Wednesday, May 23, 2012

Ganacsade Carab Ciise oo shalay lagu aasay Minneapolis

Last Updated on Sunday, 18 March 2012 00:53 Friday, 16 March 2012 16:58    

Waxaa shalay magaalada Minneapolis lagu aasay alle ha u naxariistee Carab Ciise Xayd. Mudo dheer ayuu xanuunsanaa oo uu ku jiray isbitaal.
Carab Ciise wuxuu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano Soomaaliya loogana qadariyo. Wuxuu kaloo ahaa siyaasi kasoo qeybqaatay xornimadii. Wuxuu xubin ka ahaa ururkii xornima-doonta ee SYL. Markii uu ururka SYL ka mid noqonayay wuxuu jiray 15 sano.
Wuxuu qeyb libaax ka qaatay midawgii Waqooyi iyo Koonfur. Wuxuu ka mid ahaa wafdigii ugu horeeyay ee Koonfurta ee loo diray Waqooyi.
Ganacsiyo badan ayuu ku jiray Carab Ciise. Wuxuu lahaa warshad dhagaxa hagaajisa. Dhagaxa warshada lagu sameeyo waxaa loo iibgeyn jiray wadamada Yurub. Wuxuu caan ku ahaa oo dadka intooda badan ay ku yaqaaneen ganacsiga mooska. Wuxuu dhoofin jiray 5 kun oo karton oo moos ah isbuucii. Wuxuu kaloo ku jiray ganacsiga xoolaha.

Carab Ciise wuxuu Mareykanka yimid 1987. Warshad sameysa kaluunka ayuu ka furtay gobolka California.
Wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay Soomaalinimada kana soo shaqeeyay in ay xoroobaan oo ay midoobaan. Cabdullahi Cabdi Ciise ayaan ka wareystay sida uu Carab Ciise u arkay markii wiilkiisa Xuseen Carab loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga. Cabdullahi waxaa adeer u ah Carab Ciise wuxuuna ku soo koray guriisa. Wuxuu yiri “aad ayuu ugu farxay. Wuxuu u arkay in wiilkiisa uu u shaqeynayo Soomaalida kana shaqeynayo Soomaalinimada sida aabihiis oo kale. Wuxuu wiilkiisa marwalba kula dardaarmi jiray in uu ka shaqeeyo Soomaalinimada. Wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay Soomaalinimada oo aanan jeclayn kala go’ooda.”
Carab Ciise Xayd ilmaha uu dhalay iyo ilmaha ay sii dhaleen waxay gaarayaan 30.

No comments:

Blog Archive