Sunday, September 5, 2010

TARIIKHO HORE BIMAAL AND OTHERS

Leuit. M. Talmone ayaa ahayd markii ugu horaysay ee calan Talyaani la suray dhul Soomaaliyeed. Taariikhdaas madow ee u bilaabatay dadkayagii reer miyiga ahaa, waxay ku beegnayd 11/ 10- 1893-kii. Magaalada Marka ayaa waxay ahayd degmada nasiibka u yeelatay ayaan-darridaas. Waxaase dhacday ninkii calanka surayay oo askari Talyaani ahaa in lagu dilay goobtii uu calanka ka taagayay. Ninka wax dilay oo ahaa nin Soomaaliyeed, una dhashay beesha Biyamaal ayaa isla halkii isna lagu dilay.

Vicenezo Filonardi, oo aanan horay u qorshaysan in uu qaab dagaal ku qabsado degmooyinka Soomaaliyeed ayaa wuxuu qaaday tallaabooyinkii ugu horeeyey ee ciidameed. Odeyaal kamid ah duqeydii beesha ayuu inta xir-xiray dabadeedna u dhoofiyay Eriteeriya. Waxaa kale oo uu magaaladii la dhacay madaafiic laga soo ridayay markabkii ahaa Staffetta dushiisa. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 48 & The Collapse of the Somali State. A. M. I. Salwe, 1994. p. 18).


V. Filonardi, isaga oo guddoomiye ka ah shirkad uu ku magacaabay Societa´ Filonardi, ayuu isla bishii oktoober 1893-kii soo gaaray Xamar. Waxaa xusid mudan, qaabka shirkaduhu in ay ahaayeen hannaan ay gumaystayaashu ka bilaabi jireen tallaabooyinka ay ku hooshayeen ummadaha. Hantida shirkadduhu lahaayeena waxay ahayd hantida dadka ay ku socodaan in ay soo bililiqaystaan. Qof kasta oo saamiyada shirkadda wax ku darsada (shakhsi ama dowlad), wuxuu qayb ka heli jiray hantida ma-guurtada ah ee laga boobayo dadkaasi loo socdo hadba kuwooda ayaan darrido haleesho. Filonardi wuxuu haysatay heshiis ku eg saddex sano oo uu shirkadda oday ka ahaanayo, taas oo laga soo ansaxiyay Sensibaar. Magaalada Xamar ayaa waxay ahayd degmada ugu hilan cuslayd degaanka, sidaas darteed ayuu Filonardi u doortay in ay magaalo-madax u noqoto maamulka degmooyinka Soomaaliyeed ee uu gunnimada la damacsan yahay. Xilka uu shirkadda u hayay waxaa u dheeraa isaga oo suldaankii Sensibaar wakiil uga ahaa degaanka, isla markaasna wuxuu ahaa nin ganacsade ah. Si fir-fircooni leh ayuu u guda galay in uu habeeyo howlihii maamulka iyo kuwii ganacsiga ee degaanka. Waxaase jiray caqabado saddex ah oo V. Filonardi u muuqdey, kuwaas oo xal u heliddooda ey ku xirneyd guusha shirkadda. Waxey ahaayeen :
1. Ganacsatada Carabta ah oo dekadaha Banaadir u arkayay in ay yihiin isha dhaqaale ee keliya oo ey heystaan.
2. Xoolo-dhaqatad Soomaaliyeed ee degaankoodu yahay baadiyaha Banaadir iyo Juba, kuwaas oo arkayay in suldaanka Sensibaar iyo Talyaani midkoodna uusan xaq u lahayn in ay dhulkooda ku heshiiyaan.

