Thursday, September 15, 2011

Ciisa Madoobe Dir Xeerkooda Murtida Xambaarsan Qodobbada Xeerka Qaar ka mid ah

Murtida Xambaarsan Qodobbada Xeerka Qaar ka mid ah


Kolka laga yimaaddo qiimaha iyo mahuraannimada Xeerka, waxa jira murti fara badan oo lagu kaydiyay qaybo ka mid ah qodobbada Xeerka. Qaybta aad mooddo in si gaar ah loogu fara yaraystay waa xuquuqda qofka iyo bulshada oo lagu tilmaami karo qodobada dustuurka ama ‘constitution’. Waxa murtidaa ugu caansan midda tilmaamaysa sinnaanta, midnimada iyo xuquuqda la wada leeyahay. Waxa ay murtida ‘Ciise waa wada Ciise ninna caaro ma dheera’caan ka dhex noqotay Beesha Ciisaha iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.Waa mid qoto dheer oo aad uga horraysay dhigaalka Xeerka caalamiga ah ee xuquuqda aadmiga ee la dhigay sannadkii 1948kii. Waa murti iyo Xeer ay dadka soomaaliyeed ay ku wada faani karaan. Waxa innoo xoojinaya oo marag u noqonaya murtidaas qotoda dheer tan kale ee ‘Ciise marti ma ahee magan ma laha’. Waxa murtidan ku cad in uu Ciisuhu magan isku lahayn ee uu is marti geliyo. Waa run oo waxa la magan geliyaa cid shisheeye ah oo aan meeshaa la joogo ku tol la’. Waxa ay muridu tibaaxaysaa in uu Ciisuhu yahay tol isku tolane ah oo walaalnimo aawadeed ay ceeb tahay in uu midkood ku kale magan gelyo weydiisto meeshii uu doono ba ha joogee. Nolosha aadamuhu marna kama madhnaato wax cakira oo kolkol na keenta dhimasho iyo dhaawac dhan walba yeelan karta. Arrimahaa iyo raadka ay keenaan ba, waxa ay odayadu u dhigeen dhegeleyo lagu kaydiyay murti qaafiyadaysan. Tusaale haddaan u soo qaadanno, waxa murtidaa ka mid ah: ‘Dirir haku gegdegin, tu sokeeyana haba ku darin’. Waxa murtidan ka muuqata aqoonsiga ay diriri tahay lamahuraan, hase yeeshee ay haboontahay in laga fiirsado oo aan lagu degdegin. Taasi waxa ay qofka ama kooxda ku khasbaysaa in ay mar walba raadiyaan wejiyo kale oo lagu furdaamin karo colaadaha. In kaste oo ay colaadi tahay wax reeban oo laga gaashaanto, haddana waxa ka sii reebnaansho badan oo la adkeeyay tan xigtada ka dhexooganta. Siday doonto ba ha ahaatee, haddii ay colaad ama diriri noqoto mid aan la furdaamin karin, waxa la daba dhigay in lagu dhameeyo aqoonsiga gefka dhacay iyo geedkii lagu ala baxayay. Tani waa mid la isku hor taagayo aano iyo colaad sii socota, sidaa aawadeed na ‘Ciise Boqol amma Buullo maahee Biili ‘Aano’ ma leh’. Dhanka kale, waxa ay odayadu ka hadleen qaabka ay guddidu garta u galayso iyo sida waajibka u tahay in ay caddaaladdu lagamamaarmaan tahay ‘Gari Allay taqaan’. Sidaa aawadeed na waxa la innoo dhigay ‘Walaalkaa maragga ku fur magta na la bixi’. Haybadda iyo sharafta golaha lagu goynayo garta in la ilaaliyo ayaa laga hadlay oo waxa laga reebay in meeshaa wax lagu cuno ama wax la mid ah lagu mashquulo, ‘Guddi raamsanayaa gar ma goyso’ ama ‘Guddi faadhyoomaysi hadal kama fiirsato’.




