THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Sunday, November 11, 2012
Taariikhdii Xaaji Faarax Oomaar
11 Aug 20
Xaaji Faarax Oomaar Ileeye waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee bilaabay hormoodkana u ahaa dhaqdhaqaaqii halganka siyaasiga ah ee xornimo-doonkii Soomaaliyeed. Waxa kale oo Xaaji Faarax Oomaar uu ka mid ahaa dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee awoodda u lahaa in ay sirta qalinka wax ku hilaadiyaan amaba wax ku suurayn karaan ee dad hortii wax bartay. Waxa uu ka mid ahaa Faarax Oomaar carruurtti ugu horreysey ee hesha waxbarashada casriga ah waayadii isticmaarku soo galay dhulkeena. Xaaji Faarax wuxuu wax ku bartay meelo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ah.
Sida ay taariikhduba xusto waxa uu Faarax Oomaar geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu isu hortaaagi lahaa dulmigii iyo cadaadintii lagu hayey dadkii Soomaaliyeed ee la gumaysanayey. Halgankii xornimo-doonka ee Xaaji Faarax Oomaar waxa uu ahaa mid siyaasi ah, waxanu ku astaysnaa in si aan xoog iyo jujuub ahayn oo nabad gelyo ah lagu muujiyo dareenka diidmo ee shacabka, laguna raadiyo xaqa iyo xuquuqda ay dadkiisa iyo dalkiisu u leeyihiin in ay madax-bannaani helaan oo sida quruumaha kale ee dunidana iyagu ka tashadaan masiirkooda.
Xaaji Faarax Oomaar waxa uu ahaa nin indho-furan oo la socda, xogogaalna u ah siyaasaddii caalamka ee xilligaas waayo cilmiga uu bartay ee qanuunka (law) iyo waayo aragnimada uu ka helay dalalkii uu tegay ayaa uu suurto geliyey inuu si fudud u fahmo sirta gumeysiga iyo xeelaha uu isticmaalo si uu u addonsado dadka uu haysto.
Waxa uu Faarax oomaar sameeyey isku dayo fara badan iyo dadaal uu ku raad-goobayey in uu ku qanciyo Soomaalida iyo caalam-weynaha kaleba in dadkiisa iyo dalkiisu ay xaq u leeyihiin in ay xoroobaan oo iyagu is maamulaan, waxana hal-ku-dhigyadiisa lagu xasuusto ka mid ahaa:
Hayaay na cunyeey; naga soo gaadhaay! Waxa uu hal-ku-dhiggani ahaa hordhacii warqad uu Xaaji Faarax Oomaar u diray Golihii Ummadaha (League of Nations) dagaalkii kowaad ee dunidu markii uu dhammaaday 1918kii.
BARBAARIDDII IYO WAXBARASHADII FAARAX OOMAAR
Xaaji Faarax Oomar waxa uu ku dhashay Degmada Xagal ee Gobolka Saaxil, Somaliland, sannadkii 1879kii. Qoyska Reer Oomaar waxa uu ahaa xool dhaqato hodan ah oo aad looga tixgelin jiray bulshada dhexdeeda. Taasi waxay u suuro gelisay in Farax oo da’adiisu aad u yar tahay uu helo waxbarasho, waxana lagu daray malcaamad qur’aan. Muddo markii uu beesha dhexdeeda qur’aanka ku dhiganayey, ayaa aabbihii Oomaar Ileeye u qaaday magaalada Berbera, halkas oo uu ka sii watey barashadii qur’aanka kariimka ah iyo Af-carbeedka.
Ka dib markii gumaystayaasha reer Yurub magaalada Berlin ku qaybsadeen dhulalkii ay boobayeen ee Qaaradda Afrika sannadkii 1884kii, ayaa waxa Somaliland qoondaysigii qori-tuuradka ahaa ku helay gumaysigii Ingriiska. Ujeedooyinka gumeysi ee Ingriiska oo badnaa ayaa waxaan kka madhnayn sidii diinta masiixiga loogu beeri lahaa Somalida oo 100% muslim ahayd. Dadka Somalidu iyaga oo og arrintaa ayey Ingriisku markii uu dalka soo galayba ay heshiis qoraal ah la galeen. Waxana ka mid ahaa qodobyadii heshiisyadaa inaan Ingriisku dalka ka samayn karin dugsiyo waxbarasho oo faafiya diin aan ahayn ta islaamka.