Commander Incoronato, oo la socday socdaalkii Filonardi, ayaa markuu Xamar gaaray, dowladdii Talyaaniga u soo gudbiyay talooyin wax ku´ool ah oo ku saabsan sidii ay u hooshi lahaayeen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Juba iyo Banaadir. Wuxuu kula taliyey in eeyan ku deg-degin in degmooyinka Soomaaliyeed ay ka bilaabaan hab-maamul u muuqan kara qaab gumeysi, isaga oo ku tilmaamay Soomaalidu dad jeceylka ay nolosha u qabaan uu ka weyn yahay jaceylka ay dagaalka u qabaan . Haddii uu dagaal bilowdona waxaa xayiraad ku imaneysaa dhaqdhaqaaqa ganacsi oo Talyaanigu ka bilaabay degaanka. Wuxuu tilmaamay laba arimood oo dib u dhac ku keenaya howlaha Talyaanigu doonayo in uu ka bilaabo degaanka. Waxay kala yihiin xiriir la´aanta Talyaaniga iyo Soomaalida reer miyiga ah, iyo colaadaha ka dhex aloosan beelaha Soomaaliyeed dhexdooda. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay in Soomaalidu ay ku mashquulsan yihiin colaad-beeleedyo dhexdooda ah, taasina ay tahay mid hiilo u ah mashruuca gumaysi-doonka ah ee Talyaanig. Ogaallada uu dhiibay ninkani oo ku saabsan ganacsiga wuxuu ka xusay in dhulka Soomaalidu uu yahay mid hodan ku ah xoolaha nool iyo khudaarta ka baxda beeraha ku tallaalan daamanka webiyada, sidaa darteed walxaha dalkan laga dhoofin karo ay noqon karaan hilibka, xoolaha nool iyo khudaarta. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 48-49).

kacdoonkii beesha Biyamaal uu ahaa midka uguna horeeyay uguna milgaha cuslaa, misana kacdoomada teel-teelka ahaa oo reer miyigii Soomaaliyeed ay kala hor yimaadeen maamulkii gumaysiga iyo raggiisii waxaa laga xusi karaa kacdoonkii beesha Gaaljecel ee uu hoggaaminayay Shiikh Xasan Barsane, kacdoonkii beesha Wacdaan iyo kacdoonkii beesha Abgaal. Kacaamadaas oo midba la xilli ahaa marka Talyaanigu gaaro degaanka beeshu degan tahay, ayaa dhamaantood waxaa hoggaaminayay rag culimo ah oo aqoon wanaagsan u lahaa culuumta islaam-baradka. Reerka Biyamaal oo degaankoodu yahay dhulka u dhexeeya Marka iyo Jamaame ayaa markiiba bilaabay dhaqdhaqaaq mucaarad ku ah maamulkan cusub ee ka abuurmay degaanka, gaar ahaan degmada Marka oo Beeshu ey ku xoogan tahay. Dhallinyaradii beesha ayaa waxay bilaabeen in ay xayiraad ku soo rogaan dhamaan waddooyinka isku xira degmada iyo baadiyaha. Taasi waxay joojisay raashinkii ay degmada ka heli jirtay beeraha iyo xoolaha ay Soomaalidu baadiyaha ku haysteen. Dabadeed Filonardi wuxuu bilaabay in uu magaalada ka quudiyo dhanka badda oo maraakiib ayuu raashin ugu keeni jiray. (The Collapse of the Somali State. A. M. I. Salwe, 1994. p. 18).

Kacdoonkaas hore ee reerka Biyamaal ayaa wuxuu ahaa mid aanan si wanaagsan loo agaasimin, sidaa darteed ma noqon mid dhaawac muuqda gaarsiiyay Talyaaniga. V. Filonardi, qudhiisu maahayn nin diyaar u ahaa in uu dagaal culus la galo beelaha Soomaaliyeed. Wuxuu sitay xoogaa hub fudud ah oo uu Eriteeriya kala yimid, kuwaas oo muddo ugu kaydsanaa bakhaarrada Sensibaar.

