Hobyo
http://so.wikipedia.org/wiki/File:Sultan_Yusuf_Ali_Kenadid.jpg
Yuusuf Cali Keenadiid
Magaalada Hobyo Waa Magaalada madaxda Gobolka Hobyo ee Degmada Xays, Waxayna ku Taalaa xeebta Dowlad Goboleedka [ximan iyo xeeb ]] State ee xeebta Badweynta Hindiya. Magaca Hobyo marka uu baxay iyo sida uu u baxay midna si saxa looma yaqaan, hasayeeshe waxaa la sheegay in magacaas oo ah mid da’ weyn in loo maleynayo inu ka yimid laba ereay oo kala ah: “ Hoo Biyoh” sababtoo ah magaalada dhulka xeebta ayaa biyo aad u macaan oo wax ka yar laba feet lagu gaaro. Hobyo waa marso dabiici ah oo ganacsi iyo xiriir dheer la soo lahayd dalalka kulaala Bad Weynta Hindiya iyo Khaliijka .
Magaalada Hobyo Waxaa Dega Beesha Sharafta Badan Ee reer xaaji saleebaan oo Kaliya.
1885 ka hor deegaanka, sida dhulka Soomaaliya ay oga talin jireen nabadoonada-ugaasyada-malaaqyada-wabarada,ayaa waxaa nabadoonadii xiligaas ka talin jiray hobyo iyo agagaarkeeda ka mid ahaa DUQOWDII beesha ee xiligaas,Mohamuud Ayaanle Guuuleed, Cali Cumar, Guuleed Faarax, iyo Shiikhow Caalin, sidoo kale waxaa jirey ganacsato ukal gooshi jirtey Magalada Hobyo iyo Magalada Cadan waxana kamid ahaa AUN nin la oran jire Cali Barre-dheere.1884 markii shirkii Baarliin Reer Yurub ay Afrika qaybsadeen. Talyaaniguna Gobollada Koonfureed uu saanyaday ayuu heshiis la galay Yuusuf Cali (Keenadiid) oo ka soo jeeday Baargal ee Bari, wuxuna Talyaanigu soo siiyay hub iyo dhaqaale farabadan oo uu ku qortay ciidamo iyo dad adoon ah oo laga keenay Afrikada Bari. Sida laga warqabo Talyaanigu dhulka Soomaaliya toos uma qabsan ee qabaailkii Soomaalida ayuu xiriir la samaystay sidaas ayuu tartiib-tartiib dhulka ku wada qabsaday.
Waxana jirtay Laba nin oo Boqortooyo sheegtay waqtigaas oo kala ahaa tii Baargaal oo uu madax ka ahaa Cusmaan iyo tii Hobyo ee reer Keenadiid in labaduba ay Dawladii Talyaaniga wakiil ka ahaayeen oo ay mushaar ka qaadan jireen Talyaaniga.
1885 aya Keenadiid oo dooni wata ka soo degay marsado Hobyo, wuxuna codsaday in loo oggolaado badeeco u wato inu meesha kaga ganacsado, isla markaasna wuxu bilaabay dhismo markii dambe isku rogoy qalcad. Si kastaba ahaatee Keenediid xeelad aan xoog ka marnayn ayu ku degay Hobyo ,isagoo markii dambana Boqor isku magacaabay.Keenadiid xukunka waa laga riday oo dawladdii Ingriska iyo Talyaaniga ayaa gartay in loo dhiibo wiilkisa Cali Yuusf kaasoo isagoo gacan ka helaya dowladdii Talyaaniga soo xukumay Hobyo ilaa 1925.
