Monday, September 10, 2018

Waamo State - Xukuumad lagaga dhawaaqay Kismaayo oo ay Wasiirradeeda ku jiraan xubno Badan oo Dir ah


Xukuumad lagaga dhawaaqay Kismaayo oo ay Wasiirradeeda ku jiraan xubno ay 

Kismaayo(Berberanews):- Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah Lix Madaxweyne oo toddobaadyadii la soo dhaafay lagaga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa shaaciyey dad kala duwan oo uu xilal u magacaabay, isla markaana uu ugu yeedhay golaha Xukuumaddiisa, kuwaasoo ay ku jiraan shaqsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha Somaliland oo qaarkood ay Madaxweynaha Somaliland isku beel yihiin.cumar buraale
Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah Madaxweynayaal dhawaan si gooni-gooni ah oo isku xumayn ah loogaga dhawaaqayey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo la doonayey in maamul loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa ku dhawaaqay laba Madaxwayne Ku-xigeen oo Xukuumaddiisu yeelanayso  iyo  Golihiisa Wasiirrada.
Cumar Buraale oo maamulkiisa ula bxay Waamo State, ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ku sheegay in uu soo dhammaystiray Wasiiraddiisa. Cumar Buraale Axmedl, ayaa ka mid ah tiro Madaxwaynayaal ah oo gudaha magaalada Kismaayo ku sugan isla markaana uu loolan adagi ka dhexeeyo.
Buraale ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad iyo labaad u kala magacaabay Madaxweyne Ku-Xiggeenka 1aad: Cabdillaahi Axmed Ciise, oo kasoo jeeda Hawiye, Habar-Gidir, Sacad halka Madaxweyne Ku-Xiggeenka 2-aad loo Magacaabay Cabdiqadar Daahir Cabdalla, oo isna kasoo jeeda Daarood, Majeerteen, Ciise Maxamuud.
Tallaabadan Cumar Buraale waxa uu Xukuumadda ugu yeedhay ku magacawday ayaa laga cabsi qabaa inay sii murgiso xaaladda gobolka Jubbada hoose oo ay immika ku hirdamayaan  kooxo badan oo kala taageersan wejiyo kala duwan.
Liiska Wasiiradda uu magacaabay iyo beelaha ay ka soo jeedaan, ayaa u dhigan sidan:-
1. Wasiirka Arrimaha Dibedda Suldaan Bashiir M. Geelle Dir, Biyo-Maal, Gaadsan
2. Wasiirka Gaashaandhigga Col. Yuusuf Cali Naasir- Daarood, Mareexaan
3. Wasiirka Arrimaha Guddaha Dr. Mandow Cusmaan Abshir- Jareer Weyne,
4. Wasiirka Maaliyadda Drs Maryan Xasan Cusmaan “M. Keef” Dir Surre, Qobays
5. Wasiirka Caafimaadka Inj. Cabdi Buulle Xuseen- Gaal-jecel, Doqondiide
6. Wasiirka Warfaafinta Sheesh. Cabdinuur M. Yuusuf- Dir, Manduluud
7. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Barre Salaad Cusmaan- Gardheere Samaale, Cawra Male
8. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Sh. Saciid Diiriye Jaamac- Dir, Isaaq, Habar-Jeclo
9. Wasiirka Amniga Waamo State Dr. Xuseen Sheekh Xaaji Ganey- Digil & Mirifle, Geeladle
10. Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Ibrahim Sahal Siigaale- Daarood, Ogaadeen, Cawlyahan
11. Wasiirka Warshadaha Cabdilllaahi Xuseen Axmed- Waamo Hawiye, Sheeqaal, Awqudub
12. Wasiirka Xidhiidhka Gobollada Maamul-goboleedka iyo dowladda Federaalka Prof. Ibraahim Cabdinuur Nooleeye- Daarood, Jidwaaq, Bartire
13. Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Xasan Nuur Qalaad- Hawiye, Habar-Gidir, Cayr
14. Wasiirka Daaqaha Qaranka Col. Maxamed. M. Biikole- Daarood, Ogaadeen, Maxamed Subeyr
15. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Cumar Xuseen Caliyow Digil iyo Mirifle, Jiido
16. Wasiirka Gaadiidka iyo Dekedaha Maxamed Maxamuud Tooxow- Hawiye, Abgaal, Harti Abgaal
17. Wasiirka Qalabka iyo Soocelinta Hantida Dowladda iyo Midda gaarka Loo Leeyahay Dr. Cabdillaahi Cabdi Hire- Dir, Madaxweyne Dir, Gurre
18. Wasiirka Tabobbarka iyo Dhaqan-celinta Maleeshiyada Madoobe Aw-Jaamac- Daarood, Leelkase
19. Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Drs Maryan Maxamed Xuseen- Hawiye, Sheeqaal Loo-Boge
20. Wasiirka Ciyaaraha Drs Bishaaro Cosoble Cadde- Hawiye, Murursade
21. Wasiirka Kalluumaysiga Caaqil Diini Maxamed Diini- Baajuun
22. Wasiirka Xidhiidhka Aqalka Odayaasha Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur- Dir Surre, Fiqi Muxumad
23. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Dr. Maxamed Xasan Nuur- Garjante
24. Wasiirka Ganacsiga Inj. Cabdirisaaq Daahir Xuseen- Dir, Ciise
25. Wasiirka Lacagta Col. Maxamed Dhaqane Cilmi- Aar Hawiye, Xawaadle
26. Wasiirka Reer Miyiga iyo Duur-Joogta Suldaan Saciid Sh. Maxamed Cali- Digil iyo Mirifle, Hubeer
27. Wasiirka Dalxiiska Cabey Maxamed Cali- Hawiye, Saransoor, Dagoodiye
28. Wasiirka Tacliinta Sare Dr. Ibraahim Xuseen Xiiri- Dir, Gada-Boorsi ama Samaroon
29. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Inj. Muxiyadiin Xasan Afrax- Hawiye, Abgaal, Daa-uud
30. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dr Sh. Maxamuud Sh. Xasan M. Gaab- Dir, Madaxweyne, Dir
31. Wasiirka Dib-u-Heshiisiinta Maxamuud Cali Dhuux- Daarood, Ogaadeen, Bahgari
32. Wasiirka Dib-U-Dejinta Cabdikariin Cali Afrax- Hawiye, Du-Duble.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.