Gadoodka beesha Biyamaal ayaa iyana culaab kale ahayd oo hor is-taagtay mashruucii shirkadda. Sidaa darteed wuxuu taageero uga baahday dowladdiisii. Wuxuu u diray farriin uu kaga codsanayo in mar kale wada-hadal lala yeesho suldaankii Sensibaar oo laga codsado in heshiiskii lala dhigtay wax laga beddelo si dhaqaalaha kirada ah oo suldaanka lagula heshiiyay uu wax u dhimo. Heshiiskaa hore ayaa wuxuu dhigayay in suldaanka sanad walba la siiyo dul-saar gaaraya 60 % faa´iidada laga helo dekadaha Soomaaliyeed. Ra´iisul-wasaarihii Talyaaniga ayaa, howlaha ka socda Banaadir, u arkay talo qardajeex ah oo Filonardi uu horseede ka yahay, taas oo aanan natiijo wanaagsan laga filayn. Taasi waxay ka dambaysay war-bixin uu ra´iisul wasaaruhu helay ee ku saabsan maamul-xumida Filonardi. Sidaa darteed waa uu diiday in uu yeelo codsigii Filonardi. Wuxuuna tilmaamay in heshiiska lala galay suldaanka Sensibaar uu yahay mid mudan in la xaq-dhowro. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 49. Laga soo xigtay Filonardi Report nr. 221. Zenzibar. December 31. 1893).


 qunsulkii markaas Talyaaniga u fadhiyay Sensibaar Antonio Ceechi



Markabkii Staffetta ayaa isna markii ay u dhamaatay muddadiisii, ka baxay xeebaha Banaadir. Bishii abriil, 1894-kii, inteeyan bilowmin bad-xiranka, xafiisyadii shirkadda irridaha ayaa loo xiray. Shaqaalihii Talyaaniga ahaa, Sensibaar ayay u wareegeen. Askartii carabta ahayd ee u shaqaynayay shirkadda, xataa waxaa loo waayay qoryo ay isku difaacaan. Dabadeed Filonardi, wuxuu ku dadaalay in dowladdiisa uu qanciyo si ay u taakulayso shirkadda. Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid dadka iyo dowladda Talyaaniga u keeni karta magac-xumi. Qoraal cabasho ah oo uu u diray dowladdiisii ayuu sidan u qoray:
" U faa´iidaynta dhulka aabe darteed, shirkad ka howl-gashay dhul aad u ballaaran, maahan mid noolaan karta, haddii eeyan gacan ka helin dowladda. Fudeydka (qormada) iyo hadafka laga leeyahay heshiiska oo ah mid ballaaran oo qallafsan ayaa si aad ah u muujinaya in shirkaddu ay sheegto in ay ku khasban tahay i dowladdu ay la shaqayso. Wadda kale ma jirto. Heshiiska dhex-maray shirkadda iyo dowladda, haddaanan loo garan sidaas oo ifaysa, taasi waxay horseedaysaa in dowladdu ay ka aragti qaadato sabool taag-daran oo aanan lahayn maskax caafimaad qabta ". (Ex-Italian Somaliland. E. Sylvia Pankhurst 1969. p. 54).

Talyaanigu, waxay xilligaas isu diyaariaysay duulaankii ay ku qaaday Xabashida ee la magac baxay Cadawa. Dowladda ayaa u baahnayd dhaqaale badan oo ay ku bixiso mashruucii dagaalkaas. Xilligaas Talyaanigu ma uusan haysan dhaqaale ku filan howlaha dowladeed ee dalka gudihiisa. Sidaa darteed ayaa Barlamaanka waxaa ka dhici jiray doodo culus oo ay siyaasiyiintu isku dhaafsanayeen aragtidooda. Qoraallada ii soo diro General General Oreste Baratieri, oo ahaa hoggaamiyihii maamulkii Ereteeriya, ayaa waxay ahaayeen kuwo barlamaanka laga akhriyo