Talyaanniga marki uu talada ka qaaday Cali Yuusuf, xilka talada deegaanka wuxuu ku wareejiyay Nabadoonnada kala ahaa: Ducaale Kaahiye, Jaamac Seed ,Nuur Cali Cumar,Maxamuud Degel, Xaashi Cilmi Guuleed, Cabdille Gorod, Maxamed Cabdi Dheere, Beered Kulan , Xasan Cilmi Fagaas iyo rag kale oo isugu jiray culumo iyo ganacsato ay ka mid ahaayeen Xaaji Maxamuud Ereg, Xasan Cadde Fiqi, Sheekh Cilmi Barkhadle, Sheekh Cali Yuusuf, Cabdi Khayre(Cabdi Kharaare), Faarax Qaarey, Cusmaan Gurey oo nabadgalyada iyo xasilloonisa iyo nabad ku noolaanshaha Gobolka Mudug qayb wanaagsan ka soo qaatay. Nin la oran jiray Khayre Gabay oo ahaa ragii gabyi jiray Qarnigii 18,una dhashay deegaanka hobyo, aya tix aanu ka hayno intan ku yiri:
Isha Qoolle oogada Hobyood uun horaa degaye
Nimankii awowgood lahaa waa adeegsimo e
Waa laga ijbaaraye marsada lama ibaaxayne.
Tixdan waxaa laga fahmi karaa in magaalada dad hore ay deganaayeen kuwaaso loo ,xoog sheegtay.
Hobyo iyo deegaankeeda waa meel Allaheena Weyni ku mannaystay nicmooyin farabadan , cimiladu waa mid dhex-dhexaad ah, waa deegaan xoola dhaqashada aad ugu wanaagsan oo biyo iyo baadku aanu ka salguurin, inta la xasuusanyahayna weli abaar weyni kama dhicin deegaankaas .
Waa dhul beereed aad ugu wanaagsan tacabka gaarahaan digirta, masaggada,qaraha, qajaarka iyo khudradda yaryar,sidoo kale khayraadka badda waxay ka mid tahay meelaha Soomaaliya ugu kalluumaysiga wanaagsan. Shirkadihii Soomaaliya ka sahmiyay shidaalka waxay sheegeen in Hobyo One iyo ceelhuur oo labaduba deegaanka Hobyo ah in la filayo inuu ku jiro kayd weyn ee shidaal. Waa magaalo xadaarad iyo ilbaxnimo facweyn leh, waxayna can ku tahay kala duwanansha beelaha oo waa meel la wada deganyahay kuwa laga tira badanyahna aan xuquuqdooda aan marna la duudsiin oo weligeedba nabad dadku ay ku wada noolaayeen wixii ka horeeyay 2005,markaaso dad wax ma garad ah ay dagaal ka rideen magaalo xitaa aan qori iyo xabbad aan laga aqoon. Xilliyadii isticmaarka Talyaaniga markii uu Soomaaliya oo dhan qabsaday magaalada Hobyo waxay ahayd saldhigga iyo dekedda inta u dhexeysa Jowhar ilaa Bari ilaa dhulka Soomaali Galbeed.
Sheekh Calisalaad Sheekh Cabdi oo hadda ku nool gobolka- colorado-magalada madaxdiisa- DENVER,ee wadanka Maraykanka. oo in mudo ah madax ka ahaa wasaarada arimaha diinta ee soomaaliya.kana mid ahaa xisbigii SYL ahaana mudanihii ugu horeeyay ee laga soo dooortay Hobyo 1956,deegaan ahaana ka soo jeeda Hobyo, waxaa laga wariyay in uu u soo joogay 35 markab oo isku soo gaartay Hobyo xilligii Talnyaaniga uu u diyaargaroobayay weerarkii Abbisiinya ee lagu weeraray Eithopia.
