Tuesday, May 1, 2012

Caaqil Saciid Maxamed Xussein (Saciid Indhoole)

Caaqil Saciid Maxamed Xussein (Saciid Indhoole) oo socdaal ku soo maray Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Norway, iyo Sweden ...
Agoosto 29 - 2007 Cowslafil , Muqdisho , Somalia .
Saciid Indhoole oo socdaal ku maraya dalal badan oo ku yaal yurub iyo Mareykanka (Verginia, Minneaplois,kalifornia) ayaa mar ay maamulka shabakada cowslafil kula kulmeen dalka Norway wuxuu u sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay dhaqan gelinta iskuul laga furayo Degaanka Tawfiiq ee Gobolka Mudug.

>

Saciid oo ka hadlaya waxgaradkii uu la kulmay iyo natiijadii ka soo baxday kulankooda ayaa wuxuu marka hore si aad ah ugu mahad celiyey hogaanka ururka cowslafil ee dalka Mareykanka;
• Dr Mohamed Aden Jeele (Gudoomiyaha)
• Dr Ibrahim Maxamud Mursal (Gudoomiye ku xigeen)
• Drs Xaawo Geni M Cilmi (xoghaynta iyo dhaqaalaha)
• Caaqil Maxamuud Dooli (Xubin sare)
• Caaqil Axmed Cali Dalmar (Xubin sare)
Kulamadii uu la yeeshay waxgaradkii uu la kulmay ayuu ku tilmaamay Saciid inay ahaayeen kulamo si heer sare loo soo abaabulay arrimo badan sida dhaqan gelinta dhismo iskuul cusub oo laga hirgelinayo Degaanka Tawfiiq ee Gobolka Mudug, Laguna Magacaabo Cabdillahi Insaaniya Primary & High School.
Allifaha Qaamuuska afkayaga hooyo mudane Cabdullaahi Xaaji Moxamuud Jaamac oo lagu neynaaso Cabdullaahi Insaaniya looguna magac daray iskuulkan taariik nololeedkiisa oo kooban ayaa ah sidan;
Mudane Insaaniya wuxuu ku dhashay Xamar (Muqdisho) Taariiqdu Markey aheyd 1-dii luulyo 1924-kii. Hooyadii waxaa lagu magacaabaa xaajiyo Faadumo Ciise Geyre. Cabdullaahi markii uu afar jir ahaa ayaa aabihii dhintay, dabadeedna walaashii marwo Madiino Xaaji Maxamuud Jaamac iyo ninkeeda Shiik Muuse Faarax oo ay xigaalo yihiin ayaa soo koriyey. Mudane Cabdulaahi Insaaniya waxbarashadiisa Dugsi Hoose/Dhexe, iyo sare wuxuu ku soo qaatay Madrasada Macalin Jaamac.
Maadaama Soomaaliya ay xilligaas jaamacad laheyn ayuu Cabdullaahi wuxuu sii watay waxbarashadiisa dhanka Shareecada Islaamka isagoo wax ka kororsaday culumo badan oo soomaaliyeed kana bartay kutubo kala duwan sida: Safiinatul Salaad, Qaasimi, Minhaaj, Riyaadul-saalixiin, iyo tafsiirka Quraanka Kariimka ah uu luuqada soomaaliga lagu fasiray. Intaa waxaa usii dheer in Cabdullaahi uu ka mid noqday dhalinyaro loo tababaray xirfada baranimada halkaas oo uu muddo lix bilood ka dibna uu qaatay shahaadada barenimada. Cabdullaahi oo ka soo shaqeeyey (Macalinimo) magaalooyinka kala ah: Jowhar, Baydhabo,Gaalkacyo,Luuq, iyo Xamar.
Laga bilaabo April 1952 ilaa April 1954-kii Cabdullaahi wuxuu ka mid noqday kooxdii Soomaaliyeed ee ugu horeysay oo uu Talyaaniga u qaaday Roma (Italy), halkaas oo uu ku soo qaatay tababar maamul dowladeed.
• 1956-dii waxaa loo magacaabay maamulaha degmada Baraawe.
• 1957-dii waxaa loo magacaabay maamulaha degmada Hobyo
• 1958-dii wuxuu noqday agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta.
• 1959-kii liiska SYL-sha degmada Marka ayaa lagu soo doortay oo wuxuu noqday mudane Baarlamaanka Soomaaliyeed ka tirsan
• Cabdullahi iyo wafdi uu la socday ayaa 31’ ka desember ayaa kala hadlay Qaramada midoobay in madaxbanaanida dalka soomaaliya laga soo horumariyo waqtigoo loo qabtay iyadoo dalka soomaaliya uu dib u hantay xornimada 1-luulyo, 1960-kii ka dib Cabdullaahi wuxuu noqday wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada
• 1964-tii ilaa 1968 Cabdullaahi waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee wasaarada Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
• 21-oktober-1971 Cabdullahi waxaa gudoomiye looga dhigay gudi hoosaadka koowaad oo qaabilsanaa luuqada iyo soo saarida xuruufta ku haboon in lagu qoro afka soomaaliga.Cabdullaahi oo qabay fikirka ah in xuruufta LAATIINKA ku saleysan ay tahay tan ugu haboon in lagu qoro af-soomaaliga ayaa 1972-dii waxaa fariistay Gudigii Af-soomaaliga oo dhan halka seddex meelood labo ay gudoomiyeen xuruufta Laatiinka. Gudiyo kale ayaa qabay in lagu saleeyo afka hooyo xuruufta Carabiga, Hindiga, ama Amxaariga.
• Buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah: o Buuga Afkayaga Hooyo oo uu afsoomaali uu ku hirgelinayey o Buuga naxwaha soomaaliga oo uu qoray 1973-dii o Buug kala qeexayo shanta salaadood iyo sida biyaha loogu weyso qaadan karo o Qaamuus casri ah oo isku turjumayo luuqada ingiriiska iyo soomaaliga oo ka kooban 25077 eray.
Cabdullahi waxaa u dhaxda marwo Maryan Xaaji Maxamuud Guuleed, caruurtooda iyo kuwa ay sii dhaleen ee nool iminka waa 22 qof.
Saciid Indhoole oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa dhamaan inta u ehelka ah horumarka, waxbarashada, iyo kobcinta jiilka soo koraya inay nagala qayb galaan dhismaha iskuulka laga hirgelinayo degaanka Towfiiq. Iskuulkaas oo ka kooban 12 Qol, 2 xafiis,2 musqulood,hoolka shirarka iyo dayr ku wareegsan.
Fadlan nagala qeyb gal hirgelinta mashruuca khayrka iyo saxanaadka leh ee loogu gargaarayo dhalaanka soo korayo ee aqoon la’aanta ku heysato dhulka ballaaran ee carro Tawfiiq waxaadna la soo xiriirtaa Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Mashruuca Horumarinta Tawfiiq Saciid Maxamed Xassan (Saciid Indhoole).
Telefone: 0044 7908658404
Cowslafil.com

No comments:

Blog Archive