Saturday, September 8, 2018

BEESHA QOWMIYADA REER BANAADIR IYO BEELAHA AY U KALA BAXAAN. BANADIR CLANS OF XAMAR CADE

BEESHA QOWMIYADA REER BANAADIR
Badmareenadii iyo qorayaashii caanka ahaa ee imaan jiree xeebaha dalka Soomaaliya Qarnigii 13aad sida xeebaha: Muqdisho, Marka,Warshiikh,Baraawe,Kismaayo. Badmareenadaasi oo ay ka mid ahaayeen : Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo, Cheng Ho, Emrico Cerculli iyo kuwo kale waxay qoraaladooda ku xuseen in xeebaha koonfur Soomaaliya ay deganaayen waagaas Qowmiyad Xadaarad fac weyn leh ( oo ay ula jeedeen Qowmiyadda reer Banaadiriga).



Ibnu Batuuta waxaa kaloo uu Buugiisa ku sheegay in magaalooyinkaasi badi ay lahaayeen Dhismooyin qurux badan oo la mid ahaa dhismooyinka caalamka waagaasi.Qoraagii Emrico Cerculli isna waxaa uu sheegay in Xamarweyne & Shigaani,Marka & baraawe ay ku yaaleen Masaajido dhismahooda muujinaaya xadaaradda faca weyn waagaasi. Waxaa kaloo ayadana xusid mudan in halgankii xuriyada dalka Soomaaliya ay qayb wayn ku laahyeen Banaadiriga sida 13 SYL oo 3 ka mid ah ayka soo jeedeen qowmiyadaas. Waxay kaloo lahaayeen xisbi siyaasadeed oo ayku mideeysaayeen ilaa 1943 oo la yiraahdo SANU.

hadaba waxaan ka soo xigtay qoraalka qabiilada Mudane Garwayne kuloow sida ay ukala baxaan reerkaas, waayo waxay dad badan moodaan in Banaadiga ayku kooban yihiin oo kaliya Hamarwayne. Taas runta ma aha, waxay degaan magaalooyin badan badanaaba xeebaha, qabiiladoodana waxay ukala baxaan sidaan: Waxaa kaloo jirta inay ku hadlaan laba lahjo, shangaani waa Maay, Hamarwayne waxay ku hadlaan Maxaa tiri.