Nasiib-darro muddo yar ka dib, Ingriisku waxaa uu jebiyay heshiiskaas waxanu ka furay meel la yidhaaho Dhaymoole oo u dhow magaalada xeebta ku taal ee Berbera dugsi Baaderi oo lagu barto diinta masiixiga. Dugsigaas cusub oo Diinta Kiristaanka fidinteeda looga gol lahaa ayaa waxa lagu xareeyay kow iyo toban (11) wiil oo uu Faarax Oomaar ka mid ahaa.
Furitaanka dugsigaas waa laga xumaaday markii la ogaadey, waana lagu kacay oo waxa ka-hor-yimid odayaashii heshiiska amuurtaas ku saabsan hore ula galay Ingriisaka iyaga oo kaashanaya shacbweynihii Somaliyeed. Lama qoran arday dambe, waanu xidhmay dugsigaas markii dambe.
Haddaba nimankii baaderiyaasha ahaa ayaa markii ay arkeen inaanu dugsigu sii jiri doonayn, waxa ay 11kii arday ee lagu bilaabay u qaadeen magaalada Cadan si loogu soo baro diinta kiristaanka iyo tacliinta kale ee maadiga ahba. Xilligaa baaderigu Cadan u qaaday ardaydaas waxa Faarax Oomaar da’diisu ahayd qiyaastii toddoba jir jir. Inamadii kale ee lala qaaday Faarax oo dhammaantood da’doodu aad u yarayd waxa ka mid ahaa:
1: Ciise Faranji
2: Fideer
3: Xuseen Kaatoli
4: Axmed Cali (Micheal Mariano aabihii)
5: Maxamud Diiriye Suulaawe
Faarax Oomaar waxa la geeyey dugsi la odhan jiray Marry Church School oo ku yaalay badhtamaha Cadan. Faarax dugsigaas ayuu ku dhammaystay waxbarsahsiisa ilaa dugsiga sare halkaas.
Kow iyo tobankii wiil ee baaderigu qaatay shan ka mid ahi waxay noqdeen kiristaan lixina muslim, wuxuuna faarax Oomaar ka mid ahaa lixdaa muslimnimadoodii ilaahay u badbaadiyey. Sida laga soo xigtay dhallinyaradii ay wax wada baran jireen, waxa Farax oo awelba diinta islaamka aad u yaaqaanay caado u ahayd inuu hoosta ka akhriyo qullhuwalaha marka loo dhigayo casharrada diinta kiristaanka oo ardayda khasab ku ahayd inay bartaan.
Faarax Oomaar wuxuu dalka dib ugu soo laabatay 18 sannadood ka dib isaga oo 25 jir ah. Waxanu isla markiiba guursaday gabadh la odhan jiray Shaqlan Buureed oo Reer Berbera ahayd, waxanay u yeelatay oo alle ka siiyey wiil keliya oo la odhan jiray Jaamac Faarax Oomaar kasoo dhintay isagoo aabbihii X. Faarax Oomaar weli nool yahay. Jamac X. Farax wuxuu ifka kaga tegey gabadh keliya oo la yidhaaho Ugaaso Jaamac X. Faarax Oomaar oo ilaa hadda nool.
BILOWGII HALGANKII X. FAARAX OOMAAR
Markii uu soo dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare ee uu dalka ku soo laabtay 1904 ayaa dawladda inggiriisku u magacowday inuu noqdo taliyaha ciidamada bariga Somaliland ee Rakuublayda (Regiment sergent camel crops), taasoo ahayd markii ugu horreysey ee uu qabto shaqo dawladeed. Shaqadaas ayaa ahayd tii uu Faarax Oomaar ku dareemay gumeysigii lagu hayey dadkiisa. Faarax Oomaar oo ahaa nin ilaahay hibo u siiyey geesinimo iyo af-tahanimo,ayaa waxa uu si aan gabbasho lahayn isu hortaagay, una diiday dulmigii, cadaadintii, iyo duudsigii xuquuqda dadka Soomaaliyeed uu ku hayey gumaysigu.
