Tuesday, May 1, 2012

Qoysaskii ka barakacay dagaaladii ka dhacay bacadweyne oo xaaladooda laga dayrinayo

Qoysaskii ka barakacay dagaaladii ka dhacay bacadweyne oo xaaladooda laga dayrinayo
Janaury-07-2010 Cowslafil -Muqdisho- Somalia
DHAMAAN URURADA SAMAFALKA SOOMAALIYEED IYO AJAANIBTA EE KA HOWGALA DEGAANADA KOONFURTA MUDUG WAXAAN KA CODSAN INAY GARGAAR DEG DEG AH LASOO GAARAAN DADWEYNAHA KA SOO BARAKACAY DAGAALADA DHOWAAN KA DHACAY DEGAANADA BACAADWEYNE.

Qoysakaan ayaa gaaraya ilaa saddax kun oo qoys waxayna xilligaani ka cabanayaan baad la,aan haysata Cali Maxamed oo ka mid ah qoysaka ka barakacay deegaanadii lagu dagaalamay islmarkaan la hadalay

Qoysaskaani oo ka cararay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaano hoos yimaada dagmada bacadweyne ee koonfurta gobolka mudug ayaa xilligaani ka cabanaya xaalado isku jira caafimaad la.an hoyl,aan iyo arima kale deegaanada ay u barkaceen qoysaska ayaa waxaa ka mid ah xaar xaar,beycad .laanwoysi dhabat iyo deegaano kale ee ku heeran.

V.O.M.COM ayaa sheegay in qoysaskaani ay ka cabanayaan cuduro fara badan oo ay ka mid yihiin malaariyada tiifoowga shuban biyoodka iyo cuduro kale waxaana dhan kale qoysaskaani haysata xaalado nafaqo daro oo soo wajahdey caruur tooda.

Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanadaasi aysan ku oo lin xaruma caafimaad islamarkaan waxaa uu ka codsaday haayadaha samafalka in gurmad dag dag ah ay la soo gaaraan hase yeeshee wararka ka imaanaya deegaanka bacadweyne ee koonfurta gobolka mudug ayaa sheegay in wali ciidamada ay is hor fadhiyaan islamarkaana aysan jirin wax waan waan ah oo ay wadaan odayaasha waxgardka culumaaudiinka ka soo jeeda deegaanadaasi inkstoo la filan karo in ay isku dhacaan labadaasi maleeshiyo beeleed ee ishor fadhiya maadaam aysan jirin dhaq dhaqaaq lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadahaasi
Xigasho www.codkamudug.com, W/W.Liban Cajiib Xaaji
E-mail: cowslafil@cowslafil.com

No comments:

Blog Archive