Tuesday, June 19, 2018

Magaalada Bacaad Weyne ( Qubeys Surre Dir)

 http://farm4.static.flickr.com/3093/3122702908_899ff6d31e_z.jpg

Bacad weyne waa Degmo ka´tirsan gobolka Mudug, waana magaalo facweyn oo ku caan ah barashada diinta islaamka sidoo kale waa magaalo ganacsi oo waxay caan ku tahay cusbada iyadoo loo iib geeyo dhamaan gobolada kale ee dalka soomaaliya iyo waliba Ethiopia. Waa degmo caan ku ah biyaha iyo daaqa. (GREEN ZONE) sidoo kale waa Degmo caan ku ah wax soo saaraka dalaga beeraha iyo dhaqashada xoolaha sida geela ariga iyo Lo'da. Xoolaha degmadaan waxaa loo iib geeyaa dhamaan gobolada kale ee dalka iyo waliba dalka Saudi Arabia. Waxaa xiriir ganacsi oo aad u facweyn la leh degmadaan shirkada dhoofinta xoolaha ee indho deero oo ah shirkada kaliya ee heysata ogolaanshaha dhoofinta xoolaha ee deegaankan. waxa kaloo taga dad fara badan oo kayimaada dalal kala duwan Degmadaan waxaa daga beesha (Qubeys ee Surre, Dir) oo ah beel facweyn oo kasoo jeeda Qowmiyada Direed. waxaana hoos yimaada ilaa 51 tuulo. Dadkeedana waxaa lagu qiyaasaa ilaa 100,000 oo ruux waxaana ka arimiya haatan maamulka Galmudug.


 




Horumarka

Degmada Bacadweyne waxaa ka socda dhismayaal dugsiyo H/dhexe iyo kuwa sare, Isbitaalka guud ee Degmda (Bacadweyne Genaral Hospital) Guriga Martida & hoteelo & Xarumo ganacsi oo ah dhamaantood kuwa cusub. Waxaa kaloo socda dayactir balaaran dhismayaashii qadiim ka ahaa. waxaa u istaagay howlahaan dhamaan jaaliyada beesha Qubeys ee ku nool qurbaha & kuwa gudaha oo go'aansaday iney ka qeyb qaataan horumarka dalkooda, waxaa iyadana la wadaa dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacadweyne ilaa Hobyo. Degmada Bacadweyne waxaa ka furan dhowr xawaaladood sida (DAHABSHIIL BANK). 


Degmada Bacadweyne waa Degmo aad u qurux badan xiliga barwaaqada waxayna leedahay dhir fara badan oo inta badan abaar & aaranba cagaaran waxana dhinaca ku haya Bacaad guur guura oo dadka deegaanka looga fadhiyo in ay dhir ku dul beeraan si bacaadku uusan ugu soo fidin Magaalada, waxaa kalee jiro qorshe lagu dhisayo Machadyo sare oo lagu baran doono culuunta Diiniga, Beeraha, Xoolaha& Kaluumeysiga, Ganacsiga, Caafimaadka, Farshaxanka & Farsamada Gacanta iyo IWM.


Kuwaas oo loogu magac darayo Shaqsiyaad Beesha ka tirsanaa oo ahaa halgamayaal gaar ahaan Beesha Qubeys iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed magac iyo maamuus ku lahaa sida, Jimcaale Cali& xasan wehelye rooble,(Xasan Mataan)oo ilaa 1930 1960ki nabadoon u ahaa dadka leysku yiraa reer banaan ee daganaa Ceel dheer, Xaradheere illaa Hobyo iyo dhulka ku xeeran, sidoo kale Culumaa,udiinkii Ccaanka ahaa sida Sheekh Maxamed Xasan Diirshe, Sheekh Ibraahim Suuleey, Sheekh Maxamuud Cali Waceys, Sh. Maxamuud Bare Jaamac, Sh. Maxamed Saalax, Sheekh Xuseen Cali dhoore, sheekh yuusuf cali wadaad,dhanka farshaxanka iyo suugaanta Maalin Cali Gureey,sidoo kale ruug cadaa Maxamed GALAAL,iyo Diirshe Warsame Shirwac (Diirshe Qoone)Faarax diirshe,Macalin C/laahi idiris, dhanka odayaasha, Ugaas Cabdulahi Xaashi, Xuseen Geedi,Xuseen Xaaji Cumar,Shekh Aadan Jimcaale, Xaaji Cali Iley,yoolax, Xaaji Cali Xuseen, Xaaji Cabdi madoobe, Cabdulaahi Koraaye, Ugaas Xaaji Baasgodane, Ugaas Xaaji Cumar Qubeys, Ugaas Xaaji Cismaan Cosoble, Ugaas Saalax Cabdi-Nuur Ugaas Maxamed cali xareed, Cilmi Axmed,Ugaas Weydoow, Yuusuf Dhoore, IWM. Dhanka Siyaasadda,Drs: Zakiya Cabdi-salaan,Dr: Isaaq Xaashi Dr:Jeylaani Cali Kediye, Dr: Maxamed Xasan Aaden (Cabdulaahi Shuulax)iyo halyeygii ruug cadaaga siyaasiga ahaa ee Mudane Maxamuud cabdi Nuur (Juuje) Agaasime gobleedka bariga iyo bartamaha Africa ee Hayada STS international, Mr. Asad Abdullahi isla markaasna ah political analyst arimaha geeska Africa iyo soomaalida. 

 
Oo ka mid ahaa xisbigii SYL isla markaana ka mid ahaa 5-tii wasiir ee dawladii u hareysay somaaliya ee uu Mudane Cabdulaahi ciise soo dhisay 1950-naadkii isla markaana tan iyo 1969 ahaa wasiir isagoo soo qabtay xilal aan ka xusi karo Arimaha Gudaha, Beeraha, Hawlaha guud iyo qaar kaloo badan, Sidoo kale waxaa jira shaqsiyaad Surre ahaa oo Xushmad weyn aan u heyno sida Sheekh Yuusuf Direed, Cabdulaahi Insaaniya Iyo Qaar kaloo badan oo mudan in loogu magac daro goobahaas waxbarasha iyo wadooyinkaas aan kor ku soo xusay. Waxaa kaloo degmada Ka socda dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ku saabsan dhinacyada dib, u heshiisiinta ummada soomaaliyeed waxaana lagu wadaa in dhawaan lagu qabto kulanka nabadeynta iyo wadatashiga beelaha wada daga gobolka MUDUG & GALGADUUD si loo sameeyo nabad waarta iyo maamul wanaag iyo in meel looga soo wada jeesto ciribtirka burcad badeedka oo si gaar ah halis ugu heysa degmada Bacadweyne. Shirkaan oo qaban qaabadiisa ay isla wadaan UNDP/UNSOM/FGS/ iyo maamulka Degmada Bacadweyne.


Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

No comments:

Blog Archive