Saturday, May 28, 2011

Taariikh Nololeedka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ”Siilaanyo”. ..

Taariikh Nololeedka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ”Siilaanyo”. ..


1-july- 2010 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .

Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashayDegmada Burco sannadkii 1936kii.

Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose .Dhexe. ilaa dugsiga sare wuxuu ku dhammaystay Dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946kii ilaa iyo 1960kii.

1960kii ilaa iyo 1965kii wuxuu Axmed Siilaanyo ku jiray jaamicadda Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaasoo uu ku qaatay shahaadooyinka Bachelar degree iyo Master ee cilmiga dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay 1965kii ilaa Oktoober 1969kii, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii qorsheynta ee dawladdii Soomaaliya ee rayidka ahayd, isagoo gaadhay darejada Agaasime Guud.

Markii militerigu taladii dalkii somaliya afgambi kula wareegeen 21kii Oktoober 1969kii, waxaa Axmed Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta. Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha qaranka ilaa 1982kii oo uu ka goostay dawladdii kacaanka.

1982kii, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii dhaqdhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM , isagoo noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.

Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM. 18 May 1991kii shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen goonni isutaaga Somaliland wuxuu Axmed Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.

Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993kii ilaa 1997kii. 1997kii ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirka wasaaradda Qorsheynta, isagoo markii danbe iskii isu casilay.

Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE oo uu guddoomiyena ka noqday. Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 Cod, taasoo ay aqbaleen.

Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE, uu hadda u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010, isagoo madaxweyne ku xigeenna u sharaxan yahay xisbigiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, oo loo yaqaanno Zeylici.

Axmed siilaanyo wuxuu leeyahay 5 caruur ahoo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirdde.

No comments:

Blog Archive