Sida uu qabo Sh. Mooge Dirir Samatar, Ciisuhuu kolkii ay dejinayeen Xeerka, waxa ay ahayd xilli ay bulshadu soo gaadhay bislaasho dhanka garashada iyo aqoonta ah oo ay isku tashan karto13. Sidaa aawadeed, waxa halkan ku xusan murti lagu kaydiyay dhagarta iyo wixii la xidhiidha. Run ahaantii, dhiiggu waa denbi ugu xun ee uu aadamuhu kala galo, wax uu ka taliyana ugu adag. Waa afeefe, waxa ay odayadu dhagarta iyo aargoosigeeda ku gudbeen in la garnaqsado oo geedka loola dhaco. Sidaa aawadeed, ‘Waxaad Geed ku helaysid Geeddan ha ku doonan’ ama ‘Waxaad Geed ku helaysid, Guluf laguma doono’. Waxa hubaal ah inuu inta badan dhiiggu ka yimaaddo gef iyo adiyad la geystay oo ay gar iyo geed ka furan yihiin. Hase yeeshee, haddii dhabdaradii lagaga jawaabo addin oo ay dhagari ka danbayso, waxa laga taliyaa waxa uu noqonayaa uun dhiigga ee qofku kuma dacwin karo wixii uu dhabdarro tirsanayay. Kolkaa, waxa ay odayadu ku soo duubeen, ‘Dhiig hadduu yimid dhabdarro hadhay’. Si aan loo moodin in uu dhiigga iyo dhagartu dhex mari karto oo keli ah dad kala fog, waxa ay odoyadu tilmaameen in dhiigga ciqaabtiisa aan cid na laga dhaafayn.


Waa mid muujinaysa sida looga digay in la dilo qof aadame ah, kolkaa ma bannaana in aad qof u disho in uu yahay ehelkaa aan lagug qabsanayn waayo:


‘Dhiig dhawaanshoma leh’.


Tusaale kale oo aan u soo qaadan karno murtiyaynta Xeerka waxa ka mid noqon kara dhegaleyda biri-mageydada. In kaste oo ay odayadu si ballaadhan uga hadleen dadka biri-mageydada ah ee ay waajibka tahay in la dhawro oo aan wax la yeelin xilliyada colaadda, halkan waxa aan meel dhow ka tilmaamaynnaa labo kuwaas ka mid ah; waa dadka tamar ay ku dagaallamaan lahayn iyo kuwa maganta ah. Waxa ay kooxda hore sumad uga dhigeen canugga iyaga oo weliba raaciyay sababta ay tahay in loo badbaadiyo oo ah in aanay carruurta iyo ciddii la mid ahi colaad alkumin. Murtidu ‘Cunug col ma alkumo’, Waxa ay noqon kartaa sal adag oo cuskan karo Xeerka biri-ma-geydada.


Kooxda labaad oo uu Xeerku ilaaliya waa maganta oo ay dilkeega na sharafi ka maqan tahay diimaha adduunkoo idil na ilaaliyeen. Xeerashii uu adduunweynuhu meel mariyay qaybtii hore ee qarnigii 20aad, waxa aad uga horreeyay hawraarta soomaaliyeed ee ‘Meel aan magani ku bixin, magac ma yaallo’.Marka uu Xeerku ka hadlayo xil-wadareedka iyo masuuliyadaha wadaagga ah waxa uu ku soo ururshay dhegaleyda dadka waalan. Waa qodobbo fara badan oo ku saabsan sida kolba ay bulshadu iskugu xidhxidhantahay, guud ahaanse ‘Ninka waalan walaalkii baa u fayaw’.


