Friday, February 3, 2012

Qeylo dhaan ba’an oo ka soo yeertay qurba joogta beesha Surre ee Direed”

Qeylo dhaan ba’an oo ka soo yeertay qurba joogta beesha Surre ee Direed”

January 30, 2012 | Filed under: Wararka Somalia | Posted by: fadxi

Waxgarad, indheergarad ,aqoonyahan ,iyo culumaa u diin ka kala yimid USA,EUROPE,AUSTRALIA, oo kulan socday muddo labo cisho ah ku yeeshay caasimada stocolom ee dalka sweden ayaa soo saaray baaq ku wajahan beel weynta Surre, iyo oday dhaqameedyada beesha oo iyagu loo igmaday soo xulitaanka dadka matala beesha oo tayo leh ka dib markii ay qurba joogta beeshu si habsimi ah u falanqeeyeen xaaldihii u dambeeyay ee dalka iyo marxalada kala guurka ee uu dalku marayo iyo waliba ololaha goboleysiga iyo maamul hoosaadyada qerybsiga awooda goloyaasha degaanka ee maamul goboleedyada ayaa waxay dhaliil iyo cambaareyn dusha uga tuureen xildhibaanada iyo wasarada beesha kuwaaso oo aan waxba kala socon hab socodka iyo deegaanada beesha iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ay gacanta dowlada ku soo dhacday gobolka hiiraan oo la wada ogyahay in beesha Surre ay Degaano muhiim ah ka degto gobolka hiiraan sida ,Degmooyinka.

Kabxanleey, Deefow ,iyo tuulooyin badan oo hoostaga labadaas degmo sida Tuulada Dhanaane,Jeerey,Geedo dheer.iyo tuulada beykuul bayaanka beesha ayaa lagu sheegay in labadaas Degmo oo ay beeshu degto iyo tuuloyinka hoos yimaadaba ay xuiliyadii dowladii Aadan cade ee rayidka ay ahaayeen degmnooyin ay beeshu ku xisaabtanto ilaa dowladii uu Hogaaminayay Mudane CAli mahdi.

Hadaba waxaa xusid mudan in Oday dhaqameedyada beesha Surre ay si wanaagsan uga baaran degaan soo xulida iyo igmashada danaha beesha dad matali kara beesha surre oo leh karti iyo hufnaan ay wax kula qeybsadaan dhigooda beelaha soomaliyeed.

Ayadoo bayaanku uu si deg deg ah oo waafaqasan hab raaca goloyaasha deegaanada gobolka hiiraan ay ugu amba baxaan sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen Dadka deegaanka gobolka hiiraan.

Haddii ay dhici weydo in kuwa loo igmaday beeshu ay ka soo dhalaali waayaan howsha aan kor ku soo xusnay ay iska waayi doonaan xulashada golaha baarlamaanka ee beesha Augost 2012 oo ku cad heshiiskii Garowe ee qeybsiga beelaha 4.5 ay beel waliba soo xulan doonto xildhibaanadii u matali lahaa waji cusubna ay beeshu ku baaqayso oo wax ka qabta cabashooyinka beesha surre oo gaaray meeshii ugu dambeeyay

Waxaa saxiixay bayaanka 253 oo qofood oo iskugu jira Waxgarad Aqoon yahan iyo Indheergaradka beesha Surre iyo Haweenka beesha oo qeyb lixaad leh ka qaatay .

Coordinater Of Surre Diaspra
Dr Mohamuud Wacdi Ibraahim
France, Paris

No comments:

Blog Archive