Tuesday, June 19, 2018

Taariikhda Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

 


Maxamed Ibraahim Warsame oo kumagac dheer (Hadraawi), waa mid kamid ah tiirarka fanka Soomaalida, waa abwaan ku caan baxay curinta Heesaha iyo Gabayada.

Maxamed wuxuu ku dhashay magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco sanadki 1943kii, waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah oo ka koobnaa 9 carruur ah, hal gabar iyo siddeed wiil. Maxamed Ibraahim marki uu 10 jir ahaa wuxuu aaday dalka Yemen isagoo waqtigaa laga billaabo la nolaa adeerkiis.

Halkaas ayuu ka galay dugsi, iyadoo magaca uu ku can baxay ee Hadraawi uu halkaa uga baxay, waraysi uu bixiyay ayuuna ku sheegay magacu inuu asal ahaan (Abuu Hadra) oo uu macallinki dugsigu u bixiyay, maadaama uu ahaa nin ardayda aad ugu sheekeeya misana ka qosliya. Marki uu dugsiga ka baxayne wuxuu macallin ka noqday mid kamid dugsiyada hoose ee dalkaYemen.

Marki ay Soomaaliya xornimada qaadatay, gobollada waqoyi iyo koofurne ay midoobeen, Hadraawi Yaman wuu kasoo tagay isagoo dib ugusoo laabtay dalkiisa hooyo gaar ahaan magaala madaxda Muqdisho, isagoo halkaas mar kale noloshiisa ka billaabay, wuxuu ku biiray jaamacadda Umadda, ka qali jebiyay oo isla iyadana uu bare ka noqday, iyadoo ay bar-bar socotay inuu la shaqaynayay wasaaradda warfaafinta iyo Radio Muqdisho.

Hadraawi oo noqday gabyaa iyo heeso curiye caan ka ah bulshada dhexdeeda wuxuu ahaa nin aad uga soo hor jeeda maamulki militariga ahaa ee uu majaraha u hayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, heeso iyo gabayo kasoo hor jeeday maamulki dalka oo uu tiriyay darteed ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo, waxaana lagu xeray magaalada Qansax Dheere oo ah magaalo 90km dhanka koofur galbeed ka jirta magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo, wuxuuna xabisag ku jiray 5 sano lagasoo billaabi 1973 ilaa 1978.

Hadraawi marki uu xabsiga kasoo baxay wuxuu kamid noqday maamulka Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

Xilliyadi billiwga burburka iyo dagalladi sokeeye Hadraawi wuxuu aaday Ingiriiska isagoo kaddibna safarro kuso maray inta badan waddamada Yurub iyo Maraykankaba, wuxuuna ka qayb galay xaflado faneed lagu dhigayay waddamadaas.

1999 ayuu Hadraawi ku laabta Hargaysa.

Heesaha ugu caansan ee lagu xasuusto Hadraawi waxaa kamid ah: Baladwayn oo uu qaaday fannaanka Xasan Aadan Samatar. Hooyo oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaanki lagu magacaabay boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec. Jacayl Dhiig Malagu Qoray oo iyadana ay qaadday allaha u naxariistee boqoraddi codka Xaliima Khaliif Cumar Magool. Suleekha oo uu qaaday allaha u naxariistee Fannaanki Maxamed Nuur Giriig. Iyo kuwa kale oo badan.

Qaar kamid ah heesaha uu sameeyane waxaa lagu tarjumay luqado kale.

Gabayadiisana waxaa kamid ah: Gudgude, Daalallay, Daba huwan oo ah gabay aad u dheer kana kooban ilaa 803 tuduc ama bayt. Silsiladdi Sinlay oo uu qayb ka ahaa, iyo kuwa kale oo badan.

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi sanadki 2012 wuxu ku guulaystay abaalmarinta Prince Claus Fund oo uu ku mutaystay gabayada iyo heesaha waxtarka u leh bulshada ee uu sameeyay.

Hadraawi iminka wuxuu ku noolyahay  magaaladi uu ku dhashay ee Burco.

No comments:

Blog Archive