Dastuurka Puntland
|
D A S T U U R K A
P U N T L A N D
M A Y 30 , 2 0 0 9
Dastuurka
Puntland
Nuqulkan lagu sheegay
inuu yahay Xeerka cusub ee Puntland (Final Draft) ayaa noqonaya mid
si-ku-meel-gaar ah loo dhaqan gelin doono haddii uu Golaha Wakiilada Puntland
qalinka ku duugo.
Dastuurkani waxa uu ka
koobanyahay 141 qodob iyo hal lifaaq oo loogu magacdaray “Marxaladda Kala
Guurka“, loolana jeedo isbadelka labada guddi doorasho, wuxuuna si gaar ah
ugu saabsan yahay Guddiga Doorashada ee ku meel gaarka ah. Dastuurkan oo ay
qodobadiisu isugu xiran yihiin mowduuc-mowduuc ayaa waxa saldhig u ah arrimaha
soo socda:
Shareecada
Islaamka.
Nabadgalyada iyo
Xasilloonida.
Xuquuqda Aasaasiga ah
ee muwaadinka.
Baahinta
Xukunka.
Maamulka
Wanaagga.
Habka
Wadatashiga.
Isu dheelitiridda
awoodaha Dawladda:
b. Golaha
Xeer-Dejinta (Golaha Wakiillada).
t. Golaha Fulinta
(Xukuumadda).
j. Golaha
Garsoorka.
Habka Xisbiyada
badan.
Lahaanshaha Gaar
ahaaneed iyo Suuqa Xorta ah.
Waxaa sharaf iyo
qadarin ii ah in aan halakan uga mahadceliyo dhammaan dadkii sida tooska ah iyo
sida dadbanba uga qayb qaatay, qoraalka Dastuurka, saxitaankiisa, doodiisa iyo
guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo kordhintiisa, soona gaarsiiyay
halka uu maanta marayo, asaga oo aan qabyo ahayn, balse dhammeystiran. Waxaan si
gaar ah aan halakan uga mahadcelinayaa Guddigii Dastuurka, dadweynihii qaybta ka
qaatay, Golaha Fulinta (Xukuumadda) iyo Golaha Wakiilada
(Baarlamaanka).
Waxaan mahad ballaaran
halakan u marinayaa Hay’adda “Interpeace” oo ayadu fududeeye ka ahayd
ilaa markii la unkay mashruucan, walina qayb muhiim ka ah socodka looga jiba
keenayo hawshan baaxadda weyn, taas oo dhaqaale iyo farsamaba la garab
taagan
Wasiiru-Dawlaha
Madaxtooyada ee Dimoqaraadiyeynta Iyo Arrimaha Federaalka
Dr. Cabdi Xasan
Jimcaale
بــــســـم الــلــه
الــرحــمــن الـــرحـــيـــم
بــــســـم الــلــه
الــرحــمــن الـــرحـــيـــم
Madaxa I
MABAADIIDA
AASAASIGA AH EE PUNTLAND
QAYBTA
1aad
ASTAAMAHA
AASAASIGA AH
Qodobka
1aad
MAGACA IYO
HIMILADA
1. Magaca Dawladdu waa
Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
2. Himilada Dawladda
Puntland waa taabbagelinta nidaam dawladeed oo ku dhisan wadatashi,
dimoqaraadiyad, sinnaan iyo caddaalad bulsho oo waafaqsan Shareecada Islaamka,
una horseedi karta dadkeeda nabad iyo xasillooni waarta iyo horumar dhinac walba
ah oo ku jihaysan kor u qaadidda heerka nololeed ee dhammaan muwaadiniinta
Puntland iyo ka qayb-qaadashada in himilooyinkaas ay gaaraan dhammaan dadka
Soomaaliyeed.
Qodobka
2aad
SARRAYNTA
SHARCIGA
1. Sharciga ayaa ka
sarreeya qof kasta.
2. Dhammaan hay’adaha
Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga
Qodobka
3aad
HANNAANKA
XUKUUMADDA
1. Dawladda Puntland
waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad
Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
2. Awoodaha Dawladda
Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo
xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis
dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, laguna qeexi doono Dastuurka
Federaalka ee Soomaaliya.
3. Inta laga
dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified),
dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood
Dawlad madaxbannaan.
4. Dawladda Puntland
waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad
iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:
(b) Soomaalida ku
heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka
Federaaliga.
(t) Ay daba dheeraadaan
daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee
Soomaaliya.
6. Awoodda oo dhan
waxaa iska leh dadweynaha, waxayna u idmanayaan mas’uuliyiin ay u xilsaartaan si
sharciga waafaqsan. Mas’uuliyiinta dalku waa adeegayaal dadweyne, xilkoodana
waxay u gudan karaan oo kaliya sida uu sharcigu farayo ama uu
bannaynayo.
7. Ma jiri karo qof,
koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar
ahaaneed.
8. Habka siyaasadeed ee
Dawladda Puntland wuxuu ku saleysan yahay mabaadiida hogaamineed
ee:
(b) Shareecada
Islaamka;
(t) Xukunka Dadweynaha
(Democracy);
(j)
Maamul-wanaagga;
(x)
Wada-tashiga;
(kh) Horumarinta
hiddaha iyo dhaqanka suubban;
(d) Danta guud oo
markasta ka horrayneysa danta gaarka ah.
(r) Tartanka xisbiyada
badan iyo xukunka oo lagu baahiyo dhulka oo dhan.
9. Puntland waxay
aqoonsan tahay mabaadiida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.
10. Puntland waxay
taageereysaa in khilaafaadka caalamiga ah, kuwa cusub iyo kuwii hore u jireyba,
lagu dhammeeyo wada hadal iyo hab nabadeed.
Mowqifka cusub ee ay
Xukuumadda Puntland ka qaadato arrimahaas waxaa cod saddex meelood laba (2/3) ku
ansaxinaya Golaha Wakiillada, kadibna waxaa loo qaadayaa afti, sida ku cad
qodobka 139aad faqradiisa 1aad ee Dastuurkan.
Qodobka
4aad
DADKA
1. Dadka Dawladda
Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland.
2. Muwaadinnimada
Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu
heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.
Qodobka
5aad
TIROKOOBKA
1. Dadweynaha Punltland
tobankii sanaba mar baa la tirokoobayaa.
2. Sharci gaar ah ayaa
tilmaami doona wakhtiga iyo habraaca tirakoobka.
Qodobka
6aad
DHULKA IYO
SOHDIMAHA
1. Dhulka Puntland waxa
uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka
Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.
2. Sohdimaha Puntland
waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada
dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u
jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale
ay dhismaan.
3. Puntland waxay soo
dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo
biiro Dawladda Puntland.
4. Dhulka Puntland
waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee
badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu
dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.
5. Midnimada dhulka
Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi
karo.
Qodobka
7aad
AFKA
Afka-Soomaaligu waa
afka rasmiga ah ee Dawladda Puntland, afafka Carabiga iyo Ingiriiskuna waa kuwa
labaad.
Qodobka
8aad
DIINTA
1. Diinta Islaamku waa
tan kaliya ee Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
2. Diin aan tan
Islaamka ahayn laguma faafin karo dalka Puntland.
3. Qawaaniinta iyo
dhaqanka bulshada waxaa saldhig u ah diinta Islaamka.
Qodobka
9aad
MAGAALO
MADAXDA
1. Magaalo madaxda
Dawladda Puntland waa Magaalada Garoowe waana fadhiga dawladda.
2. Magaalo madaxda
waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah.
Qodobka
10aad
CALANKA, ASTAANTA IYO
HEESTA DAWLADDA PUNTLAND
1. Dawladda Puntland
waxa ay yeelan doontaa Calan, Astaan iyo Heesta calanka oo u gaar
ah.
2. Punland waxay
Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay la wadaageysaa Calanka guud ee Soomaaliya,
Astaanka iyo Heesta Qaranka, iyadoo kuweeda u gaarka ahna leh.
3. Xeer gaar ah ee
Madaxweyne ayaa nidaaminaya qaabka iyo midabada Calanka iyo Astaanta iyo sidoo
kale nooca heesta calanka ee Puntland, waxaana uu ka mid noqon doona qodobada
Dastuurka, kadib marka uu Golaha Wakiilladu ansaxiyo.
Madaxa
II
XUQUUQDA AASAASIGA
AH IYO DAMMAANAD-QAADKA QOFKA
Qaybta
1aad
XUQUUQDA SHAKHSIGA
IYO LAALIDDEEDA
Xubinta
Koowaad
XUQUUQDA
SHAKHSIGA
Qodobka
11aad
SINNAANTA
DADKA
1. Dhammaan dadku waa u
siman yahay Sharciga hortiisa.
2. Qofna laguma takoori
karo midabka, diinta, dhalashada, jinsiga (gender), jinsiyadda, hantida,
fikradda uu aaminsan yahay, siyaasadda, afka iyo isirka.
3. Dastuurka ayaa
dammaanad qaadaya xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.
Qodobka
12aad
XORRIYADDA
CAQIIDADA
1. Qofka aan muslimka
ahayni xor ayuu u yahay Caqiidadiisa, lagumana khasbi karo mid
kale.
2. Qofka muslimka ahi
caqiidadiisa kama noqon karo.
Qodobka
13aad
XORRIYADDA
FIKIRKA
1. Qof kasta xor buu u
yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban
yahay.
2. Qofku waxa uu
fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan
iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.
Qodobka
14aad
AASAASIDDA IYO KA MID
NOQOSHADA URURADA BULSHADA
1. Qof kasta wuxuu xaq
u leeyahay in uu aasaaso, ka mid noqdo ama ka qayb qaato hawlaha ururada
dhaqan-dhaqaale, bulsho, Isboorti iyo cilmi, haddaan sharci ka
reebin.
2. Aasaasidda ururadu
waa inay waafaqsan yihiin qaanuunka dalka iyo danaha ummadda
Puntland.
3. Waxaa reebban
ururada leh dabeecad qabiil ama ciidan.
Qodobka
15aad
XORRIYADDA
DHAQDHAQAAQA
1. Qof kasta waxa uu u
madaxbannaan yahay inuu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu rabo iyo inuu
dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono.
2. Sharci iyo
xeer-hoosaadyo u gaara ayaa caddeyn doona xadaynta xaqa
dhaq-dhaqaaqa.
Qodobka
16aad
LAHAANSHAHA
HANTIYEED
1. Qof kasta waxa uu
xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, u maamusho, ugana faa’iideysto si sharciga
waafaqsan.
2. Sharciga ayaa
qeexaya duruufaha iyo habraaca lagu xaddidi karo xaqa shakhsiga ee la xiriira
hantidiisa.
3. Xorriyadda wax soo
saarku way bannaan tahay, waxaase shardi u ah in wax soo saarayaashu ay oofiyaan
shuruudaha sharci iyo maamul ee dalka u degsan.
4. Qofna lagama qaadi
karo khidmad/kharash, hantidiisana lalama wareegi karo iyadoo aan loo cuskan
sababo sharciga waafaqsan.
Qodobka
17aad
NOLOSHA IYO
NABADGELYEYNTA JIRKA
1. Qof kasta waxa uu
xaq u leeyahay noloshiisa marka laga reebo qof lagu fuliyay xukun maxkamadeed oo
kama dambays ah.
2. Qof kasta waxa uu
xaq u leeyahay nabadgelyada jirkiisa iyo sharaftiisa.
3. Waxaa reeban
denbiyada laga galo xaqa nolosha iyo nabadgelyada qofka sida xasuuq, jirdil,
xarig iyo dil aan sharciga waafaqsanayan.
Qodobka
18aad
MADAXBANNAANIDA
QOFKA
1. Qofna
madaxbannaanidiisa lagama qaadi karo, xannibaad kasta oo lagu sameeyana waa inay
sharciga ku caddahay.
2. Addoonsiga iyo
ka-ganacsiga dadku way reebban yihiin.
3. Madaxbannaanida
qofka waxaa shardi u ah in aaney ka hor imanayn Shareecada Islaamka, xeerarka,
anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale.
Qodobka
19aad
MAGANGELINTA
SIYAASADEED & ISU-CELINTA EEDAYSANEYAASHA/DENBIILAYAASHA
1. Qofka shisheeyaha ah
oo weydiista Dawladda Puntland magangelyo siyaasadeed waa la siin karaa, haddii
uu buuxiyo shuruudaha u dhigan magangelinta, iyada oo la tixgelinayo heshiisyada
caalamiga ah.
2. Waxaa reebban in
muwaaddin Puntland ah loo gacan geliyo dal kale.
3. Puntland way u
gacangelin kartaa dalkii uu ka soo baxsaday denbiile ama eedaysane shisheeye ah
haddii uu jiro heshiis isu-celin oo u dhexeeya Puntland iyo dalka weydiistay
celintiisa/celinteeda.
4. Qofna looma dhiibi
karo arrimo siyaasadeed awgood (extradition).
Qodobka
20aad
AMMAANKA
HOYGA
1. Hoyga iyo meelaha
kale ee la degganyahay waxay leeyihiin xurmayntooda.
2. Ma bannaana
baaridda, basaasidda iyo gelidda hoyga amar Garsoore oo sababaysan la’aantiis,
haddii aanu gelin hoyga qof dembiile ah oo boolisku ku raad-joogo ama aanu isla
wakhtigaas fal-dembiyeed ka dhacayn hoyga dhexdiisa.
3. Waxaa waajib ah in
si toos ah loogu akhriyo degganaha amarka Garsooraha inta aan lagu dhaqaaqin
baarista, baarahana waxaa ka reebban ku xad-gudubka sharciga.
Qodobka
21aad
XAQA
SAXAAFADDA
1. Saxaafadda iyo
warbaahinta xorta ahi waa ay ka madaxbannaan yihiin faragelin dawladeed, waxayna
u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.
2. Xeer gaar ah ayaa
xadidaya xorriyadda saxaafadda.
Qodobka
22aad
XORRIYADDA
ISGAARSIINTA
Qofna lama faragelin
karo waraaqihiisa boostada, xiriirkiisa isgaarsiineed iyo qoraalladiisa gaarka
ah, marka laga reebo xaaladaha sharcigu banneeyo baaritaankooda, dabagalkooda,
ama dhegaysigooda. Marka taas lagu tallaabsanayo waa inuu jiraa amar garsoore oo
sababaysan.
Qodobka23aad
BANNAANBAXYADA
1. Qof kasta waxa uu
xor u yahay in uu abaabulo, ka qaybqaato bannaanbaxyo ku salaysan hab
nabadgelyo, waase in uu si qoraal ah ugu sii wargeliyaa hay’adaha ay khusayso,
si uu u helo ruqsad qoraal ah.
2. Bannaanbaxyada waxaa
lagu joojin karaa sababo lid ku ah Diinta Islaamka, caafimaadka, anshaxa, amniga
iyo xasilloonida dalka. Sharciga ayaa tilmaamaya mas’uuliyadda iyo habraaca lagu
joojin karo bannaanbaxyada.
Qodobka
24aad
XAQA DACWADDA IYO
ISDIFAACA
1. Qof kasta waxa uu
xaq u leeyahay in uu dacwad qaanuunka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u
leh.
2. Qof kasta waxaa uu
xaq u leeyahay inuu iska difaaco maxkamdda horteeda.
3. Qof kasta oo aan
iska difaaci karin maxkamadda horteeda, ama aan kari karin inuu qareen qabsado
dawladda ayay waajib ku tahay in ay u qabato qareen difaaca.
4. U irkashada
caddaaladdu waa lacag la’aan, haddii aan sharci gaar ahi bannayn.
Qodobka
25aad
DEMBIGA IYO
CIQAABTA
1. Ciqaabta dembi waxay
ku koobnaanaysaa qofka geystay fal-dembiyeedka oo keli ah.
2. Qofna looma
qaban/xiri karo, loomana ciqaabi karo fal markii uu galay aan dembi ku ahayn
qaanuunka.
3. Ciqaab aan maxkamad
go’aamin cidna laguma fulin karo.
Qodobka
26aad
XUQUUQDA
EEDAYSANAHA
1. Eedaysanaha waxaa
loo aqoonsan yahay dembilaawe ilaa si qaanuunka waafaqsan maxkamadi ugu xukunto
gelid denbi.
2. Eedaysanuhu wuxuu
xaq u leeyahay in la dhawro nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa
aadaminnimo.
3. Eedaysanaha laguma
hayn karo meel aan qaanuunku bannayn.
4. Eedeysane kasta waa
in 48 saacadood gudahood xariggiisa maxkamadi ku xalaaleyso.
5. Eedaysanaha waa in
maxkamadda awoodda u lihi si tifaftiran ugu akhrido uguna macnayso dembiga lagu
soo oogey.
6. Eedaysanuhu waxa uu
xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo
asxaabtiisa, waana la damiinan karaa haddii sharcigu oggol yahay.
7. Eedaysanuhu waxa uu
xaq u leeyahay in uu qareen difaaca qabsado.
8. Eedaysanaha laguma
khasbi karo qirashada dembiga loo haysto.
Qodobka
27aad
XUQUUQDA QOFKA
XUKUMAN
1. Qofka ay maxkamadi
xukuntay oo xiran waxa uu xaq u leeyahay ilaalinta nabadgelyadiisa iyo
sharaftiisa aadaminnimo.
2. Xukumanuhu waxa uu
xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo
asxaabtiisa.
3. Qofka maxbuuska ahi
waxa uu xaq u leeyahay daryeel caafimaad, cunto iyo waxbarasho.
4. Qofka maxbuuska ah
waxaa lagu dhaqayaa xuquuqda caalamiga ah ee maxaabiista.
5. Xukumanuhu waxa uu
xaq u leeyahay in uu Rafcaan ka qaato xukunkii maxkamaddu ku
ridday.
Xubinta
Labaad
LAALIDDA XORRIYADAHA
MADANIGA AH
Qodobka
28aad
XAALADAHA DEGDEGGA
AH
1. Haddii dalka ay la
soo gudboonaadaan xaalado dagaal, aafooyin dabiici ah, gadood, cudurro faafa iyo
xasilloonidarro dalka qalalaase gelisa, dammaanadaha ku cad qodobbada 13, 15,
20, 21, 22, iyo 23 si ku meelgaar ah waa loo laali karaa.
