Saturday, February 4, 2012

Warar Beesha GarreBeesha Dir Siiba Maxammed Xiniftire Quranyow Maxammed

Garre waa beel ka mid ah Beesha Dir Siiba Maxammed Xiniftire Quranyow Maxammed ,waxeyna degaan degmooyinka kala ah Afgooye, Tooratoorow, Aw-dheegle, Qoryooley, Farsooley, Bur-god, Buullo-Fullaay, Ceel-Waaq[1]. Beeshaan waxey leedahay lahjad la dhoho Af-Garre.




Ceelwaaqnews-Shirkii Dhowaan uga furmey Beesha Garre islamarkaasna lagu soo dooranaayey Xubnihii Doorashada Baarlamaanka ka qeybgalaya iyo Gudoomiyaha Gobolka Mandera ayaa la soo gabagabeeyey ka dib markii lagu guuleystey in la doorto Xubnihii doorashadaas ka qeybgeli lahaa.
Afarta Beelood ee beesha Garre ka kooban tahay ee Cali Tuuf,Addoole Tuuf ,Assarre Quraanyoow iyo Fuurkeesha Quraanyoow ayaa markii uu shirku furmey waxa beel kasta loo dhiibey inay soo xushaan hal xubin oo u matali doona doorashada dalka Kenya ka dhici doonta dhammaadka Sanadkan.
Beel kasta waxay ku guuleysan weyddey ina keento hal Xubin,marka laga reebo Beesha Addoole oo xubin geysey,Beelaha Cali Tuuf,Assarre,iyo Fuurkeesha ayaa mid kasta waxay Guddiga fulinta iyo golaha Dhaxe ee Beesha Garre hor geeyeen min 3 Xubnood oo tartameyaal ah ,kuwaas oo ay kala doorteen Guddiga Sare ee Beesha Garre oo ka kooban 20 Xubnood.
Beesha Reer Cali waxa Guddiga la horgeeyey saddex Xubnood oo kala ahaa C/qaadir X Aadan(Chito),Dr Cali Ibraahiim Rooba iyo xubin kale oo aan magaciisa helin,waxayna guddigu si aqlabiyad ah u doorteen Dr Cali Ibraahiim Rooba oo Shahadada Master digree ka haysta Bayloodnimo,waxana loo doortey inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Mandera.
Reer Assare waxay soo gudbiyeen 3 Xubnood oo ay horkeeneen guddiga,waana loo codeeyey,waxayna guddiga Beesha Garre si aqlabiyad ah u doorteen Dr.Maxamed Xaaji Cabddoow Maxamed,oo Xildhibaan hore ka soo ahaa degmada Taakaaba,waxana doorashada soo socota laga dooran doonaa Degmada cusub ee Baanisa,mana jiri doono qof la tartamaya sida ay qorsheeyeen guddiga Beesha Garre.
Beesha Addoole,waxay dhaxdoda ka sammeeyeen arrin xiiso badan ka dib markii ay isa soo sharraxeen 5 qof oo diiddey inay isku tanaasulaan,iyadoo shanta qof ay 3 ka mid ah lahaayee aqoon sare oo heer jaamacadeed iyo Master Digree,halka labadii kalena ay aqoontoodu aheyd heer Dugsi sare iyo diploma,markii ay isku tanaasuli waayeen ayaa loo bandhigey in lagu kala saaro doorasho waraaq ah oo nasiib ah,iyadoo inta aaney geli nasiibka lagu dhaariyey Kitaabka Quraanka;ka dib shantii qof ayaa waxa la hordhigey shan waraaqood oo mid ka mid ah haa ku qoran tahay kuwa kalena maya,waxana heley nin haysta darajada Diploma,kaas ayayna reer Addoole horgeeyeen guddiga Beesha Garre,kaas oo ka socda Beesha Bursunni.
Hase yeeshee Guddiga ayaa diidey in ninkaas la qaato waxayna Beesha Bursunni laga dalbadey inay keenaan,qof haysta uga yaraan shahaaddo Jaamacadeed iyo wax ka sarreeya,waxayna soo sharraxeen nin haysta shahaaddada heerka 2aad ee Master digrii ah,kii ay Beesha Addoole keeneen iyo midkaas ayaa guddiga Beesha Garre cod u qaadeen,waxana doorashadii ku guuleystey ninkii Shaahada darajada Sare haysta islamarkaasna ka soo jeeda isla Beesha Bursuni ,waxana laga dooran doonaa degmada Ceelwaaq oo aaney jiri doonin cid la tartameysa;waxana magaciisa la yiraahdaa Dr Maxamed Eeda.
Beesha Fuurkeesha Sidoo kale waxay soo sharraxeen 3 Xubnood oo uu ku jiro Eng.Xildhibaan Muumad, islamarkaasna ah Wasiir ku xigeen,guddiga Beesha ayaa saddexdii cod u qaadey waxana si aqlabiyad ah ku guuleystey Ampassader Eng Muumad,waxana laga soo dooran doonaa degmada Taakaaba iyadoo aaey Cidna la tartami doonin,sida ay go�aamiyeen guddiga Beesha Garre.