Waxa mid lala yaabo ah in uu Xeerkeennu dhigay dhegeleyo lagu kala baxo haddii dhibaato timaaddo ciyaaraha dhex mara labo qof ama kooxood. In aanu Xeerku waxba ka tegin ka sokow, waxa farxad innoo ah sida ay aqoonyahankii Xeerka dejiyay ay u faahfaahiyeen Xeerasha ku saabsan ciyaaraha. Dhegeleyda gocosta ama kubbadda haddaan soo qaadanno, waxa lagu ciyaarta ba lagu bilaabaa weedh ah ‘Yaa il iyo oof la’?’. Su’aashani dhan kale waa ogaysiis cad oo dadka la soo hordhigayo in aanu isku gelin gegida ciyaarta qofkii wax sheeganayaa. Si kale haddii aan u dhigno, qofka meeshaa lagu ciyaarayay wax ku noqdaa ma laha magdhaw iyo Xeer uu ku ashkatoodo oo geed loogu fadhiisto.Waxa dooddaasi xoojinaya weedha kale ee ciyaarta lagu soo afjaro oo ah ‘Ninba boogtii ha dhaydo’ oo si aan cad saarnayn meesha uga saartay in ciddii wax ku noqotay goob ciyaareed Xeerku magayn mawlaxana u goyn. Shaki kuma jiro in bulshada meel degta ama beelaha oodwadaagta ah ay dhex mari karto colaad iyo aano keeni karta dhiig data. Waxa kale oo aanu shaki ku jirin in ay dhiilla walba odayo ka taliyaan. Iyada oo ay sidaa tahay, Xeerku waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagamamaarmaan u tahay in colaadaha lagu dabbaalo nabadayn. Xeerkaa dhegelaydiisa murtiyaysan waxa ka mid ah, ‘Oday dhiig ka tallaabsaday dhabar ma noqdo’. Waxa intaa dheer in ay beelaha colloobaa heshiisyo gaadhaan colaadaha dhexdooda iyo dabdood ba. Sidaa aawadeed na, waxa uu Xeerku dhigayaa in ballamahaa la dhawro oo aan la jebinin waayo ‘Wacad jabiyow jab baa la yidhi’. Si ay bulshadu ugu noolaato nabad la mahadiyo oo looga hor tago colaadaha iyo nacaybshaha, waxa uu Xeerku reebay in la isku tiriyo gabayo isku dir, cay iyo xumaan sheeg ah. Waxa ay odayadu taasi na u cuskaday murtida ‘Af baa billaawe baxsha’.


Dhinaca siyaasadda dibadda, Xeerka Ciisuhu waxa uu asal ka dhigay in ay dadku wada walaalo yihiin oo ay haboon tahay in ay nabad iyo wanaag ku wada noolaadaan. Taasi waxa ay odayadu u cuskadeen murtida odhanaysa ‘Ciise waa wada Ciise, ninna nin caaro ma dheera’. Waxa la is weydiin karaa meesha ay dadka kale ka soo galayaan murtida aan kor ku xusnay. Jawaabta waxa aan ugu


tegeynnaa hawraarta caanka noqotay ee ay Ciisuhu mar walba iyo meel walba oo ay joogaan ba ku doodaan in uu dadka Ilaahay uumay Ciise wada yahay: ‘Gaalku ba Ciise ayuu ahaaye camalkiisa14 ayaa caddeeyay15’. Iyada oo ay sidaa tahay haddana Xeerku waxa uu dhigay dhegeleyo lagula dhaqmayo ciddii beesha ku soo xadgudubta. Odayadu waxa ay dhigeen murti lagaga gaashaaman karo gefka iyo xadgudubka ka iman kara dibadda sida:


‘Nin dalkaaga doonaya dawyadaada lama baro’.


‘Nin hantidaada doonaya hubkaaga looma dhiibto’.


‘Nin bakhtigaaga jecel baylahdaada looma sheegto’.