Ingriiska ayaa u yeedhay Faarax Oomaar oo su’aalay waxa ninka madow ku filan dhinacyada mushahaarada, raashinka iyo darajada iwm. waxanu Xaajigu ku jawaab celiyey xog xigmadaysan oo hoosta ka xarriiqaysa xeel-dheerida garashadiisa iyo fikirkiisa siyaasiga ah, waxanu Xaajigu ugu jawaabey Ingriiska in ninka madow ay ku filan tahay inta ninka cad ku filnaan karta dhinac kasta! Jawaabtani waxa ay af-kala-qaad iyo lama filaan ku noqotay Ingriiskii, waxanay horseeday in isha la geliyo Faarax Oomaar oo loo fiirsado, gaadh gaarahina uu hoosta kala socdo dhaqdhaqaaqiisa.
Markii Ingirisku ogaaday in Faarax Oomarr ka horjeedo ujeedooyinkooda gumaysiga ku dhisan, kana xanuunsanayo tacadiga lagu hayo dadkiisa, ayaa waxaa u muuqatay in Faarax yahay dhibaato ku soo fool leh maamulkoda. Waxay dareemeen in Faarax Oomaar uu yahay nin firfircoon, ilbax ah, aftahmo ah oo dadka soo jiidan kara, isla markaana lahaa aqoon sare oo aan xilligaa dalka ka jirin, sidaa daraadeed waxaa la isla gartay in Faarax Oomaar isha lagu hayo. Waxa maamulkii Ingriiisku sameeyay ciidan Somali ah oo dabagal ku sameeya, lana socda dhaqdhaqaaqiisa meel kasta oo uu joogo, kuwaasoo mushahaaro dheeraada loogu qoray.
Waxa Faarax Oomaar la geliyey cidhiidhi dhinac walba ahaa oo marba isa soo tarayey, iyadoo loo sameeyay shirqoollo iyo qoraalo been abuur ah si dambi loogu helo. Waxa mudan in la tilmaamo shirqool caan noqday oo ahaa qoraal been abuur ah oo ay sameeyeen karaanigii xafiiska Faarax Oomaar iyo rag kale oo ka mid ahaa madaxdii Soomaalida ee ciidamada Ingiriska la shaqaynaysay sannadkii 1911. Nimankaasi waxay qoreen waraaq ay ka dhigeen inay ku socoto Sayid Maxmaed Cabdille Xasan oo xilligaas dagaal kulul kula jiray gumeysigii Ingriiska. Waraaqdan oo wadatay shaabaddii iyo saxeexii Faarax Oomaar, waxa loo dhiibay askari Somali ah oo kooxda shirqoolka waday ay sii qorsheeyeen jidka uu marayo iyo xilliga uu baxayo. Ka dib waxa la sii dhigay ciidamo jid-gooyo ah tuulada la yidhaaho Ina Af-madoobe, halkaasoo lagu qabtay askarigii iyo warqaddii uu sidayba.
Markii warqaddii loo geeyey DCgii xukumayay magaalada Burco, waxa uu isla markiiba shaqadii ciidamada dawladda Ingriiska laga eryeyey Faarax Oomaar oo markaa derejo sare oo ciidan lahaa. In kasta oo Faarax laga eryay shaqadii haddana ma noqon mid ka joojisa halgankii uu kula jiray gummaystaha, wuxuuna fagaarayaasha kala hadli jirey dadka, isagoo ka dhaadhicinaya waxyeelada Ingiriiska iyo xukunkiisa, fartana ugu fiiqaya isku dirka iyo iska horkeenka qabaa’ilka Soomaalida (Divide and Rule), taasoo ahayd tiir dhexaadkii siyaasaddii gumeysigii Ingiriiska
Inkastoo garaadka siyaasiga ee dadku uu hooseeyey oo aanu Faarax ka helin gacan fiican, haddana waxaa u suurto gashay inuu sii wato halgankii uu ku jirey. Isagoo isticmaalaya hal-ku -dhigyadiisii ay ka mid ahaayeen:
Ingirisku waxa uu xuquuqda binu-aadamka kaga yimaaddaa xafiiska la yidhaahdo Colonial Office ee London ku yaal.