2. Xaaladda degdegga ah
waxaa lagu soo rogi karaa dalka oo dhan ama qaybo ka mid ah.
3. Golaha Xukuumadda oo
keli ah ayaa soo rogi kara xaalad degdeg ah.
4. Xaaladda degdegga ah
kama ay badan karto 45 beri, haddiise ay weli taagan yihiin duruufihii dhaliyay,
waxay xukuumaddu muddo kordhin weydiisan kartaa Golaha Wakiillada ama Guddiga
Joogtada ah.
Qaybta
Labaad
XUQUUQDA
BULSHADA
Xubinta
1aad
QOYSKA
Qodobka
29aad
XUQUUQDA
QOYSKA
Qoysku waa aasaaska
bulshada, waxuuna xaq u leeyahay in sharcigu daafaco. Qoysku wuxuu ka kooban
yahay nin iyo haweeney qaangaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday iyo
carrurtooda.
Qodobka
30aad
XUQUUQDA
CARRUURTA
1. Carruur waxaa loola
jeedaa qof kasta oo siddeed iyo toban sano (18) ka yar, xagga Shareecadana waa
sida ay qabto.
2. Ilmuhu waxa uu xaq u
leeyahay nolol, magac, jinsiyad, korriimo, waxbarasho iyo daryeel
caafimaad..
3. Waxaa reebban
shaqada wax u dhimaysa carruurta noloshooda, caqiidadooda, dhaqankooda,
korriimadooda iyo waxbarashadooda.
4. Waxaa reebban in la
soo rido ilmaha caloosha hooyada ku jira, haddii aanay jirin xaalad adag oo
hooyada nolosheeda khatar gelineysa, uuna caddeeyo dhakhtar aqoonteeda
leh.
Qodobka
31aad
WAXBARASHADA
1. Qof kasta xaq ayuu u
leeyahay inuu waxbarasho helo.
2. Horumarinta iyo
baahinta waxbarashadu waa waajib saaran Dawladda.
3. Dawladda ayaa u
xilsaaran ciribtirka akhris iyo qoris la’aanta, iyo horumarinta
Af-Soomaaliga.
4. Waxbarashada
aasaasiga ah ee carruurtu waa khasab, Dawladda ayaana u xilsaaran helitaanka
agabka iyo hawlwadeennada waxbarshada. Marka ay duruuftu saamaxdo, dawladdu waxa
ay kor u qaadeysaa heerka waxbarashada khasabka ah.
5. Dawladdu waxay
dhiirrigelineysaa isla maarkaasna tayeneysaa waxbarashada diineed ee dugsiyada
Qur’aanka.
6. Waa mas’uuliyadda
Dawladda diyaarinta, tayeynta iyo hubinta ku dhaqanka manhajka heerka dugsiyada
hoose, dhexe iyo sare.
7. Barashada iyo
tarbiyadda diinta Islaamku waa dariiqad aasaasi ah, dhammaan heerarka
waxbarashada hoose, dhexe iyo sare.
8. Qofka qaangaarka ahi
waa u madaxbannaan yahay doorashadiisa waxbarasho iyo xirfadeed, Dawladdana
waxaa waajib ku ah dhiirrigelinta waxbarashada dadka waaweyn iyo tan
haweenka.
9. Waxaa la furan karaa
dugsiyo waxbarasho, kuwo xirfadeed iyo jaamacado gaar ah oo waafaqsan manhajka
Dawladda, kuna salaysan baahida iyo siyaasadda waxbarashada
dalka.
10. Dawladda xil ayaa
ka saaran horumarinta hiddaha iyo dhaqanka.
11. Dawladda waxaa
waajib ku ah in ay taabbageliso tacliinta sare.
12. Xeer gaar ah ayaa
nidaaminaya waxbarashada gaarka ah.
Qodobka
32aad
CAAFIMAADKA
1. Waa mas’uuliyadda
Dawladda in ay daryeesho caafimaadka guud ee dadweynaha, ka hortag iyo
daaweynba, gaar ahaan carruurta iyo haweenka.
2. Tallaalka Caalamiga
ee Carruurta da’doodu shanta (5) sano ka yar tahay wuxuu leeyahay mudnaanta
kowaad. Waalidiinta iyo cid kastoo ka mas’uul ah carruurta waxaa waajib ku ah in
ay hay’adaha caafimaadka kala shaqeeyaan arrintaas.
3. Si loo fuliyo
waajibaadkaas, Xukuumaddu waxay dajineysaa nidaam caafimaad ee waddani
ah.
4. Dawladdu waxay
ogoshahay furasho xarumo caafimaad, iyadoo ay takhaatiirtuna xirfaddooda ku
shaqeysan karaan. Hawlahaas waxaa nidaaminaya xeer gaar ah oo ay Xukumaddu dusha
ka ilaalineyso.
Qodobka
33aad
DARYEELKA
BULSHADA
1. Dawladda ayaa
daryeeleysa, intii karaankeeda ah, agoonta, naafada, danyarta iyo
bukaanka.
2. Dawladdu waa in ay
dhiirrigelisaa, samaysaana hay’ado gargaara dadka ku xusan faqradda 1aad ee
qodobkan.
3. Xeer gaar ah ayaa
qeexaya dadka loo aqoonsanayo in aaney isdaryeeli karin.
Qodobka
34aad
XUQUUQDA
HAWEENKA
1. Dawladda waxaa
waajib ku ah horumarinta iyo dammaanad qaadka xuquuqda haweenka. si waafaqsan
diinta Islaamka.
2. Sharci Golaha
Wakiilladu meelmariyo ayaa lagu qeexayaa saami gaar ah oo loo qoonddeeyo
haweenka si sare loogu qaado kaalintooda dhaqaale, bulsho iyo
siyaasadeed.
Qodobka
35aad
XUQUUQDA DHALLINYARADA
IYO HORUMARINTA ISBOORTIGA
1.Dawladdu waxay
ahmiyad gaar ah siineysaa daryeelka iyo barbaarinta dhallinyarada oo ah
hogaamiyaasha dalka ee berrito, waxayna u hawlgalaeysaa:
b) Abuuridda naadiyo
dhallinyaro iyo isboorti (kuwa dawli ah iyo kuwa aan dawli
ahayn).
t) Hirgalinta dhismaha
Ururrada Dhallinyarada.
j) Abuuridda Sanduuqa
horumarinta cayaaraha iyo dhallinyarada.
2. Diyaarinta Goobaha
Cayaaraha.
3. Dhiirigalinta
qabashada tartamada cayaaraha ee heer kasta, gudaha iyo
dibaddaba.
4. Dhismaha Ururrada
Dhallinyarada iyo Barbaarintooda waxaa qeexaya xeer gaar ah.
Qodobka
36aad
XUQUUQDA
SHAQAALAHA
1. Dawladdu waxay u xil
saaran tahay shaqo-abuurista iyo tayeynta tababarrada shaqaalaha.
2. Waxaa reebban shaqo
khasab ah, haddii aan qaanuunku si kale u tilmaamin.
3. Shaqaale kasta waxa
uu xaq u leeyahay mushahar u dhigma shaqada uu qabto.
4. Shaqaale kasta waxa
uu xaq uu leeyahay maalin nasasho ah toddobaadkiiba, fasax sannadeed, fasaxa
ciidaha ee qaanuunku jideeyay. Haweenka waxaa intaas u dheer fasaxyada dhalmada
iyo naas-nuujinta. Shaqaalaha fasaxa ku jira waxba iska dhimi mayaan xuquuqdooda
mushaar.
5. Dawladdu waa in ay
daryeeshaa shaqaalaha jir ahaan iyo damiir ahaanba.
6. Shaqaaluhu waxa ay
xaq u leeyihiin in ay cabashadooda ku muujiyaan bannaanbax ama shaqo-joojin si
xeerka waafaqsan. Ciidammada qalabka sida shaqa joojin ma samayn
karaan.
7. Shaqaalaha iyo loo
shaqeeyayaashuba waxay xaq u leeyihiin iney yeeshaan ururro maareeya una dooda
danahooda.
8. Shaqaale kasta waxa
uu xaq u leeyahay in uu doorto shaqada iyo loo shaqeeyaha uu
doorbido.
9. Dhismaha, doorka iyo
waajibaadka ururrada shaqaalaha waxaa lagu qeexi doonaa xeer gaar
ah.
Qodobka
37aad
BADBAADADA
SHAQAALAHA
1. Dawladda ayaa
dejinaysa sharciga shaqaalaha isla markaana samaynaysa hay’adaha dammaanad
qaadaya xaqa hawlgabka shaqalaha gaarka ah iyo kan dawladdaba.
2. Qof kasta oo xil u
haya dawladda oo ku dhaawacma, ku jirrada ama ku naafooba shaqada, waxa uu xaq u
leeyahay daryeel qaanuunka waafaqsan.
3. Qof kasta oo
Dawladda u shaqeeya oo ku geeriyooda hawlgal, waxaa laga bixiniyaa magdhow
sharciga waafaqsan.
4. Xukuumaddu waxay
shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ahba u dejineysaa hab dammanad-qaad shaqaale
oo ay maalgeliyaan dawladda, loo shaqeeyaha iyo shaqaaluhuba.
Qaybta
3aad
MUWAADINIINTA IYO
HABRAACA DOORASHOOYINKA
Qodobka
38aad
MUWAADINNIMADA
1. Qof kasta oo leh
jinsiyadda Puntland waa muwaaddin Puntland.
2. Muwaaddinka Puntland
luminmaayo muwaaddinnimidiisa haddii uu qaato jinsiyad dal kale.
Qodobka
39aad
WAAJIBAADKA
MUWAADINKA
1. Muwaadin kasta waxaa
waajib ku ah:
(b) Dhawridda diinta
Islaamka, dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka iyo kuwa caalamiga
ah.
(t) Adkaynta midnimada
ummadda iyo ilaalinta jiritaanka qarannimada Puntland.
(j) Codbixinta
xilliyada doorashooyinka.
(x) Bixinta canshuuraha
ku waajibay.
(kh) Ka qaybgalka
difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay la soo gudboonaato.
2. Sharciga ayaa
qeexaya ciqaabta lagu mutaysanayo gudasho la’aanta waajibaadka ku xusan
qodobkan.
Qodobka
40aad
XUQUUQDA
MUWAADINKA
Muwaadin kasta oo
da’adiisu gaartay siddeed iyo toban (18) sano, wuxuu xaq u
leeyahay:
(b) Inuu ka qayb-galo
hawlaha doorashooyinka iyo inuu cod bixiyo.
(t) Inuu sameeyo ama ku
biiro xisbi siyaasadeed.
(j) In uu xilliyada
doorashada u tartamo xilalka dalka, haddii uu shuruudaha buuxiyo.
Qodobka
41aad
XAQA BANDHIGIDDA
CABASHADA
2. Muwaaddin kasta waxa
uu xaq u leeyahay in uu cabashadiisa qoraal ugu diro Madaxweynaha, Baarlamaanka,
xukuumadda, iyo madaxda kale ee dawladda, asaga/ayada oo dhowraya/dhowreysa
habka jaranjarada maamulka.
3. Xafiiska uu qoraalka
cabashadu u socdo waa inuu ka jawaabo (45) beri gudahood.
Qodobka
42aad
HAKINTA XUQUUQDA
MUWAADINKA
Xuquuqda muwaadinka waa
la hakin kara haddii ay dhacdo:
In qofku ku jiro xabsi
xukun-suge ah ama mid maxkamadi ku xukuntay. Hakinta xuquuqdu waxay taagnaanaysa
ilaa iyo inta maxkamadi ka siideyso xabsiga ama uu dhammaysto muddadii
xabsiga.
In qofku yahay
garaad-dhimman, ama Maxkamadi caddayso inaanu gudan karin
xilkiisa.
Qodobka
43aad
DOORASHOOYINKA
1. Muwaaddin kasta oo
buuxiya shuruudaha doorashada wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto lana
doorto.
2. Xubnaha Golaha
Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka waa mansabyada dadweynuhu tooska u
dooranayaan.
3. U codaynta
mansabyadaas waa inay u dhacdaa si dimoqaraadi ah oo waafaqsan nidaam sharci ah
oo ay maamulayso hay’ad madaxbannaan oo leh awood Dastuuri ah.
4. Codbixintu waxay
noqonaysaa mid caam ah, dadku u simanyahay, shakhsi ah, qarsoodi ah, waxaana
reebban in qof lagu farageliyo doorashada meesha uu codka
marinayo.
5. Sharciga ayaa
xadidaya aagagga doorashooyinka ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka.
Tirada kuraasta uu gobol ku yeelanayo Golaha wakiillada iyo xubnaha golayaasha
degmooyinka waxay ku xirnaanaysaa hadba inta uu le’eg yahay dadweynaha ku nool
gobolka ama degmada.
6. Taariikhda ay
qabsoomeyso doorashadu waxaa goynaya Guddiga doorashada, waase in aaney noqon
laba bilood ka yar ama afar bilood ka badan dhammaadka muddada golayaasha
wakiillada iyo deegaanka markaas xilka haya.
7. Golayaasha Deegaanka
oo doorashadoodu ku beeganto furitaanka axsaabta ka hor waa la soo gaabin karaa
ama la kordhin karaa muddada xilkooda.
8. Inta aan la gudo
gelin doorashooyinka waa inuu jiro sharci gaar ah oo lagu hagayo arrin kasta oo
la xariirta doorasho dimuqaraadi ah.
Qodobka
44aad
DADKA AAN IS- SHARRIXI
KARIN
1. Dadka ka tirsan
Ciidammada Qalabka Sida ee aan hawlgabka ahayan iyo garsoorayaashu, xubin kama
noqon karaan xisbiyada siyaasadda, isumana sharrixi karaan
doorashooyinka.
2. Hawlwadeennada
dawladda isma sharrixi karaan haddi aanay iska casilin xilalka ay hayaan.
Sharciga doorashada ayaa sheegaya wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inay is
casilaan haddii ay doonayaan inay tartanka doorashooyinka ka
qaybgalaan.
Qodobka
45aad
XISBIYADA
SIYAASADEED
1. Dawladda Puntland
waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka xisbiyada badan.
2. Ugu badnaan toddobo
(7) xisbi ayaa doorashada ugu horreysa ka qayb gelaya. Doorashada ugu horeysa
waxay noqoneysaa tan Golayaasha Deegaanka oo qabashada waqtigeeda xeer gaar lagu
soo saari doono.
3. Saddexda xisbi
siyaasadeed ee ugu codadka badan doorashada ugu horreysa ee Golayaasha Deegaanka
ayaa xaq u yeelanaya inay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee sharciga ah, waana in
uu xisbi kasta ka furan yahay ugu yaraan afar gobol.
4. Waxaa reebban
xisbiyada iyo ururrada leh muuqaal ciidan ama qabiil.
5. Qofkii magac xisbi
doorasho ku gala kuna guuleysta kursi, kadibna ka baxa xisbiga, wuxuu luminayaa
kursigii xisbiga ee uu ku guuleystey.
6. Hantida Qaranka ee
si guud looga faa’iidaysto sida garoommada ciyaaraha, barxadaha iyo warbaahinta
Dawladda, xisbiyadu si siman ayay ugu fushan karaan ololayaashooda siyaasadda
iyo hawlahooda xisbi oo kaleba. Goobaha kale ee dawladda iyo hantida dawladda
looma adeegsan karo hawlo xisbi iyo ololayaal doorasho.
7. Qof kasta oo lagu
eedeeyo inuu hanti qaran u isticmaalay dano xisbi, maxkamad ayaa la
horgeynayaa.
8. Xeerar iyo nidaamyo
ayaa lagu maamulayaa axsaabta siyaasadeed, kuwaasoo lagu qeexayo shuruuc kala
gadisan oo ay Xukuumaddu soo jeediso, Golaha Wakiilladuna
ogolaado.
Qodobka
46aad
SHURUUDAHA FURASHADA
XISBI SIYAASADEED
1. Xisbina kama qayb
geli karo doorashooyin haddii aanu sharciyayn Guddiga Doorashada Puntland
(GDP).
2. Si xisbi loo
sharciyeeyo, waxaa shardi ah inuu leeyahay barnaamij siyaasadeed iyo xeer
hoosaad haga hawlihiisa.
3. Guddiga Doorashada
Puntland ayaa ka baarandegeya dokumentiga xisbigu soo bandhigo, waxaana la isku
hortaagi karaa, haddii barnaamijka ama xeer-hoosaadkiisa ay khilaafsan yihiin
Dastuurka iyo shuruucda kale.
4. Sharci gaar ah oo
baarlamaanku ansixiyay ayaa qeexaya dhaqangelinta qodobka 44.2, shuruudaha iyo
habraacyada kale ee la xariira sharciyaynta ururrada siyaasadda.
5. Haddii saddexda
xisbi ee sharciga midkood burburo ama la xiro, Guddiga Doorashada Puntland ayaa
ururkii siyaasadeed ee kaalinta ku xigta ka galay doorashada Golayaasha Degaanka
ee ugu dambeeyay ugu yeeraya inuu noqdo xisbiga siyaasadeed ee kaalinta
bannaanaatay buuxinaaya.
Madaxa
III
DHAQAALAHA
Qodobka
47aad
HANNAANKA
DHAQAALAHA
Hannaanka dhaqaalaha ee
Puntland waa in dhammaan dadka Puntland ay helaan nolol u qalanta karaamadooda
bani-aadaminnimo, iyo in qof kastaa helo arrimaha lama huraanka ah, si waafaqsan
mabaadiida garsoorka bulshada.
Qodobka
48aad
DHAQAALAHA SUUQA XORTA
AH
1. Hannaanka dhaqaale
ee Puntland wuxuu ku salaysan yahay suuqa xorta ah, wuxuuna dhirrigelinayaa,
isla markaasna dammaanad qaadayaa maalgashiga waddaniga ah iyo kan ajnebiga
ahba.
2. Hawlaha ganacsiga
waxaa saldhig u ah tartanka xorta ah.
3. Sharciga ayaa
dhiirrigelinaya, hagayana tartanka xorta ah iyo xakamaynta
suuq-xirashada.