QABAA’ILKA BANAADIRIGA EE DEGA DEGMADA XAMAR WEYNE
BANDHABOW WAA 8 Jilib.
• Ree r Aweys Cabdi
• Reer Aweys khamiis
• Reer Unturow
• Reer Quuriwayle
• Reer Sheebow
• Reer Axmed Nuure
• Reer Cali Maxamed
• Reer Gudmane

MOORSHE WAA 8 JILIB.
• Reer Baataay
• Reer Ibraahim
• Reer Maxamuud
• Reer Kalafow
• Reer Mahadow Amiin
• Reer Baa Xamiish
• Reer Haatim
• Reer Aweys Nuurow.

DHABAR WEYNE WAA 5 JILIB
• Reer Shaanshiyo
• Reer Waabaas
• Reer Maxamed Jibriil
• Reer Xaaji Qaraar
• Reer Qalinshube

ISKAASHATO 8 JILIB
• Reer Shiiq muumin
• Reer Maanyo
• Reer Indhoweyne
• Reer Cali Xasan
• Reer Buurfuule
• Reer Ceydaruus
• Reer Shamsi
• Reer Askareey
WAA 4 XAMR IYO CULUMADOODA (REER FAQAY)

Magacyada QABAA’ILADA beelaha shingaani waa 16 jilib.

• Reer sheikh
• Reer kooli
• Reer maanyo
• Reer faqi cali
• Reer asharaaf
• Reer aadan dheere
• Reer cabdisamed
• Reer baafadal
• Reer xaaji
• Reer baa sadiiq
• Reer abakaroo
• Rer yacquub
• Reer camuudi
• Reer faqay
• Reer sedaxgeedi
• Reer cusmaaneey

BEELAHA QOWMIYADDA BANAADIRIGA EE DEGA MARKA CADEEY EE 16ka KOOFI.

• REER MAANYO
• REER AXMED NUURE
• REER GARJANTE .
• REER ASHRAAF CALAWI
• REER DURUQBO
• REER KAFAAYO
• REER GAAMEEDLE
• REER SHUKUREERE
• REER ASHRAAF BIN-XASN
• REER HAATIM
• REER SHAANSHIYO
• REER JUUNJI
• REER SHEQAAL GENDERSHE
• REER SHEEQAAL JAZIIRA
• REER KHADHIIB
• REER MOORSHO

Qore abdulrazak saeed omar almaqtari
Photo

Beelah Reer Manyo-Reer Caafi oo ah dad asalkooda ka soo jeedo qabiilka Dir/Qubeys. waxay degaan oo kaliya Xamar Shangani iyo C/casiis, Reer Caafi


Side Ayuu ku Baxay Magaca Reer Manyo?

~ banaadiri asal ah

Magaca Reer Maanyo waa Magac ay baxsadeen dad ku midoobay ama ay ka dhaxeysay Xirfad Badeed, ahaana dadkii maamuli jiray Dekedii Xamar iyo Marko.Magacan Reer Maanyo sababta ay ula baxeena waa markii Gumeysiga Talyaniga yimid dhulka Somalia oo uu damcay in dekadii uu gacantii dadkii haayey ka bixiyo,Qabaa’iladan oo ahaa waqtigas dad dhaqaalaha Xamar iyo Marko ee Export iyo Import maamulo ayaa waxay go’aan sadeen inay magac ay ku midoobaan kuna badbaadiyaan dhaqaalahood la baxaan. Maanyo waa eray la macno ah BAD.Taariikhda Banaadiriga hadaad dib ugu noqoto waxad ogaaneysaa in banaadiri ay ahaayeen dad xirfado ku caan baxay kuna walaaloobay, magacyadoodna aad ka garan karto sida Bandhawoow oo la macno ah DUN SAMEEYE, Qalin shube oo ah kuwa Qalinka iyo dahabka sameeyo, reer Maanyo oo ah dad Xirfada Bada ku can ah iyo kuwa la mid ahba.Reer Maanyo waxay ka tirsan yihiin Qabaa’ilada Banaadiriga gaar ahaan ISKAASHATO. Reer maanyo waxay xiriir ama walaaltinimo weyn ka dhaxeysaa qabiilka Moorshe oo la isku wada yiraahdo ISKAASHATO MOORSHE. Moorshaha oo la sheego inuu ahaa Qabiilkii ugu horeeyey ee soo dego dhulkan xeebaha Somalia ayaa ah Qabiil asal ahaan ka soo jeedo Boqortooyadii Ajuuraan, Moorshe waxa la sheegaa inuu ahaa Qabiilkii soo dhaweeyey dadkan Iskaashato la isku yiraahdo.Reer Maanyo waxay kala degaan Marko iyo Xamar, waxay u kala baxaan  4 beelood oo Xamar degto iyo 4 Marko shabeelada hoose degto.Reer Maanyo waxay iskugu jiraan oo Magacas ku midesan qabiilo asal ahan ka soo jeedo Carab iyo kuwa Somali ahba waana sidan hoos ku qoran:

