Sunday, September 11, 2011

Xasuuq ba'an oo loogu geystay waxgarad beesha Suure Qubeys deegaanka marjiicleey

Xasuuq ba'an oo loogu geystay waxgarad beesha Qubeys deegaanka marjiicleey
Thursday, 08 September 2011 01:17


Xasuuq ba'an oo loogu geystay waxgarad beesha Qubeys deegaanka marjiicleey

Warar deg deg ah oo naga soo gaaraya degaanka Marjiicleey ayaa waxa ay sheegayaan in xasuuq daran loo geystay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Qubeys.



Odayaashan oo u tegay degaanka Marjiicleey oo qiyaastii 30km ujira magaalada cabudwaaq si ay xal ugu helaan Baraag muran ka taagan tahay ka dibna gogoshii si bareer ah loogu dilay ilaa 7 ruux.



Dadka ka danbeeyey falkan waxashnimada ah kana fog dhaqanka iyo diinta suuban ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan beesha Ceyr.



Dowlada ku meel gaarka oo aan falkan wax war ah ka soo saarin ilaa iyo hadda ayaa dad badan ku eedeynayaan in ay u dhaqanto si dowlad dad gaar iyo qabiil gaar ah u hadasho.



Wixii warar dheeraad ah oo ka soo baxo arrintan dib ayaan idiinku soo gudbin doonaa.



Xigasho:cowslafil.com

www.lajiide.com

No comments:

Blog Archive