Labadii maamul ee xilligaas ka jiray Mudug iyo Majeertiinya ayaa waxay ahaayeen kuwa keliya ee degaanka ka dhex-muuqday ee lahaa masaalix siyaasadeed oo dowli ah. Maamulkii boqor Cismaan Maxamuud wuxuu ahaa mid si buuxda ugu howlanaa xirirradii ganacsi ee uu la lahaa ummadaha inala deriska ah. Arintaasi waxay shiiqisay in xiisado siyaasadeed ay ka curtaan degaamadii maamulkan. Taasaa waxay sababtay xasillooni cimrigeedu dheeryahay oo ay heleen dadyowgii ku noolaa degaamadii maamulkaas. Waxaa in la xuso mudan in boqor Cismaan uusan lahayn damac siyaasadeed ee dhaafsiisnaa isu urursanaanta degmaamada maamulkiisa. Ingiriiska oo xilligaas eeyan qorshaha ugu jirin, in uu xoog iyo xeelad ku qabsado degaankan, ayaa sanad walba lacago laaluush ah siin jiray maamulkan. Sababtu waxay ahayd in uu amaan u helo doonyihiisa ukala tallaabayay bad-weynta Hindiya iyo badda Cas ee ku soo dhowaanaya dhulka geeska ah ee uu boqorku ka taliyo.
Suldaan Yuusuf Keynadiid, inkasta oo maamulkiisu uu ahaa mid curdan ah, misana si muuqata ayuu uga cimilo duwanaa noloshii siyaasadeed ee maamulkii ka jiray Majeertiinya. Suldaanku wuxuu ahaa nin han weyn oo xambaarsan damac siyaasadeed ee ballaaran. Wuxuu doonayay in uu maamulka Sensibaar kala wareego dhamaan degmooyinka Soomaaliyeed oo ay Cammaaniyiintu ka taliyaanayeen. Sayid Barqash bin Siciid oo horay u sheegan jiray dhamaan xeebaha Soomaaliyeed ee ku sii jeeda bad-weynta Hindiya ayaa xilligaas wuxuu ku jiray olole siyaasadeed oo uu ku doonayay in loo aqoonsado dhulka gudaha ah ee ka dambeeya degmooyinka xeebaha ku yaal. Suldaanku wuxuu doonayay in uu arrinkan kaga kabto dhaawaca kaga yimid hantidii badnayd oo ay gumaystayaashu kala wareegeen. Keynadiid ayaa isaguna dhankiisa dadaal kaga jiray uu doonayay in uu ku fashilinayo qorshaha Barqash. Isla markaasna wuxuu kaloo doonayay in uu la wareego degmooyinka koonfureed ee uu Barqash sida tooska ah uga taliyo.
Suldaanku wuxuu qaaday tallaabooyin dhaxal-gal ah oo ay kamid ahayd qoraallo uu u diray qunsulladii Sensibaar ka fadhiyay dowladihii reer Yurub. Waxaa kamid ahaa qoraal taariikhdiisu ahayd 1885-kii oo uu sidan ku yiri :
" Aniga ayaa qabsaday Hobyo, waxaana aan ku sikanayaa meelaha uu ka taliyo Sayid Barqash bin Siciid. Cashuuraha iyo dakhliga kale oo halkaas ka soo baxa waa hanti aanu annagu leenahay ". (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 3-4).
Keynadiid intaas kuma hakan ee weeraro joogto ah ayaa ciidamadiisu ay ku qaadi jireen meelo kamid ah goobihii ay fadhiyeen ciidamada Barqash, gaar ahaan waqooyiga degmada Warshiikh.