Qodobka
49aad
KAALINTA DHAQAALAHA EE
DAWLADDA
1. Dawladdu waxay
dhiirrigelinaysaa horumarin dhaqaale oo joogtaysan, waxayana kaashanaysaa
dhaqaalaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado wax soo saarka. Kobcinta
ganacsatada heerka dhexe, wax-soo-saarayaasha yaryar iyo iskaashatooyinku waxay
yeelanayaan mudnaan gaar ah.
2. Dawladda ayaa
ilaalineysa khayraadka dalka, waxayna dammaanad qaadaysaa in cid walba si
sharciga waafaqsan oo joogtaysan uga faa’iidaysato.
3. Dawladdu waxay
ilaalinaysaa awoodda wax-gadashada ee dadweynaha, gaar ahaan kuwa danyarta
ah.
Qodobka
50aad
SHIRKADAHA WADAAGGA
AH
1. Xukuumaddu waxay
samayn kartaa, kana qayb-geli kartaa shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin
maalgeliyayaal waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba.
2. Madaxda shirkadaha
wadaagga ah waxaa isla magacaabaya wasaaradda hawlaheedu la xiriiraan iyo
saamileyda gaarka ah.
3. Habka dhismaha,
maamulka iyo saami-qaybsiga Sharikadaha Wadaagga ah waxaa qeexaya xeer gaar
ah.
Qodobka
51aad
GADIDDA HANTIDA
UMMADDA
1. Wareejnta hanti
kasta ee dawladdu leedahay waa in la mariyo habraac sharciga
waafaqsan.
2. Lama iibin karo
hanti ummadeed haddii aanay Dawladdu dhinac ka ahayn.
3. Sharci gaar ah ayaa
kala xadidaya heerarka qiimayaasha kala sarreeya ee hanti kasta oo ay leedahay
Dawladdu.
4. Heerarka qiimeyaasha
kala sareeya ee ku qoran faqradda saddexaad ee qodobkan waxay u qaybsamaysaa
heer wasaaradeed, heer Golaha xukuumadda iyo heer loo baahanayo ansixinta Golaha
Wakiillada.
5. Gadidda hantida
dawladda waxaa loo marayaa habka tartanka xaraashka furan.
Qodobka
52aad
QARAMAYNTA HANTIDA GAAR
AHAANEED
1. Hantida qofku ku
helay si xeerka waafaqsan, waxaa loola wareegi karaa dan guud oo keli ah, iyadoo
isla markaana la bixinayo magdhow munaasib ah.
2. Xeer ayaa xadaynaya
hantida gaarka ah ee loola wareegi karo dan guud iyo habraaca loo marayo
qaramaynteeda.
Qodobka
53aad
KHAYRAADKA DABIICIGA
AH
1. Khayraadka dabiiciga
ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si
waafaqsan sharciga.
2. Dawladda Puntland
ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga
ah.
3. Dawladda Puntland
waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa
ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.
4. Ruqsad kasta oo la
xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya
Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.
5. Qaabka saami
qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu
Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.
Qodobka
54aad
ILAALINTA
DEGAANKA
1. Dawladda iyo
dadweynaha Puntland waxaa waajib ku ah ilaalinta, dhawrista iyo soo kabashada
deegaanka, waana in si cad loogu qeexo heshiis kasta oo la galayo, isla markaana
waafaqsan xeerka ilaalinta deegaanka.
2. Waxaa reebban
baabi’inta kaymaha, laynta duurjoogta, xaalufinta badda, diqaynta (pollution)
dhulka, hawada iyo badda. Cid kasta oo geysata xadgubyada ku xusan faqraddan
waxay mutaysanaysaa ciqaab sharciga waafaqsan.
3. Waxaa reebban
dhoofinta dhuxusha, xoolaha dhaddiga ah iyo duur-joogta iyo wax kasta oo saameyn
ku yeelan kara xaalufinta deegaanka.
4. Degaan lagama samayn
karo meel aan Dawladdu oggolaan.
5. Xeer gaar ah ayaa
nidaamin doona ilaalinta deegaanka.
Madaxa
IV
Qaab-Dhismeedka
Dawladda
Qaybta
Koowaad
Hay’adaha
Aasaasiga ah ee Dawladda
Qodobka
55
Hannaanka
Dawladda
Hannaanka Dawladda
Puntland waa baarlamaani; Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka waxaa
dooranaya Golaha Wakiillada.
Qodobka
56aad
QAYBAHA
DAWLADDA
Dawladdu waxay u
qaybsantaa saddex qaybood oo kala ah:
Golaha Wakiillada
(Baarlamaanka).
Golaha Fulinta
(Xukuumadda).
Golaha Garsoorka
(Maxkamadaha).
Qodobka
57aad
KALA SOOCNAANTA QAYBAHA
DAWLADDA
1. Qayb kastaa ee
Dawladda ee xusan qodobka 55aad waxay u madaxbannaan tahay gudashada
waajibaadyada, xilalka iyo awoodaha dastuurku u jideeyey.
2. Inta aan la gaarin
hirgalinta nadaamka xisbiyada badan iyo doorashada, qofna xubin kama noqon karo
wax ka badan hal qayb ee dawladda ka mid ah.
Qodobka
58aad
ISKAASHIGA QAYBAHA
DAWLADDA
Iskaashiga iyo
wadashaqaynta saddexda qaybood ee dawladdu waa waajib dastuuri ah, waxaana
meelmarinaya qayb walba masu’uulka madaxa u ah.
Qaybta
2aad
XEER-DEJINTA
Xubinta
1aad
Golaha
Wakiillada
Qodobka
59aad
GOLAHA
WAKIILLADA
1. Awoodda Xeer-Dejinta
ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiilladda oo matala shacabka Puntland oo
dhan.
2. Tirada Golaha
Wakillada waxa uu ka koobanyahay 66 xildhibaan, hase yeeshee waxaa wax lagaga
badali karaa soo jeedin ka timaada Xukuumadda, Golaha Wakiilladuna uu ku
ogolaado saddex meelod laba meelood (2/3).
3. Muddada Golaha
Wakiilladu waa shan (5) sano laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu
dhawaaqo. Xildhibaanka Golaha Wakiillada dib ayaa loo soo dooran
karaa.
4. Golaha Wakiilladu
waxa uu si rasmi ah hawshiisa u bilaabayaa soddon 30 maalmood gudahood, laga
bilaabo maalinta natiijada doorashadu lagu dhawaaqo.
Qodobka
60aad
SIFOOYINKA LAGAGA MID
NOQON KARO GOLAHA WAKIILLADA
Golaha Wakiillada waxaa
looga mid noqon karaa sifooyinka soo socda:
(b) Wa in uu yahay
muwaadin reer Puntland ah, xilkas ah, anshax wanaagsan, miyirkiisu dhan yahay,
da’diisuna aanay ka yarayn soddon (30) sano.
(t) Waa in aan
xuquuqdiisa muwaadinnimo xukun maxkmadeed lagaga laalin shantii sano ee la soo
dhaafay.
Waa in uu leeyahay ugu
yaraan aqoon dugsi sare.
Waa in Guddiga
Doorashadu hubiyaa in musharaxu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa intaan loo
aqoonsan xubin Golaha Wakiillada ah.
Qodobka
61aad
SIFOOYINKA LAGU WAAYI
KARO XUBINNIMADA
GOLAHA
WAKIILLADA
1. Xubinnimada Golaha
Wakiilada waxaa lagu waayi karaa:
(b) Haddii ay xubintu
geeriyooto.
(t) Haddii ay la soo
gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogta ah, dhakhtarna
caddeeyo.
(j) Haddii xubintu ay
istiqaalad keento, Goluhuna ka aqbalo.
(x) Haddii xubintu ay
ka maqnaato labo kalfadhi oo isku xiga, ayada oo aanay jirin sabab macquul
ahi.
(kh) Haddii la laalo
muwaadinnimada xubinta.
2. Haddii xubin ka mid
ah Golaha Wakiillada ay lumiso xubinnimadeeda waxaa badalkeeda soo galaya qofka
sharci ahaan u leh.
3. Sharciga doorashada
ayaa tilmaamaya habraaca loo marayo xulashada xubinta badaleysa, waana in lagu
dhaariyo 30 beri gudahood.
Qodobka
62aad
HABRAACA GOLAHA
WAKIILLADA
1. Golaha wakiilladu,
fadhiga ugu horreeya waxa uu iska dhex-dooranayaa guddoomiye iyo laba ku-xigeen
oo kala ah koowaad iyo labaad.
2. Kalfadhiga koowaad
ee Golaha, waa in lagu meelmariyo xeer-hoosaadka lagu socodsiinayo hawlaha
Golaha.
3. Goluhu wuxuu
yeelanayaa kalfadhiyo loo dhan yahay si uu uga doodo, u oggolaado, ama u diido
arrimaha la horgeeyo.
4. Fadhiyada loo dhan
yahay ee Goluhu way u furan yihiin dadweynaha, haddiise ay xukuumaddu codsato
ama hoggaaminta Goluhu u arko in ka doodidda arrin ay u baahan tahay inay Golaha
ku koobnaato, Goluhu wuxuu go’ansan karaa inuu ka yeesho fadhi albaabadu u xiran
yihiin.
5. Hogaanka Goluhu
wuxuu xildhibaannada u kala qaybinayaa Guddiyo Joogto ah oo lagu qeexayo
xeer-hoosaadka Golaha, taasoo waafaqsan arrimaha Golaha la soo
hordhigayo.
6. Guddi-hoosaadyadu
waa inay isugu dheellitiran yihiin xoogagga siyaasadda ee uu ka koobanyahay
Goluhu, waxayna u xilsaaran yihiin diyaarinta, lafaguridda, iyo soo jeedinta
arrimaha Goluhu ka doodayo. Fadhiyada Golaha waxaa la horgeeyaa arrimaha ay isku
soo raaceen guddi-hoosaadka ay khuseyso.
7. Arrimaha go’an
gaaris deg-deg ah u baahan, Goluhu si toos ah ayuu u gudageli karaa iyada oo aan
la marin guddi-hoosaad, tallaabada noocaas ahna waa in uu Goluhu cod ku
meelmariyo.
8. Goluhu wuxuu iska
dhex-dooranayaa guddi joogta ah oo ururiya hawlaha Golaha labada kalfadhi
dhexdooda.
9. Goluhu wuxuu
yeelanayaa xoghaye joogto ah, oo aan xubin ka ahayn Golaha
Wakiillada.
10. Goluhu waxa uu
yeelan karaa la-taliyayaal iyo karraaniyaal isku dubbarrida doodaha iyo
warbixinnada guddi-hoosaadyada.
11. Kooramka furitaanka
kalfadhiga Golaha ama kulanka guddi-hoosaadka iyo go’aan gaaristooda waa kala
bar iyo hal (1/2+1) xubnaha Golaha ama guddi-hoosaadka. Dastuurka ayaa
caddaynaya mararka kooram kale loo baahanayo.
12. Habka codaynta
Goluhu waa gacan taag marka laga reebo arrimaha dastuurku si gaar ah u tilmaamo.
Gacan taagga waxaa lagu beddeli kara habka codaynta elektarooniga ah marka
Goluhu yeesho.
Qodobka
63aad
AWOODAHA GOLAHA
WAKIILLADA
Golaha Wakiilladu wuxuu
leeyahay awoodaha iyo xilalka soo socda:
1. Ogolaanshaha,
wax-ka-beddelidda iyo burinta sharicyada iyo xeerarka DG
Puntland.
2. In uu fasiraad iyo
caddeyn ka bixiyo qaynuun kasta oo micneyntiisu mugdi gasho.
3. In uu ansaxiyo
xaalad dagaal iyo meelmarinta heshiis nabadeed marka uu Golaha Xukuumadda soo
jeediyo.
4. In uu ansixiyo
heshiisyada caalamiga ah oo dawladda Puntland dhinac ka tahay.
5. Inuu cod
saddex-meelood laba (2/3) ee xubnaha golahu ku ansixiyo heshiis amaah qaadasho
ee Puntland la gasho amaahiye ajnabi ah.
6. Ansixinta degmo ama
gobol cusub oo xukuumaddu soo jeediso.
7. Inay ka doodaan,
dhaliilaan, waxna ku biirin karaan waxqabadka Xukuumadda.
8. Hubinta
dhaqangelinta sharciyada uu Goluhu ansixiyo.
9. In uu cod qarsoodi
ah saddex-meelood oo laba (2/3) xubnaha Golahu ku doorto Madaxweynaha iyo
Madaxweyne ku-xigeenka labada wareeg ee hore, marka saddexaadna cod hal dheeri
ah.
10. Doorashada
Saraakiisha sare, sida saraakiisha sarsare ee kala ah: Difaacaha Xuquuqda
Aadanaha, Labada xubnood ee ka mid noqonaya Guddiga Doorashada Puntland, iyo
labada garsoore oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah, Goluhu wuxuu ku
dooranayaa qaabka ku dhawaaqidda magacyada.
11. Inay ogolaadaan
hawlwadeennada Golaha Fulintu magacaabo, Dastuurkuna farayo inay u baahan yihiin
ansixinta Golaha Wakiillada. Hawlwadeennada Golaha Fulintu magacaabo hawshooda
way bilaabi karaan marka Madaxweynuhu ogeysiiyo xil u magcaabidooda. Golaha
Wakiilladu haddii aanu muddo saddex bilood gudahood u codayn, waxay la mid
noqonaysaa inay ansixiyeen.
12. Ansixinta
barnaamijka waxqabad ee Xukuumadda.
13. Inay ogolaadaan
misaaniyad-sannadeedka ama miisaaniyad ku celini ay xukuumaddu horkeento. Goluhu
ma kordhin karo wadarta guud ee kharashka miisaaniyadda, haddiise ay Golaha la
noqoto in miisaaniyadda la dhimo ama wax laga badalo ku-talagalka madaxyadeeda
waa in la wargaliyaa Xukuumadda, la tashina lagala yeeshaa intaan loo codeyn.
Haddii Xukuumaddu muddo shan iyo toban (15) maalmood ku soo jawaabi weydo, waxaa
loo qaadanayaa in ay aqbashay isbdalka.
14. In uu ogolaado
xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii hore ee uu soo bandhigay Hanti- Dhawrka
Guud, isla markaana u gudbiyo Xukuumadda talooyin ama dib u habeyn la xiriirta
shuruucda arrintaas quseysa.
15. In uu xeeriyo
canshuuraha ay xukuumaddu ka qaadayso dadweynaha ka hor inta aan lagu
dhaqmin.
16. In uu afartan iyo
shan (45) maalmood gudohood ku oggolaado ama ku diido xeer-xukuumadeed jideenaya
xaalad degdeg ah. Haddii xeerkaas la diido, wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan,
hase yeeshee hawlihii lagu fuliyay xeerkaas wuxuu noqonayaa ansax, haddii aan
maxkamadda u aqoonsan mid Dastuurka ka soo horjeeda.
17. In uu ku ansixiyo
haldheeri (1/2+1) Xukuumadda Madaxweynuhu magacaabo, marka muddada xilhayantiisu
bilaabato ama uu gebi-ahaantood ama qaarkood beddelo. Markii Xukuumad ama
Wasiiro cusub la horgeeyo Golaha Wakiillada, waa in ay ugu badnaan laba
toddobaad gudahood ku ansixiyaan, haddii taasi dhici weydo waxaa loo qaadanayaa
in sharciyan ay ansaxiyeen.
18. In uu u yeero
Wasiirada ama madaxda hay’adaha madaxabannaan si ay su’aalo uga weydiiyaan,
warbixinna uga helaan arrimaha Golaha ama ay guddi-hoosaadyadiisu danaynayaan.
Haddii mas’uulku cudurdaar la’aan ka baaqsado inuu hortago Golaha ama
guddi-hoosaadyadiisa, fadhiga guud ee Goluhu wuxuu u qaadayaa codka kalsooni
kala noqoshada mas’uulkaas. Inta aan Wasiirka loo yeerin waa in la wargaliyaa
Madaxweynaha.
19. Ka xayuubinta
xasaanadda sarkaal kasta oo xasaanad leh, haddii uu Xeer-Ilaaliyaha guud soo
hordhigo caddayn ku filan oo la xiriirta gelid faldambiyeed culus. Eedeynta
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waxay u baahanaysaa aqlabiyad gaar ah oo
ah saddex meelood oo labo (2/3) xubnaha Golaha Wakiillada.
20. Haddii xubin Golaha
Wakiillada ama sarkaal ay xasaanad siiyeen la qabto asaga oo faraha kula jira
faldambiyeed, Goloha ayaa ka doodayaa, waana ogolaanayaa qabashada ama in la
mariyo xeerka habka ciqaabta.
Qodobka
64aad
KALFADHIYADA GOLAHA
WAKIILLADA
1. Golaha Wakiilladu
waxa uu yeelanayaa labo kalfadhi oo caadi ah sannadkiiba, kuna kala aaddan
bilaha Juun iyo Oktoobar, wuxuu kaloo Goluhu yeelan karaa Kalfadhiyo aan caadi
ahayn.
2. Kalfadhiga aan
caadiga ahayan, waxaa isugu yeeri kara Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kadib
marka uu codsi ka helo Madaxweynaha ama waax (1\4) xubnaha Golaha
Wakiillada.
Qodobka
65aad
KALA DIRIDDA GOLAHA
WAKIILLADA
1. Golaha Wakiillada
waxaa la kala diri karaa markii:
(b) Ay xubnaha intooda
badan is casilaan, taasoo noqneysa kala bar iyo hal (1/2+1).
(t) Goluhu fariisan
waayo labo kalfadhi oo isku xiga, sabab la’aan.
(j) Ay jabiyaan qodob
Dastuuri ah.
2. Markii ay dhacaan
qaar ka mid ah ama dhamaantood arrimaha ku xusan faqradda 1aad, Madaxweynuhu
wuxuu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo sugnaanshaha
arrimaha ku xusan faqradda 1aad.
3. Maxkamadda
Dastuuriga waxaa waajib ku ah in ay Madaxweynaha ugu soo gudbiso natiijada
baaristeeda shan iyo toban (15) bari gudahood.
