Saturday, February 4, 2012

Kooxda Alsuna Waljamaaca sheegata oo ka soo duushay Tuulada Xeraale oo Dagaal Gaadmo

Wednesday, June 23, 2010 7:36:17 PM
Kooxda Alsuna Waljamaaca sheegata oo ka soo duushay Tuulada Xeraale oo Dagaal Gaadmo ah ku soo qaaday Magaalada Dhuusamareeb oo galaaftay nolosha dad gaaraya 11 Ruux iyo dhaawac ka badan, deegaanada Cayrna ka dhigay furin colaadeed.

29 January 2009

Mogadishu: Saaka waaberigii ayaa Dagaalo culus oo gaadmo ah oo laga soo Abaabulay Tuulada Xeraale ayaa Kooxda sheegata Ahlu Sunna Waljameeca waxa ay ku soo qaadeen degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaas oo gaadmo ahaa aadna u xooganaa ayaa la sheegay inuu dhexmaray kooxda sheegata Ahlu Sunna Waljameeca iyo xarakadda Al shabab oo hore gacanta ugu heysay maamulka Magaaladaasi.

Dagaalkaan gaadmada ahaa ayaa iyada oo magalada dhuusamereb ay degan tahay waxaa ku soo qaadeen Maleeshiyaad taabacsan Kooxda Ahlu sunna Waljamaaca oo laga soo abuulay gobolka Mudug, xarunna beryahan ka sameystay Tuulada Xeraale, kuwaasoo la sheegay iney Magaalada dagaal kaga soo qaadeen afarta Jiho ee Magaaladaasi soo gasha.

Labada koox Diimeedyo ayaana ka dib isweydaarsaday hub noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo la sheegay in halkaasi uu qasaare naf iyo maalba leh uu ka dhashay dagaalkaas qorsheysnaa ee lagu waxyeeleeynayo dadka deegaanka, iyadoo ka dibna Magaaladaasi laga qabsaday xarakada Al Shabaab oo maamul lagu qanacsan yahay ka sameeyey Degmada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayeen bilihii u danbeeyey.

Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee dagaalka gaadmada ah ay ku soo qaadeen kuuxda xukun doonka ah ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la sheegaya inay ka dhalatay dhibaato weyn oo 11 ruux dhimasho ka soo gaartay iyo dhaawaca ka badan 25 ruux, oo isugu jira dad rayid ah iyo labada kooxood oo dagaalku dhexmaray.

Xoogaggii Alshabaab ee saaka laga xoog roonaaday ayaa la sheegaya iney hadda ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb Bannaankeeda hore, Iyadoo weli ay socoto Abaabul Labada Dhinac ah oo Dagaal la isugu Diyaar garoobayo oo qoryaha la isku afeysanayo, lana filan karo saacad kasta in dagaal ku soo cusboonaado deegaankaasi.

Dadkii deegaanka ayaa isaga qaxay Magaaladaasi, iyagoo u badnaa qoysas hore uga soo barakacay dagaalada ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa ah oo hora u soo rafaaday, haddana geedaha hoos jooga oo ay halkaasi biyo la'aan ku heysaa.

Dagaalada gobolka galgaduud ayaa beryahaan danbe laga soo abuulaa Tuulada Xeraalle, degmada Caabudwaaq, Balanbal iyo deegaano kale qarashka ugu badan bixiya oo ay ka mid yihiin Gal/Mudug iyo Gaalkacyo ee ka tirsan gobolada dhexe.

Dagaalada ku soo noqnoqnaya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guri Ceel ayaa runtii ah mid looga dhigayo deegaanada Beesha Cayr furin Colaadeed oo qatar ah oo iyaga la isku muquuninayo, si aysan siyaasadda iyo nabadda dalka ka socota uga qeyb qaadaan oo la isugu mashquuliyo iyaga loguna burburiyo dhaqaalahooda iyo xoogooda, maadaama ay deeganadaasi ahaayeen saldhiga muqaawamada ee wadanka laga xoreeyey, iyadoo loo danleeyahay in deegaanadooda la burburiyo oo cadwoga Tigreega iyo dagaal oogayaashii intii ay ka gooyeen hadda looga aaro iyadoo iyaga la isku adeegsanayo, balse Ragga iyo waxgaradkoodu u dhashay beesha ma aysan garan oo marna ma fahmi karin qiyaanada laga soo abaabulayo Tuulada Xeraale iyo Huurshe ee ay Gadaal ka soo riixayaan kuwa sheegta Galmudug iyo Puntland oo ay soo maalgeliyaan Jufada Reer Fiqi Muxumad Direed oo qandaraas ku soo qaadatay burburinta deegaanada Cayr iyo Barakicinta dadkooda maatada ah. ALLA DUULKU DUQONSANAA

Hogaamiye ka tirsan Xoogaga Al Shabaab ayaa sheegay in sababta ay uga baxeen Dhuusamareeb ay tahay, iyagoo u naxanaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada oo haddii dagaal ku sii socda ay waxyeelo weyn sii gaareyso, ayna doonayaan in ay wax ka qabtaan xaalada Magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa loo baahan yahay iney ka tashadaan ayaahooda oo ay ka hortagaan labadan kooxood oo magac diimeed ku dagaalamaya oo ah kuwa wada xukun doon ah, balse kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca sheegta ay u dheer tahay isir tirtirid beeleed iyo naceyb xooga iyo koboca dhaqaalaha Beesha degta Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ah kuwa markaan Calankoodu babanayo oo meel laga joogi la'yahay oo dagaalada ka dhexwada dadka deegaanada Dhuusamareeb iyo Guri ceel, laakiin iyana markooda xilli aan fogeyn uu calankoodu dhici doono, oo ay goor dhow shiikhi doonaan, balse waxaa wax laga xumaado ah iney deegaanada Cayr ay ka dhigaan furin colaadeed, oo la waayey cid u istaagta deegaankooda oo ka joojiya shaqsiyaadka aan u dhalan deegaanka oo belawadayaasha ah, oo hoosta ka wada dagaalada soo noqnoqonaya ee laga soo maalgelyo gobolka Puntland. CAYRKU WAX MA GARTAAN MIYAA?

Si kastaba ha haatee Kooxda Qaadiriyada Reer Fiqi Muxumad ee hadda hoosta ka galay magaca Ahlusuna Waljamaaca oo fidnada ka wada deegaanka, ayaa laga filayaa iney berina la soo bixi doonaan mashruucoodi hore oo ay dagaalka kula jiri jireen xerta Ahmediya iyo dariiqooyinka kale oo ay necbaayeen, marka uu dhamaado dagaalkan ay Itoobiya kaartadeeda uga tagtay iney u fuliyaan koox magaca Ahlu sunna Wajamaaca ku shaqeysata ee Reer Xeraale iyo xulafadooda, iyagana waqti yar oo tirsan ayey leeyihiin Insha allah oo waxa ay mari doonaan halka ay mareen kuwii ka xooga badnaa ee ahaa Dagaal Oogayaaha iyo Tigreega Itoobiya oo wadanka Soomaaliya ka cararay ka dib markii ay u babac dhigi waayeen weerada mujaahidiinta oo ku mitiday iska caabintooda, kuwaasoo Reer Xeraale iyo xulafadooda ku muquunin doona Qudrada Allah.

Wixii ka soo kordha kala soco somalidoon.com

Back to top

No comments:

Blog Archive