Gunaanad


Gebegebada, waxa haboon in farta lagu adkeeyo in ay Soomaalidu guud ahaan ku caan baxday suugaanta iyo murtida qotada dheer ee ay dunidu kale u aqoonsantahay ku na qiimayso. Hantida kale ee ay Soomaalidu wada leedahay waxa ka mid ah Xeerkaa soo jireenka ah oo ay wada lahayd welin wada leedahay haba ku kala danbeeyaane ama haba u kala lexejeclobadnaadaane. Sida aan horeba dooddeenna ugu soo caddaynnay, waxa si layaab leh la iskugu dhafay suugaantii iyo xeerkii oo ay ka dhalatay murtida markii la maqlo ba madaxa loo lulo. Murtidan xeerka xanbaarsan looguma xisho oo keli ah quruxda suugaaneede waxa dheer qiimaha xeerka ay siddo oo la ilaashanayo.


Dhanka kale, haddii soomaalida maanta nool, gaar ahaanna aqoonyahankeegu ay ku bixiyaan ilaalinta hantidaasi dedaal ku filan, waxa hubaal ah in ay da’da yare e soo kacaysa iyo kuwa ka sii danbeeyaa ba ku faani doonaan dhaqankeenna lagu ilaaliyay Xeerka iyo suugaanta is huwan.


Ugu danbaynna, nolosha cusub ee magaalo iyo qaab-dhismeedka dawladnimo ee maanta, waxa lagama maarmaan ah in lagu daleeyo kalsoonidii aan ku qabnay Xeerkeenna sida uu gabyaagu yidhi:


Xeerkii awowgey hadduu xerada ii yaallo


Xamdi mahad Allahayow hadduu xoog ba soconaynin.


Tixraac :


1. Axmed F. Cali ‘idaajaa’, Murtida Maahmaahda Soomaalida, ‘


Qaahira 2005’, p. 9


2 Maxamed Baashe, Hal ka Haleel, Baashe publications,


‘London 2004’, p.200.


3 Ibid bogga 15aad


4 Cabdillaahi Sh. Axmad Buux, Ugaasnimada ku Salaysan Xeerka


Ciisaha, maqaal aan weli la faafin.


5 Axmad Sh. Cali Buraale, Xeer Soomaaligii Hore, ‘Addis Ababa 2008’,


qaybta ingiriiska, bogga 17aad


6 Puntland Development Research Centre, Somali Customary Law


and raditional Economy, Garowe, Somalia, 2003, p. 25


7 Eeg Cali Muuse Ciye, Le Verdict de l’Arbre, international Printing


Press, Dubai, p. 129. Waxa kale oo aad eegtaa Juurnaalka Sahan,


Diridhabe, Mey sannadkii 1993


8 Puntland Development Research Centre, Somali Customary Law


and Traditional Economy, Garowe, Somalia, 2003, pp. 18-19


9. Akhris intaa dheer waxad ugu laabataa, Sheekh Mooge Dirir Samatar,


Al-Ciisaa, Shacbun wa Taariikh, daarul dibaacati wannashri


al-islaamiyah, Qaahira 1995, pp. 163-164


10 Odayada, waxa loola jeedaa halkan aqoonyahankii iyo filasoofyadii


dejiyay ama wax ku soo kordhiyay Xeerka.


11. Filasoofiintii hore ee Giriigga iyo Muslimiintu ba, kolkii ay qeexayeen


aadmiga, waxa ay isku raaceen in uu yahay xayawaan hadli yaqaan


‘fikira’.


12. Xoolaha halkan loolama jeedo oo keliya duurjoogta la dhaqdo e, waxa


looga socdaa nafleyda aadamaha aan ahayn oo dhan, sida dugaagga,


dabjoogta iyo duurjoogta ba.


13. Sh. Mooge Dirir Samatar, Al-Ciisaa.. p. 161


14. Camalka gaalka caddeeyay, waxa ay ula jeedaan in uu Ilaahay ka


gaaloobay, isna uu kaga aargoostay in uu baras ku riday oo uu


midabkiisa geddiyay.


15. Eeg Mooge, p. 161-163




No comments:

Blog Archive