4. Madaxweynuhu marka
uu helo caddaynta Maxkamadda Dastuuriga ah, wuxuu soo saarayaa xeerka kala
dirista Golaha. Isla xeerkaas wuxuu ku go’aaminayaa taariikhda la soo dooranayo
Gole cusub, muddo afartan iyo shan (45) maalmood gudohood ah.
Qodobka
66aad
KALSOONI KALA NOQOSHADA
WASIIRADA
1. Golaha Wakiilladu
wuxuu kalsoonida kala noqon karaa wasiirada mid, ka badan ama
dhammaantood.
2. Kalsooni
kala-noqoshada wasiirada waxaa soo jeedin kara ugu yaraan toban (10)
xildhibaan.
3. Ka doodidda
mooshinka kalsooni kala-noqoshada Wasiirada waa in ay ogolaadaan ugu yaraan
saddex meelood oo meel (1/3) xildhibaannada Golaha Wakiillada.
4. Saddex meelood labo
(2/3) xildhibaannada Golaha waa in ay u codeeyaan kalsooni kala noqoshada
Wasiirka/Wasiirada.
5. Haddii cod kalsooni
kala-noqosho uu meelmaro, Madaxweynuhu waa inuu magacaabo beddelka Golihii ama
Wasiirkii codka kalsoonida waayey; Goluhu hawshiisu waa uu sii wadanayaa ilaa
Gole cusub laga magacaabo, hase yeeshee ma bilaabi karaan barnaamij
cusub.
6. Madaxweynuhu wuxuu
awood u leeyahay inuu muddo laba (2) jeer ah Golaha Wakiillada dib ugu celiyo
magacaabista xubnaha Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayay.
7. Haddii ay Xukuumaddu
dhacdo, Madaxweynuhu wuxuu bil gudaheed Golaha Wakiillada ku horgeynayaa
Xukuumad cusub si loo ansaxiyo.
Xubinta
2aad
Habka Sameynta
Sharciga
Qodobka
67aad
CURINTA
SHARCIYADA
1. Golaha wakiillada
waxaa mashruuc-sharci horgeyn kara oo keli ah:
(b) Golaha
Wakiillada.
(t) Golaha
Xukuumadda.
(j) Tiro muwaadiniin ah
oo aan ka yarayn 5.000 (shan kun) oo qof oo cod bixiyeyaal ah.
Qodobka
68aad
NIDAAMKA HAL-ABUURKA
MUWAADINIINTA
1.Muwaadiniinta soo
bandhigeysa codsi qoraal ah (petition), waa in la hubsado warqaddiisa
aqoonsiga ama ugu yaraan magaciisa, da’diisa, saxiixiisa, iyo inuu caddeeyo inuu
yahay muwaaddin reer Puntland ah.
2.Golaha Wakiilladu
waxaa la gudboon in ay hal-abuurkaas ku qiimeeyaan kalfadhiga socda ama kan ku
xiga, jawaabna siiyaan codsadayaasha. Mashruuc sharci ee ku saabsan cashuur,
kharashka dawladda, difaaca dalka ama amniga, muwaadiniintu ma soo jeedin
karaan.Codsiga waa inuu la socdo soo jeedinta mashruuc sharci ah iyo magacyada
ugu yaraan laba qof oo lagala xiriiro.
Qodobka
69aad
DOODDA GOLAHA EE
MASHAARIICDA SHARCIYADA
1. Golaha Wakiilladu
waa in uu mashruuc-sharci oo kasta uga doodo qodob qodob, uguna
codeeyo.
2. Sharci kasta oo
Goluhu meelmariyo waa in laga sameeyo saddex nuqul oo rasmi ah oo ay saxiixaan
hoggaanka Goluhu loona diro Madaxweynaha
Qodobka
70aad
SAXIIXA MADAXWEYNAHA
IYO FAAFINTA
1. Madaxweynuhu muddo
soddon (30) beri gudohood, waa inuu ku saxiixo sharci kasta oo Golaha Wakiilladu
u soo gudbiyo ama uu isla muddadaas gudaheeda ku ogeysiiyo Golaha wakiillada
inuu diidan yahay.
2. Haddii Madaxweynuhu
aanu diidmo ka muujin waa inuu saxiixo, nuqulna u diro Golaha Wakiillada isla
markaasna amro in faafinta rasmiga ah lagu soo saaro, nuqulna lagu kaydiyo
Madaxtooyada.
3. Haddii uu Goluhu ku
dhawaaqo Sharci intifaac caam ah leh, Madaxweynuhu wuxuu qabaa in uu ku saxiixo,
kuna faafiyo ama ku diido shan iyo toban (15) maalmood gudahood.
4. Mar haddi la
shaaciyo, sharcigu wuxuu dhaqangalayaa shan iyo toban (15) maalmood gudahood,
haddii uusan ahayn mid loogu dhawaaqay intifaac caam ah, kaasoo dhaqangalaya
isla markiiba.
5. Haddii uu sharci ku
jiro gacanta Madaxweynaha muddo soddon (30) beri ka badan, iyada oo aan la
faafin, hogaanka Goluhu wuxuu amrayaa in lagu soo saaro warbaahinta qoraalka ah
ee dalka.
Qodobka
71aad
DIIDMADA QAYAXAN EE
MADAXWEYNAHA
Madaxweynuhu wuxuu
awood u leeyahay inuu diidmada qayaxan isku hortaago sharci uu meelmariyay
Golaha Wakiilladu, isaga oo diidmadiisa qoraal sababaysan ku
wargelinaya.
Qodobka
72aad
JEBINTA DIIDMADA
QAYAXAN
1. Diidmada qayaxan ee
Madaxweynaha waxaa Golaha Wakiilladu ku jebin karaan markii ay isla sharcigaas
mar labaad u codeeyaan kuna meelmariyaan aqlabiyad saddex meelood laba meelood
(2/3).
2. Hogaanka Goluhu
wuxuu u dirayaa Madaxweynaha sharcigii oo uu la socdo qoraalkii uu ku jabiyay
diidmada qayaxan.
3. Madaxweynuhu, markuu
helo qoraalka, wuxuu sharciga ku faafinayaa shan iyo toban (15) beri
gudohood.
Qodobka
73aad
DIB UGA DOODID MASHRUUC
SHARCI OO LA DIIDAY
Sharcigii Goluhu diiday
dib looguma soo celin karo isla kalfadhiga markaas socda.
Qaybta
2aad
FULINTA
Qodobka
74aad
HAY’ADDA
FULINTA
1. Hay’adda Fulinta ee
Dawladda Puntland waxay ka kooban tahay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka,
Wasiirrada, Wasiir Ku-Xigeennada iyo dhammaan Saraakiisha Sare iyo shaqaalaha
awooddooda toos u hoos yimaada.
2. Hay’adda Fulinta ee
dawladda waxaa haga Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku- Xigeenka haddii uu
Madaxweynuhu maqanyahay.
3. Hay’adda Fulinta
waxaa loola jeedaa “Xukuumadda”.
Qodobka
75aad
GOLAHA
XUKUUMADDA
Golaha Xukuumaddu waxa
uu ka kooban yahay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka, Wasiirrada iyo Wasiir
Ku Xigeennada.
Qodobka
76aad
AWOODAHA IYO
MAS’UULIYADAHA GOLAHA XUKUUMADDA
Golaha xukuumaddu wuxuu
leeyahay mas’uuliyadaha soo socda:
Dejinta, xiriirinta iyo
hirgelinta istaratejiyadda siyaasadeed ee ku saabsan amniga, horumarinta
dhaqaalaha iyo bulshada.
Xeer ku soo saaridda
(to decree by-law) kala nidaaminta awoodaha Hay’adda Fulinta ee
Dawladda.
Xukuumaddu waxa ay soo
rogi kartaa canshuuro cusub ama dhimi kartaa kuwa hore u jiray, ayada oo la
waafajinayo hadba baahida dalka.
Oggolaanshaha soo
jeedinta miisaaniyad-sanadeedka Dawladda oo muujinaya dakhliga Xukummaddu
filayso inuu soo galo iyo tafaasiishaa kharashyada xukuumadda iyo hay’adaha
kaloo dawliga ah ay filayaan in loo isticmaalo sannad-maaliyadeedkaas oo ay ku
jiraan mushaharooyinka shaqaalaha Dawladda, waana in la horgeeyo Golaha
Wakiillada, saddexda bilood ee sanadka ugu dambeeya gudahood.
Oggolaanshaha xeerka ku
dhawaaqidda xaaladda degdegga ah, ayna nuxurkeeda ku wargeliyaan Golaha
Wakiillada.
Oggolaanshaha
abuuritaanka hay’ado madaxbannaan iyo kuwa ay Dawladdu qayb ka tahay, dabadeedna
xeerkeeda loo gudbiyo Golaha Wakillada.
Magacaabidda
Xeer-Ilaaliyaha Guud, Hantidhawrka Guud, Garyaqaanka Guud iyo labo ka mid ah
Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka ee dibadda laga magacaabayo, iyadoo dabadeed
xasaanad loo weydiinayo Golaha wakiillada.
Inay tixgaliyaan,
go’aanna ka gaaraan dhammaan arrimaha uu Madaxweynuhu Golaha u soo
bandhigo.
Qodobka
77aad
XEERKA GUDAHA EE GOLAHA
FULINTA
1. Shuruudaha la
doonayo inuu buuxiyo qof kasta oo loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir ku-xigeen
waxay la mid yihiin kuwa xubinta Golaha Wakiillada oo ay u dheer tahay in
mudnaanta la siinayo waxbarasho gaarsiisan heer Jaamacadeed iyo waayo-aragnimo
maamul.
2. Madaxweynaha,
Madaxweyne ku-xigeenka, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha sarsare ee
Dawladda ma geli karaan ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.
3. Madaxweynaha,
Madaxweyne ku-xigeenka, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha sarsare ee
Xukuumaddu waa in ay hantidooda qoraal ugu caddeeyaan Hantidhawraha Guud ee
Dawladda, bisha ugu horreysa oo ay xilalka la wareegaan.
4. Madaxweynaha wuxuu
saxiixayaa xeerarka iyo xeer-hoosaadyada (by-laws), halka uu Wasiirku saxiixayo
Amar-fulinta wasaaraddiisa.
5. Go’aannada Golaha
Wasiirradu gaaraan waa mas’uuliyad-wadareed saarann dhammaan xubnaha
Golaha.
6. Golaha Fulinta waa
inuu xil-wareejin u sii diyaariyaa Golaha ku xiga laba bilood ka hor dhammaadka
muddada xil-hayntiisa.
Qodobka
78aad
SIFOOYINKA DOORASHADA
MADAXWEYNAHA
1. Muwaadin kasta oo
reer Puntland ah waa u furan tahay in uu u tartamo mansabka Madaxweynaha ama
Madaxweyne Ku-Xigeenka haddii uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay qabashada
xafiiska.
2. Shuruudaha laga rabo
qofka loo dooranayo Madaxweyne ama Madaxweyne Ku-Xigeen waa:
(b) Inuu yahay muwaadin
reer Puntland ah, Muslim ah, kuna dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay,
da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40) sano, marka uu xilka la
wareegayo.
(t) Inuu leeyahay
tacliin sare, aqoon iyo waayo aragnimo hogaamineed, yaqaanna, dhaqanka iyo
hiddaha Soomaaliyeed.
(j) Waa in uu yahay qof
xuquuqdiisa muwaadininimo u dhan tahay oo aan looga laalin go’aan maxkamadeed
shantii sano ee ugu dambeysay.
(x) Waa in uu yahay qof
damiirkiisu sarreeyo oo aan lagu ciqaabin khiyaamo qaran, galinna dambi ka dhan
ah bani’aadinimada.
3. Musharraxa jagada
Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka waxay ka imaan karaan Golaha Wakiillada
iyo dadweynahaba. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada loo doorto Madaxweyne
ama Madaxweyne ku-xigeen wuxuu bannaynayaa xubinnimadii Golaha Wakiillada,
waxaana beddelaya qofkii xubin- sugaha u ahaa.
Qodobka
79aad
MUDDADA
XILKA
Muddada xilhaynta
Madaxweynaha iyo Madaxweye ku-xigeenku waa shan sano (5), labo jeer oo kali ah
ayaana la soo dooran karaa.
Qodobka
80aad
AWOODAHA IYO
MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNAHA
1. Madaxweynuhu waa
madaxa Dawladda (Head of State) iyo madaxa Golaha Fulinta. Madaxweynuhu waa
astaanta midnimada dadka reer puntland.
2. Madaxweynuhu wuxuu
ka mas’uul yahay difaaca diinta Islaamka, Dastuurka iyo Shuruucda
dalka.
3. Madaxweynuhu waa
Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
4. Madaxweynuhu, isaga
oo la tashanaya Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu soo dhisayaa Xukuumadda 21 beri
gudahood laga bilaabo markii la doortay. Madaxwynuhu wuxuu Xubnaha Xukuumaddiisa
ka dhex xulan karaa Golaha Wakiillada iyo dibaddiisaba.
5. Madaxweynuhu, isaga
oo la tashanaya Madaxweyne Ku-Xigeenka, wuxuu awood u leeyahay in uu magacaabo
ama xilka ka qaado Xubnaha Golaha Wasiirrada, madaxda hay’adaha madaxabannaan
iyo madaxda kale ee Dastuurka ama shuruucda kale u oggol yihiin.
6. Madaxweynuhu wuxuu
curiyaa ama oggolaadaa, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, siyaasadda
xukuumaddiisu fulinayso ee la xiriirta waaxyaha maamulka guud, fulinteedana ku
kormeeraa iyadoo ay ujeedadu tahay in dadweynaha Puntland gaaraan horumar
dhaqan-dhaqaale oo dhan kasta ah.
7. Madaxweynuhu wuxuu
galaa wada-xaajoodyada la xiriira shuruudaha Dawladda Puntland uga qayb galeyso
Jamhuuriyad Soomaaliyeed ee Federaal ah, wuxuuna la saxiixayaa Dawladda
Federaalka ah heshiis, kaasoo u baahnaan doona in laga ansaxiyo
(ratification) Golayaasha Xukuumadda iyo Wakiillada.
8. Madaxweynuhu wuxuu
amraa, horana u mariyaa xiriirka caalamiga ah ee Puntland, wuxuuna ka xaajoodaa
dabadeedna saxiixaa heshiisyada caalamiga ah.
9. Madaxweynuhu wuxuu
si rasmi ah u qaabilaa wufuudda ajnebiga ah ee Puntland soo booqda, wuxuuna u
aqoonsadaa in ay marti dawladeed yihiin.
10. Madaxweynuhu wuxuu
billado iyo shahaado sharafyo guddoonsiiyaa muwaadiniinta Puntland iyo kuwa
ajnebiga ah ee mutaysta.
11. Madaxweynuhu wuxuu
leeyahay awoodda saamaxaadda iyo cafiska dembiyada siyaasadda iyo kuwa kaleba.
Labada xaaladoodba waa in uu Madaxweynuhu ka talo qaataa sharciyaqaan.
Madaxweynuhu cafis uma fidin karo dambiile ay shareecada Islaamku ku xukuntay
qisaas.
12. Madaxweynuhu wuxuu
furaa, hadalna ka jeediyaa kalfadhiyada Golaha Wakiillada.
13. Madaxweynuhu wuxuu
soo saaraa xeer xaalad degdeg ah si uu uga hortago dhibaatooyinka
ciribdambeed-xumadu ka dhalan karto, sida:
(b) Musiibo dhacday,
sida abaaro, duufaan, daadad, iwm.
(t) Dagaal sokeeye ama
dagaal ay Dawladda Puntland ku dhawaaqday, ama
(j) Rabshado/kacdoon
gudaha ah ee loola jeedo in lagu dumiyo jiritaanka Puntland.
14. Madaxweynuhu wuxuu
ku khasban yahay in uu xeerka xaaladda degdegga ah afartan iyo shan (45)
maalmood gudahood ku horgeeyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo, sida uu qabo
qodobka 28aad ee Dastuurka.
15. Madaxweynuhu wuxuu
si rasmi ah ugu dhawaaqaa taariikhda Hay’adda Doorashadu u astaysay qabashada
doorashada.
16. Madaxweynuhu wuxuu
soo saaraa xeer (by-law) qeexaya in la fuliyo shuruucda Golaha Wakiilladu
gudbiyeen. Ma jiri karo xeer ka horimanaya sharci Golaha Wakiilladu
gudbiyeen.
17. Madaxweynuhu wuxuu
ku hawlgalayaa mas’uuliyadaha kale oo dhan iyo awoodaha kale ee sharciga
Puntland u ogolaanayo.
18. Madaxweynuhu wuxuu
magacaabayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare,
kadib marka uu u gudbiyo Golaha Wasiirrada. Wuxuu kaloo magacaabayaa
Garsoorayaasha Maxkamadaha Caadiga ah, kadib marka uu Guddoomiyaha Maxkamadda
Sare soo jeediyo.
19. Madaxweynaha wuxuu
magacaabaa Guddoomiyaha, Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada
Qalabka Sida.
Qodobka
81aad
AWOODAHA IYO
MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Madaxweyne
Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka maamulka ee Madaxweynaha marka uu dalka ka
maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan karin.
2. Madaxweyne
Ku-Xigeenku wuxuu kala taliyaa Madaxweynaha mgacaabidda iyo xil-ka-qaadista
Wasiirrada, Wasiir Ku-Xigeennada iyo Saraakiisha sarsare ee
Dawladda.
3. Madaxweyne
Ku-Xigeenku wuxuu fuliyaa hawlaha Madaxweynuhu u wakiisho oo aan ka baxsanayn
hawlaha Madaxtooyada.
4. Madaxweyne
Ku-Xigeenka waxaa loo dhaarinayaa xilka Madaxweyninimo, haddii uu Madaxweynuhu
geeriyoodo, iscasilo, xilka laga qaado ama ay la soo gudboonaato xaalad xil
gudasho la’aan joogta ah, wuxuuna haynayaa inta ka harsan muddadii xilka
Madaxweynaha.
5. Haddii ay dhacdo
xaaladda ku xusan faqradda 4aad ee qodobkan, Golaha Wakiilladu waxa uu 30
maalmood gudahood ku soo dooranayaa Madaxweyne ku-xigeen cusub.
