Wednesday, May 23, 2012

Xaflad loogu Dabaaldegay Degmada Bohol-garas oo ka dhacday Mareykanka

Xaflad loogu Dabaaldegay Degmada Bohol-garas oo ka dhacday Mareykanka



Xafladweyn oo lagu soo dhaweynayo Degmada cusub ee kusoo biirtay Gobolka Gedo oo lagu Magacaabo Bohol-garas ayaa maanta lagu qabtay Gobolo ka tirsan wadanka Mareykanka.
Xafladan ayaa waxaa isku soo qabanqaabiyay dhalinyarada, culu’maaudiinka iyo waxgaradka kasoo jeeda Degaanada Luuq, Qooneey iyo Boholgaras ee Gobolka Gedo.
Xaflad lagu qabtay Xarunta Villa Soomaaliya bishan todobadeedii ayaa Madaxweynaha Dowlada KMG Somaliya Mudane Shariif Shiikh Ahmed waxa uu Degmo cusub ugu dhawaaqay Deegaanka Bohol-Garas oo ahayd Deegaan qadiimi ah oo ku taala Gobolka Gedo.
Xafladkale oo lagu soo dhaweeyay Degmada cusub ee Bohol-garas ayaa lagu qabtay hotel kuyaala magaalada Muqdisho, xafladan waxaa kasoo qeybgalay wasiiro, wasiiro kuxigeeno iyo Xildhibaano katirsan Dowlada KMG soomaaliya, waxaa kaloo kasoo qeybgalay Ganacsato, Oday dhaqameedyo iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Gedo. waxaa halkaa ka hadlay Xildhibaan Cabdinaasir Maxamed Gaarane oo si fiican u faahfaahiyay muhiimada ay leedahay Degmadan cusub ee bohol-garas.
Gobolka Gedo oo ka mid ah Gobolada ugu baaxadaweyn Soomaaliya ayna ku dhaqan yihiin Dad aad u tiro badan ayaan helin wax aqoonsi ah tan iyo intii ay Burburtay Dowladii Kacaanka.
Degmada Boholgaras ayaa ahayd Degaan istiraatiiji ah oo ay maraan gaadiidka u kala goosha Somaliya, Kenya, iyo Ethiopia 20kii sano ee lasoo dhaafay taasoo dhalisay in Degaanka uu yeesho horumar lixaadleh xaga dhaqaalaha, waxbarashada, iyo Deegaankaba, isla-markaana lagama maarmaan kadhigtay in ay noqoto Degmo caalami ah.
Gabagabadii Xafladan ayaa Waxgaradka kasoo jeeda Degmada Bohol-garas waxa ay balanqaadeen inay horumariyaan Degmadan cusub waxayna ku booriyeen shacabka reer Gedo inay gacan kusiiyaan kobcinta Degmada cusub ee Bohol-garas.
Mohamed Ali


Bohol Garas waa deegan Beesha Direed ay Dagaan dhaman Beelah Surre iyo Gadsan Siiba iyo Beelo kale.  Degmoyinka Gobalka Gedo oo beesha Direed ku badantahay ayaa durba loo qeybsaday ilaa 9 degmo oo sida tan loo burburshay:

 The town of Bohol Garas (a settlement described as 40 km NE of Luq town)




DEGMAYINKA
  1. GARBAHAREEY
  2. CEELWAAQ
  3. DOOLOW
  4. CEELCADE (CABDULAHI YUSUF)
  5. BUURDHUUBO
  6. BALADXAAWO
  7. BOHOL GARAS oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Itoobiya .
  8. LUUQ
  9.  




