26-Qof oo Xaaladaha Abaaraha Dartood Ugu Geeriyooday Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.(Daawo Sawirada) ...
Sun, August 21, 2011 13:29:53Wararka naga soo gaaraaya deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa sheegaaya in deegaankaasi ay xaaladaha abaaraha ugu geeriyoodeen dad ka badan 26-ruux.
WAA DEEGANADA AY KU NOOL YIHIIN QUBEYS SURRE

Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug Maxamed Siciid Axmed ayaa khadka taleefanka ugu sheegay warbaahinta in abaaraha ka jira deegaankaasi in ay tahay mid soo jirtay muddo ka badan 2-sano.

Waxa uu intaasi ku daray in abaaraha ka jira deegaanka Bacaadweyne ay abaaraha ugu geeriyoodeen ilaa 26-qof oo isugu jira carruur iyo hooyooyin ay intooda badan haleeleen cudurro iyo nafaqo darro.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka Bacaadweyne in aanay jirin ilaa iyo iminka cid katirsan hay’adaha gargaarka oo gobolka soo gaarsiisay gargaar ku aadan abaaraha.

Maxamed Siciid Axmed waxa uu ugu baaqay hay’adaha gargaarka iyo guud ahaanba dadka Soomaaliyeed in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka ku dhibaataysan abaaraha ka jira deegaanadaasi.

Deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa kamid ah degmooyinka kamidka ah Soomaaliya eeay ka jiraan abaaraha saamaynta ku yeeshay in ka badan 4-melyan oo Soomaali ah.

WAA DEEGANADA AY KU NOOL YIHIIN QUBEYS SURRE
No comments:
Post a Comment