Dad aad u badan ka qaybgalay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyey meydka Abwaan Gaariye (SAWIRRO)
Isniin, October,08, 2012 (HOL)-Dhawr kun oo qof, ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo barqadii maanta la keenay magaaladda Hargeysa.
Diyaaradii maydka siday ayaa saaka waabarigii lixdii subaxnimo soo fadhiisatay madaarka Berbera, waxaanay sagaalkii barqanimana soo gaadheen magaaladda Hargeysa, iyadoo markii dambe lagu aasay duleedka waqooyi ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay dad aad u faro badan oo kala xidhay maanta isku socodkii magaaladda.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siillaanyo ayaa isna ka soo qaybgalay aaska abwaanka, waxa sidoo kale xabaasha joogay ganacsato,Abwaano, fanaaniin siyaasiyiin, wasiiraddii, aqoonyahano dhalinyaradii jaamacadaha oo iyagu intooda badan u hoydeen magaaladda Berbera xalay.
Waxa kale oo Jabuuti ka yimid fanaan caan ah oo uu hogaaminayo Cabdinuur Allaale, waxa kale oo aaska ka soo qaybgalay wariyaha caanka ah ee imika siyaasiga noqday Yuusuf Garaad Cumar oo marti sharafta u yimid aaska marxuumka ka mid ahaa, waxa isaguna aaska u yimid abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Itoobiya ku maqnaa.
Marxuum Abwaan Gaariye, ayaa maanta loo sameeyey aas Qaran, taas oo aan loo kala hadhin, iyadoo dhamaan jaamacadaha dalka ka jiraa ay si weyn uga soo qaybgaleen aaska, iyagoo qaarkood kaga hortagay duleedka bari ee magaalada si ay usoo dhoweeyaan.
Magaalada Berbera ayaa iyana xalay camirnayd, iyadoo la sheegay in la kala waayey hoteelo la seexdo ka dib markii boqolaal qof oo ka kala yimid goboladda soo buux dhaafiyeen magaaladda.
Dhamaan dadkii ay saaxiibka dhow ahaayeen ayaa ka waramay taariikhdii abwaanka, iyagoo si wada jir ah u tilmaamay inuu ahaa nin dadka la dulmiyo mar walba garabtaagan, hadalkiisu cadaa, runta dad kula socday, gabayadiisu u badnaayeen digniin, waano iyo wax u sheeg umadiisa.
Aynu soo qaadano baydad ka mid ah gabayadiisa dhaxalgalka noqday ee dadka aan hadli karin ee dhibaataysan ugu hiilin jiray, isago inta badan lagu tilmaamo Gaariye inuu ahaa looyar ama afhayeen u hadla inta dhibaataysan, waxaana tusaale inoogu filan 1980 wakhtigaasi oo aanay jirn warbaahin madax banaan oo soo bandhigta dadka danyarta ah iyo waxay tabanayaan, isla markaana uu sheegayo inuu ummadda usoo bandhigayo baahida ay ku nool yihiin dadka danyarta ahi, isagoo sheegay inuu yahay wargeys ku hadla afka dadka baahan, waxa uu yidhi “Codkii Dadka baahan carooga saboolka Aduunka ku ciilan, anaa cudha haysta, anaa cabdilaahi wargeys u ah caydha, caloosha danleeyda, anaa cabbiraaya”.
Maanso kale oo la yidhaa Qasab kuma Balweyn karo oo soo baxday 1978 oo uu ujeedo nin dano kale leh gabay aanu mudnayn iyo amaan aanu lahayn ma siin karo, qasab iyo dhaqaale toona kuma gabyo, balse aragtiyada iyo waxay tabayaan dadweynuhu uun baan ku gabyaa, waxaanu yidhi “
Wallee been ma qaayibo;
Wallee gabay qardoofo ah
Ama iga qandoodsama
Qalbigaygu ma hollado.
Wallee “qaaf” ujeeddo leh
Qiimahayga kuma rido;
Magac waa qasaanade
Wallee qado ma dhaafsado.
Wallee qalabka maansada
Heesaha qumbuladda ah
Uma qubo dhugmo-la’aan.
Mar kale waa kii lahaa masuul qaranka iyo ummadda dambi ka galay ama khiyaameeyey kama aamuse oo waliba umadda ayaan gaadhsiiyaa, isagoo sii daba socda inuu yahay warfidiyeen umadda gaadhsiiyaa hadba qofka iyo masuulka dulmiya, xiitaa haddii kurka laga jarayo kama aamuso, waxaanu yidhi:
Wallee qalin-daraalaha
Dambi qaranka laga galay
Kama qariyo wadhatada.
