale sida Bilaal (RC), C/hi Binu Mascuud (RC) iyo Yaasir (RC). Maxaa yeelay gaaladu iyagoo muslimiintoo dhan neceb haddana marna ma inkiri jirin kaalinta ay Abuu Bakar iyo Cismaan lahaayeen. Hadda dadka Soomaaliyeed waxay ceyda iyo dhibka ku bilaabayaan dadka noogu mudan sida dhaqtarka oo kale. Mar uu Abuu Bakar (RC) Maka iskaga guuray ayaa waxaa dariiqa uga horyimid nin mushrik ahaa oo ay Qureysh xulufo ahaayeen. Ninkii wuxuu Abuu Bakar (RC) ku yiri: war ma adoo kalaa tolkiis saaraa?! Waxaad u miciintaa masaakinta, waxaad caawisaa kuwo dhibaateysan. Waxaad soortaa martida. Waxaad magangelisaa ciddii kusoo magangasha. Wuxuu tiriyey sifooyin badan oo Abuu Bakar (RC) lahaa. Gaalkii wuxuu yiri na celi anaa Qureysh la hadlayee. Kaddibna sidii baa Abuu Bakar (RC) ugu noqday Maka. Qiyaas, Meles Zenawi oo xukuumadda Riyaale ku leh: war soow Dr Gabboosihii caqligii la arkey lahaa maaha? Soow ninkii isagoo dhallinyaro ah kasoo dhexbaxay dhaqaatiirtii kale maaha? Daaya oo ha xirina!

Hindidu waa maqleen Gaandhi halka reer Hargeysa ay ganafka ku dhufteen Dr. Gabboose! Waxaa ugu daran: Feysal Cali Waraabe waa hogaamiye mucaarad ah. Riyaalana waa madaxweyne halka Dr. Gabboose la leeyahay urur kama mid noqon karo! Waxaan xasuustaa Feysal Cali Waraabe oo soo dhoweynaya xisbiga Qaran isagoo leh: waa soo dhoweyneynaa. Dhowr maalmood ka horna wuxuu lahaa: lama ogola wax ka badan seddex xisbi? Ma waxay dadka u qabaan xoolo sidii la rabo laga yeelikaro?

Dhaqtarka iyo ragga la xirin, inkastooy awalba dahab ahaayeen haddana dabkan iyo imtixaankan (xariga) wuxuu usii kordhinayaa saafinimo iyo iney soo baxaan iyagoo ah kuwa ka sii caansan kana fiiro-dheer siday awalba ahaayeen. Run bey sheegeen odayaashii lahaa waxay noqon doonaan Madeelaha Soomaaliya. Marka halkii maalin oo ay xabsiga kusii jiraanba waxay sii helayaan taageero badan.

Waxaan dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Waqooyiga kula talinlahaa iney iska daayaan qabiilka baas ee halkaas dhigay. Kuwo waxaad arkeysaa Riyaale u taageeraya hebel iyo hebel oo ay isku qabiil yihiin baa faa’iido ku heysta xukuumaddaas isagoon fiirineyn Somaliland. Waa sida aan horay ugu arkey dadka Puntland. Intaas oo sano baan ku hayey: aan iska deyno dadka aan iska dabo ordeyno. Aan fiirinno sawirka guud iyo waxa dadkoo dhami dan ugu jirto. Reer Puntland taladii markey diideen waxay dhaxleen iney weli la sii dagaalayaan qabiillooyinkii Soomaaliyeed. Iney gaareen heer Boosaaso la soo dhigo mashiinno lacag lagu sameeyo markey galeen dagaal qaab daran oo dhaqaalihii Boosaaso ka soo bixi jiray ku filnaanwaayey. Marka maxay tahay dimuqraadiyadda ay Somaliland ka hadleyso haddii qofkii xisbi ka hadlaba xabsiga la dhigayo? Miyeydaan arag in Britain uu hal xubin oo baarlammaan uu xisbi sameystay? Waa George Galloway. Sidee Dr. Gabboose, saaxiibada kale oo qaarkood soo ahaa SNM iyo intaas oo aqoon yahan loo dhihi karaa xisbi ma furan karaan? Marka caqliga isticmaala oo soo dhoweeya dhaqtarka iyo wixii la halmaala. Mise waxaa dastuurka idiin ku qoran: qofkii caqli iyo karti leh ma furan karo xisbi umana tartami karo madaxweynanimo?