Xamar 4ta degto:

1=Reer Macow oo ah dad asal ahaan ka soo jeedo Carab Yemen Xadramoud, Qabiilkoodana la yiraahdo Baamukhtaar,Reer macow waa beesha ugu weyn inta ku midoobay Magaca reer Maanyo.waxayna degaan Xamar ilaa Marka.Xamar waxay degan yihiin beeshan Degmada Shangani, degmada C/casiis iyo degmada Xamarweyne/ Buurfuule iyo aawoow aweyska.Shabeelada hoose Marka waxay degan yihiin Xaafada Awbaale iyo Xafada Ruusiya.

2=Reer Shaawis oo ah dad asal ahaan ka soo jeedo carab Yemen Meheri.Reer Shaawis waxay degaan Xamar degmada Shangani, Xamarweyne iyo C/casiis.

3=Reer Cumar oo ah dad asalkooda ka soo jeedo Qabiilka loo yaqaan Garre oo ah qabiil somaliyeed,waxay degan Xamar iyo Marka.Reer Cumar waa qabiilka 2aad ee ugu weyn Reer Maanyo waxayna degaan Xamarweyne,Shangani,C/casiis iyo Marka cadeey.

4=Reer Caafi oo ah dad asalkooda ka soo jeedo qabiilka Dir/Qubeys.  waxay degaan oo kaliya Xamar Shangani iyo C/casiis, Reer Caafi waa qabiil Somali ku abtirsado taasi ayaana u sabab ah in dadkooda badan ay degan yihiin deegano kale.

12_big
Marko Shabeelada Hoose:
1=Reer Macow oo aan kor kusoo sheegnay asalkoda halka ay kaso jeedaan
2=Reer Cumar oo aan Kor kusoo sheegnay asalkooda wuxuu yahay

3=Reer Xaaji oo ah dad asalkoda ka so jedo Qabiilka Garre ayaa ah dad Markii danbe soo Galay ama kusoo biiray Qabaa’ilada  Reer maanyo,Reer Xaaji waxay degaan Marka/Shabeelada hoose waxayna dhaqan iyo dhalashaba wadaagaan Reer Cumar.

4=Reer Xasan oo ah dad asalkooda ka soo jeedo qabiilka Shiikhaal ama reer Aw xasan. Reer Xasan waxay degaan Marka shabeelada hoose,waana qabaa’ilada markii danbe ku soo biiray Magaca Beelaha ku midoobay reer Maanyo

Qabaa’iladan ku midoobay Magaca reer Maanyo waxa ka dhaxeeyo xiriir walaaltinimo,mid Guur iyo mid dhaqanba. Reer maanyo waa dad leh taariikh aad u fog,Taariikhdoodana waxa laga heli karaa Library Talyaniga gaar ahaan Library qadiimiga ah ee ku yaalo magaalada Bologna .Qeybta danbe la soco Taariikhda Reer Maanyo iyo Dekadii Ex furdo.