6. Haddii Madaxweynaha
iyo Ku-Xigeenkiisu ay isku mar geeriyoodaan, is wada casilaan ama xilka laga
wada qaado, waxaa xilkooda sii qabanaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inta laga
soo dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-Xigeen cusub, muddo soddon (30)
maalmood gudahood ah.
Qodobka
82aad
EEDAYNTA MADAXWEYNAHA
IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Haddii Madaxweynaha
ama Madaxweyne Ku-Xigeenka lagu eedeeyo xilgudasho la’aan culus, ku-xadgudub
Dastuur, khiyaamo qaran waxaa la marayaa habraaca soo socda:
(b) Ugu yaraan kala
baroo bar (1/2) xubnaha Golaha Wakiillada ama Xeer Ilaaliyaha Guud waa inay
bilaabaan habraaca eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka, iyagoo
Golaha Wakiillada ka codsanaya xil-ka-qaadistooda, isla markaana u gudbinaya
caddeymaha eedeyntooda.
(t) Golaha Wakiilladu
wuxuu ka baaraandegayaa eedeymaha la soo hordhigay, waxaana eedeysanaha la
siinayaa fursad isdifaac.
(j) Goluhu wuxuu u
codeynayaa, isla markaana ogolaanayaa oo kaliya marka ay saddex meelood laba
(2/3) ay si qarsoodi ugu codeyso xil-ka-qaadistooda.
2. Madaxweynaha iyo
Ku-Xigeenkiisu dalka kama maqnaan karaan muddo ka badan laba (2) bilood sabab
la’aan.
Qodobka
83aad
XILALKA
WASIIRKA
1. Wasiirku waa
mas’uulka ugu sarreeya wasaaradda loo magacaabay, siyaasad iyo maamul
ahaanba.
2. Wasiirku wuxuu
fuliyaa siyasadda xukuumadda ee la xiriirta wasaraddiisa.
3. Wasiirka, asaga oo
la tashanaya Wasiir ku-xigeenka wuxuu go’aamiyaa siyaasadda hawl-fulinta
wasaaradda iyo shaqaalaheeda.
Qodobka
84aad
Xilka Wasiir
ku-Xigeenka
1. Wasiir ku-xigeenku
waxa uu qabanayaa dhammaan xilalka Wasiirka marka uu maqan yahay ama uusan si
ku-meelgaar ah xilka u gudan karin.
2. Wasiir Ku-Xigeenka
wuxuu kala taliyaa Wasiirka dhammaan waxqabadka wasaaradda.
3. Wasiir Ku-Xigeenku
wuxuu fuliyaa hawlaha uu u cayimo Wasiirku oo aan ka baxsanayn mas’uuliyadda
Wasaaradda.
Qodobka
85aad
WAKAALADAHA GAARKA
AH
1. Golaha Xukuumaddu
wuxuu abuuri karaa Wakaalado Gaar ah oo loo xilsaarayo hawlo
cayiman.
2. Wakaaladaha Gaarka
ah waxay yeelanayaan xeer u gaar ah oo laga ansaxiyo Golaha
Wakiillada.
Qodobka
86aad
CIIDAMADA
NABADGELYADA
1. Ciidamada
Nabadgelyadu waxay u xilsaaran yihiin sugidda amniga gudaha iyo xuduudaha
Dawladda Puntland, waxayna ka kooban yihiin:
Ciidanka
Daraawiishta.
Ciidanka
Booliska.
Ciidanka
Nabadsugidda.
Ciidanka
Asluubta.
2. Xeer gaar ah ayaa
nidaaminaya dhismaha iyo waajibaadka ciidan kasta.
Qaybta
4aad
GARSOORKA
XUBINTA
KOOWAAD
NIDAAMKA
GARSOORKA
Qodobka
87aad
QAAB-DHISMEEDKA IYO
MABAADIIDA
Hay’adda Garsoorka ee
Puntland waxa ay ka kooban tahay:
(b) Maxkamadda
Sare.
(t) Maxkamadda
Dastuuriga.
(j) Maxkamadaha
Rafcaanka ee Gobollada.
(x) Maxkamadaha
Darajada koowaad.
(kh) Golaha
Garsoorka.
Hay’adda Garsoorka ee
Puntland oo kaliya ayaa xukun ridi karta, bixin karta amar fulin xukun dastuuri,
madani, ciqaab, ganacsi, maamul, arrimo shaqaale iyo arrimo kale oo uu sharcigu
jideeyay.
Garsoorku markuu
hawlihiisa fulinayo, wuxuu xor ka yahay Golayaasha Xeer-Dajinta iyo Fulinta,
waxaana haga Dastuurka iyo shuruucda kale.
Qaab-dhismeedka,
Laamaha, xuduudaha awoodaha iyo xilgudashada Garsoorka waxaa xadidaya sharci ay
Xukuumaddu horgeyso Golaha Wakiillada.
Maxkamadaha Ciidamada
waxay awood u leyihiin oo qura qaadista dambiyada ciidamadu galaan oo sharcigu
qeexayo.
Garsoorayaashu waa in
aynan qaban hawlo ka horimanaya garsoornimadooda.
Dhageysiga dacwooyinka
waa ay u furantahay dadweynaha, hase yeeshee sharciga ama garsooruhu wuu
go’aansan karaa si kale, isagoo ka eegaya arrimaha anshaxa, daaficidda da’ yarta
ama markhaatiyaasha, fayodhowrka ama ammaanka guud.
Xukun-dacwadeed lama
ridi karo iyadoo aan dhinacyada is haya oo dhammi fursad u helin inay gartooda
jeedsadaan, haddii aan sharcigu si kale u tilmamin.
Qofna ma burin karo, ma
badali karo, ma diidi karo in uu u hogaansamo xukun maxkamadeed, haddii aysan
xukunkaas badalin ama tirtirin Maxkamad ka sarreysa.
Maxkamaddu waa in ay u
fasirtaa eedeysanaha dambiga lagu ciqaabay.
QODOBKA
88aad
GOLAHA
GARSOORKA
Golaha Garsoorka waa
hay’adda maamulka Garsoorka.
Golaha Garsoorku wuxuu
ka kooban yahay:
(b) Guddoomiyaha
Maxkamada Sare oo noqonaya Guddoomiyaha Golaha.
(t) Guddoomiye
Ku-Xigeenka Maxkamadda Sare.
(j) Xeer-Ilaaliyaha
Guud
(x) Labo garyaqaan oo
ay Xukuumaddu ka soo xusho Dadweynaha, Golaha Wakiilladuna
ansaxiyo.
Marka Guddoomiyaha
Goluhu maqan yahay ama uu xilkiisa gudan kari waayo, waxaa hawlaha Golaha sii
wadaya Ku-Xigeenkiisa.
Golaha Garsoorka waxaa
hawlihiisa nidaaminaya sharci gaar ah.
QODOBKA
89aad
AWOODAHA IYO XILALKA
GOLAHA GARSOORKA
Goluhu wuxuu yeelanayaa
awoodaha iyo xilalka soo socda:
Magacaabida, ruqsaynta,
bedelidda, dalacsiinta, anshaxmarinta garsoorayaasha maxkamadaha rafcaanka iyo
derajada koowaad iyo dhammaan shaqaalaha kale ee Hay’adda
Garsoorka.
Diyaarinta halbeegyada
(norms) sharci ee la xiriira taxanaha shaqo (careers) ee dhinaca
maamulka hawlwadeennada garsoorka iyo u gudbinta halbeegyadaas Wasiirka
Garsoorka si uu uga ansixiyo Golaha Xukuumadda
Diyaarinta hindise
sharci iyo wax ka badalid sharciyo la xiriira howlaha iyo nidaamka Garsoorka iyo
u gudbinta Wasiirka Garsoorka si uu u hordhigo Xukuumadda.
Samaynta iyo maamulidda
xarumo tababarro garsoor si loo horumariyo heerka aqoonta iyo xirfadda
garsoorayaasha iyo kaaliyeyaashooda, iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda
Garsoorka.
Shuruudaha uu Golaha
Garsoorka u adeegsanayo shaqaalaynta garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale waxaa
lagu qeexayaa sharci gaar ah.
XUBINTA
LABAAD
MAXKAMADAHA
Qodobka
90aad
MAXKAMADDA
SARE
1. Maxkamadda Sare
waxay ku shaqaysaa go’aan wadareed, waxayna ka kooban tahay shan (5) xubnood oo
kala ah: Guddoomiye, Guddoomiye Ku-Xigeen, iyo saddex (3)
garsoore.
2. Maxkamadda Sare
waxay yeelanaysaa laba (2) garsoore oo kayd ah oo uu Guddoomiyaha Maxkamaddu u
yeeri karo in uu dacwadda la galo, marka garsoorayaasha qaarkood fasax galaan
ama garsoore si gaar ah uga cudurdaarto inuu wax ka galo qaadista dacwadaha
qaarkood. Garsoorayaasha kaydka ahi waa inay buuxiyaan isla shuruudaha
Garsoorayaasha rasmiga ah, lana mariyo habka kuwa kale lagu
doortay.
3. Garsoorayaasha
Maxkamadda Sare iyo kuwa kaydka ahba waxaa soo sharraxaya Golaha xukuumadda,
waxaana ansaxinaya Golaha Wakiillada.
4. Muddada xilhaynta
xubnaha Maxmadda Sare ee rasmiga ah iyo kuwa kaydka ahba waa shan (5) sano,
marka laga reebo doorashada koowaad oo noqonaysa sida soo socota:
(b) Saddex garsoore oo
rasmi ah iyo mid kayd ah waxaa la dooranayaa (5) shan sano doorashada ugu
horraysa.
(t) Labo garsoore oo
rasmi ah iyo mid kayd ahna waxaa la dooranayaa afar (4) sano doorashada ugu
horraysa.
(j) Wixii ka dambeeya
doorashada koowaad koox walba oo muddadoodu dhammaato, waxaa dib loo dooranayaa
garsoorayaashii hore ama kuwa kale muddo shan (5) sano ah.
5. Xarunta Maxkamadda
Sare waa xarunta Dawladda Puntland, hase ahaatee dacwadaha waxay ku qaadi kartaa
meel kasta oo dalka ka mid ah.
6. Garsoorayaasha
Maxkamadda Sare waxaa xilka lagaga qaadi karaa aqlabiyad haldheeri (1/2+1) ah
xubnaha Golaha Wakiillada, iyadoo loo cuskanayo qodobka 100aad ee
Dastuurka.
Qodobka
91aad
DOORASHADA GARSOORE
MAXKAMADDA SARE
Si loo noqdo Garsoore
Maxkamadda Sare waxaa loo baahan yahay:
(b) Waa inuu yahay
muwaadin reer Puntland ah, xuquuqdiisana aan la laalin shantii (5) sano ee ugu
dambeysay.
(t) Waa in aysan
da’diisu ka yarayn afartan sano (40).
(j) Waa in uu haysto
shahaado culuunta sharciga oo uu ka qaatay Jaamacad la aqoonsan
yahay.
(x) Waa inuu leeyahay
waaya-aragnimo garsoor oo aan ka yarayn laba (2) sano ama qareennimo shan (5)
sano aan ka yareyn.
(kh) Waa inuu yahay qof
lagu yaqaan hufnaan iyo daacadnimo, aqoon iyo kartina u leh arrimaha
sharciga
Qodobka
92aad
NIDAAMKA GO’AAN
QAADASHADA MAXKAMADDA SARE
1. Go’annada Maxkamadda
Sare waxay ku ansaxaan aqlabiyadda Xubnaha Maxkamadda. Garsooraha ama
Garsoorayaasha aan ogoleyn go’aanka la gaaray, waxay muujisan karaan codkooda
diidmada ah.
2. Xoghayaha Maxkamadda
Sare waa inuu la socodsiiyaa go’aannada maxkamadda dhinacyada ay
khusayso.
Qodobka
93aad
AWOODAHA IYO
XILALKA
1. Maxkamadda Sare waa
darajada ugu sarraysa maxkamadaha, waxayna leedahay awood ku baahsan Puntland oo
dhan.
2. Maxkamadda Sare
waxay Golaha Wakiillada u soo jeedisaa abuuridda maxkamado cusub.
3. Maxkamadda Sare waa
inay horgeyso Golaha Wakiillada mashruuc sharci ama wax ka beddelid shuruuc
jirtay oo la xiriira maamulka Garsoorka.
4. Maxkamadda Sare waa
inay xalliso khilaafaadka u dhaxeeya Maxkamada, kuna saabsan
xuduudahooda.
5. Maxkamadda Sare waa
in ay go’aan kama dambeys ah ka gaartaa dacwadaha ay xukumeen Maxkamadaha ka
hooseeya, iyadoo aan lagu raali galineyn dinacyada ishaya
midkoodna.
6. Maxkamadda Sare waa
in ay xallisaa ismaandhaafyada sharciyeed oo aynan masuuliyiin kale sharciyan
ugu xilsaarneen.
7. Maxkamada Sare waxay
diyaarisaa habraacyada dacwadaha ka dhacaya dalka dibaddiisa iyo inay ogolaato
habraaca lagu fulinayo dacwad ama xarig dembiile dal kale lagaga soo
xukumay.
8. Maxkamadda Sare
waxay go’aan ka gaartaa dhammaan codsiyada isu-gacan gelinta
dembiilayaasha.
9. Maxkamadda Sare wa
in ay hubisaa sida ay Maxkamadaha hoose u maamulayaan garsoorka, wana in ay
qaadaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo helo in ay garsoorayaashu wax
u xukumaan si ay ku dheehantahay karti, hufnaan iyo caddaalad.
10. Maxkamadda Sare
waxay xukuntaa Saraakiisha Dawladda sida shuruucdu jideeneyso.
11. Awoodaha iyo
xilalka Maxkamadda Sare waxaa ka mid ah awoodaha iyo xilalka kale ee uu sharcigu
banneynayo.
Qodobka
94aad
MAXKAMADAHA
RAFCAANKA
1. Xarumaha Maxkamadaha
Rafcaanku waa magaalo-madaxyada Gobollada.
2. Maxkamadaha
Rafcaanku waxa ay qaadaan dacwadaha rafcaanka laga soo qaatay ee xukunnadoodu ka
soo dhamaadeen maxkamadaha derejada koowaad.
3. Awoodaha maxkamadda
rafcaanku waxa ay ku egtahay gobolkeeda.
4. Maxkamad kasta ee
Rafcaan waa in ay yeelataa ugu yaraan saddex (3) garsoore.
5. Shuruudaha laga
doonayo garsoorayaasha loo qaadanayo Maxkamadda Rafcaanka waxa ay la mid yihiin
kuwa Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, sida ku cad qodobka 90aad ee Dastuurka.
Garsoorayaashaasi waa in ay haystaan shahaado qaanuun ee la aqoonsan yahay ama
in ay faham ballaarn u leeyihiin Shareecada Islaamka.
Qodobka
95aad
MAXKAMADDA DEREJADA
KOOWAAD
1. Maxkamadaha derejada
koowaad waa meesha ay ka bilowdaan dhageysiga dhammaan dacwadaha, marka laga
reebo kuwa Xukuumaddu dhinac ka tahay, kuwaasoo ay dhageysato Maxkamadda
Sare.
2. Tirada
garsoorayaasha maxkamadaha derejada koowaad waxaa go’aaminaya
sharciga.
3. Sharciga lagu
maamulo taxanaha shaqada (career) garsoorayaasha ayaa qeexaya shuruudaha
laga rabo garsooraha maxkamadda derejada kowaad.
Qodobka
96aad
MAXKAMADAHA
CIIDAMADA
Maxkamadaha ciidamadu
waxay gaar u yihiin qaadista dembiyada ay galaan xubnaha ciidamada oo keli ah
iyo ciddii isu ekeysiisa.
Maxkamadaha Ciidamada
iyo xeer-ilaaliyaashooda waxaa nidaamiya xeer gaar ah.
Qodobka
97aad
MAXKAMADDA
DASTUURIGA
1. Dawladda Puntland
waxay yeelaneysaa Maxkamad Dastuuriga ah, garsoorayaasheeduna waxa ay ka
koobnaanayaan garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo lagu kordhiyo afar (4) garsoore
oo bulshada laga soo dhex xulay.
2. Afarta (4) garsoore
ee bulshada laga soo xulayo waxaa la magacaabayaa soddon beri (30) gudahood,
markii dhismaha Maxkamadda Dastuuriga lagu dhawaaqo.
3. Afarta garsoore ee
bulshada laga soo xulayo, labo ka mid ah waxaa dooranaya Golaha Wakiillada,
labada kalena waxaa soo xulaya Golaha Xukuumadda waxaana ansixinaya Golaha
Wakiillada.
4. Afarta xubnood ee
Maxkamadda Dastuuriga ah ee laga soo xulay bulshada waxay dhammaan xuquuqda kala
mid yihiin garsoorayaasha Maxkamadda Sare.
5. Guddoomiyaha
Maxkamadda sare ayaa noqonaya Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka.
6. Maxkamaddu waxa ay u
hoggaansamaysaa sharciga oo keli ah, maammul ahaan iyo garsoor
ahaanba.
7. Xoghayaha Maxkamadda
sare ayaa noqonayaa Xoghayaha Maxkamadda Dastuuriga.
8. Haddii jago-garsoore
ama ka badani ka bannaanaato Maxkamadda Dastuuriga, sabab kasta ha ku timaadee,
waa in lagu buuxiyaa afartan iyo shan (45) maalmood gudahood.
9. Xarunta Maxkamadda
Dastuurka waa caasimadda Puntland.
10. Xukuumadda ayaa
diyaarineysa xeer gaar ah oo lagu qeexayo dhismaha, habka iyo awoodaha
Maxkamadda Dastuuriga, waxaana ansaxinaya Golaha Wakiillada.
Qodobka
98aad
AWOODAHA IYO XILALKA
MAXKAMADDA DASTUURIGA
1. Maxkamadda
Dastuuriga ahi waxay awood u leedahay inay buriso sharci kasta, xeer hoosaad ama
xeer-fulineed Golaha Fulinta gebi ahaan ama qaybo ka mid ah, sababo la xiriira
inuu Dastuurka khilaafsan yahay. Muwaadin kasta wuxuu Maxkamadda weydiisan karaa
in ay sidaas yeesho, isagoo arjigiisa ku xusaya sababaha
cabashadiisa.
