Thursday, September 15, 2011

Jaaliyada Beesha Biyo-maal Ee Ku Nool Somaliland Oo Beenisayay In Beeshooda Uu Ka Tirsan yahay Nin Sixiroole Ah Oo Sheegtay Magaca Beeshaa.


Jaaliyada Beesha Biyo-maal Ee Ku Nool Somaliland Oo Beenisayay In Beeshooda Uu Ka Tirsan yahay Nin Sixiroole Ah Oo Sheegtay Magaca Beeshaa. | Print |

Written by and Posted By Ibraahim
Monday, 11 July 2011 17:46
Afhayeenka beesha Biyo-maal Sheekh Cismaan Sheekh Abuukar(Biyo-maaley) oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku sheegay hadal ka soo yeedhay nin sixiroole ah oo ay maalintii shalay maxkamada degmada Hargeysa ku xukuntay xabsi 3 sanno,kaasoo sheegtay in uu ka soo jeeda beesha Biyo-maal, isaga oo afhayeenku sheegay beeshaas ay tahay mid culimo u badan oo aan ku lug lahayn arrimaha noocaas ah.
“ Beesha Biyo-maal sixirka kuma shaqaysato , ninka shalay la xukumayna been ayuu sheegay mana garanayno, anagu waxaanu nahay dad culimo u badan oo aan caan ku ahayn waxyaabaas, waana wax xaga ilaahay ka fog oo lagu cadaab galo. Waxaan ummada u sheegayaa in jaaliyada beeshan ee degan Somaliland aanay ahayn dad doonayo in ay xumeeyaan walaalahooda soo dhaweeyay”
BIYOMAAL CLASH HABARGIDIR IN MARKA
by Hiiraan boy » Sat Oct 27, 2007 4:36 pm
Xaalada Magaalada marka oo Caawa degan kadib dagaal lagu dilay sarkaal Ciidan oo Maanta ka dhacay. 27 Oct 2007
Posted to the Web 27 Oct 07, 20:28
waxaa Caaw
a degan xaalada magaalada Marka ee xarunta gobalka sh/hoose kadib markii maanta ay ka dheceen dagaalo qaraar oo u dhexeeyay Ciidamada Maamulka gobalka Sh/hoose iyo Maleeshiya beeleedyo hubaysan oo ku kacsan maamulk gobalka sh/hoose.

dagaalkii Maanta ka dhacay gudaha magaalada Marka ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 3-qof oo uu kujiro sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Nabad gelyada Maamulka gobalka Sh/hoose.


sarkaalkan geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Xuseen Jareer oo Maydkiiisa Maanta laga helay afaafka hore ee Saldhiga Booliska Marka , sidookale waxaa Isbitaalka Magaalada Marka la dhigay dhaawacyo kaladuwan oo ku dhaawacmay dagaalkii Magaalada ka dhacay maanta.


Maleeshiyada Beesga Biyamaal ayaa sheegatay in ay ka dambaysay Weerarkii lagu qaaday Ciidamada maamulka gobalka sh/hoose sida uu Saxaafadda u sheegay Sarkaal katirsan beeshaasii isagoona sheegtay in dagaalkii Maanta ay guulo ka gareen sida uu hadalka u dhigay.


waxaa lagu soo waramayaa in Caaw ay xaaladu degantahay, dhinacyadii dagalamayna ay iskula bexeen banaanka magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan Buufoow Bacaad iyo dacaaraha oo ah dhul kayn ah.

No comments:

Blog Archive