Beesha Garre Oo Shir Xasaasi ah Ku leh Ceelwaaq
Published on December 29, 2011 by admin · No Comments
Ceelwaaq-Shirkii ay dhowaan beesha Garre ku yeelatey degmada Ceelwaaq kaas oo lagu qeybsanaayey Xubnaha Xildhibaanada iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaa ku dhow heer gabagabo ah,iyadoo la kala qeybsadey Xubnihii doorashada geli lahaa.

Guddiga beesha Garre iyo Golihiisa Dhaxe ayaa Afarta Jilib ee ay ka kooban tahay Beesha Garre u kala qeybiyey,waxaana jagooyinka la kala qeybsadey ka mid ah, 3xildhibaan iyo Gudoomiyaha Gobolka ,waxana loo kala qeybsadey sidan soo socota.

Beesha Quraanyoow oo u kala baxda Fuurkeesha iyo Asarre ayaa la kala siiyey min hal Xildhibaan,waxana beel waliba laga dalbadey inay soo xulaan Xildhibaan ku xiran Shuruudo adag oo dhinaca waxbarashada Siyaasadda iyo arrimo kale,waxana labadan beelood laga sugayaa inay soo gudbiyaan maanta,lagama soo sheegin wax is qabsi ama ismari waa ah oo ka soo dhax baxey.

Sidoo kale Beesha Tuuf oo ka koobon Cali iyo Addoole ayaa waxa la siiyey Xildhibaan iyo guddoomiye Gobol,waxana Guddoomiyaha Gobolka la siiyey Beesha Cali Tuuf,iyadoo Beesha Addoola laga sugayo inay soo gudbiyaan Xildhibaankii laga dooran lahaa degmada Ceelwaaq kaas oo leh Shuruudaha ay gudiga Sare u gudbiyeen.

Sidoo kale beesha Reer Cali ayaa laga sugaayey inay soo gudbiyaan Guddoomiyihii Gobolka oo tartanka ka qeyb geli lahaa,hase yeeshee wararka maanta na soo gaarey ayaa sheegaya inay beesha Reer Cali gaar ahaan Reer Sabdhaba ay ku heshiin waayeen ninkii noqon lahaa Guddoomiyaha Gobolka.

Wararka ugu dambeeya ee na soo gaaraya ayaa sheegaya in Beesha Reer Sabdhaba oo ka kooban saddex Jilib ay laba ka mid ah isku raaceen nin haysta aqoon sare oo Master Digree,halka musharraxa kale ee ay Beesha kale wadatana uu haysto Shahahaadada Bachelor ama shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda.

Ugu dambeyntii Beelaha reer Cali markii ay ku heshiin waayeen guddoomiyaha musharaxa noqon lahaa ayaa waxa loo gudbiyey Guddiga Sare ee Beesha Garre oo ka kooban,25 Xubnood,kuwaas oo Beesha Reer Cali ka soo dhax Xuli doona qofkii noqon lahaa Guddoomiyaha Gobolka Mandera.

Saddexdii Beelood kale ayaan laga soo sheegin wax isqabsi ama ismari waa ah,waxana la filayaa inay isla burrito soo gudbin doonaan magacyada Xubnaha Saxdde Xildhibaan oo laga soo dooran doono degmooyinkaCeelwaaq,Taakaaba iyo Baanisa.

Sidoo kale xubin ka madaxbanaan afarta Beelood oo Xildhibaan ah ayaa waxa soo xuli doona Gudiga Sare ee Beesha kaasoo tartan ka geli doono degmada Raamo oo ay tartan kaga jirto Beesha Dogoodiye,ka dib markii meel la isla dhigo Xubnihii sida tooska ah loo kala qeybsadey.Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala soco wararkeena Dambe.


Readers Comments (0)




Beelaha sida xooga leh udaga saddexdan gobol waxaa kamid ah: beesha Sheekhaash oo ah labaad ee dagta gobolladan iyaga ah, ayaa dagmooyinka qaarkood ee ay labadan beelood wada dagaan la odhan karaa tiro ahaan Sheekhaash ayaa kaga badan Ogaadeenka. Ugu yaraan 11-15 dagmo ayay wadaagaan babadan beelood, ee sida aadka ah isu dhalay, isuna dhexgalay.