Faarax Oomaar markii uu muddo joogay dalka oo uu intaa waday baraarujin iyo hoga tusaaleyn ayaa waxa uu ka helay deeq waxbarasho (Scholarship) jaamacad ku taalla India oo la yidhaaho Aligar University halkaas oo uu ku bartay cilmiga shuruucda (law).
Barashadii cilmiga qaanuunku waxay u noqotay Faarax Oomar furihii ugu weynaa ee u u furay jidkii uu u mari lahaa halgankiisa gobonimo-doonka ah ee siyaasiga ah, waxayna u noqotay hub uu kula dagaalamo gumaysigii Ingiriska ee haystay dalka.
Intii uu Hindiya waxbarashada u joogay, ayaa waxa uu Faarax la kulmay macallimiin waaweyn oo jaamacaddiisa wax ka dhigi jirtey, kawasoo uu ka dhegeystay casharro ka hadlayey dhibaatooyinkii gumaystuhu ku hayey dadyowgii ku noolaa Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika ee la gumaysan jiray. Waxaa kale oo xilligaa uu India joogay u suurto gashay in uu la kulmo dhaqdhaqaaqii gobonimo-doonka ee Hindiya oo ay hogaaminayeen Mahatama Gandi, Juwahaaralal Nehru iyo Maxamad Cali Jinaax. Waxa Faarax Oomaar uu saaxiibtinimo dhow la samaystay geesigii weynaa ee Mahatama Gaandi oo markaa waday halgankiisii lagu yaqaanany gacan- ka-hadal la’aanta (non-violent). Fikraddaas oo uu Faarax Oomaar aad ugu bogay ayaa sal u noqotay halgankiisii. Wuxuu kaloo uu xidhiidh la yeeshay raggii la odhan jiray (rijaalul nahda) ee hogaaminayey halganadii gobonimo doonka ahaa ee ka socday dalalka carabta. Ragga uu xidhiidhka la samysatay waxa ka mid ahaa:
1. Jamaludiin Afgaani
2. Maxamed Cabdalla
3 . Mustafa Kamaal
4. Shakib Aslaam
5. Sacad Saqluul
6. Iyo Maasiini
kuwaas oo dhamaantood uu ka soo dab qaatay una suurto geliyey inuu halgankiisii dhidibada u sii adkeeyo.
SOO NOQOSHADII FAARAX OOMAAR EE DALKA
Markii uu waxbarshadiisa jamacadeed soo dhamaystay ayuu Faarax Oomar dalkiisii hooyo dib ugu soo laabtay. Madaxdii Ingiriiska ee Somaliland kumay farxin imaatinkii Faarax, waxayna u arkeen inuu shidayo dab ka daran kii Ina Cabdule Xasan. Sidii la filiyey waxa uu Faarax markiiba bilaabay halgan siyaasadeed oo ba’an isagoo isticmaalaya aqoontii sharciga ee uu soo bartay. Nimankii maamulayaasha ahaa markii ay arkeen tabaha cusub ee uu wato ayey go’aan ku gaadheen inaan Oomaar la fogeyn ee uu ka shaqeeyo xafiiska DC-ga ee Burco. Faarax oo fahmay shirqoolkaa aamusiinta ah ayaa doorbiday inuu ka shaqeeyo xafiiska dacwadaha si uu ula socdo xadgudubayada dadkiisa lagu hayo. Hase yeeshee markii uu u adkaysan waayay cadaadintii madaxda Ingiriiska ku hayeen, ayuu xafiiskii dacwadahana uga tagay.
Faarax wuxuuna doortay inuu ku shaqaysto xirfadii uu soo bartay wuxuuna furtay xafiis qareen isagoo difaacaya dadka gumaystuhu u arkayay inay danihiisa ka so horjeedaan kuwaasoo lagu soo oogi jiray dacwado dulmi ah. Faarax shaqadaas ayuu ku so jiitay dadkii xaqa jeclaa ee la socday dulmiga iyo yasidda lagula kaco. Shaqadaasi waxay kaloo uu suurto gelisay in Faarax Oomar uu ku biiro Ururka Qareenada ee Ingriiska (British Lawers Association) maadaama ay Somaliland ka tirsanayd maxmiyadihii Ingriisku dunida ku lahaa.