Wallee qoonta mililka leh
Qaarka sare ma dhaydhayo.
Haddii ay qudh-gooyiyo
Joogto qoorta-soo-dhigo,
Wallee gabay ma qurux tiro.
Gaarriye intii uu macalin ahaa waxa uu dhalinyarada abwaanadda ah ku guubaanin jiray in aanay hunguri ku gabyin iyo in nin madax ah si ay ugu dhowaadaan gabayo amaan leh u tirin, maadaama oo ay haystaan hadyad ilaahay kaligood uun ku manaystay in aanay sifo khaldan iyo qof jeclaysi ku maansoonin.
Abwaanka waxa kale oo lagu xasuustaa maansadii qiirada lahayd ee uu dumarka soomaaliyeed ugu hiiliyey ee EED HOOYO LAGA GALAY, oo ahayd maanso aad looga naxo, isagoo tilmaamay inay jiraan rag xun oo dumarka dhibaatooyin u geysta, kuwaas oo been u sheega dumarka ka dibna danahooga gaar ah ka fushadda, taasina ay dhibaato badan ku mutaysato hooyadaa la khiyaamiyey, isago tilmaamaya inan uu nin u balanqaaday inuu guursanayo, isla markaana jecel yahay, balse ka doonayey inuu danno guracan ka gaadho, ka dibna markii ay uurqaadayna uu diiday, xaafadii inantuna ay inantii dayriyeen oo ay reerkoodii ka eryeen, iyadoo inantii nafteedda la hadlaysa waxay tidhi “ Ubucdayda wadhaneey,
Adhaxdayda liicdaay,
Arinkayga laalmow,
Taladaan ilduufaay.
Axdigaan rumaystiyo
Ma arraday jacaylkii?
Ma engegay darkiisii?
Ma afbeelay xiisihii?
Ma ajowday laagtii?
Ma abaaday geedkaan
Ubaxiisa guran laa?
Markii inantii xaafadii iyo ehelkoodii eryeen waxay la hadashay wiilka caloosheeda ku jira waxay tidhi “Samow wiil gaabsiyow waa Samow guur baaqdayow waa
Samow geesi ciilanow waa, Habeen god la seexdayoow waa
wixii iga gaadhayow waa Ma gocor baa aabahaaya?
ma gacalkaagaa ku dayrshey?, ma garab kaagan rag joogin?
maxaad ku gunaanad seegtay?.
Abwaanka qisadan isago u dhigaya qaab hooyaddu ilmaha uurka ku jira la hadalayso ayuu sheegay in caruurta dhalata lagu farxo, balse wiilkeedu ka duwan yahay caruurtaas, iyadoo wali ilmihii hooyadu la hadlaysa waxay tidhi “Guhaadow aynigaaga, garnayl baa loo ridaaye
adoon weli lagu gardaadin, maxaa fiintii gadoodshey?
maxaa kalgacaylkii maydhay?, maxaa gabawerey adoogay?
maxaa hooyaday gulaalay? geyaanku muxuu ka fiigay? Hoheey caku guuldaraanta!!!
Maansooyinkiisa halkan laguma soo koobi karo, waxaan ku soo xidhayaa maanso kale oo abwaanku la dardaarmayey ummadda soomaaliyeed, isagoo lahaa khilaafka joojiya oo waxaad isku haysaan isku afgarta, oo xal wada gaadha, waa kii lahaa”-Rag haduu is af dhaafo, aayatiina wadaago
afkaa laysku gartaayee, is afwaajiya maaha
isu soo ura maaha
-Adigoo hebel diidan eryo reer hebel maaha
isu weersada maaha udahaaga cun maaha
Abwaan Gaariye ayaa gabay baroor diiq ah u sameeyey geeridii abwaanka weynaa Cabdilaahi Suldaan Timacade, maansadaa uu Timacade u tiriyey ayaa maanta isaga laftiisa ugu baroordiiqaynaa, waxaana ka mid ahaa erayadiisa” Geeriyeey xijaabaay! Xejiyaay fogeeyaay! Xaasha e af-tahannimo. Haddii uu xabaal galay, Xeel-dheereheediii; Haddii aan bud-dhigay xalay, Abwaankii xiddigin jirey, Murtidii xag loo dayo, Xulashada ahayd iyo, Xarragada higgaaddii, Ayaa xarafki hoos-dhabi?
Abwaanka waxaan ilaahay u baryeynaa inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkiisi iyo afartii hablood iyo hooyadoodna samir iyo iimaan ka siiyo, aamin aamin.
No comments:
Post a Comment