Waxaa kale oo saddexdan gobol qaybo kamid ah dagan, beelaha kala ah: Abasguul, Wayteen, Shariif, Gaadsan iyo beelooyin kale oo yaryar. Waxaan ogaaday oo kale in saddexdan gobol waagii hore la odhan jiray dadka dagan: Aw iyo Ogaadeen. Awga ayaa waxaa hormood ka ahaa Aw Qudub, oo ah Sheekhaash iyo beelaha kale ee lagu tiriyo ama lagu tirin jiray culimada; sida Abasguul, Gaadsan, Shariif, Wayteen iyo Timocase.






K/Somalia Ceelwaaqnews-Wararka naga soo gaaraya Gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inay halkaas weli ka aloosan yihiin Xiisado dagaal oo u dhaxeeya Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin iyo Ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka iyo Ciidamada Kenya oo iskaashanaya.
Xiisadahan dagaal ayaa aad looga dareemayaa degmooyinka Afmadoow,Baardheere,Buurdhuubo iyo deegaanada Ceelcadde iyo Ceelgaduud oo ka tirsan Gobolka Gedo,iyadoo ay Ciidamadan huwanta ee iskaashnaya ay guluf colaadeed ku hayaan qeybo ka mid ah gobolada Koonfurta Soomaaliya.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ayaa la sheegey inay ku dhow yihiin Degmooyinka Afmadow iyo Baardheere,waxana Shacabka magaalooyinkaas soo wajahdey cabsi aad u daran,waxayna billaabeen inay ka cararaan magaalooyinkaas,si aaney qasaare u soo gaarin haddiiba uu dagaal dhaco.
Shaley ayay aheed markii Ciidamadan dagaal ku dhaxmarey deegaanada Xayo iyo Faxfaxdhuun oo ka kala tirsan Gedo iyo Jubada Hoose,iyadoo ay dhinacyada dagaalamey ay labadaba Sheegteen guulo,hase yeeshee ma jiro warar madax ka madax banaan sheegashadooda.
Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya inay halkaas gaareen boqolaal ka tirsan Ciidamada Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,kuwaas oo xoojinaya Ciidamadooda horey ugu sugnaa degmadaas,si uga difaacaan weerarrada Ciidamada iskaashnaya kaga imaanaya.
Gulufka Ciidamada Kenya ayaa waxa wehliya duqeyn diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Kenya,iyagoo sii wada duqeynta ay ka geysanayaa gobolada Koonfurta Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee Gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ka aloosan Xiisado dgaaal oo aad u sarreysa,ka dib markii uu joogsadeen Roobabkii ma hiigaanka ee ka da�ey Koonfurta Soomaaliya.

Ceelwaaq-wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq oo ah halka uu shirka ugu dhammaadey Beesha Garre ayaa sheegaya in Guddiga Beeshu ay 3 jago dib u dhigeen,kuwaas oo kala ah Xildhibaanka degmada Raamo oo la sheegey in Xuduudda degmadaas uu muran ka taagan yahay
,waxana la sheegey in guddiga Xuduud bixintu ay muddo 3 Bilood gudahooda go�aan ka gaari doonaan.

Degmada Raamo ayaa waxa xildhibaankeeda isku haysta Beelaha garre iyo Dogoodiye,iyadoo deegaankaas asal ahaan ay laheyd Beesha Garre hase yeeshee ay si xoog leh u soo degtey Beesha Dogoodiye.

Si kastaba ha ahaatee wararka naga soo gaaraya ilo lagu kalsoon yahay oo aad ugu dhow gudiga ayaa sheegaya in degmadaas la filayo in laga soo Sharraxo Xildhibaan Biloow Aadan Keeroow oo ahaa Xildhibaankii ugu afka dheer ee soo mara Degmada Mandera,marka laga reebo ilaahey ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed-haaddi Siid Cali oo Shil diyaaradeed ku geeriyoodey sanadkii Saddeetameeyadii.

Dhinaca kale waxay gudiga u rahaman jagooyinka kala ah xubin loogu magacdarey aqalka Odeyaasha oo oo Gobol kasta uu leeyahay hal Xubin,waxana Degmada Mandera leedahay hal Xubin,kaas oo la filaayo inuu ka yimaado Beesha Garrre,waxana si weyn loo hadal hayaa Ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Sayid Cabbaas Sayid Cali.

Sidoo kale waxa gudigu dib u dhigeen xubinta ugu sarreysa Xubnaha golaha Haweenka ee deegaanka Mandera haweeneyda hoggaamin doonta,iyadoo la filayo in saddexdaas xubnood qeybintooda dib mar kale la iskugu soo laaban doono.








No comments:

Blog Archive