Saturday, May 28, 2011

Falsafadda FADHI KU DIRIR

Falsafadda FADHI KU DIRIR

Alleylehe siday aniga ila tahay, Falsafadda Fadhi ku dirir waa ninka “Dhiigga Habartii an Dhiig kale Ku Darin”. Fadhi ku dirirkuba marbuu Faa’iido leeyahayoo, waana Ficil Diimuqraadiye, Maxay nagu Faduulliyeen?. Waxan uga dan leehay Ninka reer Caddooshe ah ee magaciisa la yiraahdo McGILL (The Coffee Shop Warriors By Doug McGill, The McGill Report Harowo.com).
Kadib markii an Ninkaasi magaciisa fiiro qoto dheer u yeeshay, een cilmi falagana ku eegay, filoosofiyiintana waraystay, waxan u fahmay inuu magacu yahay MiGILL oo magac reer Boon ah. Sidaasi daraadeedna, waxan is idhi, malaha ninka ‘Camalkiisaa Caddeeyaye’ waa Reer Boon ee bal waxba haku sii tiiqsanne, horta yara tilmaan uun.
“Ninka Dhiiga Habartii an Dhiig kale Ku darin”, waa halhays laga soo xigtay xigaalkeena beesha CIISE , oo ah Reer xaddaarad(Xeer Ciise) falsafadeed oo qaro weyn leh. Ujeedada guud ee halhayska iyo siduu ku soo baxayna waa mid aniga la iiga khibrad badan yahay oo wakhtigeeda iyo qofka ugu habboonina innoo soo jilcin karo. Balse sidaan u macnaystay waxay tahay in loo adeegsan karo qofka an waligii dhagaroobin/ waxba dilin/ dhiig ku faraxalanin/ iwm, gar iyo gardarraba.
Anigoo halkaas ku duullaya ayaanan dabadeed xogta halhayskaasi ku dabaqay Falsafadda Fadhi ku Dirir. Dhanka anigu an iska taagayna, waa nin fadhigiisa iskaga salliya, ku dooda, ku dacwiya, ku qora, ku qaylya, isagoon cidna dilin, cidna dhiig ka daadin, oo waa sheekh iska Diimuqraadiyaysan. Taasi oo macnaheedu tahay in fadhi ku hadalka, qofku wuxu doonaba ku yidhaahdo ahayd xaddaarad waligeedba iska Diimuqraadiyaysnayd xitaa Diimuqraadiguba hortii intuu dunida iman, ooy Soomaalidu caado iskaga lahaayeen. Odayada Soomaaliyeed intooy iyagoo fadhiya usha dhulka la dhacaan ayay odhan jireen ‘hadday sidaasi iyo sidaasi noqon waydo, wallee ta dhacda waa loo wada taagnaan’. Xaggaygana waa wax lagu faani karo ee ma aha wax faddeexad iyo foolxumo loo arki karo, oo suxufiyiin saan cad oo suuqa joogtana si xun loogu sheegi karo.
Waxan halkan ka biyo diidayaa, in Soomaalida qalad uun laga wado fahmo(illeeyn iyagaa iska fidiyaye) oo loo qaato dad goor iyo ayaan dagaal uun u heegan oo ‘Dil iyo Dilan’ mooyiye an dood iyo dacwad iyo daw kale oo waxa lagu doontaba aanan danayn. Marka qaarkood diidayaan in loogu yeedho Fadhi Ku Dirir iyagoo hadana ad arkyaso inay Makhaayadaha iyo Internetka iyo Marfishyada iyo Maqsinadoodaba dood iyo dacwad Af iyo Qoraalba ahba wadaan, ujeedadoodu maxay tahay?:
Ma waxay ka wadaan, waan dagaalanaa oo gacan ku dhiig layaal baan nahay?
Ma waxay ka wadaan socodkaan ku dirirnaa, waxbaan qabannaa, si kalaan wax uu dhiibnaa Iwm?
Ma waxay ka wadaan, Dood iyo Dacwad iyo Dirir midna ma wadno?
Ma waxay ka wadaan, mayee Kalmada Fadhi ku Dirir ayaa na dhibaysa oo in
Sara- joog ku Dirir ama si kalaba loo dhigo ayaa ka qurux badnaan lahayd?
Xaalad colaadeed iyo Xaalad Nabadeed labaduba waa tiirarka lagu taagay Adduunkan, Soomaaliduna labadaba way soo martay, waanay ku jirtaa wali. Xaalad kasta oo lagu jirana Fadhi Ku Dirir wuu jiray, Faa’iidana wuu lahaa. Imikana iyo dunidan cusubna, Fadhi ku dirirka ugu caansani waa kii oo la yara cusboonaysiiyay oo helay qalab casri ah, qurbahana jooga, qoxootina ah, qaaqdana haya, waana sida aynu u wada badanahaye beeni maxay qaban.
Marba haddii an ku sallaynay fadhi ku dirir inuu yahay Ninka Dhiigga Habartii Dhiig ku Darin, (A Peaceful Man), waa inaan markaa caddaaladna u sugnaa. Caddaaladaas oo ah, inaan Fadhi Ku Dirir ka reebno nin alla ninkii wax dilay, ninkii wax inuu dilo raba, iyo ninkii si kale u diriraba. Waxa jiri kara kuwan hoos ku qoran iyo wixii kalee lagu darsan karo:
1. Faro ku dirir (ficil, Dood, Dagaal, Deeq, Darajo, Duruus…iwm..iwm)
2. Farsamo ku( Dirir (Qalab/hub/xeelad/ iwm)
3. Farriin Ku Dirir(Amar suge)
4. Falaad Ku Dirir (Cadho badane, calooshiisana ku haysta)
5. Furaash ku Dirir(Raaxo ku dirir/Maba Dirire..iwm..)
Dabcan, waa Dood u furan dadweynaha. Fadhi Ku Dirir laftarkiisaa si kale ayaa loo macnayn karaa, sida dadka qoorkoodba ku sheegeen warbixintaas Migil(McGill Report) falsafad kalana waa lagu dabiqi karaa oo dhan kalana waa laga arki karaa. Aniguse halkaan miciinsaday murankaygu weeyaan oo marna lay durkin maayo, xoog laygu muquuniyo mooyiye.
Hadal iyo dhammaanna, Maqaalkii oo kooban, oo hadana kuusan, hadana kambadhuudha, waliba kadaloob ku diriraya. Waxad yeeshiin, “orddoo odayga ina McGill u tagoo waxad u sheegtiin inuu MiGill yahay magac reer Boon ah, hadduu Rumaysan waayana, Reer Odayo-Grarbis(reer Migill) u geeya.
Sidaa iyo Nabad Caano iyo Cimri Dheer Fadhi Ku Dirirka an Dhiigga ku Faraxalanoow

1 comment:

Unknown said...

Rasaasta qarsoon ha la dhaho
Ama dilka dadban

Blog Archive