       

Dagmadi 9aad oo lagu soo kordhiyay Gobolka Gedo iyo Muraan ka taagan
admin | Feb 10, 2012 | 0 comments


 Wararka naga soo garaya  Xarunta Madaxtooyada Viila Somalia ee Magaalada Muqdisho aya  tibaxaya  in  Madaxweynaha  Dowlada km ah ee Somalia manta Dagmo Cusub uu  uso magacabay  deegaanka Bohol Garas ee gobolka Gedo. Halkan ka Daawo Qaar ka mid ah  Masuliyinta Dowlada  kmg ah ee ka soo jeeda   Dagmada Bohol garas aya siweyn u soo dhaweyay  waxaayna  shegeen in ay mudo  ku mashqulsanayeen  sidi ay u helilahayeen  Dagmo  ka tirsan Gobolka Gedo. Gobolka  Gedo aya waxaa uu sidaasi ku noqonaya Gobolka  Ugu dagmoyinka Badan Wadanka Somalia  waxaana  Isku geyn Dagmoyinka Gobolka Gedo ay  tagayaan 9 Dagmo wana sidaan. 1-Casimada Gobolka oo Garbahareey ah 2-Dagmada Luuq 3-Dagmada Ceelwaaq 4-Dagmada Dooloow 5-Dagmada Ceel Cade oo uu magacabay  Madaxweyne  Cabdilahi Yusuf 6-Dagmada  Buurdhuubo 7-Dagmada Baardhere 8- Balad Xaawo Waxaa 9 ku noqonaya  Dagmada Cusub ee  Bohol Garas  oo u manta magacaabay  Madaxweyne Sh. Shariif Balse waxaa Muran badan uu ka tagan yahay  sida ay Sharci u noqonayso  Dagmadaas Cusub oo Magaalada luuq u jirta  in ka yar masaafada rasmiga ah ee logu talo galay in ay isku jiraan labo dagmo taas oo ah 90 km waxaana arinkaas  markiba  doodweyn ka keenay Qaar ka mid ah 

http://boholgaras.com/

Gedo oo degmo lagu soo kordhiyay

Xaflad lagu soo dhoweynayay degmo cusub oo uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed u magacaabay gobolka Gedo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Degmada oo lagu magacaabo Bohol-garas ayaa horay u ahayd deegaan ka tirsan gobolka Gedo, waxaana xafladda lagu soo dhoweynayay degmo ahaanshaheeda ka qeyb galay wasiirro, xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed.
Xildhibaan Cabdinaasir Maxamed Gaarane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in degmada la magacaabay ay howsheeda socotay muddo dheer, isagoo madaxweynaha iyo raysul wasaaraha uga mahadceliyay degmo ka dhigisteeda.
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobadii bishan u magacaabay Bohol-garas inay noqoto degmo ka tirsan gobolka Gedo oo markii hore ka koobnaa 6 degmo.


golaha dhallinyarada soomaaliyeed ee sudan oo u dabaaldegay aqoonsigii degmada bohol-garas