https://banaadiriblog.wordpress.com/2017/03/08/taariikhda-reer-maanyo/

Qubeys Dir Surre- Axmed Faarax Xarardheere


Buugga ku qoran xigashada ee hoos ku qoran waxaan kaxumahay beesha ugu badan beelaha dagan miyiga iyo magaalaba in marna marti ka noqotay magaalada marna magaceeda looqoray si qaldan beesha ;( ahmed faarah) qubeys ; waa beel inta taariikhda kuqorn ilaa 775 sano daganayd xarardheer waxayna kamid tahay beelaha ugu badan deegaan ahaan dhinca deexda waxay ubdan yihiin xoola dhaqato sida adhiga iyo loda sido kale waa kaluumaysato waxay leeyihiin nabadoono iyo ugaasyo siyaasi yiin aana halkaan lagu soo koobi karin tusaalu ahaan sida nabadoo (xasan wehelye rooble ') (: xasan mataan:: oo ilaa 1930 1960ki nabadoon ka. Ahaa dadka isku yiraa reer banaan oo dhan iyo kuwa kalee o farabadan waana buug wax badan kaqoray habkii ay isu xakumi jireen soomaalidu qarniyadii dhexe.
Degmadaan oo ah meel Ilaahey ku manneystay qeyraadka sida baddii, xoolihii, beerihii intaba. Waxaa kale oo degmada ku teedsan tuulooyin dhowr ah sida. Dhalwo, Dumaaye, Dabagalo, degmada Jowle, Burjirriqo, Gaan, Keynaan, Caad, Cagacadde, Ilbir, Bur-sebriye iyo Deegaan.


Buugga ku qoran xigashada ee hoos ku qoran waxaan kaxumahay beesha ugu badan beelaha dagan miyiga iyo magaalaba in marna marti ka noqotay magaalada marna magaceeda looqoray si qaldan beesha ;( ahmed faarah) qubeys ; waa beel inta taariikhda kuqorn ilaa 775 sano daganayd xarardheer waxayna kamid tahay beelaha ugu badan deegaan ahaan dhinca deexda waxay ubdan yihiin xoola dhaqato sida adhiga iyo loda sido kale waa kaluumaysato waxay leeyihiin nabadoono iyo ugaasyo siyaasi yiin aana halkaan lagu soo koobi karin tusaalu ahaan sida nabadoo (xasan wehelye rooble ') (: xasan mataan:: oo ilaa 1930 1960ki nabadoon ka. Ahaa dadka isku yiraa reer banaan oo dhan iyo kuwa kalee o farabadan waana buug wax badan kaqoray habkii ay isu xakumi jireen soomaalidu qarniyadii dhexe.
Degmadaan oo ah meel Ilaahey ku manneystay qeyraadka sida baddii, xoolihii, beerihii intaba. Waxaa kale oo degmada ku teedsan tuulooyin dhowr ah sida. Dhalwo, Dumaaye, Dabagalo, degmada Jowle, Burjirriqo, Gaan, Keynaan, Caad, Cagacadde, Ilbir, Bur-sebriye iyo Deegaan.
Qubeys Dir Surre-  Axmed Faarax
Shiikhaal Loobage
Saruur (Habargidir)
(Jaaji)

 Harardhere (Somali: Xarardheere, is a historic town in the Mudug province of Somalia. It is situated in the autonomous Galmudug state and serves as the capital of the Harardhere District. Harardhere's name comes from tall trees called "Xarar", the name means "The place with the tall Xarar or Harar trees". 
 Harardhere, had a population of around 65,543 inhabitants. As with most of Galmudug, it is primarily inhabited by Somalis from the Hiraab sub-clan of the Hawiye, particularly The Habar Gidir clan, specifically the Cayr, Suruur and Saleeban sub-clans of Habar Gidir. Other clans who have presence there include the Abgaal, Surre and Sheekhaal clans.[1]. [2]