2. Go’aan ka gaarista
cabasho muwaadin oo la xiriirta tacaddi loo geystey xuquuqdiisa dastuuriga
ah.
3. Maxkamadda
Dastuuriga waa in ay go’annadeeda waafajisaa Shareecada Islaamka iyo
Dastuurka.
4. Maxkamadda
Dastuuriga waa in ay ku xalisaa khilaafaadka u dhexeeya hay’adaha dawliga ah
sida hadba awoodahooda dastuuriga iyo xilalkoodu kala yihiin.
5. Maxkamadda
Dastuuriga waa in ay ka siisaa ra’yi macquul ah, markii uu Golaha Wakiillada
weydiisto, sida mashruuc sharci ah oo ay ka doodayaan uu u waafaqsanyahay
Dastuurku.
6. Maxkamadda
Dastuuriga ah ayaa ilaalinaysa inaan qofna xaquuqdiisa lagu xad gudbin, sharci
gaar ah ayaana qeexaya sida Maxkamadda Dastuuriga ay u gudanayso
xilkaas.
Qodobka
99aad
GO’AAN QAADASHADA
MAXKAMADDA DASTUURIGA
1. Maxkamadda
Dastuuriga waxay go’aannadeedu ku gaartaa aqlabiyad cod hal-dheeri
ah.
2. Go’aannada
Maxkamadda Dastuurga waa in la Diiwaangeliyo, Dadweynaha lala socodsiiyo, laguna
soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dawladda.
3. Xoghayaha Maxkamaddu
waa inuu go’aannada Maxkamadda ogeysiiyaa dhinacyada ay khusayso.
Qodobka
100aad
SIFOOYINKA XULIDDA
GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA DASTUURIGA
Garsoorayaasha
Maxkamadda Dastuuriga ah ee aan ka tirsanyn Maxkamadda sare waa inay buuxiyaan
shuruudaha ku xusan qodobka 90aad ee Dastuurka.
Qodobka
101aad
LUMINTA XUBINNIMADA
MAXKAMADDA DASTUURIGA
Xubinnimada Maxkamadda
Dastuuriga waxaa lagu waayi karaa marka ay sugnaato mid ka mid ah sababaha hoos
ku qoran:
(b) Haddii ay lumiso
shuruudihii lagu soo doortay mid ka mid ah.
(t) Geeriyooto ama ay
ku dhacdo jirro ay la gudan waydo xilkeeda.
(j) Istiqaalo keento
lagana aqbalo.
(x) Ku xad gudubto
Dastuurka iyo qawaaniinta Dalka.
(kh) Maxkamadi ku
xukunto fal dambiyeed aan kama ahayn oo ciqaabtiisu aanay ka yarayn hal (1)
sano.
Qaybta
5aad
HEY’ADAHA KALE EE
DAWLLADDA EE MUHIIMKA AH.
Xubinta
1aad
XEER-ILAALINTA
GUUD
Qodobka
102aad
XEER-ILAALIYAHA
GUUD
Xeer-Ilaalinta Guud
waxay ka koobantaa:
(b) Xeer-ilaaliyaha
guud.
(t) Ku-Xigeenka
Xeer-Ilaaliyaha Guud.
(j) Xeer-Ilaaliyaasha
Gobollada.
Xeerka nidaaminaya
Xafiiska Xeer-Ilaalinta wuxuu abuuri karaa Xeer-Ilaaliyaal gaar ah, hadba
baahida bulshada.
Xarunta Xeer-Ilaaliyaha
Guud waa magaala-madaxda Dawladda Puntland.
Xeer-Ilaaliyaha Guud
xuduudiisa awoodeed waa Puntland oo dhan.
Qodobka
103aad
MAGACAABIDDA
XEER-ILAALIYAHA GUUD
1. Golaha Fulinta ayaa
magacaabaya Xeer Ilaaliyaha Guud, waxayna horgeynayaan Golaha Wakiillada si uu u
ansixiyo.
2. Qofka loo
magacaabayo Xeer Ilaaliye Guud waa inuu buuxiyo shuruudaha soo
socda:
(b) Inuu yahay
muwaaddin Puntland.
(t) In ayan da’diisu ka
yarayn 40 sano.
(j) Inuu haysto
shahaado Jaamacadeed ee culuunta sharciga, isla markaasna uu leeyahay waaya
aragnimo garsoore ama qareen oo aan ka yaryn shan (5) sano.
(x) Waa inuu leeyahay
anshax wanaagsan, loona aqoonsan yahay qof awood u leh in uu hawshiisa xirfadeed
gudan karo.
3. Ku-Xigeenka
Xeer-Ilaaliyaha Guud waxaa looga baahan yahay isla shuruudaha Xeer-Ilaaliyaha
Guud looga baahan yahay, aan ka ahayn in waayo-aragnimiisa garyaqaan noqoto
saddex (3) sano, waa in da’diisu aynan ka yaraan soddon iyo shan (35)
sano.
4. Muddada xilhaynta
Xeer-Ilaaliyaha Guud waa shan sano (5) oo la cusboonayn karo.
Qodobka
104aad
AWOODAHA IYO XILALKA
XEER-ILAALIYAHA GUUD
In Xeer-Ilaaliyaha Guud
uu oogo dacwadaha iyo in uu eedeeyo saraakiisha sare ee Dawladda si waafaqsan
Dastuurka.
In uu difaaco danaha
Dawladda Puntland iyo dadweynaheeda.
In uu hogaamiyo
baarista dambiyada, isla markaana ka oogo eedeymaha ciqaabeed Maxkamadda
horteeda mar kasta oo loo baahdo. Marka la baarayo falalka dambiyada, ciidanka
booliska waxay ka amar qaadanayaan Xeer-Ilaaliyaha Guud.
In uu difaaco danaha
dhaqaale ee Dawaladda Puntland.
In uu wakiil uga noqdo
Dawladda Puntland maxkamadaha hortooda markii ay jirto dacwad ay dawladdu dhinac
ka tahay iyo mar kastoo dawladdu galeyso heshiis ay wax isaga gadeyso ama ay ku
gadaneyso hanti maguurto ah.
In uu guddi magacaabi
karo si uu gacan ugu helo xil-gudashadiisa.
In uu kormeero
xabsiyada iyo xarumaha dhaqan celinta.
In uu diyaariyo qareen
difaaca, haddii eedeeysanuhu awoodin in uu qabsado qareen.
Ilaalinta iyo difaaca
xuquuqda qoyska, agoonta, carruurta, dadka dhimirkoodu dhimanyahay iyo cid kasta
oo u baahan daryeel sharci.
Gudashada xilalka iyo
waajibaadka ay siiyaan sharciyada kale.
Qodobka
105aad
XIL KA QAADISTA XEER
ILAALIYAHA GUUD IYO KU-XIGEENKIISA
Xeer-Ilaaliyaha Guud
iyo Ku-Xigeenkiisa waxaa xilka lagaga qaadi karaa marka ay dhacdo mid ka mid ah
sababaha ku cad qodobka 101aad ee Dastuurka, ayna soo jeediso Xukuummadda,
Golaha wakiilladuna oggolaado.
Xubinta
Labaad
HANTIDHAWRKA
GUUD
Qodobka
106aad
XAFIISKA HANTIDHAWRKA
GUUD
1. Xafiiska
Hantidhawrka Guud waa hay’ad madaxbannaan wuxuuna u hoggaansamaa sharciga oo
keliya.
2. Xarunta Hantidhawrka
Guud waa Caasimadda Puntland, wuxuuna leeyahay awood ku baahsan Puntland oo
dhan.
3. Madaxa xafiiska
Hantidhawrka Guud waxaa magacaabaya Golaha Xukuumadda muddo shan (5) sano ah,
waxaana xilka lagaga qaadi karaa sababo sharciga ku cad oo kaliya. Golaha
Wakiilada ayaa ansaxinaya magacaabistiisa iyo ruqseyntiisaba.
4. Qofka noqonaya
Madaxa Xafiiska Hantidhawrka Guud waa inuu yahay muwaaddin Puntland ah oo aynan
da’diisu ka yarayn afartan sano (40), isla markaasna aqoon u leh xisaabaadka
Dawladda iyo guud ahaanba Xisaabaadka, waana inay u weheliso waaya-aragnimo la
xiriirta isla hawshaas oo aan ka yarayn shan (5) sano.
5. Marka laga reebo
Madaxa Xafiiska Hanti Dhawrka Guud dhammaan shaqaalaha kale ee xafiiska waxaa
lagu qaadanayaa si waafaqsan sharciga shaqaalaha Dawladda ee
Puntland.
6. Qaab-dhismeedka iyo
habraacyada Xafiiska Hantidhawrka Guud Sharci gaar ah ayaa
qeexaya.
Qodobka
107aad
AWOODAHA IYO XILALKA
HANTIDHAWRKA GUUD
Awoodaha iyo xilalka
Hantidhawrka Guud:
1. La Dagaallanka
musuqmaasuqa heer kasta oo maamulka Dawladda dhexdeeda ka jira.
2. Hubinta in dhammaan
kharashyada xisaabaadka dawladda ee ay galaan dhammaan hay’adaha dawladdu ay ku
baxaan si sharci ah oo waafaqsan miisaaniyadda Dawladda.
3. Dabagalka
munaasibnimada waxqabadyada Dawladda ee kallifa kharash bixin ka soo jeedda
xisaabaadka Dawladda.
4. Baaritaanka
hay’adaha Dawladda, dawaladaha hoose, wakaaladaha Madaxa-bannaan, shirkadaha
wadaagga ah ee dawladdu qayb ka tahay iyo meel kasta oo lagu maamulo hanti
dawladeed, si waafaqsan habraacyada shuruucdaa maaliyadeed iyo xisaabaadka
Dawladda.
5. Go’aan ka gaaridda
mas’uul kasta oo si khaldan u maamula maaliyad dawladeed iyo go’aaminta ganaax u
dhigma heerka takrifalka mas’uulkaasi galay. Haddii baaritaanka uu ka soo baxo
fal-dambiyeed, Hantidhawrka Guud wuxuu kiiskaas oo ay la socdaan qoraallada ka
marag kacaya u gudbinayaa Xeer-Ilaalinta Guud si dacwad loogu
oogo.
6. Inuu hay’ad walba oo
dawladeed weydiisto ama kala wareego dokumentiyada uu u baahan yahay marka uu
baaritaan ku samaynayo inay jirto xatooyo ama ku takrifal hanti dadweyne si uu
uga baaraandego.
7. Inuu sannad walba u
gudbiyo Golaha Wakiillada warbixin ku aadan xisaab-xirka miisaaniyadda Dawladda
ee sanadkii la soo dhaafay.
8. Xafiiska
Hantidhawrka Guud wuxuu awood u leeyahay soo saaridda awaamir iyo qaab habraacyo
ku aaddan gudashada xilalka hantidhawrka guud.
9. Gudashada awoodaha
iyo xilalka kale ee ay faraan sharciyada Puntland.
Qodobka
108aad
XAFIISKA GARYAQAANKA
GUUD
1. Xafiiska Garyaqaanka
Guud waa hay’ad gaar ah oo leh madaxbannaani shaqo lana xiriirsan Madaxtooyada
Dawladda Puntland, wuxuuna ka koobmaa:
(b). Garyaqaanka
Guud.
(t). Ku- Xigeennada
Garyaqaanka Guud.
2. Xarunta Garyaqaanka
Guud waa magaalo madaxda Dawladda Puntland.
3. Garyaqaanka Guud
xuduudiisa awoodeed waa Puntland oo dhan.
4. Garyaqaanka Guud
wuxuu hay’adaha Dawladda ka difaacaa Maxkamadaha hortooda, markay wax
dacweynayaan iyo markii ayaga la dacweynayaba.
5. Garyaqaanka Guuud
wuxuu talo sharci siiyaa Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, markay uga
baahdaan.
6. Garyaqaanka Guud
wuxuu Madaxweynaha ka saxiixaa qawaaniinta labada gole isku raacaan, kuna soo
saaraa Faatinta Rasmigas ah ee Dawladda si loogu dhaqmo.
7. Xafiiska Garyaqaanka
Guud waa hay’adda keydisa lagana heli karo dhammaan qawaaniinta Puntland ka soo
baxda.
8. Xeer gaar ah ayaa
nidaaminaya qaab-dhismeedka Xafiiska Garyaqaanka Guud iyuo Shuruudaha looga
baahan yahay hawlwadeenadiisa.
Qodobka
109aad
BANKIGA
DHEXE
1. Bankiga Dhexe waa
hay’ad Dawladeed Madaxbannaan, wuxuuna u xilsaaran yahay:
(b) Hirgelinta
siyaasadda lacageed ee Xukuumadda.
(t) Daabicidda
lacagta.
(j) Bankiga Dhexe waa
Khasnadda Dawladda (Government Treasury).
(x) Oggolaanshaha
shirkadaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.
(kh) Kormeeridda
shirkadaha maaliyadeed ee gaarka ah iyo kuwa guud ee Puntland ka
hawlgala.
1. Bankiga Dhexe waxaa
hawlihiisa haga Guddi Maamul (Board of Directors) oo ka kooban toddoba
(7) xubnood oo kala ah:
(b) Guddoomiyaha
Bankiga Dhexe.
(t) Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Maaliyadda.
(j) Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Ganacsiga.
(x) Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.
(kh) Saddex xubnood oo
ay magacowdo Rugta Ganacsiga; iyo
Xoghaye aan cod lahayn
oo noqonaya Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe.
2. Guddiga Maamulka
wuxuu hawl gali karaa oo kaliya, marka ay Bankiga u dhameystirmaan gudashada
waajibaadka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan.
3. Guddoomiyaha Bankiga
Dhexe waxaa xilka u magacaaba, muddo shan (5) sano ah, Xukuumadda, iyada ayaana
sababaha sharcigu tilmaamayo oo kaliya ku ruqseyn karta. Golaha Wakiillada ayaa
ansaxiya magacaabistiisa iyo ruqseyntiisaba.
4. Qaab-dhismeedka iyo
nidaamka uu ku hawl-galo Bankiga Dhaxe, waxaa qeexaya xeer gaar ah oo Golaha
Wakiilladu ansixiyo.
Qodobka
110aad
AQOONSIGA
XEER-DHAQAMEEDKA
1. Dastuurku wuxuu
Aqoonsanyahay Xeer-Dhaqameedka aan ka hor imaanayn Shareecada Islaamka,
Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
2. Isimada la aqoonsan
yahay waa heerka ugu sarreeya hoggaamiye dhaqameedka.
3. Si loo ilaaliyo
sharafta iyo dhex-dhexaadnimada hogaamiye dhaqameedyada, waxaa reebban in ay ka
qayb qaataan ururo iyo xisbiyo siyaasadeed.
4. Wixii muran iyo
ismaandhaaf ah oo ka dhex dhaca beelaha, khatarna galin kara nabadgalyada
beelaha, hogaamiye dhaqameedyada waxaa loogu yeerayaa in ay talo ka soo
jeediyaan ama ay u helaan xal nabadeed.
5. Go’aannada
dib-u-heshiisiinta, dhexdhexaadinta, iyo heshiisyada xallinta khilaafaadka ay
guddoomiyaan hoggaamiye dhaqameedyadu, iyaga oo adeegsanaya xeerarka
hab-dhaqameedka, dhamman hay’adaha Dawladda waa inay aqoonsadaan gacanna ku
siiyaan fulinta go’aannada ay gaaraan.
6. Marka hoggaamiye
dhaqameedyadu gaaraan go’aan ku saabsan xallinta khilaafaadka beelaha dhexdooda,
waa in laga diiwaan geliyaa maxkamadda derejada koowaad ee degmada dhibaatadu ka
dhacday, maxkamadduna waa inay la socotaa fulinta go’aankaas.
Qodobka
111aad
GUDDIGA CULIMADA
DIINTA
Xukuumadda Puntland
waxay magacaabeysaa Guddi Culimo ee diinta Islaamka:
1. Guddiga wuxuu ka
koobnaanayaa sagaal (9) xubnood oo caan ku ah aqoonta . Shareecada
Islaamka.
2. Guddiga
waajibaadkiisu waxa ay noqonayaan in ay Dawladda kala taliyaan arrin kasta oo
khuseysa Shareecada Islaamka, gaar ahaan marka looga baahdo
iswaafajinta Shareecada
Islaamka iyo Xeerarka Puntland.
3.Waxaa kaloo Guddiga
Culimada lagala tashanayaa magacaabista garsoorayaal
Shareecada Islaamka ee
ka hawlgala Maxkamadaha kala duwan ee Puntland, hadba sidii loogu
baahdo.
4. In ay caddeyn ka
bixiyaan khilaafaadka diiniga ah ee abuurma.
Xubinta
Saddexaad
HAY’ADDA
DOORASHADA
Qodobka
112aad
GUDDIGA
DOORASHADA
1. Guddiga Doorashada
Puntland waa hay’ad madaxbannaan, waxayna u hoggaansamaysaa sharciga oo keliya,
waxayna xilkeeda u gudaneysaa si ka madaxbannaan dhammaan qaybaha kale ee
Dawladda.
2. Waa hay’adda ugu
sarraysa arrimaha doorashooyinka ee dalka oo go’aannadeedu aysan burin karin
hay’ad kaloo dawli ah, marka laga reebo Maxkamadda Dastuuriga ah.
3. Guddiga Doorashada
ee Puntland wuxuu ka kooban yahay toddoba (7) xubnood oo la dooranayo muddo lix
(6) sano ah, dibna loo soo dooran karo.
Qodobka
113aad
NIDAAMKA DOORASHADA
GUDDIGA
Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada ayaa saddex bilood ka hor ku dhawaaqaya wakhtiga loo muddeeyay
ansaxinta Xubnaha Guddiga Doorashada, waxaana loo soo kala magacaabayaa, sida
soo socota:
(b) Saddexda Xisbi mid
waliba hal (1) xubin ayuu soo magacaabayaa.
(t) Madaxweynaha wuxuu
magacaabayaa laba (2) xubnood oo lab iyo dheddig kala ah.
(j) Golaha Wakiilladu
wuxuu magacaabayaa laba (2) xubnood, lab iyo dheddig kala ah.