Dawladdii Ingirisku markii ay ogaatay in Faarax dhaqdhaqaaqiisii gobonimo-doonka ujeedooyinkii uu ka lahaa uu shaaca ka qaaday oo uu halgankiisii ka dhigay mid aanu la gaban, ayay kordhiyeen cadaadintii isaga iyo tageerayaashiisa lagu hayay. Madaxdii Ingriisku waxay isku dayeen inay iska hor keenaa Faarax iyo dadwaynihii, iyagoo u sameeyay 35 Caaqil oo dawladda mushahar ka qaata shaqadooduna ay ahayd inay Faarax dadka ku soo jeediyaan. Ilaa xad arrintaasi waa u suuro gashay odayaashii madaama aqoonta dadweynuhu xiligaas aad u hoosaysay. Taasi ku kelliftay in Faarax Oomaar uu iskii dalka dibadda mar kale uga baxo. Laakiin dibed baaxaas wuxuu Farax u adeegsaday inuu qadiyadda Somalida ka dhigo mid caalami ah.
Safarkaas Faarax wuxuu ku tegey Cadan, wuxuna ka qayb qaatay asaaskii ururkii la odhan jiray (Somali Islamic Association), oo la asaasay sanadkii 1926dii, kaasoo ahaa urukii ugu horreeyey ee laga sameeyo dalka dibaddiisa, waxaana kula jiray rag ay ka mid ahaayen Ileeye Xaashi iyo Cabdi Siciid Xuseen oo ay Faarax saaxiib ahaayeen.
Halkaa wuxuu Faarax Oomaar uga sii gudbay Ingriiska. Intii aanu gaadhin London, waxa imaantikiisa la socday xukuumadda Ingriiska iyo dadwayne fara badan oo Ingriis ah oo ogaa inuu imanayo dalkooda halgamaa weyn oo Somaliland ka socda. Sidoo kale, waxa safarkiisa ka warhayey Ururka Gar-yaqaanada Ingiriska (British Lawyers Association) oo uu xubin ka ahaa. Ururkaas ayuu ahaa kii sii faafiyey socdaalka Faarax isaga oo dadwaynaha Ingiriiska us sheegay in garyaqaan Soomaaliyeed uu u halgamayo gobonimada dalkiisa diidana gumaysiga Ingiriiska uu ku soo fool leeyahay London.
Markii Faarax gaadhay London, waxaa soo dhaweeyay dadweyne farabadan oo Ingiriis ah, lana saftay halgankiisii iyaga oo si cad u sheegay inay ku garab taaganyihiin halgankiisa gobonimo doonka aha. Waxaa isla markiiba kor u kacay codkiisii iyo sumcaddiisii, wuxuuna qabtay shirar badan oo uu kaga hadlayo dhibaatada gumaysiga, waxanu wax ku qoray wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriska, kuna caddeeyay dhibaatooyinka ka taagan dalkiisa. Sidoo kale waxa doodo iyo aqoon-iswaydaarsiyo badan la yeeshay aqoonyahano badan oo Ingiriiska iyo xubno ka tirsan garyaqaanada Ingiriska(British Lawyers Organization) oo iyagu aad u xiisaynayey inay arkaan nin madow oo ka hadlaya gumeysiga oo aan dadka ingriiska ahi badidoodo la socon dhibaatada ay dawldoodu ku hayso dhulyowga ay gumeysato.
Faarax wuxuu ku cambaarayn jiray dawladda Ingiriiska in aanay u dirin dalalka ay gumaysato dad aqoon u leh sharciga, garsoorka iyo maamulka midna. Wuxuu ku andacooday indacooday in dadka xukumaya Somaliland ay yihiin dad naxariistii ka guuratay oo aan haba yaratee caruur iyo xaasas toona lahayn. Waxaana laga yeelay dacwaddiisii ahayd in loo soo diro somaliland, mas’uul xaas iyo carruur leh, si uu naxariis iyo jab-jabnaan ugu yeesho dadwaynaha uu xukumayo.
