Saturday, May 28, 2011

Beesha Cabdalle (surre) iyo shiidaalka Gobolka Puntland maxaa kala haysta? maxayse kayihiin? Monday, 26 May 2008

Beesha Cabdalle (surre) iyo shiidaalka Gobolka Puntland maxaa kala haysta? maxayse kayihiin?
Monday, 26 May 2008
Siyaasi weyn oo caan ah ayaa waxuu aad ugu xumaaday in ay ku dhawaaqan maamulka la magac baxey Puntland baaritaan shidaal iwm ah,
xilli aan la saxin deganada gobolka iyo hantida gaarka ah ee uu lee yahay shacabka deeganka, iyo waliba sidii loo wada qaybsan lahaa maamulka iyo khayraadka dhulka lawada deggenyahay.


Siyaasigan ayaa waxuu afka kudhuftay in beesha Cabdalle ay leedahay degaan weyn iyo tariikh dheer oo in la aaso ama la duugo loogu tala galey, balse waxaa is weeydin mudan walaalaha beesha Cabdalle ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo guduhiisa iyagoo deegaan ku leh sida hoos ku qoran maxaa looga xaqiray ama sidee qaybtooda maqan ku heli karaan?


Sidoo kale siyaasigan ayaa wuxuu sheegey in ee beesha cabdalle ay ka degaan sida hoos ku xusun marka loo eego xubin xubin.


Beesha cumar muuse waxa ay dagtaa daganada

Gobalka bari

• Casimad gobalka bosaaso iyo tuuloyinka hosyimada

• Dagmada qandla iyo tuloyinka hosyimada

• Dagmada iskushuban iyo tuloyinka hosyimada

• Dagmada caluula iyo tuloyinka hosyimada

• Tulaada Xaafuun

Beesha cabaas Muuse Iyo beesha Magadle waxa ay degtaa

Gobolka sanaaag

• Casimada Gobalka cerigaabo iyo tuloyinka hosyimada

• Dagmada Laaasqoray iyo tuloyinka hosyimada

• Degmada baran iyo tuloyinka hosyimada

• Tuulada Mushxaleed

• Tuulada xabashawacle

• Tuulada hadaftimo

• Tuulada yuube

Beesha haruun muuse waxa ay dagta

Gobalka Nugaal

• Casimada gobalka garoowe iyo tuloyinka hosyimada

• Dagmada Eyl iyo tuloyinka hosyimada

• Degmada Rabaable iyo tuloyinka hosyimada

Beesha Samtar Muuse iyo Nacadoor cabdale and siyaad muuse Food cadeMuuse iyo damal muuse

• Casimada gobalka galkacayo iyo tuloyinka hosyimada

• Degmada Xarar dheere. iyo tuloyinka hosyimada

• Degmada Hobyo iyo tuloyinka hosyimada

• dagmada jariiban iyo tuloyinka hosyimada


Siyaasigan wuxuu aad uga xumaadey in beesha Cabdalle oo sidaa u tiri badan in been iyo mala awaal lagu maa weeliyo si dhulkoodii iyo xuquuqdoodii loo xalaalaysto. Waa wax laga xanuunsado waxaase weli la yaab leh, dadka tolka uu adeego beesha Cabdalle ee la yiri abti iyo awoowe been ah, si ay ugu jiiftan ama aysan ugu adeegin waxa ay beeshu xaq u leedahay waxaa ku kalifeyna lama yaqano?


Waxaan xusuusinaynaa beesha Cabdalle waa inay ka tashato aayahooda gaarka ah waayo? qof aan lahayn dhul ama deegaan waa iska dugaag. Sidaasoo kale waxaan ugu baaqayaa wax garadka beesha Cabdalle iyo ururka dhallinyarada beesha, siyaasinta, aqoon yahaynka beesha, iyo haweenka, waa in ay u tashtaan degaanadooda iyo dhulkooda waayo? waa wax muhiim ah waa laysla degaa waana is dhalnaa ,balse lama qaadan karo gurigaaga iyo hantida ayaa xalaleysanaya ee ii sacbi?


Siyaasigan oo weliba u sheegeya in beesha aysan dagaal iwm ah aan loo baahnayn balse ay ku dayaan wada hadal qaawan ee aan gabasho laheen . Waana og nahay in lagu jiro xilli colaadeed, balse dagaalka xal maaha balse qofka waa inaad is tustaa, haduuse ku arki waayo waa run wixii danta ku jirto baa la sameenaya. Siyaasigan oo aan jeclayn beesha cabdalle in aysan gelin wax colaad dhalin karo balse waa xaq ah iney doontan deganooda iyo waxaa aay ku lee yahiiin maamulka gobolka putland aan shaki la gelin karin?


Sidoo kale siyaasigan ayaa waxuu sheegey in beesha cabdalle ee ka tahay xubin weyn marka loo eego reeraha degan gobolka hadaa lagu riixeyn qaabiil ?
xigasho:camaara

No comments:

Blog Archive