Saturday, September 22, 2012

TAARIIKH KOOBAN: PROF. CUSMAAN YUSUF MAXAMED “JIRFE”

 

Font size: Decrease font Enlarge font
image

HAMBALYO IYO BOOGAADIN
Tifaftiraha iyo shaqaalaha shabakadda Cammaaro waxay hambalyo iyo boogaadinba u dirayaan Prof. Cusmaan Yusuf Maxamed “Jirfe” oo marwalba u taagan dhiirrigelinta ardada madow guud ahaan, gaar ahaana kuwa Soomaalida in ay noqdaan kuwo ku dadaala waxbarashadooda. Dhiirrigelinta iyo waanada joogtada ah ee uu siiyo ardada ka sokow, waxaan brofesoorka ugu hambalyaynayna in uu noqdo ninkii Soomaaliyeed ee ugu horrayay ee buug uu wax kaqoray laga dhigo dhugsiyada sare ee Kanada. Buuggaas oo la yiraahado,“Echoes from the Past: World History to the 16th Century,” oo la daabacay 2001dii, wuxuu ku saabsanyahay taariikhda adduunka: bilowgii ilaa qarnigii 16naad. Buugga waxaa loodhiga ardada dugsiyada sare ka dhigta gobolka Ontaryo, gaar ahaan kuwa fasalka 11aad. Prof. Cusmaan wuxuu qoray qeybta taariikhda Afrika, oo marka laga reebo tariikhda Masar, aan hore looga dhigin dugsiyada sare ee gobolkan.
Prof. Cusmaan wuxuu kaloo wax ka qoray buug la yiraahdo, “Plundering Afirca’s Past,” oo soo baxay 1995. Buuggan wuxuu ku saabsanyahay dhaca iyo boobka loo gaysto qalabka iyo gobaha taariikhda leh ee qaaradda Afrika, waxaana laga dhiga Jaamicadaha lagu barto cilmiga ataarta qadiimka ah (archaeology). Prof. Cusmaan (iyo Dr. Steven Brandt, la-wadaage) waxay wada qoreen qeybta la yiraahdo, “Starting from Scratch : The Past, Present, and Future Management of Somali’s Cultural Heritage,” oo ku saabsan baahida Soomaaliya u qabto hab lagu dhaqo laguna ilaaliyo goobaha iyo qalabka taariikhda leh iyo dhaqanka Soomaaliga. Qoraalkan oo inta badan laga soo qaaday buugga qalinjebinta Dr. Cusmaan.
Mar labaad, Prof. Cusmaan waxaan ku leenahay, “HAMBALYO,” waxaana kuugu dhiirrigelinaynaa in aad halka ka sii wadid dadaalka. Waxaan akhristayaasha halkan ugu soo bandhigayna qoraal kooban oo ku saabsan taariikhda waxbarashada Prof. Cusmaan Jirfe
TAARIIKH KOOBAN: PROF. CUSMAAN YUSUF MAXAMED “JIRFE”

Prof. Cusmaan Jirfe wuxuu ku dhashay magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu waxbarashadiisa dugsiga qur’aanka kariimka ah iyo tan dugsiyada hoose/dhexe ku qaatay isla degmadaas, kadibna wuxuu waxbarashadiisa dugsiga sare, labada sano ee hore ku qaatay magaalada Kismaayo (Dugsiga Sare ee Ganaane), labada danbana magaalada Baydhabo (Dugsiga Sare ee 11ka Janaayo).
Shaqadii qaranka iyo tababarkii Xalane kadib, Prof. Cusmaan wuxuu ka mid noqday ardadii gashay Kulliyaddii Waxbarashada Lafoole ee Jaamicaddii Ummadda, halkaas oo uu ka qaatay shahaadadiisii u horraysay ee Jaamicadeed. Lafoole kadib, Prof. Cusmaan wuxuu 1980kii kamid noqday shaqaalihii lagu qoray Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ee ka tirsaneyd Wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Markuu saddex sanadood ka shaqeeyay Akadeemiyada ayuu waxbarasho u aaday Jamicadda Joorjiya (University of Georgia) ee kutaal gobolka Joorjiya ee dalka Mareekanka, halkaas oo u ku sameeyay dhammaan heerka sare ee waxbarashadiisa isaga oo ku takhasusay cilimiga barashada taariikhda iyo dhaqanka adanaha (Anthropological Archaeology). Prof. Cusmaan wuxuu jaamicaddaasi ka qaatay shahaadada dhexe ee Jaamicadda (Mastrate Digree) sannadkii 1986dii iyo tan Doktoreydka ama Ph.D-da oo uu qaatay 1995.

No comments:

Blog Archive