Thursday, September 15, 2011

Qeylo dhaanta Dhagtuur iyo Ka hadlid la’aanta shariif ee dagaalkii labo sano ee bacaadweyne [Hiilo Qabiil]

Qeylo dhaanta Dhagtuur iyo Ka hadlid la’aanta shariif ee dagaalkii labo sano ee bacaadweyne [Hiilo Qabiil]

Soomalidu waxay ku maahmaahdaa wixii
caloosha kaaga jiro afkaa ka xado taas waxaan ula jedaa waxa maalinimadi shalay dagaal aad u qaraar uu ka qarxay tuulo ka tirsan gobolka mudug oo magaceeda la yiraahdo dhagtuur,
Taas oo uu isla markiba ka hadlay madaxweyne qabiileedka somaliya ka jiro ee dadka badankis ay yiraahdan madaxweynaha qarankii burburay ee somaliya
Waxaa sida ay umada somaliyed la socoto dagaal uu ka socday mudo dhan labo sanadood degmada bacaadweyne tuulooyin hoostaga ee isla gobolka mudug marna weligis lagama maqal madaxweyne qabilaadkaas asoo weligis ka hadlaayo
Ama xataa gudi u diraayo sidi dhacday dagaal isla gobolkaas ka dhacay oo uu u wixi diray gudi heer wasiir ah taasna waxay cadaynaysaa inuusan aheen madaxweyne qaran ee uu yahay madaxweyne qabiil.
Lakin weli kuma baraarugsana beesha Surre Direed hagardamada iyo jalafada ay wadaan dadka isku shegaayo madax qaran ee waxay weli u heelanyihin sidi dowlad ku shegaas ay u huri lahayeen naf iyo maal sida aan lawad socono beesha surre waxay naf iyo maalba u hurtay sidi ay dalka uga difaaci laheed ururka alshabaab taas oo ay ku wayeen rag badan oo uu ugu danbeeyey gudoomiyihi gobolada koofureed ee ahlusuna walameeca sheeq xasan qoryooleey iyo siyaasiyiin qaali u ah beeshani sida
Drs Qamar aden ali oo qaraxi shamow ku shahiiday iyo rag kale oo badan oo ku shahiiday dagalada gobolada dhexe lagula galay ururka alshabaab lkn taas waxay noqotay inuu madaxweynihi ay umada u hanweyneed uu noqdo madaxweyne fiiriya danta beeshisa keliya ee aan fiirin danaha beelaha kale waxa sida kale aan lawada socona dagalada ka socdo inta badan magalada muqdisho ee lagula jiro ururka alshabaab in ay beesha qeyb lixaad leh ka qadatay oo ay jida hore jogaan ciidankeeda oo uu hor kacaayo Generalka[ Abdikariim Yusuf Dhaga badan], oo si hagar la.aan ah ugu dagalama dowlada kumeel gaarka ah marna beesha Surre ugama fadhin madaxweynihi dhamaa inuu u dhaqmo sida madaxweyne maamul goboleed ama maadaxweyne qabiil hadii dhanka qabiilka la fiiriyana beesha waxa ay la dagaalamayso waa niman isla beesha ah lkn ka soo horjeeda danaha umada somaliyeed anagoo egayno danaha umada somaliyeed baana ka hor marinay danteena qaaska ah waaayo nimanka hor kacaayo ururkan alshabaab waa niman u dhashay beesha Direed.
Sidaas darteed madaxweynuhu wa inuu fiiriyaa danta umada somaliyeed ee uu fiirin danta qabiilkisa ama jufadisa hoose waxaase sidoo kale an dhaliil usoo jedinayaa xildhibanada beesha iyo wasiirada iyo sarakiishada cidanka ee an ku baraarugsaneen hagardamada uu wado madaxweyne shariif iyo xulufadisa hoose ee had iyo jeer ka hor mariya danaha qaranka danaha beeshooda hadii weli beel loo sii ciil qabo wa tan na dhaxalsiisay in aan kuligeen qaxooti wada noqono oo jiilba jiilki ka danbeeyey ay qurbaha ku soo qulqulaan taasna weliged xal ma noqoneyso 20sanadod baa reer hebel wax lagu noqon waayey uma malaynaayo maanta u uu calamka maraayo 2011in reer hebeel ay keligod wax qaban karaan.
Waxa manta lagu jooga xamarna waa ciidanka amisom ee reer hebel xamar ama meel kale difaacan karo majirto ee cadalada haloo soo laabto oo dadka si dhexdhexaad ah haloogu garsooro hadii kale jugjug meshaada joog bey noqoneysaa kuligen qaxooti baan wada noqoneynaa madaxweynaha ha ogoodo in aysan reer hebel dooran ee ay somaali oo dhan doratay oo uu yahay madaxweyne qaran oo uu ka gudbaa madaxweyne qabiil .

Fu,aad abdi warsame.
xuskacadde@hotmail.com
wahun china.
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

No comments:

Blog Archive