Intii uu joogay London wuxuu samaystay dad Somaliyeed oo hawsha gudha Ingriiska ka wada isaga oo u doortay nin la odhan jiray Ismaciil Telefoon oo reer London ahaa inuu noqdo wakiilkiisa kaas oo uu awood u siiyey inuu wararkiisa iyo farrimaha uu ka soo diro dalkii uu u gudbiyo Urukii Garyaqaanada oo taageersanaa halganka Faarax Oomaar.
Intii uu joogay London ayaa Faarax Oomaar arkay saaxiibkii Mahatma Gaandi oo dadkiisii wada daba socdaan; Hindidii oo joojisey wax kasta oo England lagu soo sameeyey ama Ingriiskuba raad ku leeyahay; iyaga oo muddaharaadaya oo dariiqyada tuban, iyo Soomaalidii oo laba wax isku raacsani aanay jirin oo kala wada higgoonaysa iskana soo wada horjeeda! Faarax waxa uu la yaabay isuguna xidhmi waayey labadaas dhacdo, waayo waxa uu ogsoonaa, kana dheregsanaa in labada quruumoodba la wada gumaysanayey oo ay eelka wada qabeen; welibana gumaysi keli ahi uu labadaba gacanta ku hayey.
Yaabka Faarax Oomaar waxa uu ka soo jeedey in qolana (Hindidu) ay loolanto, gilgilato oo ay kacdo, quruunta kalena (Soomaalidu) ay keenada dhiibato, gorodda laalaadiso oo ay barkinta dheeraysato! Faarax Oomaar waxa uu arrintaas wax ka waydiiyey Saaxiibkii Gaandi mar ay wada xidhiidheen, waxanu Gaandi ugu soo war-celiyey Faarax Oomaar oo waydiiyey in Soomaalidu ay tahay quruun dhaqan iyo ilbaxnimo u leh qoraalka iyo wax-akhriska iyo in kale. Faarax waxa uu Mahatma u sheegay in aanay Soomaalidu waxna qorin, waxna akhriyin. Mr. Gaandi waxa uu Faarax Oomaar kula taliyey oo kusoo yidhi ‘in uu Soomaalida ka feejignaado, waayo waxa dhaci kartaba buu yidhi in iyagu (Soomaalida) ay Ingriisku kaaga cadaawad bataan oo isaga (gumaysiga) kaaga soo horreeyaan kaana raacaan.
Mahatama Gaandi waxa aragtidiisu ku saabsanayd in gadoodyo siyaasadeed lagu boqno-gooyo, laguna muquuniyo jiritaanka gumaysiga Ingriiska ee arladooda. Xaaji Faarax Oomaar isaga oo haddaba ka dab qaadanaya aragtidaasi Gaandi, ayaa waxa uu bilaabay loollan siyaasi ah oo aan hubaysnayn inuu ku muujiyo in dadka soomaalidu ay xaq u leeyihiin in ay gobanimo gaadhaan.
Faarax Oomarr markii uu muddo ka wadey halgankiisii dalka Ingiriiska gudihiisa waxyaalo badanna uu ka korodhsaday, ayuu goostay inuu dalkiisii ku laabto. Waxa uu intii uu ku jiray safarkaa soo laabshada ah uu soo maray magaalada barakaysan ee Maka, halkaasoo uu ku soo gutey waajibaadka ballaadhan ee Xajka.
Faarax isaga oo xaaji ah ayuu ku soo laabtay Cadan, isla markii halkaa soo gaadhayna waxaa loo doortay inuu ka noqdo madax ururkii (Somali Islamic Association) oo uu wax ka saasay xubin buuxdana uu ka ahaa.
Laakiin ujeedada u weyn safarkiisu waxay ahayd inuu dalkii ku noqdo. Sidaas ayuuna Xaaji Faarax Oomaar ugu laabtay dalka mar labaad sanadkii 1943kii. Waxa Xaajiga ku soo dhaweeyay magaalada Berbera oo uu ku soo degey dad fara badan oo isugu jira saaxibadiisii iyo kuwii uu ka dhexeeyey xidhiidh ku saabsanaa xornimodoonka. Berberana wuxuu uga sii gudbay Magaalada Burco halkaas oo uu ka sii huriyey halgankiisii.
