Monday, November 26, 2012

Taarikhda Beesha Biimaal Maxamed Xiniftire Mahe Dir





SILSILADDA TAARIIKHDA BIIMAAL (Qeebta 2aad)


Thursday, 05 July 2012 11:55
Written by Axmed


10 Oct 1993 Filonardi iyo sxbadii oo Markab ay wateen ka raacay magaalada Marka (kadib markii odayaashii heshiis la saxiixdeen) ayaa waxaa weerar ku qaaday Biimaal, ka dibna waxaa laga dhaawacay hal nin.







Talyaaniga oo arintaas aad ugu xanaaqasan waxey magaalada Marka u duqeeyeen si aan naxariis laheyn, waxeyna maxaabiis ahaan u kaxeysteen ilaa 15 odey oo magac weyn lahaa.



Ficilkaas xooga leh ee Marka Talyaanigu u isticmaalay wuxuu Talyaanigu usuurto geliyay in meelo badan oo ay ka mid ahaayen Eritrea,Cadan,Zanzibaar iyo Muqdisho laga aqoonsado awoodiisa lagana baqo.



Nov. 1893 sidoo kale waxaa socday dagaal u dhaxeeyay beesha Wacdaan iyo Talyaaniga, markii dagaalka Wacdaan iyo Talyaaniga dhacay, Biimaal waxey Xireen suuqii Marka si ay taageero ugu muujiyaan beesha Wacdaan isla markaasna ay u gooyaan isgaarsiinta Muqdisho iyo Marka. kadibna Biimaalkii waqooyiga Marka deganaa waxey xiriir fiican la yeesheen hogaamiyaasha Wacdaanka.



Arintaas waxey Talyaaniga ku qasabtay inuu qabsado magaalo xeebeedka Jasiira ee ku taala waqooyiga magaalada Marka,



Isla mudadaas waxaa la dilay maamulhii Talyaaniga ee magaalada Marka Mr Giacomo Trevis oo uu dilay nin dhalin yaro ah oo udhashay beesha Biimaal, lana oran jiray Cumar Xasan Yusuf, sida la sheegay Cumar wuxuu kasoo baxay Masjid la oran jiray Shekh Cusmaan, kadibna wuxuu arkay Giacomo oo xeebta Marka lugeynaya halkaas ayuu tooreey(middi) la dhacay.



Talyaaniga markii in muddo ah uu baaray sawabta loo dilay Giacomo iyo cidii ka dambeysay, wuxuu aad uu ugu shakiyay dhoowr reer aw Ashraaf ahaa Culumana u badnaa in ay arintaas ku lug lahaayeen, kadibna wuu xir-xiray.



Nimankaas la xiray waxaa ka mid ahaa qaadi magac weyn lahaa oo la oranjiray Shariif Cusmaan.



Ragaas Culumad ah oo markii dambe oo loo gudbiyay xaruntii Talyaanigu ku lahaa Xamar, markii dambe waa la waaayay halkii ay ku dambeeyeen (Geeri iyo Nololba), nimankaas oo laga ogaa afduubkoda xeebaha Banaadir oo dhan waxaa la sheegay Markii dambe in Zanzibaar loogu Maahmaahi jiray (qofkii xabsiga Banaadir gala meeydkiisa un baa kasoo baxa) taas oo ay ola jeedeen Culumada Ashraafta ah oo la waayay halka ay ku dambeeyeen.



Kadibna maamulihii cusbaa oo Giacomo lagu bedelay wuxuu isku dayay in uu odayaasha Biimaal kala qeybiyo wuxuuna mushaar laaluush ah uu qoray (120 Thalers sanadkii), odey magac weyn lahaa oo la oran jiray Xaaji Cali Ciise, hase ahaatee ninkaas kuma guuleysan arintaas waayo Xaaji Cali Ciise waa ka diiday laaluushkaas.





Lasoco Qeebta 3aad





W/Q



Maxamed Shekh Xasan



Axmed Nuur



Udublandnews.com.









No comments:

Blog Archive