https://en.wikipedia.org/wiki/Harardhere


Bacadweyne Dagmada- Qubeys Surre Dir


Barashada Bacadweyne District

Bacadweyne Dagmada Bacadweyne waa Degmo ka´tirsan gobolka Mudug, waana magaalo facweyn oo ku caan ah barashada diinta islaamka sidoo kale waa magaalo ganacsi oo waxay caan ku tahay cusbada iyadoo loo iib geeyo dhamaan gobolada kale ee dalka soomaaliya iyo waliba Ethiopia. Waa degmo caan ku ah biyaha iyo daaqa. (GREEN ZONE) sidoo kale waa Degmo caan ku ah dhaqashada xoolaha sida geela Ariga iyo Lo'da. Xoolaha degmadaan waxaa loo iib geeyaa dhamaan gobolada kale ee dalka iyo waliba dalka Saudi Arabia. Waxaa xiriir ganacsi oo aad u facweyn la leh degmadaan shirkada dhoofinta xoolaha ee indho deero oo ah shirkada kaliya ee heysata ogolaanshaha dhoofinta xoolaha ee deegaankan. Degmadaan waxaa daga beesha (qubeys ee surre) Dir oo ah beel facweyn oo kasoo jeeda Qowmiyada Direed. waxaana hoos yimaada ilaa 51 tuulo. Dadkeedana waxaa lagu qiyaasaa ilaa 190 ilaa 210 kun oo ruux. Beesha Qubeys waxay aqoonsan tahay jiritaanka Dowlada Federaalka KMG ah ee soomaaliya. marna ma aqoonsana maamulada gacan ku rimiska ah ee dhawaanahaan laga magacaabay Cadaado iyo koonfurta Galkacyo. Beesha qubeys waa beel aaminsan nabad iyo darisnimo iney kula noolaato beelaha wada dagan Gobolka Mudug. DHINACA HORUMARKA. Degmada Bacadweyne waxaa ka socda dhismayaal dugsiyo dhexe iyo kuwa sare oo ah kuwa cusub. waxaa kaloo socda dayactir balaaran dhismayaashii qadiim ka ahaa. waxaa u istaagay howlahaan dhamaan jaaliyada beesha Qubeys ee ku nool qurbaha oo go'aansaday iney ka qeyb qaataan horumarka dalkooda, waxaa iyadana la wadaa dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacadweyne. Degmada Bacadweyne waxaa ka furan hal bangi oo ah DAHABSHIIL BANK. Degmada bacadweyne waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ku saabsan dhinacyada dib, uheshiisiinta ummada soomaaliyeed waxaana lagu wadaa in dhawaan lagu qabto kulanka nabadeynta iyo wadatashiga beelaha wada daga gobolka mudug si loo sameeyo nabad waarta iyo maamul wanaag iyo in meel looga soo wada jeesto ciribtirka burcad badeedka oo si gaar ah halis ugu heysa degmada Bacadweyne. Shirkaan oo qaban qaabadiisa ay isla wadaan UNDP/UNPOS/TFG/PUNTLAND iyo maamulka Degmada Bacadweyne.


Beesha Qubeys-Dir iyo Beesha Saleebaan-Habar-gidir - Saturday February 06, 2010


Laba beel oo dagaal soo noq noqday kudhax marayo Gobolka Mudug

Saturday February 06, 2010 - 16:11:28 in Wararka by Central Office. Office



Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegaya in dagaal uu halkaasi uu laba maleeshiyo Beeleed  ku dhaxmaray deegaankaasi.

Dagaalkaasi oo  u dhexeeya labo maleeshiyo Beeleed, ayaa waxaa ku geeriyooday dad fara badan , iyadoo  qasaaraha  ka dhashay dagaalka ayaa sii kordhaya waxaana inta laga warqabo ku geeriyooday dagaaladaasi 5 ruux oo labada dhinac iyo dad shacab ah isugu jira, sidoo kalana waxaa ku dhawaacmay dad fara badan.

Cusbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa yaal dad ku dhow 20 qofood oo dhaawacyo ka soo gaareeen dagaalo beeleedyadaasi kuwaasoo kuwii ugu danbeyay xalay iyo shalay galab la garsiiyay.

Dagaalada Labada Beelood u dhexeeya ayaa noqday kuwo soo noq noqday waxayna isku hayaan dhul daaqsin iyo ceel biyood taasoo inta badan beelaha Soomaaliyeed ku keenta inay isku qab qabsdaan waqtiyo soo noq noqda arimahaasi oo kale.

Beelaha halkaasi ku dagaalamaya ayaa ah  Beesha Qubeys-Dir iyo Beesha Saleebaan-Habar-gidir, wuxuuna dagaalkaan noqday mid soo noq noqda oo loo caalwaayay in la joojiyo.








Blog Archive