Saturday, September 8, 2018

BEESHA QOWMIYADA REER BANAADIR IYO BEELAHA AY U KALA BAXAAN. BANADIR CLANS OF XAMAR CADE

BEESHA QOWMIYADA REER BANAADIR
Badmareenadii iyo qorayaashii caanka ahaa ee imaan jiree xeebaha dalka Soomaaliya Qarnigii 13aad sida xeebaha: Muqdisho, Marka,Warshiikh,Baraawe,Kismaayo. Badmareenadaasi oo ay ka mid ahaayeen : Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo, Cheng Ho, Emrico Cerculli iyo kuwo kale waxay qoraaladooda ku xuseen in xeebaha koonfur Soomaaliya ay deganaayen waagaas Qowmiyad Xadaarad fac weyn leh ( oo ay ula jeedeen Qowmiyadda reer Banaadiriga).



Ibnu Batuuta waxaa kaloo uu Buugiisa ku sheegay in magaalooyinkaasi badi ay lahaayeen Dhismooyin qurux badan oo la mid ahaa dhismooyinka caalamka waagaasi.Qoraagii Emrico Cerculli isna waxaa uu sheegay in Xamarweyne & Shigaani,Marka & baraawe ay ku yaaleen Masaajido dhismahooda muujinaaya xadaaradda faca weyn waagaasi. Waxaa kaloo ayadana xusid mudan in halgankii xuriyada dalka Soomaaliya ay qayb wayn ku laahyeen Banaadiriga sida 13 SYL oo 3 ka mid ah ayka soo jeedeen qowmiyadaas. Waxay kaloo lahaayeen xisbi siyaasadeed oo ayku mideeysaayeen ilaa 1943 oo la yiraahdo SANU.

hadaba waxaan ka soo xigtay qoraalka qabiilada Mudane Garwayne kuloow sida ay ukala baxaan reerkaas, waayo waxay dad badan moodaan in Banaadiga ayku kooban yihiin oo kaliya Hamarwayne. Taas runta ma aha, waxay degaan magaalooyin badan badanaaba xeebaha, qabiiladoodana waxay ukala baxaan sidaan: Waxaa kaloo jirta inay ku hadlaan laba lahjo, shangaani waa Maay, Hamarwayne waxay ku hadlaan Maxaa tiri.



QABAA’ILKA BANAADIRIGA EE DEGA DEGMADA XAMAR WEYNE
BANDHABOW WAA 8 Jilib.
• Ree r Aweys Cabdi
• Reer Aweys khamiis
• Reer Unturow
• Reer Quuriwayle
• Reer Sheebow
• Reer Axmed Nuure
• Reer Cali Maxamed
• Reer Gudmane

MOORSHE WAA 8 JILIB.
• Reer Baataay
• Reer Ibraahim
• Reer Maxamuud
• Reer Kalafow
• Reer Mahadow Amiin
• Reer Baa Xamiish
• Reer Haatim
• Reer Aweys Nuurow.

DHABAR WEYNE WAA 5 JILIB
• Reer Shaanshiyo
• Reer Waabaas
• Reer Maxamed Jibriil
• Reer Xaaji Qaraar
• Reer Qalinshube

ISKAASHATO 8 JILIB
• Reer Shiiq muumin
• Reer Maanyo
• Reer Indhoweyne
• Reer Cali Xasan
• Reer Buurfuule
• Reer Ceydaruus
• Reer Shamsi
• Reer Askareey
WAA 4 XAMR IYO CULUMADOODA (REER FAQAY)

Magacyada QABAA’ILADA beelaha shingaani waa 16 jilib.

• Reer sheikh
• Reer kooli
• Reer maanyo
• Reer faqi cali
• Reer asharaaf
• Reer aadan dheere
• Reer cabdisamed
• Reer baafadal
• Reer xaaji
• Reer baa sadiiq
• Reer abakaroo
• Rer yacquub
• Reer camuudi
• Reer faqay
• Reer sedaxgeedi
• Reer cusmaaneey

BEELAHA QOWMIYADDA BANAADIRIGA EE DEGA MARKA CADEEY EE 16ka KOOFI.

• REER MAANYO
• REER AXMED NUURE
• REER GARJANTE .
• REER ASHRAAF CALAWI
• REER DURUQBO
• REER KAFAAYO
• REER GAAMEEDLE
• REER SHUKUREERE
• REER ASHRAAF BIN-XASN
• REER HAATIM
• REER SHAANSHIYO
• REER JUUNJI
• REER SHEQAAL GENDERSHE
• REER SHEEQAAL JAZIIRA
• REER KHADHIIB
• REER MOORSHO

Qore abdulrazak saeed omar almaqtari
Photo

No comments:

Blog Archive