Filed under: Wararka Somalia |

Magaalada khartoum ee xarunta dalka sudan ayaa galabnimadii manta
lagu qabtay xaflad ballaran oo ay soo qabanqaabiyeen golaha dhallinyarada soomaaliyeed ee sudan iyada oo xafladani loogu dabaaldagayay dagmo cusub oo dhowan kusoo biirtay degmooynka soomaaliya laguna magacaabo bohol-garas
oo dhacda galbeedka gobolka gedo. degmadaaani ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda kmg soomaaliya uu hogaamiyo madaxweyne sheekh shariif sheekh axmed. xafladani ayaa ka dhacdey
Hoolka weyn ee midowga ardayda suudaan. waxaana kasoo qaybgaly dadyow aad u fara badan oo isu jiray aqoonyahanno, mas,uuliyiin arday gabdho iyo wiilalba leh
Waxaana Xafladda halkudhig looga dhigay (bohol-garas horumartayee ha liicin)
Xafladan ayaa ugu horeyntii daahfur looga dhigay aayado quraan qoolkii eebe intaa kadib waxaa xigay kalimad soo dhaweyn ah oo loogu talagalay marti sharaftii kasoo qeybgashay waxaana kalimadasi ku hadlay mudane: c/laahi daahir duqow oo ah xoghayaha guud ee golaha dhalinyarada somaaliyeed ee sudan mr doqow ayaa ugu horeyntii soodhaweyn ballaaran iyo mahadnoq buuxa oo usoo jeediyay dhammaan marti sharaftii ka sooqeybgashay xafladda . jawiga xafladda oo ahaa mid farxadeed waxaana laga dareemayay wajiyadii kasoo qeybgalay sida ay ugu faraxsanyihiin aqoonsiga degmadaasi cusub .
Waxaa daqiiqado kadib goobta xafladda looga yeeray sheekh c/laahi tanzaani waxa uuna kalimad dhaxalgal ah kasoojeediyay goobta isaga oo dhalinyarada kula dardaarmay inay alle ka cabsadaan meel waliba oo ay joogaan kana shaqeeyaan midnimada waxaana uu mr tanzaani taariikh kooban kabixiyay degmada bohol-garas iyo waxyaabaha ay degmadaasi ku caanbaxdey
Xafladani oo lagu marti qaaday mas,uuliyiin kala duwan ayaa waxaa kamid ahaa mas,uuliyiintii goobta ka hadashay maama xaliimo boolo oo kamid ah mas,uuliyiinta sare ee munadamada dacwada islaamiga xarunteeda muqdisho soomaaliya qeybta caafimaadka kuna joogta booqasho munadamada dacwada xarunteeda sudan . maama xaliimo oo dhowaan soogaartay magaalada khartoum ayaa ugu horeyntii usoo jeedisay dhalinyarada inay ka shaqeeyaan horumarka dalka iyo inay wadanka dib ugu soo laabtaan si looga faa,ideysto dhalinyarada garaadkooda waxbarasho . sidoo kale waxaa kamid ahaa mas,uuliyiintii xafladda lagu martigaadey siyaasiyiin ka tirsin dowladda kmg ee soomaaliya waxaana kamid ahaa axmed xasan oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda iyo xildhibaan c.naasir gaarane waxayna labadani mas,uul ay si toos ah qadka telefoonka uga qeyb qaateen barnaamijka iyaga oo farxadda la wadaagaya dhalinyarada waxayna mahad ballaaran u jeediyeen golaha dhalinyarada soomaaliyeed ee sudan oo soo qabanqaabiyay xafladda iyaga oo talaabo wanaagsan ku tilmaamay aqoonsiga degmada cusub ee bohol-garas
Sikastaba ha ahaatee xafladan dabaaldega ah ayaa soo dhaweeyay dhammaan dhallinyaradii kasoo qeybgashay xafladda iyaga oo ku tilmaamay arin lagu farxo ugudambeyntii xaxafladan ayaa kalimado kooban oo dhaxalgal ah kasoo jeediyay mudanaayaasha kala ah ismaaciil c,naasir gaarane oo ah xoghayaha maaliyadda golaha dhallinyarada soomaaliyeed soona qabanqaabiyay xafladda una mahadceliyay dadkii kaalinta lixaad kageystay qabsoomidda xafladda dhan fikradeed iyo mid maaliyadeedba gabagabadii xafladan ayaa soo xeray mudane yusuf c,raxmaan daahmacaane (yuusuf deeq) oo ah guddoomiyaha golaha dhallinyarada soomaaliyeed ee dalka sudan isaga oo mahad ballaaran usoo jeediyay dadkii kasoo qeybgalay xafladda waxa uuna mr yuusuf sheegay inay qabandoonaan barnaamijyo dhaxalgal ah si ay ugu faa,ideystaan dhallinyarada wax kabarata dalka sudan.
yuusuf c/raxmaan daahamcane (yuusuf deeq)
yuudeeq@hotmail.com


