Monday, September 10, 2018

Waamo State - Xukuumad lagaga dhawaaqay Kismaayo oo ay Wasiirradeeda ku jiraan xubno Badan oo Dir ah


Xukuumad lagaga dhawaaqay Kismaayo oo ay Wasiirradeeda ku jiraan xubno ay 

Kismaayo(Berberanews):- Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah Lix Madaxweyne oo toddobaadyadii la soo dhaafay lagaga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa shaaciyey dad kala duwan oo uu xilal u magacaabay, isla markaana uu ugu yeedhay golaha Xukuumaddiisa, kuwaasoo ay ku jiraan shaqsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha Somaliland oo qaarkood ay Madaxweynaha Somaliland isku beel yihiin.cumar buraale
Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah Madaxweynayaal dhawaan si gooni-gooni ah oo isku xumayn ah loogaga dhawaaqayey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo la doonayey in maamul loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa ku dhawaaqay laba Madaxwayne Ku-xigeen oo Xukuumaddiisu yeelanayso  iyo  Golihiisa Wasiirrada.
Cumar Buraale oo maamulkiisa ula bxay Waamo State, ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ku sheegay in uu soo dhammaystiray Wasiiraddiisa. Cumar Buraale Axmedl, ayaa ka mid ah tiro Madaxwaynayaal ah oo gudaha magaalada Kismaayo ku sugan isla markaana uu loolan adagi ka dhexeeyo.
Buraale ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad iyo labaad u kala magacaabay Madaxweyne Ku-Xiggeenka 1aad: Cabdillaahi Axmed Ciise, oo kasoo jeeda Hawiye, Habar-Gidir, Sacad halka Madaxweyne Ku-Xiggeenka 2-aad loo Magacaabay Cabdiqadar Daahir Cabdalla, oo isna kasoo jeeda Daarood, Majeerteen, Ciise Maxamuud.
Tallaabadan Cumar Buraale waxa uu Xukuumadda ugu yeedhay ku magacawday ayaa laga cabsi qabaa inay sii murgiso xaaladda gobolka Jubbada hoose oo ay immika ku hirdamayaan  kooxo badan oo kala taageersan wejiyo kala duwan.
Liiska Wasiiradda uu magacaabay iyo beelaha ay ka soo jeedaan, ayaa u dhigan sidan:-
1. Wasiirka Arrimaha Dibedda Suldaan Bashiir M. Geelle Dir, Biyo-Maal, Gaadsan
2. Wasiirka Gaashaandhigga Col. Yuusuf Cali Naasir- Daarood, Mareexaan
3. Wasiirka Arrimaha Guddaha Dr. Mandow Cusmaan Abshir- Jareer Weyne,
4. Wasiirka Maaliyadda Drs Maryan Xasan Cusmaan “M. Keef” Dir Surre, Qobays
5. Wasiirka Caafimaadka Inj. Cabdi Buulle Xuseen- Gaal-jecel, Doqondiide
6. Wasiirka Warfaafinta Sheesh. Cabdinuur M. Yuusuf- Dir, Manduluud
7. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Barre Salaad Cusmaan- Gardheere Samaale, Cawra Male
8. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Sh. Saciid Diiriye Jaamac- Dir, Isaaq, Habar-Jeclo
9. Wasiirka Amniga Waamo State Dr. Xuseen Sheekh Xaaji Ganey- Digil & Mirifle, Geeladle
10. Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Ibrahim Sahal Siigaale- Daarood, Ogaadeen, Cawlyahan
11. Wasiirka Warshadaha Cabdilllaahi Xuseen Axmed- Waamo Hawiye, Sheeqaal, Awqudub
12. Wasiirka Xidhiidhka Gobollada Maamul-goboleedka iyo dowladda Federaalka Prof. Ibraahim Cabdinuur Nooleeye- Daarood, Jidwaaq, Bartire
13. Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Xasan Nuur Qalaad- Hawiye, Habar-Gidir, Cayr
14. Wasiirka Daaqaha Qaranka Col. Maxamed. M. Biikole- Daarood, Ogaadeen, Maxamed Subeyr
15. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Cumar Xuseen Caliyow Digil iyo Mirifle, Jiido
16. Wasiirka Gaadiidka iyo Dekedaha Maxamed Maxamuud Tooxow- Hawiye, Abgaal, Harti Abgaal
17. Wasiirka Qalabka iyo Soocelinta Hantida Dowladda iyo Midda gaarka Loo Leeyahay Dr. Cabdillaahi Cabdi Hire- Dir, Madaxweyne Dir, Gurre
18. Wasiirka Tabobbarka iyo Dhaqan-celinta Maleeshiyada Madoobe Aw-Jaamac- Daarood, Leelkase
19. Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Drs Maryan Maxamed Xuseen- Hawiye, Sheeqaal Loo-Boge
20. Wasiirka Ciyaaraha Drs Bishaaro Cosoble Cadde- Hawiye, Murursade
21. Wasiirka Kalluumaysiga Caaqil Diini Maxamed Diini- Baajuun
22. Wasiirka Xidhiidhka Aqalka Odayaasha Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur- Dir Surre, Fiqi Muxumad
23. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Dr. Maxamed Xasan Nuur- Garjante
24. Wasiirka Ganacsiga Inj. Cabdirisaaq Daahir Xuseen- Dir, Ciise
25. Wasiirka Lacagta Col. Maxamed Dhaqane Cilmi- Aar Hawiye, Xawaadle
26. Wasiirka Reer Miyiga iyo Duur-Joogta Suldaan Saciid Sh. Maxamed Cali- Digil iyo Mirifle, Hubeer
27. Wasiirka Dalxiiska Cabey Maxamed Cali- Hawiye, Saransoor, Dagoodiye
28. Wasiirka Tacliinta Sare Dr. Ibraahim Xuseen Xiiri- Dir, Gada-Boorsi ama Samaroon
29. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Inj. Muxiyadiin Xasan Afrax- Hawiye, Abgaal, Daa-uud
30. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dr Sh. Maxamuud Sh. Xasan M. Gaab- Dir, Madaxweyne, Dir
31. Wasiirka Dib-u-Heshiisiinta Maxamuud Cali Dhuux- Daarood, Ogaadeen, Bahgari
32. Wasiirka Dib-U-Dejinta Cabdikariin Cali Afrax- Hawiye, Du-Duble.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.





No comments:

Blog Archive