Saturday, September 8, 2018

Beesha Qubeys-Dir iyo Beesha Saleebaan-Habar-gidir - Saturday February 06, 2010


Laba beel oo dagaal soo noq noqday kudhax marayo Gobolka Mudug

Saturday February 06, 2010 - 16:11:28 in Wararka by Central Office. Office



Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegaya in dagaal uu halkaasi uu laba maleeshiyo Beeleed  ku dhaxmaray deegaankaasi.

Dagaalkaasi oo  u dhexeeya labo maleeshiyo Beeleed, ayaa waxaa ku geeriyooday dad fara badan , iyadoo  qasaaraha  ka dhashay dagaalka ayaa sii kordhaya waxaana inta laga warqabo ku geeriyooday dagaaladaasi 5 ruux oo labada dhinac iyo dad shacab ah isugu jira, sidoo kalana waxaa ku dhawaacmay dad fara badan.

Cusbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa yaal dad ku dhow 20 qofood oo dhaawacyo ka soo gaareeen dagaalo beeleedyadaasi kuwaasoo kuwii ugu danbeyay xalay iyo shalay galab la garsiiyay.

Dagaalada Labada Beelood u dhexeeya ayaa noqday kuwo soo noq noqday waxayna isku hayaan dhul daaqsin iyo ceel biyood taasoo inta badan beelaha Soomaaliyeed ku keenta inay isku qab qabsdaan waqtiyo soo noq noqda arimahaasi oo kale.

Beelaha halkaasi ku dagaalamaya ayaa ah  Beesha Qubeys-Dir iyo Beesha Saleebaan-Habar-gidir, wuxuuna dagaalkaan noqday mid soo noq noqda oo loo caalwaayay in la joojiyo.








No comments:

Blog Archive