Marba haddii Feysal Cali iyo Riyaale xisbiyo ka furankaraan Hargeysa halka Dr. Gabboose iyo kuwii ka tirsanaa SNM aysan furan karin ayaan jeclaan lahayn inaad noo ogolaataan haddaan reer Koonfur nahay inuu noo soo wareego Dr Gabboose. Annagoo idiin ku beddeleyna kuwii soo laayey dadka reer Waqooyiga si ay xisbiyada UCID, UDUB ugu biiraan ama kuwo cusub u furtaan. Ileyn idinkaa kuwii idin soo dhibay ama aan wanaag laga arag hoosta ku wata halka kuwii la arkey kartidooda la liidayo. Marka waxaan ka baqayaa in la arko xisbi ay leeyihiin “walaalaha Tigree”. Maddaama wiilkaasi kusoo barbaaray waxna ku soo bartay dhulka la yiraahdo Koonfurta Soomaaliya, ayaa dadka reer Koonfureed waxay jeclaanlahaayeen iney isku qabiil yihiin Dr. Gabboose oo iyaga loo tiiriyo halka reer Waqooyiga qaarkood qarinayaan caqliga iyo kartida dhaqtarka si mid ay isku qolo u yihiin uu meesha u joogo. Ka reer Mudug ahaan waxaan ku faannaa warqaddiisa dhalasho ee ay ku qorantahay inuu ku dhashay Gaalkacyo marka uu jaamacadaha iyo meelaha la isagu tago ka daho waxaan ku dhashay Gaalkacyo. Idninkuna inta isagii oo socda idiin yimid baad ka faa’iideysan la’dihiin.

Waxaan leeyahay waa in la sii daayo dhaqtarka iyo ragga la xiran si shuruud la’aan ah. Sidoo kalana waa in loo daayo xisbigooda laguna taageero.


Posted: Sun Aug 19, 2007 2:25 pm Post subject: Labo Maqaal oo Gaboose ku saabsan

________________________________________
Aduunka waxa ugu liita ninkii sheegta wax uusan aheyn isagoo la dihi karo waa kafir ilaahey rumeysnen! Ha waa run. Sababtoo ah Illahey ma aminsana ninkii is yiraahda magaca abkaa inkir oo ilaahey kiyaame. War ilaahey ma waxa uu kugu siin waayay magaca abahaa ayuu kugu siin karaa magaca nin kale.
Waa ceeb iyo waji xumo in aad magacaaga oo lagu yaqanay inaad badasho oo magic aan jirin sheegato.

Hadii ay ku toleynayaan dadkaa Mahe Direed ee Isaaq xitaa, ha badalin magacaga. Mise waa lagu diiday Dir Rooble?

=====================================
=====================================


Cabdiwaaxid Khaliif Muxuu soo Kordhiyay: Reer Cabdi-Gaboose Rer Mudug Ma-ahan
Siciid xasan
sdhegacade@hotmail.com
Cabdi Yuusuf Dalab oo ku magac dheeraa Cabdi Gaboose, Ilaahy janadii haka waraabiyee, iskadaa isaga iyo aabihiise, awoowgiissii 15aad waxay kasoo jeedaan deegaankaas teedsan carro mudug korna u aad ilaa bariga Baargaal. Xaaji Cabdi-Gaboose waxuu ka mid ahaa amase hormuud ka ahaa raggii seeska u jeexay magaalada Galkacyo, waxuu ahaa caaqil bahdiisu jeceshahay maamuus iyo xormana ku lahaa tolkiis iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Aniga qoraya maqaalkaan Cabdi-gaboose waxuu iigu toosanyahay awoowe, oo aabbahay adeer buu u ahaa.

Ninkii yaqaan Galkacyo baa garanayee waxuu maqaamkiisa ganacsi garabka ku hayay Xaaji Aden Wabeeneeye oo ahaa Xaajigii dhisay masaajidka ugu wayn Gaalkacyo.una dhawow suuqa macaauunta ee bartamaha magaalada. Gaboose isaga iyo isirkiisaba waxay ku dhasheen deegaanka Mudug, waxuuna ahaa Caaqil ka diiwaan gashan maamuladii isticmaarka iyo kii soomalidaba. Waxuu ahaa halbowlaha ay ku soo hirtaan beesha Dir isagoo lagu yiqiin in gurigiisa sidii Kuleejo oo kale ay marwalba tuunsanaayeen dhammaan jilibyada Dir ee aan u kala soocnayn.