(x) Golaha Wakiillada
wuxuu ansaxinayaa xubnaha ay soo kala magacaabeen Madaxweynaha, Golaha Wakillada
iyo Xisbiyada. Haddii xubin ka mid ahi Goluhu ansaxin waayo, wuxuu Guddoomiyha
Golaha Wakiillada u qorayaa in ciddii soo magacowday ay ku soo badasho mudoo
shan iyo toban (15) beri gudahood. Xubintii muddadaas lagu soo magacaabi waayo
halkeedii waa ay bannanaanaysaa ilaa laga soo magacaabayo.
2. Habka waayista ama
xil-ka-qaadista xubinta Guddiga Doorashada wuxuu la mid yahay kan xubinta
Maxkamadda Dastuurka, sida ku cad qodobka 100aad.
Qodobka
114aad
AWOODAHA IYO XILALKA
GUDDIGA DOORASHADA
1. Guddiga Doorashada
Puntland wuxuu leeyahay awoodaha iyo xilalka soo socda:
b) Fulinta iyo
maamulidda aftida iyo habka doorashada sida Dastuurkani qabo.
t) Ku dhaqmidda
awoodaha arrimaha doorashada, xallinta khilaafaadka, go’aaminta xuquuqda iyo
ciqaabidda qof kasta oo ku xadgudba xeerka doorashada.
j) U oggolaanshaha
xisbiyada siyaasadda, kormeeridda sharcinnimada hawlgalladooda iyo go’aan ka
gaaridda is-qabadyada xisbiyada dhexdooda ah, markii qof ama koox xisbi ka mid
ahi ay codsadaan in guddigu soo faragaliyo arrimaha xisbi dhexdiisa ka
taagan.
x) Mamulidda qaababka
lagama maarmaanka u ah gudashada xilalka Guddiga Doorashada iyo habraacyada
hirgelinta doorashooyinka.
2.Xeer gaar ah ayaa
nidaaminaya howlaha iyo waajibaadka Guddiga doorashada.
Qodobka
115aad
WADA SHAQAYNTA GUDDIGA
DOORASHADA IYO XISBIYADA SIYAASADEED
1. Dhammaan xisbiyada
siyaasadeed ee ka qaybgelaya tartanka doorashooyinka waxay xaq u leeyihiin inay
la socdaan, isla markaana ay kormeeraan dhammaan tallaabooyinka habka
doorashooyinka. Sharciga ayaa qeexi doona qaabka iyo xadka ka qaybgalka
xisbiyada ee arrintaas.
2. Xisbiyada siyaasaddu
waxay xaq u leeyihiin inay goob joogayaal ka ahaadaan dhammaan laamaha Guddiga
Doorashada ee heer qaran, gobol, degmo iyo goobaha cod bixinta. Sidoo kale
xisbiyadu waa inay goob joog ka ahaadaan soo xeraynta sanduuqyada codbixinta iyo
tirinta codadka.
3. Guddiga Doorashada
Puntland waa inuu hubiyo inaan shakhsiyaad isku siyaasad ahi yeelan aqlabiyadda
gacan ku haynta maamulidda hawlaha doorashooyinka.
4. Sharciga ayaa
nidaaminaya qaabka ololaha axsaabta iyo musharixiinta, waana in uu sameeyaa
xadiga tabarrucaadka la siin karo iyo tirada lacagta lagu kharashgareenayo
doorashada.
5. Dhammaan Xisbiyada
siyasadda ee doorashooyinka ka qaybgelaya waa inay fursad siman u leeyihiin
warbaahinta Dawladda marka lagu jiro ololayaasha doorashooyinka.
6. Guddiga
Doorashooyinka Puntland ayaa u xilsaaran hubinta dhaqangelidda wada shaqaynta ku
tilmaaman faqradaha qodobkan.
7. Inta laga gaarayo
aburitaanka Guddiga Doorashada Puntland ee rasmiga ah, waxaa jiraya Guddiga
Doorashada Puntland ee ku meelgaarka oo ka kooobnaanaya 9 xubnood sida ku cad
lifaaqa 1aad ee Dastuurkan.
Xubinta
Afaraad
DIFAACA XUQUUQDA
AADANAHA
Qodobka
116aad
XAFIISKA DIFAACA IYO
TAABBAGELINTA XUQUUQDA AADANAHA
1. Xafiiska Difaaca iyo
Taabbagelinta xuquuqda aadanuhu wuxuu ka kooban yhay:
Difaacaha Xuquuqda
Aadanaha.
Wakiillada gobollada ee
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.
Hawlwadeennada Xafiiska
Difaaca Xuquuqda Aadanaha.
2. Xarunta Xafiiska
Difaacaha Xuquuqda Aadanahu waa caasimadda Puntland.
3. Difaacaha Xuquuqda
Aadanuhu wuxuu leeyahay awood xilgudasho oo heer Puntland ah.
Qodobka
117aad
MAGACAABIDDA
DIFAACAHA
1. Golaha Xukuumadda
ayaa soo gudbinaya liiska musharaxiinta u tartamaya jagada difaacaha Xuquuqda
Aadanaha, Golaha Wakiilladuna waxay ku dooranayaan codbixin saddex meelood labo
(2/3) tirada xubnaha Golaha.
2. Qofka loo dooranayo
Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waa inuu buuxiyo shurrudaha soo
socda:
(b) Waa inuu yahay
muwaadin reer Puntland ah.
(t) Waa inayn da’diisu
ka yarayan afartan (40) sano.
(j) Waa inuu leeyahay
aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta Xuquuqda Aadanaha.
(x) Waa inuu leeyahay
anshax wanaagsan, dhowrsoonaan iyo karti xilgudasho.
3. Muddada xilhaynta
Difaacaha Xuquuqda Aadanahu waa shan sano dibna waa loo soo dooran
karaa.
Qodobka
118aad
AWOODAHA IYO XILALKA
DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA
Awoodaha iyo xilalka
Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu waa:
1. Ka hortegidda
xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay’adaha waddaniga ay
arrintu khuseyso.
2. Ku wacyi galinta
dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda
Aadanaha ee ku cad Dastuurka iyo sharciyada Puntland, isla markaasna ku xusan
Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah.
3. Inuu daafaco
xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexayaan.
4. Inuu baaro
cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada Bulshada ka sheeganayaan xuquuqdooda
bini’aadanimo, una gaarsiiyo hay’adaha dawliga ah natiijada baaristiisa, isagoo
raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta damanaad qaadka xuquuqda
aadanaha.
5. Inuu taageero dadka
lagu sameeyo xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ka dhanka ah uuna ka difaaco
maxkamadda horteeda ama si guud.
6. Magacaabidda guddiyo
gaar ah oo gacan ka siiya gudashada xilkiisa.
7. Kormeeridda goob
kasta oo lagu sameeyo ama la tuhunsan yahay in lagu gabood-falo Xuquuqda
Aadanaha.
8. U ololaynta dib u
habeynta sharciyada iyo hab-dhaqanka maamulka si kor loogu qaado dhawrista iyo
qaddarinta Xuquuqda Aadanaha.
9. Soo saarista
warbixin sanadeed la xiriirta xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee
Puntland.
10. U bandhigidda
Golaha Xukuumadda talooyinka ku aaddan mashruuc sharci oo khuseeya Xuquuqda
Aadanaha.
11. Gudashada xilalka
kale ee sharciyada Puntland siiyaan xafiiskaas.
Qodobka
119aad
XIL KA QAADISTA
DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA
Difaacaha Xuquuqda
Aadanaha waxaa xilka lagaga qaadi karaa codbixin saddex meelood labo (2/3)
xubnaha Golaha Wakiillada marka ay sugnaato mid ka mid ah sababaha ku cad
qodobka 100aad ee Dastuurka.
Qaybta
6aad
MAAMULKA GOBOLLADA IYO
DEGMOOYINKA
Xubinta
Koowaad
MAAMULKA
GOBOLLADA
Qodobka
120aad
BAAHINTA MAAMULKA
GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA
1. Puntland waxay ku
dhaqmaysaa hannaanka mabaadiida baahinta maamulka.
2. Si loo hirgeliyo
baahinta maamulka Dawladda, dalku wuxuu u qaybsan yahay gobollo iyo
degmooyin.
3. Xukuumadda ayaa
mas’uul ka ah dib-u-habeynta iyo kala xadaynta gobollada iyo
degmooyinka.
4. Nidaamka baahinta
xukunka waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah oo Golaha Wakiilladu
meelmariyo.
5. Kala xadaynta
awoodaha maamul iyo cashuureed ee Dowladda Dhexe, Gobollada iyo Degmooyinka
waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah.
Xubinta
2aad
MAAMULKA
GOBOLLADA
Qodobka
121aad
AWOODAHA IYO XILALKA
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA
1. Xukumaddu waxa ay
gobol kasta u magacaabeysaa Guddoomiye Gobol.
2. Awoodaha iyo Xilalka
Gudoomiyaha Gobolka waxa ay yihiin:
(b) Waa madaxa u
sareeya laamaha Dowladda ee Gobolka, wuxuuna guddoomiyaa shirarka guddiyada
horumarinta iyo nabadgalyada ee gobolka.
(t) Wuxuu kormeeraa
adeegyada iyo hawlgallada Xukuumadda ee gobolkiisa.
(j) Wuxuu guddoomiyaa
kulannada ay isugu yimaadaan guddiyada joogtada ah ee Golayaasha
Degmooyinka.
(x) Guddoomiyaha
Gobolku waa isku xiraha Maamulka Dhexe ee Puntland iyo maamulada degmooyinka ee
gobolkiisa.
Qodobka
122aad
SHURUUDAHA MAGACAABISTA
GUDDOOMIYE GOBOL
Qofka noqonaya
Guddoomiye Gobol waa inuu buuxiyo shuruudaha soo socda:
(b) Waa inuu yahay
muwaaddin reer Puntland ah.
(t) Waa in aan da’diisu
ka yarayn soddon (30) sano.
(j) Waa in aan
xuquuqdiisa muwaaddinnimo la laalin shantii (5) sano ee ugu
dambeysay.
(x) Waa in uu leeyahay
aqoon sare iyo waayo-aragnimo maamul.
(kh) Waa inuu xoogagaal
u yahay duruufaha iyo dhibaatooyinka Gobolka.
Xubinta
Labaad
MAAMULKA
DEGMOOYINKA
Qodobka
123aad
GOLAYAASHA
DEGAANKA
1. Gobol waliba maamul
ahaan wuxuu u qaybsamayaa degmooyin. Sharci u gaar ah ayaa goynaya tirada,
magacyada iyo xuduudaha degmooyinka, derejooyinka ay kala yeelanayaan oo ku
xirnaanaysa tirada dadka ku nool iyo baaxadda degmo kasta.
2. Degmo kastaa waxay
yeelaneysaa madaxbannaani dhaqaale iyo maamul, waxaana u maamulaya Gole Degaan.
Sharciga ayaa dejinaya mabaadiida guud ee saldhigga u noqonaysa hab-maamuleedka
degmada, xilgudashada iyo adeegsashada awoodaha ay degmadu u madaxbannaan tahay.
Tirada xubnaha golaha deegaanka degma kasta waxay ku xirnaanaysaa tirada dadka
ku nool iyo baaxadeeda dhuleed.
3. Golayaasha Degaanka
waxaa dooranaya muwaadiniinta degmo kasta muddo shan (5) sano ah, dibna waa loo
soo dooran karaa.
4. Kala diridda
Golahyaasha Degaanka iyo luminta xubinnimada Golaha Deegaanka waxaa lagu qeexi
doonaa xeerka Golayaasha Deegaanka ee Puntland
Qodobka
124aad
HABRAACA GOLAHA
DEGAANKA
1. Xubnaha Golaha
Deegaanka fadhigooda ugu horreeya waxay ay iska dhex dooranayaan Shir-guddoomiye
iyo Ku-Xigeen oo iyagu guddoominaya Golaha.
2. Xubnaha Golaha
Deegaanka waxa ay iska dhex dooranayaan Duq-magaalo iyo
Ku-Xigeenkiisa.
3. Duqa magaalada waa
madaxa fulinta ee Dawladda Deegaanka iyo xiriiriyaha Golaha Deegaanka iyo
Maamulka Gobolka.
4. Duqa magaalada wuxuu
golaha hordhigayaa, si looga dodo, dabadeedna loo ogolaado, xubnaha Guddiga
Joogtada ah ee Degmada oo aynan xubnihiisu ka badnaan karin saddex dalool hal
dalool (1/3) ee Golaha.
5. Guddiga Joogtada ah
oo uu guddoomiye u yahay Duqa magaalada, waxa ay mas’uul ka noqonayaan
meelmarinta go’aannada Golaha iyo fulinta hawl-maalmeedka maamulka
degmada.
Qodobka
125aad
AWOODAHA IYO XILALKA
GOLAHA DEGAANKA
1. Golaha Deegaanka
wuxuu mas’uul ka yahay fulinta qorsheyaasha Dawladda ee heer degmo oo ku wajahan
adeegyada bulshada sida: waxbarashada Aasaasiga ah, caafimaadka, xannaanada
xoolaha, beeraha, nabadgalyada, biyaha, korontada, isgaarsiinta, ilaalinta
deegaanka iyo guud ahaan mashaariicda hormarineed ee heer Degmo.
2. Go’aaminta, wax ka
beddelidda iyo joojinta khidmadaha laga qaado dadweynuhu ee la xiriira adeegyada
uu fuliyo golaha deegaanku, iyo goynta tabarrucaadyo gaar ah oo laga rabo
dadweynaha, laguna maalgeliyo mashaariicda hawlaha guud ee laga fuliyo
deegaanka.
3. Oggolaanshaha iyo u
baahinta dadweynaha ku talo-galka miisaaniyad-sannadeedka degmada oo ah dakhli
iyo kharash isu dheellitiran.
4. Shaqaalaynta,
dallacsiinta iyo ruqsaynta shaqaalaha degmada.
5. Dejinta
sharci-hoosaadyo iyo awaamiir lagu fulinayo hawlaha iyo adeegyada loo qabanayo
dadweynaha degmada.
6. Diyaarinta iyo
go’aaminta cashuuraha degmada loona gudbiyo wasaaradda ku shaqada leh, si looga
ansixiyo Golayaasha Dawladda.
7. Dejinta qorshaha
horumarinta degmada, hirgelintiisana ay la kaashadaan maamulka dhexe ee
Puntland.
8. Golaha Deegaanka
degmo kasta wuxuu maamulaa hantida iyo dakhli kasta oo gacantooda soo gala,
wuxuuna xisaab-celin tifaftiran u gudbiyaa Wasaaradda Arrimaha
Gudaha.
9. Gacan ka geysashada
mashaariicda horumarineed ee ay degmada ka fulinayaan Hey’adaha Dawladda ee heer
Qaran, Puntland iyo gobol.
10. Isticmaalka
awoodaha iyo gudashada xilalka ay siiyaan Dastuurka iyo shuruucda
kale.
Qodobka
126aad
SHURUUDAHA DOORASAHADA
XUBNAHA GOLAHA DEGAANKA
1. Muwaaddin kasta oo
xilkas ah, garaadkiisu dhan yahay, reer Puntland ah, da’diisuna aanay ka yarayn
shan iyo labaatan (25) sano waa loo dooran karaa inuu xubin ka noqdo golayaasha
deegaanka ee Puntland.
2. Waa inuu leeyahay
ugu yaraan aqoon dugsi dhaxe ama wax u dhigma.
3. Waa inaan la laalin
xuquuqdiisa muwaaddinnimo shantii (5) sano ee ugu dambeysay.
4. Qofka isu sharraxaya
xubin Golaha Deegaanka waa inuu yahay muwadin reer Puntland ah, aqoonna u leh
saldhigga iyo seynsaabka bulshada deegaankiisa.
QODOBKA
127aad
AWOODAHA IYO XILALKA
DUQA DEGMADA
Duqa Degmada ayaa u
sarreeya madaxda laamaha Dawladda ee Degmada, wuxuuna guddoomiyaa shirarka
guddiyada horumarinta iyo nabadgelyada.
Wuxuu kormeeraa
dhammaan shaqada Dawladda ee Degmada.
Wuxuu gudoomiyaa
kulannada ay isugu yimaadaan guddiyada tuulooyinka.
Waa madaxa fulinta
Dawladda Deegaanka, wuxuuna isku xiraa maamulka Degmada iyo kan
Gobolka.
Wuxuu u xilsaaran yahay
fulinta go’aanada Golaha Deegaanka iyo hawl- maalmeedka maamulka
Degmada.
Shuruudaha lagu
dooranayo Duqa Degmada waa kuwa ku xusan qodobka 120 aad ee
Dastuurka.
Madaxa
V
HANNAAANKA MAAMULKA
PUNTLAND
Qaybtaaad
SHAQAALAHA
RAYIDKA
Qodobka
128aad
SHAQAALAHA RAYIDKA EE
DAWLADDA
1. Saraakiisha Dawladda
iyo shaqaalaha rayidka ahi waxay u adeegaan dadweynaha iyo Dawladda Puntland,
umana daneeyaan garabyo siyaasadeed iyo koox gaar ah, waxaana ay xilkooda u
gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada Puntland. Waa reebban tahay in
xafiisyada dawladda loo isticmaalo ujeeddooyin siyaasadeed iyo dano gaar
ah.
2. Saraakiisha iyo
shaqaalaha Dawladda waxaa lagu qaadanayaa tartan furan oo ku saleysan aqoon,
mudnaan iyo karti, loogumana kala eexan karo tixgelin la xiriirta kala
raacsanaanta siyaasadaha jira, sokeeyanimo iyo xiriir
saaxiibtinimo.
3. Waxaa la
aqoonsanayaa taxanaha shaqo (career) ee shaqaalaha rayidka ee Dawladda.
Sharci gaar ah ayaa lagu maamulayaa habraacyada shaqa qorista, kala astaynta
jagooyinka, dallacaadaha, tababarka, ruqsayanta, xuquuqda iyo dhammaan arrimaha
kale oo ku saabsan shaqaalaha Dawladda.
4. Sharciga ayaa
caddaynaya shaqaalaha aan xisbiyada siyaasadda ka qaban karin mansabyo
hoggaamineed.