War degdeg ah
Caawa waxaa socdo shir deg deg ah oo looga hadlayo gobol cusub oo caasimadiisu tahay BOHOLGARAS aya lafilayaa in lagu dhawaaqo goor dhow taasi oo ay u fadhiyaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta ee kasoo jeeda deegaanadaas.
Gobolkan cusb oo ay degmooyinkiisu noqon doonaan sida tan :- caasimada magalada BOHOL GARAS .
degmoyinkisana waxaa kamid ah :- diida caani ,qooneey, waladayo iyo madhaweey.
Dooda caawa waxay ubadneed in laga dhigo magaca gobolka BAAY(2) halka qaarkamid ah odayasha ay kabiyadiidsanyihiin magacaasi oo ay doonayaan in ay ubixiyaan magac kamadax banan gobolka bay.
Hadaba waxii kusoo kordho shirkaasi degdega waxad kala socon kartaan wararkeena danbe.
www.hidaha.com






BOHOL GARAS STATE
Bohol garas State waa dagmo cusub oo madaxwaynaha soomaaliya uu magacaabay bishan febrayo. Bohol garas waa degmada 9 aad ee gobolka Gedo.
DAGAAL IYO ABAABUL DAGAAL OO BOHAL GARAS STATE UGA IMAN KARA GANAANE STATE
cammaara: Madaxweynaha Ganaane State Oo Digniin  Adag U Soo  Jeediyay  Madaxweynaha Qaranka Dalka Soomaaliyed Md Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha Ganaane State Oo Digniin  Adag U Soo  Jeediyay  Madaxweynaha
Qaranka Dalka Soomaaliyed Md Shariif Sheekh Axmed
================================================================================
cammaara on 13 February, 2012 01:17:00
 
Madaxweynaha Ganaane State of Somalia Md. Nuur Maxamed Macalin ayaan digniin
kulul ujeediyey Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Shariif Sheekh Axmed
kaddib markii uu deegaanka Bohol Garas ee degmada Luuq u magacaabay degmo uu
siiyey beesha Direed ee degta waqooyiga Somalia.
Madaxweyne Nuur Maxamed Macalin wuxuu wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise
ku eedeeyey inuu
isaga ka dambeeyo isku dayga ah in deegaanka Bohol Garas la siiyo Dir, wuxuuna
uga digay inuu ka waantoobo arrintaas, isagoo madaxweynahana ku eedeeyey inuu
qaadi doono wixii masuuliyad darro ah ee ka dhaca deegaanka Bohol Garas ee uu
isku dayayo inuu siiyo beel aan deegaanka meelba ka degin
Warsaxaafadeedka Madaxweynaha Ganaane State wuxuu u qornaa sidan.
KU: CIDDA AY QUSEYS
UJEEDDO: WAR SAXAAFADEED
Maamulka dowlad Gobaleedka Ganaane State ee ka arrimiya gobalada koofureed ee
Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuu aad uga xun yahay tallaabada sharci darada ah ee uu
qaaday Madaxweynaha Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo si
sharci darro ah oo xadgudub ku ah Digil iyo Mirifle deegaan aanu leenahay ugu
magacaabay degmo sharci darro ah.
Deegaalka Bohol Garas ee uu madaxweynaha degmada u magacaabay waxaa iska leh
Digil iyo Mirifle, dadka uu madaxweynaha ku sheegay inuu siiyey degmana uga
dhigay ma laha deegaankaasi, lamana siin karo, mana ogolaaneyno.
Dhul qofkiisi baa iska leh, Digil iyo Mirifle dhulkoodii xilligii la hunguriyeyn
jiray wuu soo dhaafay. Dadka Digil iyo Mirifle waxaan u sheegeynaa inay ka
kacaan hurdada, dhulkooda boobka lagu hayana ay ka ceshadaan cid walba oo
duulaan ku ah.
Madaxweynaha lama tashan, sooma wargelin, mana ogeysiin maamulka Ganaane State
iyo dadka Digil iyo Mirifle toona, sida sharci darada ah ee beesha Direed ee
deggan Waqooyiga Soomaaliya ugu samaayey degmo ku taala deegaan aanay laheyna
waa xadgudub ka dhan ah dadka Digil iyo Mirifle oo madaxweynaha si bareer ah ugu
kacay, Bohol Garas waa deegaan ka tirsan degmada Luuq Ganaane, cidna looma
sharciyeyn karo aan Digil iyo Mirifle aheyn.
Waxaan u sheegeynaa inay arrintaas tahay sharci darro iyo isku dir beeleed,
haddii aysan ka waantoobinna waxay keeni doontaa dhibaato dhiig badani ku daato
oo xanuun badan.
Madaxweynaha waxaan leenahay xaq uma lihid inaad deegaankeena aad siiso Xuseen
Carab Ciise iyo beel uu soo dhoodhoobay, waana shaqsi xafiiskiisa Wasaaradda
Gaashaan dhiga ku dhibaateeya Digil iyo Mirifle iyo maatidooda oo keliya,
waxaana u aragnaa nasiib darro in madaxweyne uu ku garab siiyo arrintaas.
Haddii aan nahay Maamulka Ganaane State, waxaan si cad u sheegeynaa in
Magacaabistaasi Bohol Garas degmada laga dhigay, isla markaasna beesha Direed la
siiyey aysan waxba ka jirin, Xuseen Carab Ciise Dir xoog kuma geyn karo Bohol
Garas, Madaxweynahana sidoo kale, marka waa inay ka waantoobaan falkaas damaca
ku dhisan, haddii kale waxay qaadi doonaan masuuliyadda dhibaato kasta ee ka
dhalata arrintaas.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha waxaan ugu baaqeynaa inuu ka laabto Go’aankaas
xadgudubka ah ee gardarada ah, haddii kale dhibaatada ka dhacda masuuliyadeeda
isaga iyo wasiirka u geeyey in deegaankaas Dir la siiyo ayaa qaadi doonaan.
H. E. Nur Mohamed Macalin
 