Haddi aan sii faaqido Cabdi gaboose Jilibkiisa waxaa la yiraahdaa Dir-Rooble, waxaana u malayn wiilka la yiraahdo CabdiWaxid inuu maqlay Bah-dir rooble oo ah jilibka ugu caansan Cismaan Maxamuudka Majeerteen, oo macnuhu yahay islaan Dir rooble baa dhashay qabiilkaas lagu abtirsanayo. Cabdi gaboose waligiis lagama maqal waxaan kasoo jeedaa Carro waqooyi oo waayadan dambe qabiilka iyo siyaasadda la isku qassay ayaa is xulafaysi dartiis loo sameeyay isku abtirsiinyo dano siyaasadeed ka dambayso.

Haddaan usoo noqdo arrinka SNM ee uu ka dhawaajiyay Cabdi waaxid. Waxaad ogaataa in rag badan oo u dhashay Dir Mudug ku biireen dagaalyahanadii SNM, ayagoo ka dhiidhiyay arrintii foosha xumayd ee taliskii Barre ku hayay walaalahooda Waqooyi. Waxaana ka mid ah oo hadda kula jooga London Siciid Indhool oo dagaalkaas ku waayay labadiisii indhood ee qaaliga ahayd waligiisna lagama maqal waxaan ahay rer waqyooyi. Ogowna isaga iyo rer Gaboose abtirsiinaya aad bay isugu dhow yihiin. Waxaa kaloo ka mid ahaa ninkii hogaamin jiray garabkii Khalid bin waliid ee allaha unaxariistee Cabdinaasir Sh.Cali Salaad oo ku dhintay dagaalkii u dambeeyay, iyo rag kaloo badan.

Cabdi Waaxid abti intaadan falin ka fiirso, Gaalkacyo markii kuugu horaysay waan xasuutaa oo waxaad timmid markii uu geeriyooday Awoowgay Cabdi-Gaboose sannadkii 1978dii. Marka maanta inaad tiraahdid Dr.Gaboose waxuu ka yimmid Caro walwaaleed isagoo ku barbaaray dhul aan tolkiis joogin. Qadafkaas waa inaad ka istaaqfuralaystaa! waayo dambi weeye haddii qof nasabdii ka leexiso oo aad u jahayso cid aan dhalin. Ka waran haddaan iraahdo Cabdi waaxid shaqo kuma leh ninkii rer Cigalle ee labo lafoodka ahaa ee shaarabada dheeraa oo aan kugu ladho qof kale subxaanallha ima qabato. marka iska jir arrimaha siyaasadda iyo xagga nasabiyadda. Waxaad kaloo kuu sheegin Cabdi Gaboose waxuu abti u yahay Islaanka Cisse Maxamuud ee Islaan Ciise bal waydii oo waxaad tiraahdaa Abtigaa xagge kasoo jeedaa. Teeda kale Galkacyo ilaa golol ilaa Ayl baa tolkiis xoolahoodu daaqayaa oo maanta ina Gaboose haddii galkacyo lagu qafaalan lahaa waxaan u malayn in wax badan la iska waydiin lahaa raggga qafaashay ee meel u carro gedisaday maalin walbana la leeyahay waannu musafurin haku musbaarin


Siciid xasan
sdhegacade@hotmail.com
Shaqadiisii

________________________________________
Dr. Gaboose oo Loo Diiday Shaqadiisii

Sida lagu soo qoray meelo badan oo ka mid websiteska Somaali-diidka ah, waxaa dhowaan shir isugu yimid beesha H/Yoniis oo ka didsan nin ku soo tolloobay reerkaas oo diiday in guurtida Waqooyiga ay xilka kororsadaan.Shirkaasna, waxaa lagu cadeeyey in Dr. Gaboose uu reerkaas ku soo biiray mudda hadda laga joogo 20 sano uusan abidkiisa magacooda ku hadli karin.

