Monday, November 26, 2012

Xildhibaanada Beesha Isaaq iyo siyaasiintooda Hargaysa oo ka dagaalamaaya in Professor Samatar loo magacaabo Ra’iisal-Wasaare


maqaalkan oon nedka ka soo guurinay maxaa ka jira ? Ma dhabaa ? Bal Dirka Koonfur hadii aad u warheysaan arrintan ka falaanqooda?

Xildhibaanada Beesha Isaaq iyo siyaasiintooda Hargaysa oo ka dagaalamaaya in Professor Samatar loo magacaabo Ra’iisal-Wasaare


Wadhaf News-Sep.24, 2012: Dadka siyaasada u dhuun daloola ayaa la socda in hirdi weyn oo siyaasadeed Muqdisho ka jiro mudooyinkii ugu dambeeyay ee ay socdeen hawlihii lagu soo afjaraayay dawlidii ku meel gaarka ahayd ee wakhtigeedii dhamaaday. Hirdigaa siyaasadeed oo weli socdaa waa mid dibada soo dhigay siyaasado guracan oo beesha Isaaq ku soo bandhigtay Muqdisho balse raad ku yeelan doono siyaasadaha u dhexeeya beelaha Waqooyiga Somalia.





Waxaan ogsoonahay olalihii doorashada Madaxweynuhu intuu socda, beesha Isaaq ay gabi ahaanba la safteen Sheekh Shariif iyagoo ka baxay axdi ay la galeen Professor Samatar oo ay deggaan ka so wadajeedaan. Go’aanka xildhibaanada Isaaq wuxuu ka dambeeyay markii xukumada Silaanyo ergo saddex nin ah oo Duur (Wasiirka Gudaha S/L) hogaaminaayo qarsoodi ugu dirtay Muqdisho saddex maalmood ka hor doorashada Madaxweynaha Somalia. Ergadaasi waxay xildhibaanadii Isaaq ka dhaadhiciyeen in beesha Isaaq ina Samatar wax cod ah siin, waxayna arrinta u dhigeen in Dr Samatar khatar ku yahay danaha Isaaq isla markaana uu wiiqayo miisaanka Somaliland marka dib loo bilaabo wadahadalada ay Somalia la wadeen. Laakiin sobobta ay Professor Samatar ku diidan yihiin way ka gun dheertahay sidaas ay u dhigeen.



Waxaa cadaatay in Beesha Isaaq toos uga safato Dr Samatar oo ka soo jeeda Beesha Gadabuursi isagoo ah aqoonyahan midnimada Somalia ay mabda’ u tahay. Kadib markii doorashadii madaxweynuhu ay dhamaantay waxa loo gudbay olalihii jagada Ra’iissalwasaraha oo dhextaal beesha Direed iyo Darood.



Shir ay isku yimaadeen beelaha Direed todobaadkan waxaa lagu go’aamiyey in beelaha Direed si wadajir ah ugu taageeraan Professor Samatar in loo magacaabo jagada Ra’iisal Wasaaraha. Waxayna isku raaceen in go’aankooda u gudbiyaan madaxweynaha Somalia. Haseyeeshee, go’aanka beesha Direed waxa si toos ah uga horyimid beesha Isaaq oo iskood toos ugu tagay Madaxweynaha kana dalbaday inuuna marnaba Profassor Samatar uu magacaabin Ra’iisal wasaare. Cidkale oo Dir ah xildhibaanada Isaaq may taageerin balse waxay Madaxweynaha u sheegeen oo kaliya in ay ka soo horjeedaan magacaabida Professor Samatar. Go’oankaa beesha Isaaq wuxu cadeynayaa in beeshaasi si cad u tageertay in Ra’iisal Wasaaruhu ka yimaado beelsha Daarood . Go’aankaa beesha Isaaq wuxuu daaha ka rogay cadaawada ay uu hayaan beesha Gadabuursi iyagoo iska dhaadhiciyay inuu Professor Samatar iyaga khatar ku yahay ugana roontahay inay taageeraan nin Darood ah halkii ay walaalkooda Waqooyiga ka soo jeeda ay taageeri lahaayeen.



Yaa u fadhiyay in beesha Isaaq la saftaan nin Daarood ah kana saftaan Professor Samatar oo marna Dir la ah Isaaq marna Waqooyi ka soo jeeda sida Isaaqa, marna ah aqoon yahanka ugu cilmi badan soomali?



Tan iyo intii la galay ololaha lagu hananaayo jagooyinka ugu sareeya ee madaxda dawlada, beesha Isaaq geed dheer iyo mid gaaban waxay u kortay sidey isku hortaagi lahayd in beelaha Gadabuursi wax ka noqoto Somalia . Ficikaa guracan iyo hagardamooyinka ay ku kaceen beesha Isaaq waxay ka turjomayaan farsamo xumo siyaasadeed oo khasaare weyn u keeni doontaa Waqooyiga Somalia. Halkaana waxaa lagu xabaalay wadajirkii iyo wada noolaashii beelaha Woqooyi waxaana sobobta iska leh beesha Isaaq oo wadajirkii Waqooyiga ku xabaashay Moqdhisho.



Shiki kuma jiro in weli beesha Isaaq iyo siyaasiintooda Hargaysa wadaan hawgalo salkoodu yahay inay siyaasada Somalia ku talaalaan ujeedooyinkooda siyaasadeed oo ay ugu weyntahay in somalida laga dhaadhiciyo in Waqooyigu la micno yahay Isaaq, beelaha kale ee Waqooyiguna ay ku jiraan shandada Isaaq. Fikirkaa xaqiiqada ka duwan ee beesha Isaaq ka midaysan tahay oo ahaa mid ay hoos-hoos u wadi jireen wuxuu ku soo shaac baxay Muqdisho, balse ismay weydiin khaladkaa siyaasadeed awaaqib xumada uu iyaga ku yeelan doono. Waxaana hubaal ah in ciyaarta ay Muqdisho ka dheeleen, xaladeedu ka dhici doonto Waqooyiga.



Aan soo afjarno maqaalkee, Madaxweynaha cusub iyo beelaha konfureed waxaa iyagana hortaala inay kala doortaan Gooni-goosatada beelaysan iyo beelaha kale ee woqooyiga deggan ee aaminsan midnimada iyo wadajirka somaliyeed.



Wadhaf News



No comments:

Blog Archive