Sunday, September 5, 2010

2005 MAMULKII MUQDISHO LOO SAMEYN RABAY XIBNAHA DIR SUURE LOOGA DARAY

Xubnaha Labada Gole ee Muqdisho oo maanta ansixiyay qaabka loo qeybiyay Xubnaha Golaha Deegaanka Maamulka Gobolka Banaadir
Sabti, November 12, 2005(HOL): Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa maanta waxay ansixiyeen gole Deegaan oo Bud-dhig u noqon doonaa Maamul u yeesho Gobolka Banaadir, kaasi oo ay xubnahiisu gaarayaan 64 xubnood.
Afhayeenka Xubnaha Labada Gole ee Muqdisho Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa shirkaasi kadib saxafiyiinta u sheegay in xubnaha 64-ta ah ay beelaha wax ku leh maamulka Gobolka Banaadir u kala heleen qaabkan:
Beesha Mudulood 13 Mudane
Beesha Habar Giudir 9 Mudane
Beesha Murusade 8 Mudane
Beesha Digil iyo Mirifle 6 Mudane
beesha Dir 4 Mudane
Beesha Xawaadle 4 Mudane
Beesha Daarood 4 Mudane
Beesha Duduble 3 Mudane
Beesha Sheekhaal 2 Mudane
Beesha Jareer 2 Mudane
Beesha Reer Xamar 2 Mudane
Beesha Gugundhabe 2 Mudane
beesha Gaaljecel 2 Mudane
Beesha Silcis 1 Mudane
Beesha Reer Ow xasan 1 Mudane
Beesha Ujuuraan 1 Mudane
Xildhibaan Cumar Xaashi waxaa uu intaas ku daray in dib loo dhigay ka doodista Ajende ku saabsanaa Qorshe Dib u heshiisiin ah oo uu horay u soo bandhigay Wasiirka dib u dhiska iyo Dib u dejinta Xukuumadda Federaalka Xildhibaan Barre Aadan Shire Aadan, kaasi oo lagu heshiisiinayo Xubnaha Dowladda Federaalka ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, wuxuuna Xildhibaan Cumar Xaashi sheegay in ay dib u dhigistaas timid kadib markii xubnaha shirkaas ka qeybgelayay lagu wargeliyay in dil loo geystay Wiil uu dhalay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo horay uga tirsanaa Xubnaha Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan.
Xildhibaan Xaashi waxaa uu dhanka kale sheegay in arrinta dilkaas uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Guddi u saaray, isla markaana maalinta Talaadada ah ee soo socota laga wada hadli doono wixii ka soo baxay baaritaankaas iyo weliba Ajendihii maanta baaqday ee dib u heshiisiinta ku saabsanaa.
Ugu dambeyntiina Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa muddooyinkan waxay isku howlayeen sidii ay maamul ugu sameyn lahaayeen Gobolka Banaadir, iyadoo weliba uu Gobolka Banaadir u dhisan yahay maamul uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Geedi, isla markaana uu Guddoomiye ka yahay Maxamuud Xasan Cali (Cadde).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

No comments:

Blog Archive