Xaaji Faarax wuxuu xidhiidh toos ah la yeeshay bulsho wayntii reer Burco sida: Culimo-awdiinkii, cuqaashii, dhalinayaradii iyo waxgarad kale, wuxuna war bixino iyo xog- warran uu ka siiyey ujeedooyinkii gumaysiga iyo dhaqdhaqaaqyadii gobonimo-doonka ahaa ee ka jirey daafaha adduunka sida; Afrika, Eeshiya iyo Laatin Ameerika halka ay marayaan, waxaa kale oo uu uga xog waramay ujeedooyinka halgankiisa iyo waxa la gudboon dadka Soomaaliyeed inay yeelaan.
Arrimahaasi waxay ku ahaayeen madaxdii xukuumadda Ingiriiska ee joogtay Somaliland, duufaan gilgiley oo xididada u siibaya ujeedooyinkii maamulkoodii. X. Faarax Oomaar waxay madaxdii Ingriisku u arkeen inuu yahay garyaqaan geesi ah oo hab casri ah ku dagaalamay, waxaana madaxdii Ingiriska u cadaatay inay adag tahay si ay u joojiyaan halgankiisa goobonimo-doonka ahaa. Intaana waxa isa soo taraayey taageerada loo hayo Xaajiga iyada oo guubaabadii iyo kicintii uu dadka gelieye ay ka soo if-baxday dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.
Madaxdii Ingriisku waxay goosteen inay qaadaan tallaabooyin cad-cad oo ay isku hortaagayaan dhaqdhaqaaqiisii waxayna marar badan isku dayeen inay xidhaan si ay dabka gobonimo-doonka ah ee uu ka shiday u demiyaan, balse may noqon mid suurto gasha sababtoo ah Xaaji Faarax oo ka tirsanaa Ururkii Garyaqaanada Ingriiska iyo isaga oo aan isticmaalayn in xoog lagu muquuniyo ee sharci wax ku doonayay.
Xaaji Faarax oo marar badan u yeedheen madaxdii gumeysiga iyaga oo weydiin jiray waxa uu la goobyaalayo ee uu doonayo ee ka maqan una soo bandhigay in uu rabshadda ka joojiyo dalka, ayaa markasta isagoo isku kalsoon ka jawaabi jiray su’aalaha la waydiiyo. Waxaa meel walba ka bilaabmay dareemo iyo shucuur xornimoodoon ah taas oo gaadhey miyi iyo magaaloba, dadkuna waxay bilaabeen kharbudaad iyo nacayb dareenkooda gudaha ee hoose ka soo jeeda oo wada saameyay.
Waxa halgankaa iyo abaabulkaa gudaha ah uu Xaajigu barbar waday ururinta xogaha iyo wararka ku saabsan dhibaatada Soomaalida uu Ingriisku ku hayo, kuwaas oo uu gudbin jirey Ururkii Garyaqaanada Ingiriska, isaga oo u sii marinaya wakiilkiisii Islmaaciil -Telifoon.
Markii la arkay in halganka Xaaji Faarax Oomaar inuu yahay mid laba weji leh ayna qayb ka yihiin dad Ingriisa oo weliba garyaqaanadii dalka ah ayay xukuumaddii Ingiriisku go’aan ku gaadhey in la xidho Xaaji Faarax Oomaar dalkana laga masaafuriyo.
XADHIGII IYO MUSAAFURKII X. FAARAX OOMAAR
Ugu dambeyntii Xaaji Faarax Oomaar waxa loo taxaabay xabsiga, waxaana lala xidhay Shiikh Ibraahim Xujaale oo ay saaxiib ahaayeen. Xaajig Faarax iyo Shiikh Ibraahim oo Cadan laga soo qabatay waxa la iasugu geeyey jasiiradda Saqdara oo ku taal biyaha Yemen ee Badda Cas, waxana laga ilaaliyey inay cidi ku soo booqato oo ugu tagto xabsigaas, si loo soo ogaado xaaladda uu ku sugan yahay. Waxa uu Xaajigu halkaa ku xidhnaa muddo dheer. Waxa uu Faarax Oomaar halkaa kala kulmay darxumo fara oo isoo jiiday inay asiibaan cuduro.
