| 
Beesha direed oo cabasho ka soo saarey maamulka Gobolka Hiiraan in aan laha Tixgalin . Agoosto 22 - 2007 Cowslafil , Mogadishu, Somalia . | 
| 
Qoraal  Cad ay shalay ka soo saareen Magaalada baydhabo Beelaha Direed ee dega Gobolka Hiiraan ayay kaga hadleen arimaha siyaasada ayay qoraalkooda cad ku yiraahdeen. 
“Anagoo ah Ugaasyada, Nabadoonada, Culamaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Urarada Bulshada iyo Dhamaan waxgaradka Beelaha Direed ee dega  Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Magaalada Balad weyne oo kala ah:- Beelaha  Faqi Cumar, Faqi  Max’ed, Baajamaal, Reer ow saciid iyo Isaaq kuwaasoo ka mid ah qabaa’ilada degan Degmada Balad weyne magacna ku leh Sooyaalka taariikheed ee Gobolka qeyb weyna ka qaatay hormarinta Gobolka sida dhinaca warbarashada, iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka degana dhulka ugu baaxada weyn xagga beeraha dalagyo kala duwana ka baxaan, hadaba anagoo taas ka duulayana waxaan u sheegaynaa  Dowlada Federalka KMG  in maamulka dhawaan laga dhisay Degmada Balad weyne uu  yahay mid aan loo meel dayin cadaaladana aan ku salaysnayn isla markaana aan waafaqsanayn Axdiga  Qaranka ee  KMG iyo weliba nidaamka Federalka. 
Hadaba waxaan ka  Codsanaynaa Madaxweynaha, Ra’isu wasaaraha in maamulka Gobolka iyo kan degmadaba ay dib u eegid ku  sameeyaan  dhismaha maamulka Gobolka Hiiraan iyo  Degmadaba kana soo qeyb geliyaan beelaha Direed ee degan  Gobolkaas  idinkoo eegaya xaquuqda beelahaasu ay leeyihiin, runtii waa wax lala yaabo inaan marna laga soo qey gelin, maamuladii Gobolka laga sameeyay tan iyo markii ay dowlada KMG ay  ka howl gashay  dalka.  
Waxaan ka Codsanaynaa dhamaan beelaha aanu wada deganahay inay gacan naga siiyaan sidii aan si  cadaalad ah aanu wax ugu wada qeynsan lahayn”ayay ku yiraahdeen  Qoraalkoodii dheeraa ay Beelaha Direed ka soo saareen shalay magaalada  Baydhabo.       | 
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Tuesday, May 1, 2012
Beesha direed oo cabasho ka soo saarey maamulka Gobolka Hiiraan in aan laha Tixgalin ...
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
- 
        ▼ 
      
2012
(418)
- 
        ▼ 
      
May
(83)
- 
        ▼ 
      
May 01
(8)
- 26-Qof oo Xaaladaha Abaaraha Dartood Ugu Geeriyood...
- Kulanisugu imaanayaan Beel weynta Direed oo ka dha...
- Qoysaskii ka barakacay dagaaladii ka dhacay bacadw...
- Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo ah ugaaska beesha qubeys
- Caaqil Saciid Maxamed Xussein (Saciid Indhoole)
- Beesha direed oo cabasho ka soo saarey maamulka Go...
- DEEGANADA SUURE SALEEBAN CABDALLE
- URURKA CAWSLAFIL ORG SAWIRO SURRE
 
 
- 
        ▼ 
      
May 01
(8)
 
- 
        ▼ 
      
May
(83)
 
 
No comments:
Post a Comment