Arrintaasna , waxay kaga yaabisay dad badan oo aan aniguba ka mid ahay, sababtoo ah:

1. Waligeeyba , waxaan maqli jiray in Iidoorku ay yihiin Dir sida uu qabay Dr. Gaboose.

2. Dr. Gaboose oo diiday in SSNM uu noqdo ayaa wuxuu ka mid ahaa SNM laga soo bilaabo markii uu wasiirnimadii Siyad uu ka soo cararayn ilaa maanta oo aanu joogno.

3. Halkii uu Koonfurta ka aadi lahaana , wuxuu degay Waqooyiga.

4. Markii Cigaal iyo guurtadiisiiba ay H/yoonistu ay qaadhaceen ayaa Gaboose oo taas ay u aheyd fursad ayaa wuxuu la shaqeeyey maamulkaas.

5. Gaboose wuxuu mar kale ka fa'iideystay magaca H/Yooni si uu ku furto xisbigii Sahan ee aan heysanin taageerada reerkaas oo wakhtigaas ku kacsanaa mamaulkii Cigaal.Taasoo laga garankaro baaqyadii ay wakhtigaas ku lahaayeen anagu maamulkaas kama tirsanin.

Maanta danta reerkaas waa doorasho iyagoo ku liibaanay doorasadii wakiilada ee ku noqdeen beesha ugu tirada badan,taasna waxaa u dheer iyagoo dadka hadda u matala ay yihiin dabadhilifyadii Cigaal oo walibana gudoomiye u yahay Saleebaan Gaalkii Burco burburinteedii ka masĂșulka ahaa.Intaasna , waxaaba sii dheer Ciidagale oo iyaguna la fikrad ah oo illoowi la' in xilligaas Hargeeysa laga qixiyey, lagalana wareegay baacaadlihii magaaladaas.

Ugu dambeyntiina, Gaaboose ayaa shir jawaab u aheed ceyrintii lagaga eryey beesha uu sheegan jirin qabtay , isagoo jawaabtaasna dhinac maray.Wxanse leeyahay Dottore Dirnimadii aad ku ixtiraamneed iskaga soo noqo ,iskana illoow wakhti iyo tacabkii kaa dhumay , ogoowna in cawska jiilaal uu yahay lama huraan.

A.Dirir


Sawir iyo Maqaal ku sabsan Gaboose

http://somalilandpatriots.com/news-3401.html


Geel jire MUUSE CARRE
Posted: Mon Sep 24, 2007 6:35 pm Post subject: TARIIKHDA DIR ROOBLE HABAR YONIS WAA LAGA DHIGAY

________________________________________
Waryaa xayawaan adiga nin laangaaba oo jilicsan aad foorumka oo hadleydaa. Naga dhaaf qurunle isku kalsooneen oo magaciisa diidayaa.

[i]geel markii loo heeso goranyo aad u heestaan Direey[/i]

Dir Rooble waa niman laangaabyo ah oo Bari ka cararay----Waxaana lasheegay in ayagoo abaar dilitagtay oo GEEDKA LA YIRAAHDO DAMAL HOOS FADHIYA in ay soo magan galeen MUUSE CARRE-HABAR YOONIS.

WAXAA LA YIRI NIMANKAAN MAGAN GALYO HA LASIISYO, MAGACOODI HORENA HA BADALAAN. WAXAA LAYESKU RAACAY IN LOO BAXSHO AMA LOOGU MAGAC DARO GEEDKII AY HOOSE FADHIYEEN EE DAMALKA AHAA!!! SIDAAS AYAA LOOGU BAXSHAY DAMAL IYO MUUSE OO AH ODEYGII DHALAY MUSE CARRE.

HAATAN XITAA 75 % DADKA WEXEY SHEEGTAAN MAGACOODI HORE AYAY SHEEGTAN. MARKAA WAXA ILA HABOON IN DADKANI AY KA WANTOOBAN MAGAC BADALKA. HABARYOONISTUNA WEY KU KHALDANEED IN AY ILAA HEER KU KHASBAN NIMAN TOLKOODA IN AY DAFIRAAN DURIYADOODI DIREED.. QUDO SHEIKH ISXAAQBA NIN DIREED AYUU AHAA OO RAG KA XOOG BADAN AYAA JIRAY BARIGII UU DHASHAY OO DIREED OO NASIKH KARI LAHAA.