Magaalada Hobyo waxay ahayd xarun weyn ee aqooneed oo fidinta iyo barashada diinta Islaamka iyo culuumta si wanaagsan uga hirgalay, waxana mudan kaalintii uu ka soo qaatay Sheekh Cali Samatar oo markii hore koonfurta ka yimid hasayeeshe markii dambe Hobyo iyo deegaannadeeda xarumo ka sameeyay kuwaaso culumo iyo dad badniba ka aflaxeen. Waxa kalo xusid mudan in farta Cusmaaniyada ay tahay Hobyo halkii ay ka soo baxday 1921, fartaaso mar ahayd farta rasmiga ee xoogaggii gobonimadoonka ee Leegada iyo xiriirka ganacsiga Soomaalida inteeda badnayd.
Wixii ka dambeeyay 1960 magaalada Hobyo waxaa la soo darsay cadaadis iyo dib u dhac qorshaysan ee kaga yimid Xukuumadihii kala duwanaa iyadoo halis (victim) u noqotay labada dekedood ee Berbera iyo Boosaaso oo xoolaha Soomaaliyaintooda badan laga dhoofiyo ahna goobo aan xooluhu ku badnayn kuna dhaqmi karin ayaa dadka deegaannadaas ka soo jeedaawaxay Hobyo oo ah goob istraateji ah dhan kasta u arkeen cadow mudan in lala dagaallamo taasoo ay si ku meel gaara ugu guulaysteen, hasayeeshe waa hawl la isaga dambeeyo oo rag iyo rabbi leh.
Dib u dhaca kale wuxuu ka soo gaarey dadka u dhashay oo aan isku xilsaarin in deegaankooda ay wax ka qabtaan,markii ay arkeen culayska siyaasadeed ee saaran ayay cadaado iyo Xamar uga soo haajireen halkii ay ku mitidi lahaayeen magaaladooda HOBYO.
Haddaba maantay dadka u dhashay deegaanka Hobyo oo aan filayo inay ku baraarugeen sida ay u horumarinayaan dadka kale iyagoo ka faaidaysanaya khayraadka iyo waaya aragnimada arrimaha dunidawaxaa la gudboon in ay u tafaxaytaan horumarka iyo gacansiinta dadkooda iyo deegaankooda. Shirweynhii lagu Qabtay Magalada cadaado 1 april, 2007 ayaa dadka u dhashay Gobolka ay ku Yagleeleen Dowlad Goboleedka ximan iyo xeeb State ayadoo Taariikhdu markay ahayd 24,April,2008lagu dhawaaqay ximan iyo xeeb State.
Hadaba Tilmaamtii, dadaalkii, iyo Taladii uu Bixiyayeen aqooyahanada ayay kasoo baxeen Dadka u dhashay Gobolka hada loo yaqaan ximan iyo xeeb State.of somalia
Magaalada Hobyo Waa Magaalada madaxda Gobolka Hobyo ee xeebta, Waxayna ku Taalaa dhanka xeebta ee Dowlad Goboleedka ximan iyo xeeb State ee xeebta Badweynta Hindiya.
Gabaygan oo aad ka dareemayso, wadaninimo- sida ilaahay u barwaaqeeyay deegaanka Hobyo,sida dadkeedu u dayacay, sida ay mustaqbalka noqondoonto hadii ale idmo,waxaa curiyay GARYAQAAN, DR.hassan sahal Engineerka
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Saturday, February 4, 2012
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
-
▼
2012
(418)
-
▼
February
(83)
-
▼
Feb 04
(11)
- Hambalyo Taariikhiya Oo Dirayaan Beelweynta Qubeys...
- Shirwayne maantay ay sigu yimaadeen waxgaradka Bee...
- Qubeys iyo Saleebaan by HutuKing01 » Fri Mar 05, 2010
- Kooxda Alsuna Waljamaaca sheegata oo ka soo duusha...
- Xarardheere
- Bacaadweyn
- Afbarwaaqo
- Hobyo
- Dagmada Dilla
- Dagaalkii Somali Galbeed 1977
- Warar Beesha GarreBeesha Dir Siiba Maxammed Xinift...
-
▼
Feb 04
(11)
-
▼
February
(83)
No comments:
Post a Comment