Qodobka
129aad
MABAADIIDA
MAAMUL-WANAAGGA
Dhammaan Saraakiisha
iyo shaqaalaha dawladdu waxay xilalkooda u gudanayaan si waafaqsan mabaadiida
soo socota:
Waxay ku go’aan
qaadanayaan si waafaqsan danaha guud oo aan ku xirnayn dan gaar
ah.
(t) Waa inay ka
taxadaraan xaalad saamayn khaldan ku yeelan karta xil gudashadooda, amaba shaki
gelin karta hufnaantooda.
(j) Go’aannada waxaa
lagu salaynayaa oo keliya mudnaanta ay leeyihiin.
(x) Qof kasta oo
Sarkaal ah ama shaqaale dawladeed, waxaa lagula xisaabtamayaa natiijooyinka ka
dhasha go’aannada uu ka qaato waxqabadkiisa, waana inuu fududeeyo baaritaannada
hawlihiisa oo ay wadaan hay’adaha ku shaqada leh.
(k) Go’aannada la
qaadanayo iyo hawlaha la fulinayo dhammaantood waa inay noqdaan kuwo aan mugdi
iyo madmadow ku jirin, xogtoodana la heli karo.
(d) Sarkaal kasta waa
inuu caddeeyo haddii ay jirto dan gaar ah isla markaana uu qaado tallaabooyin uu
ku xallinayo arrimaha la soo gudboonaada ee go’aannadiisa saamayn ku yeelan
kara.
Qodobka
130aad
MAAMULXUMIDA AMA
LUNSASHADA HANTIDA UMMADDA
Sarkaal ama shaqaale
kasta ee dawladeed oo si xun u maamula, lunsada lacag, hanti kale ee ummadeed
ama ka qaybgala fal-dembiyeedyadaas, wuxuu geystay dembi culus, wuxuuna
mudanayaa ciqaab u dhiganta faldembiyeedka uu galay sida uu qabo Xeerka Ciqaabta
iyo inuu soo celiyo dhammaan hantidii uu dayacay ama lunsaday.
Qodobka
131aad
XASAANADAHA
1. Xasaanad waxaa leh
qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dawladda si ay uga badbaadaan eedayn la maleegey
ama cadaadis sharcidarro ah iyaga oo mas’uuliyiintaasi gudanaya hawlihii ay u
xilsaarnaayeen. Xasaanaddu waxa ay leedahay heerar kala duwan.
2. Madaxweynaha iyo
Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland lama qaban karo, lamana eedeyn karo. Ma
jirto hay’ad awood u leh inay eedayso ama xirto haddii aan la marin habraacyada
sharci ee ku cad qodobka 81aad ee Dastuurka.
3. Xubin kasta oo ka
mid ah Golaha Wakiillada ama Golaha Xukuumadda lama xiri karo, lamana baari karo
jirkiisa, deegaankiisa, xafiiskiisa, iyo gaadiidka uu markaas wato, lagumana
oogi karo dacwado dembiyo culus laga bilaabo maalinta la doorto amaba la
magacaabo ilaa uu ka dhammaysto muddada la doortay ama la magacaabay ama uu is
casilo, haddii uunan Golaha Wakiilladu ka xayuubin xasaanadda. Dambiyada iyo
khaldaadka aan cuslayn oo ay galaan xubnaha Golaha Wakiilladu iyo Golaha Fulinta
inta ay xilka hayaan looma xiri karo loogumana yeeri karo inay maxkamadda
horteeda qiraal ka baxshaan, marka laga reebo dacwadaha madaniga
ah.
4. Dhammaan Saraakiisha
xasaanadda leh oo ay doorteen ama ay ansaxiyeen Golaha Wakiillada waxay
yeelanayaan xasaanad ka difaaceysa in ay qabtaan hay’adaha sharci-fulinta ama ay
ku eedeyaan dambi culus, ilaa Xeer-Ilaaliyaha Guud oo hore u soo wargaliyay
Xukuumadda weydiisto Golaha Wakiillada in xasaanadda lagala noqdo. Kadib marka
Goluha Wakiilladu falanqeeyo arrinta, uuna go’aamiyo in ay habbontahay in
qofkaas dacwad lagu oogo, sarkaalka ayaa isla markiiba shaqada laga joojinaya,
waxaana gartiisa lagu qaadayaa Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka; hase yeeshee,
haddii Goluhu u arko in aysan meesha eedeyni ku jirin, dacwadaas waa la
xirayaa.
5. Garsoorayaasha
Maxkamadaha Sare, Dastuuriga, Rafcaanka iyo kuwa Derejada Koowaad lama xiri karo
haddii aan lagu qaban, iyagoo faldenbiyeed gacanta kula jira, degaankooda iyo
gaadiidkoodana lama baari karo, dacwadna laguma oogi karo, haddii aan Guddiga
Sare ee Garsoorku ogolaan codsi ka yimid Xeer-Ilaaliyaha Guud oo la xiriira in
Golaha Wakiillada xasaanadda ka qaado.
6. Haddii mas’uul ka
mid ah kuwa ku xusan faqradaha 2,3,4 ee qodobkan la qabto iyaga oo faldambiyeed
gacanta kula jira, waxaa la wargelinayaa Madaxweynaha ama Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada hadba Golaha ay khuseyso arrinta, Hoggaanka Golaha Wakiilada ama
Golaha Wasiirada ayaa go’aan ka gaaraya meesha lagu haynayo tan iyo inta la
dhammaystirayo habraaca lagu go’aaminayo in xasaanadda laga qaado iyo in kale.
Haddii mas’uulka la qabto yahay garsoore waxaa loo gacangelinayaa Guddoomiyaha
Maxkamadda Sare.
7. Duqa degmad iyo
Ku-Xigeenkiisa lama xiri karo lamana baari karo jirkooda, deegaankooda iyo
gaadiidkooda ay markaas wataan, haddii aan Golaha Deegaanku ogolaan codsi
xasaanad ka qaadis ah oo uu soo gudbiyey Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ama aan
lagu qaban isagoo faraha kula jira fal-dambiyeed culus.
8. Guddoomiyayaasha
Gobollada iyo ku xigeenadoodu waxay leeyihiin xasaanad xil, sidaa awgeed lama
xiri karo lamana baari karo jirkooda, Degaankooda iyo gaadiidka ay markaas
wataan, haddii aan Madaxweynuhu ogolaan codsi xasaanad ka qaadis oo uu soo
gudbiyey Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud, ama aan lagu qaban iyagoo faraha kula
jira fal dambiyeed culus.
Qodobka
132aad
DHAARTA DASTUURIGA
AH
Qof kasta oo xil sare
ka qabanaya Dawladda Puntland, Maxkamadda Sare ayaa u dhaarinaysa xilka loo
dhiibey inta uusan xilka qaban, wuxuuna marayaa dhaartan:
“Waxaan ku
dhaaranayaa magaca Ilaahay, in aan xushmeeyo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka
Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka
iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.
Qaybta
2aad
MAALIYADDA
DAWLADDA
Qodobka133aad
HANTIDA
DAWLADDA
Hantida Dawladda
Puntland waxay ka kooban tahay:
(b) Dhammaan lacaagaha
caddaanka ah ee Dawladda.
(t) Dhammaan deymaha
taagan oo laga qabo Dawladda.
(j) Dhammaan hantida
iyo badeecadaha Dawladda ee ku saleysan qaab sharci ah.
(x) Dhammaan xuquuqaha
ay Dawladdu ku heli karto hirgalinta shuruucda canshuuraha iyo deeq kasta oo uu
sharcigu jideynayo.
(kh) Maaliyadda
Dawladda waxaa laga qaameyn karaa deyman dawladdu aqoonsan tahay iyo kharashyada
Dawladda oo si sharci ah loo jideeyay.
Qodobka
134aad
MAS’UULIYADDA DARYEELKA
HANTIDA IYO MAALIYADDA DAWLADDA
1. Dhammaan dadweynaha
Puntland waxaa waajib ku ah daryeelka iyo dhawridda hantida
Dawladda.
2. Saraakiisha iyo
shaqaalaha Dawladda waxaa waajib gaar ahi ka saaran yahay xannaanaynta hantida
Dawladda oo ay mas’uul ka yihiin si ay ugu gutaan waajibkooda
shaqo.
3. Madaxda maamulka
hay’ad kasta ee Dawladeed ee heer Puntland, gobol iyo degmo ayay saaran tahay
mas’uuliyadda sharci ee dhaqangelinta waajibaadka ku xusan faqradaha 1aad iyo
2aad ee qodobkan.
4. Wasiirka Wasaaradda
Maaliyadda iyo Hantidhawraha Guud ayaa sharciyan mas’uuul ka ah dhaqangalinta
waajibaadkan.
5. Qaybta fulinta ee
Dawladda Puntland oo u sii mareysa Wasiirka Maaliyadda ayaa mas’uul ka ah
maaraynta Maaliyadda Dawladda.
Qodobka
135aad
MIISAANIYADDA
DAWLADDA
1. Miisaaniyadda
Dawladdu waa sharci qeexaya dhammaan dakhliga Dawladdu fileyso in ay hesho
sanad-maaliyadeedka iyo dhammaan kharashyada ay damacsan tahay in ay gasho si ay
u gaarto himilooyinkeeda.
2. Sannad-Maaliyadeedka
Puntland wuxuu bilawdaa 1da bisha Jannaayo, wuxuuna dhammaadaa 31ka Disembar ee
isla sannadkaas.
3. Wakaaladaha
madaxbannaan ee Dawladda iyo hay’ad kasta oo gebi ahaan ama qayb ahaan lagu
maalgeliyo hanti Dawladeed waxay yeelanayaan miisaaniyad u gaar ah oo ku lammaan
miisaanniyadda guud ee Puntland, waxaana meelmarinaya Golaha
Wakiillada.
4. Sharci gaar ah ayaa
tilmaamaya dhammaan arrimaha la xiriira diyaarinta, oggolaanshaha, dhaqangelinta
iyo warbixinta natiijada miisaaniyadda.
5. Haddii uusan Golaha
Wakilladu ogolaanin Miisaaniyadda cusub ee Dawladda sanadka bilowgiisa, sabab
kasta ha ku timaadee, waxaa lagu si dhaqmayaa miisaaniyadda sanadkii hore ilaa
midda cusub laga ogolaanayo.
Qodobka
136aad
HABRAACA
MIISAANIYADDA
1. Ku-talagalka
Miisaaniyadda Dawladda, waxaa soo abaabula Wasiirka Maaliyadda isaga oo ku
salaynaya oddoroska Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda iyo xogta ay
ururiyeen, iskuna dubbarideen khubarada Maaliyadda iyo shaqaalaha kale ee Waaxda
Miisaaniyadda ee isla Wasaaradda, waana in loo gudbiyaa Golaha Wasiirada ugu
dambeyn 10ka Oktoobar.
2. Soo jeedinta
Miisaaniyadda laga ogolaaday Golaha Wasiirada waa in la horgeeyaa Golaha
Wakiillada in ay ogolaadaan bil iyo bar ka hor inta aan lagu
dhaqmin.
Qodobka
137aad
XISAAB-XIRKA
SANNAD-MAALIYADEEDKA
Warbixinta xisaab-xirka
Misaaniyad-sanadeedkii la soo dhaafay oo uu Hantidhowrka Guud ogolaaday waxaa
horgeynaya Golaha Wakiillada Wasiirka Maaliyadda ugu dambeyn 30ka Juun, taasoo
dood kadib Goluhu ogolaanayo ama diidayo.
Madaxa
VI
SARRAYNTA IYO
DIB-U-HABEYNTA DASTUURKA IYO
KU DHAQAN KUMEELGAAR
AH
Qodobka
138aad
DOORKA SHARCI EE
DASTURKA
1. Dastuurka Puntland
waa sharciga ugu sarreeya Puntland, marka laga reebo shareecada
Islaamka.
2. Sharci, xeer hoosaad
iyo wareegto kasta ee fulineed oo ka soo horjeedda Dastuurka Puntland waa waxba
kama jiraan.
Qodobka
139aad
WAX KA BEDDELIDDA
DASTUURKA
1. Hindisaha wax ka
beddelidda Dastuurka waxaa soo jeedin kara:
(b) Shan meelood oo
meel (1/5) Xubnaha Golaha Wakiillada.
(t) Golaha
Xukuumadda.
(j) Ugu yaraan shan kun
(5000) oo muwaadiniin codbixiyayaal ah.
2. Markii soo jeedinta
ay soo gaarto Golaha Wakiillada, waxaa falanqeynaya guddi gaar ah. Guddigu wuxuu
soo jeedinayaa talobixin uu Goluhu ka doodayo, dabadeedna uu ku ansaxiyo hal
dheeri.
3. Golaha Wakiillada
wuxuu sameynayaa olole wargalin oo ku saabsan dib-u-habeynta, si loo xaqiijiyo
in dadweynaha oo dhan ay xog-ogaal ugu noqdaan isbadalka lagu sameyanayo
Dastuurka.
4. Muddo aan bil ka
yareyn kadib Goluhu wuxuu u soo bandhigayaa soo jeedinta in lagu ogolaado tiro
dhan saddex meelood labo (2/3).
5. Qodobada 1aad, 2aad
iyo 3aad ee Madaxa I, qaybtiisa 1aad ee Dastuurka, waxaa wax lagaga badali karaa
afti dadweyne oo qura.
6. Wax ka beddelidda
Dastuurka waxaa lagu baahinayaa Faafinta Rasmiga ah loomana cuskan karo diidmada
qayaxan ee Madaxweynaha.
Qodobka
140aad
ISWAAFAJINTA DASTUURKA
PUNTLAND IYO DASTUURKA JAMHUURIYADDA FEDARAALKA EE SOOMAALIYA
1. Marka dadweynaha
Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya,
ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban
xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno sharci iyo
Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan
dastuurka puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada
Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.
Guddiga gaarka ah ee
dib u eegidda Dasturka Puntland wuxuu Dastuurka Puntland waafajinayaa kan
Federaalka, iyadoo uu mudnaanta leeyahay Dastuurka Federaalka.
2. Guddiga gaarka ah ee
dib u eegidda Dastuurka Puntland, wuxuu la tashanayaa Golaha Fulinta, Maxkamadda
dastuuriga, Xeer-Ilaaliyaha Guud, mas’uul kasta ama qof kasta oo uu u arko inuu
tala ku biirinayo inta lagu guda jiro isku dubbarididda talooyinka wax ka
beddelidda Dastuurka Puntland.
3. Guddiga Gaarka ah ee
dib u eegista Dastuurka Puntland hindisaha is waafajinta labada dastuur wuxuu u
bandhigayaa Golaha Wakiillada, si uu uga doodo uguna oggolaado cod aqlabiyad
hal-dheeri ah (1/2+1).
4. Hoggaanka Golaha
wakiilladu wuxuu si degdeg ah ugu gudbinayaa Madaxweynaha isbeddellada Dastuurka
Puntland lagu sameeyay si uu u saxiixo faafinta rasmiga ahna loogu soo
saaro.
5. Waxaa reebban in
guddiga gaarka ah loo adeegsado wax ka beddelidda Dastuurka ee ka baxsan
iswaafajinta Dastuurka federaalka iyo kan Puntland.
Qodobka
141aad
DHAQANGALKA
DASTUURKA
1. Dastuurkan wuxuu si
rasmi ah u dhaqangalayaa marka lagu ogolaado afti dadweyne ama, haddii ay
duruuftu saamixi weydo, afti laga qaado wakiillo dadweyne oo ka kala socda
dhammaan Golayaasha deegaanada dalka iyo Bulshada Rayidka oo shirweyne dastuuri
ah ku ansaxiya.
2. Aftida Wakiillo
dadweyne in la qaado waxaa iyadoo sababeysan soo jeedinaya Golaha Xukuumadda,
waxaana ogolaanaya Golaha Wakiillada.
3. Inta Aftida ka
horeysa wuxuu Dastuurkani sii ahaanaya mid sharci ahaan lagu sii dhaqmo, laga
bilaabo marka uu Golaha Wakilladu ee Puntland ansaxiyo, isagoo badalaya kii ka
horeeyay ee ku meelgaarka ahaa.
Lifaaq 1
MARXALADDA KALA
GUURKA
1. Guddiga Doorashada
Puntland ee ugu horreeya waa ku meel gaar, waxaa laga dhex dooranayaa Dadwaynaha
wuxuuna ka koobnaanayaa (9) sagaal xubnood. (5) shan uu Madaxweynuhu magacaabo,
Golaha Wakiilladuna ansixiyo iyo afar (4) Golaha Wakiilladu soo sharraxo ka
dibna ansaxiyo.
2. Guddigu wuxuu u
xilsaaran yahay qabashada Aftida Dastuurka iyo doorashooyinka Golayaasha
Degaanka ee ugu horreeya, xilkiisuna wuxuu ku eg yahay ku dhawaaqidda
natiijooyinka doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo sharciyeynta xisbiyada
siyaasadda.
3. Inta lagu jiro
muddada xilhayntiisa Guddigu wuxuu leeyahay awoodaha ku cad Qodobka 114 ee
Dastuurka Puntland.
4. Marka ay dhammaato
muddada xilhaynta Guddiga Koowaad waxaa la dooranayaa Guddiga Doorashada
Puntland ee rasmiga ah, si waafaqsan Madaxa IV, Qaybta 5aad, Xubinta 3aad ee
Dastuurka
|
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Sunday, August 26, 2012
DASTUURKA GOBOLKA PUNTLAND
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
-
▼
2012
(418)
-
▼
August
(72)
-
▼
Aug 26
(7)
- Pictures of the Dir Biyomaal Clan Relief Unicef in...
- Magacyada Xildhibaanada la diiday iyo Beelaha ay k...
- MAREEXAAN SOMALIA- AF SOMALI
- Two of Roadmap signatories disown Supreme Court op...
- Dhaartii Xildhibaanada Cusub oo dhan VIDEO
- DASTUURKA CUSUB IYO SHAREECADA ISLAAMKA dadkii ka ...
- DASTUURKA GOBOLKA PUNTLAND
-
▼
Aug 26
(7)
-
▼
August
(72)
No comments:
Post a Comment