DIRI HA NOOLATO, NOOLI KULUNTEE

salaad
Guest
Posted: Sun Oct 07, 2007 6:45 am Post subject: dadka suuraha ah ha iskaa dhaafaan dadkaan

________________________________________
dadka suuraha ah ha iskaa dhaafaan dadkaan

aan ka hadalno dadka suuraha ah ee aan anaku masuul ka nahay.

dir rooble suure ma aheyn waxa shaqo ah oon ku leenahay hadii ay isaaq noqdaan ama ciise noqdan ma jirto sababta oo ah abtirka qubeys ama cabdallena ma galaan.

wa Bilaahi Towfiiq


GUNAANAD IYO GABAGABO: HORTA NINKII SHEEGTA MAGAC NIN AAN DHALIN WAA GAAL-- QURAANKAA SHEEGAYA IN UUNSAN NINA BADALIN MAGACA ABKII-- AYADU WAXA AY KU SOO DAGTAY S.A.W OO WIIL UU KORSADAY GAALADU KU SHEEGTAY WAA WIILKIISI MANA GEEYO RASUULKA S.A.W GABADHUU FURAY WIILKII UU KORSADAY. MARKA WEY CADAHAY DIR ROOBLE MAGACOODI WEY BADALEEN OO WEY GAALOOBEEN SABABTA OO AH ILAAHEY MA WAXA UU KU SIINAYAA DAMAL MUUSENIMO WAXA UU UGU DIIDAY DIR ROOBLENIMO MISE ILLAAHEY SUBXAANA WA TACAALA AYAAD KHIYAAMEYN KARTAA... MIDA KALE HABAR YOONISTIIBAABA DIR BAAN NAHAY LEH.

SUAASHU WAA MEXEY DIR ROOBLE MAGACOODI U DIIDEEN OO U QARIYAAN 800 BOQOLOO SANO AY SHEEGAN JIREEN MAXAYSE U SHEEGTAAN UN MAGACAN CUSUB. HABAR YOONIS ABTIRSSINYADOODA WAXAA QORAY INGIRIISKA IYO INTA JUFO AY YIHIIN WALIGEED 1968 KA HOR LAMA SHEEGIN DAMAL MUUSE, OO WAXA LA SHEEGAA IN UU YAHAY GEED LAGU QAABILAY XOOGAHA DIR ROOBLE AH OO MUUSE CARRAH U QAXDAY LAGUNA MAGACAAB AY GEEDKII LAGU HOOS SHIRAY EE DAMALKA AHAA




saxiibayaalow ilaahey ka cabsada dir rooble waa niman Maxamed xiniftire ah oo suure eheyn hadii ay isaaq sheegtaan ama biyomaal ama bajimaal Maxammed xiniftire waaye anaga waxa naga quseeya maleh. suure dir rooble adeer uu u ahaa saasuuna ula joogay meelkasta niman aan xaqdhoorno ay ahyeen waa na dhaleen hadana suure ma quseyso hadii ay isaaq noqdaan ama ciise wali adeer ay noo yihiin 100% 65 wali waa nala dagan yihiin cuqaal iyo arcan iyo tol ay noo yihiin ha laga waantoobo caydaan iyo xifaalaha--- foorumkaan hadii uu suure leeyahayna ha laga baxsho waxaan

dir roble waa niman waalid suure u ah qaar badana dhalay. gaboose isagoo magac direed u jihaaduu ku dhintay wilkiis ma aqaan aniga waxana lagu duugay galkacayo

4 comments:

Unknown said...

Beenta joojiya damal muuse waxa uu ahaa nin uudhalay odaygii la odhan jiray muuse carre kadib damal muuse ayaa dilay nin la odhan jiray uduruxmiin h/j ah sababta uu udilayna waxay ahayd uduruxmiin oo
Yidhi halaga saaro qabriga sh isaxaaq agtiisa ismaaciil carre

Unknown said...

Muuse care ahaan damal muuse wa Habaryoonis haday dir sheegtaana isaaq oo dhan ba dir ah balse sida faqa-shini oo Hawiye ah u dagan Waqooyi ayey u dageen uun koonfur balse Damal muuse wa Habaryoonis asal ah

Anonymous said...

waa runtaa sxb anigaba sidaas ku maqley

Anonymous said...

Damal muuse waa habaryoonise Inta aan lagaa jabsan in Aad ka saarto kuu wacan xogtaan beenta ah

Blog Archive