Markii la ogaaday xadhigii iyo masaafurintii iyo Xaaji Faarax ayaa waxa ay ururadii uu xubinta ka ahaa gaar ahaan Ururkii Garyaqaanada iyo Ururukii Islaamka ay u direen Ingiriiska dacwad ay kaga ashkatoonayaan xadhiggiiisa. Sidoo kale shacbigii Soomaaliyeed ayaa muujiyey sida y uga xun yihiin in Xaaji Faarax la xidho oo dalka dibedda looga saaro. Isaga oo arrintaa ka hadlaya gabyaagii waynaa ee Xaaji Aadan Axmed Af-qalooc tiryey gabay ay ku jirtay weedhani:
Isagoo dulmga aad qabtaan; dood ka celinaaya
Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diraye
Loo diid dadkii uu dhaliyo duunyaduu dhaqayee
Markii dawladdii Ingiriisku ay ogaatay, xaqiijisayna inuu tabar-gabay awooddina aanay ku jirin, gabowga ka sokowna ay hayaan cuduro badan oo aanu ku hawaysan karin dhadhaqaaq dambe ayey Xaaji Faarax Oomaar xabsiga ka sii daayeysay dhamaadkii dagaalweynihii 2aad.
GEERIDII X. FAARAX OOMAAR
Xaajiga oo da’ ah, xanuun iyo dayac badanna kala soo noqday go’doonkii iyo darxumadii xabsigii uu muddada ku jirey ayaa yimi Hargeysa. Dawladii Ingriisku waxay haddana dreenatay in joogitaanskiisa oo keli ahi uu khatar yahay. Sidaasaa haddana Xaajhiga dib loogu masaafuriyay magaalada Harar si mar walba isaga iyo shacabka loo kala ilaaliyo. Markii uu joogay Herer shan ilaa lix bilood, ayuu Xaajigu u xanuunsaday si ba’an, waxana lagu so celiyey magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka galay cusbitaalka magaalada Hargeysa, kuna dhammaystay intii noloshiisa ka hadhsanayd.
Xaaji Faarax Omaar Ileeye waxa uu geeriyoodey sannadkii 1948kii isaga oo oo 70 jir ah, noloshiisa inteeda badanna ku idlaystay dood, dagaal, halgan, safarro dhaadheer, xadhig iyo cadaadis fara badan iyo darxumooyin la xidhiidha. Xaaji Faarax oo markii ay naftu ka baxaysay ay dul dub tubnaayeen saaxiibadii iyo dad kale oo taageerayaashiisa ka mid ahaa ayaa ku yidhi Xaaji ashaaado waad sii socotaaye wuxuuna ku jawaabay:
Dalkaygu ka yar mid shan meelood loo kala qaybiyo;
Dadkiisuna ka itaal yar wax la rarto!
Qore: Maxamed Jaamac Cali (Faroole)
Abu-Dhabi , UAE
mohdjama@hotmail.com
Copyright © 2002-2003 Hargeysa Online , All Rights Reserved
contact@hargeysa.org
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
-
▼
2012
(418)
-
▼
November
(39)
-
▼
Nov 11
(8)
- prime minister of Somalia Sharmake D.C 1962
- Taariikhdii Xaaji Faarax Oomaar
- Ardaygaa Soomaalida Ugu Daada Weyn [ Gabiley ] Her...
- Beesha Suure Cabaas Muuse Dir iyo Magaadle Dir- Bu...
- Video Wasiirada cusub-Akhri qabiilada 10-ka Wasiir...
- Beesha Surre: Ugaas Cllaahi Ugaas Aaden oo eedeey...
- Beesha Suure xildhibaan gaarane -oo si kulu oga ha...
- Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Gen...
-
▼
Nov 11
(8)
-
▼
November
(39)
No comments:
Post a Comment