 
President, Ganaane State of Somalia
Tel: +252 61 5977777
Email: Ganaane.state@gmail.com
Axmed Xasan
Warfaafinta Madaxtooyada Ganaane State
Kismaayo, SomaliaH. E. Nur Mohamed Macalin
garoowe1@gmail.com
More Info Coming Soon
Aden79@gmail.com
XaFiiska.cammaara.com
Sahal114@hotmail.com




Xinhua News Agency filed a news report on 27 February under the headline "Volcano erupts in Somalia" but the veracity of the story now appears doubtful. The report disclosed the volcano's location as on the W side of the Gedo region, an area along the Ethiopian border just NE of Kenya. The report had relied on the commissioner of the town of Bohol Garas (a settlement described as 40 km NE of the main Al-Itihad headquarters of Luq town) and some or all of the information was relayed by journalists through VHF radio. The report claimed the disaster "wounded six herdsmen" and "claimed the lives of 290 goats grazing near the mountain when the incident took place." Further descriptions included such statements as "the volcano which erupted two days ago [25 February] has melted down the rocks and sand and spread . . . ."
Giday WoldeGabriel returned from three weeks of geological fieldwork in SW Ethiopia, near the Kenyan border, on 25 August. During his time there he inquired of many people, including geologists, if they had heard of a Somalian eruption in the Gedo area; no one had heard of the event. WoldeGabriel stated that he felt the news report could have described an old mine or bomb exploding. Heavy fighting took place in the Gedo region during the Ethio-Somalian war of 1977. Somalia lacks an embassy in Washington DC; when asked during late August, Ayalaw Yiman, an Ethiopian embassy staff member in Washington DC also lacked any knowledge of a Somalian eruption.
A Somalian eruption would be significant since the closest known Holocene volcanoes occur in the central Ethiopian segment of the East African rift system S of Addis Ababa, ~500 km NW of the Gedo area. These Ethiopian rift volcanoes include volcanic fields, shield volcanoes, cinder cones, and stratovolcanoes.
Information Contacts: Xinhua News Agency, 5 Sharp Street West, Wanchai, Hong Kong; Giday WoldeGabriel, EES-1/MS D462, Geology-Geochemistry Group, Los Alamos National Laboratory, Los Alamos, NM 87545 (Email: giday@lanl.gov); Ayalaw Yiman, Ethiopian Embassy, 2134 Kalorama Rd. NW, Washington DC 20008.

No comments:

Blog Archive