12/ 12- 1888-kii, Keynadiid wuxuu Sensibaar u diray ergo ka kooban saddex nin. Ujeeddada ergada waxay ahayd in ay wada-xaajood la soo yeeshaan qunsulkii Talyaaniga ee jasiiradda fadhiyay Vincenzo Filonardi. Ergadaasi waxaa kale oo ay sideen go´aan ah in suldaanku uusan waxba ka qabin in degaankiisa uu noqdo mid hoos yimaada dul-maamulka dowladda Talyaaniga. Suldaanka ayaa arintan wuxuu ka lahaa dano siyaasadeed oo uu doonayay in uu fushado kaddib markuu xiriir la yeesho Talyaaniga. Taas oo ahayd in uu ciidamadiisa u dheelli-tiro ciidamada labada maamul ee uu xuduudda la lahaa ee xilligaas ka xoog weynaa. Waxay kala ahaayeen Barqash iyo boqor Cismaan. Suldaan Yuusuf Keynadiid, waxaa kale oo uu doonayay in uu Talyaaniga ka dhigto il uu hubka kahelo marka uu bilaabo in uu Barqash kala wareego dhulka. Waxaa xusid mudan in Barqash uu xiriir la lahaa Ingiriiska oo uu ka heli jiray taageero ciidan.
Talyaaniga horay ayuu ugu tala jiray in uu nabad ama colaad ku helo dul-maamulka gobollada bariga iyo bartamaha Soomaaliya. Isaga oo ka faa´iideysanaya fursaddan uga timid dhanka Keynadiid, ayuu wuxuu markiiba bilaabay in ay Ingiriiska ku heshiiyaan halka ay marayso khad-xuduudeedka u dhaxayn doonta dhulka Soomaaliyeed oo ay maamulayaan. Markaasna weli wax heshiis ah oo dhex maray Talyaaniga iyo suldaan Keynadiid ama boqor Cismaan ma jirin. Gumaystayaashu marka ay xuduud samaynayeen waxay adeegsan jireen kaarta joqraafi ah, taas oo dusheeda ay xariiqi jireen. Dabadeed dhulka ayaa waxaa loo soo diri jiray arah kaartadii sidata, kuwaas oo sawirkii xarriiqda ahaa dhulka ka calaamadeeya iyaga oo adeegsanaya dhirta, buuraha, togagga iwl. Marxaladda saddexad ayaa waxay ahayd in la sameeyo calaamado dhismo ah oo muujinaya halka ay xuduuddu marayso.
14/ 1- 1889-kii ayuu dhacay heshiiska xuduudda Talyaaniga iyo Ingiriiska ay ku xariiqdeen khadda ay dhex-dhigeen labada dul-maamul ee waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed. Khaddaas ayaa waxay ka bilaabanaysaa tuulada Bender Seyda oo Boosaaso ka xigta 20 km dhanka galbeed. Tuuladaas oo ku beegan bartamaha afar-geesoodka ay dhisaan labada khad ee taaga ah longtitude 48 iyo 50, iyo labada khad ee legdan latitude 10 iyo 12. Koonfur ayay u xariiqeen illaa iyo bartamaha afar-geesoodka koonfur kaga beegan, dabadeed waxay u weeciyeen xagasha kaga beegan koonfur-galbeed. Waxay halkaas ka qabsanaysaa xuduudda ay Xabashidu wax kala xariiqatay dowladahan gumaystayaasha ahaa.
Markay taariikhdu ahayd 7/ 2- 1889-kii ayuu Vincenzo Filonardi wuxuu soo gaaray Hobyo. Saddex toddobaad kaddib, 28/ 2- 1889-kii ayaa isaga iyo suldaankii ay kala saxiixdeen heshiis qoraalkiisu u dhacay sidan :
" Aniga oo ah Yuusuf Cali Yuusuf, suldaankii Hobyo iyo dhulka la xiriira, laga bilaabo Mareeg illaa iyo Raas-Cawad, waxaan gacantayda ku saxiixay waraaqdan. Aniga oo caddaynaya in aan saldanadaydii Hobyo (ka dhisneed) iyo degaanka la xiriira ee aan soo xusay, Mareeg illaa iyo Raas-Cawad, waxaan oggolaaday in ay hoos timaado maamulka dowladda Talyaaniga ee weyn iyo boqorkooda Umberto I, isaga oo uu ka wakiil yahay qunsulkiisa fadhiya Sensibaar Vincenzo Filonardi .......... ". (Barkhat.1974. p. 234).
Xiriirkii uu V. Filonardi la yeeshay madaxdii maamulkii Hobyo ayuu wuxuu ka ogaaday in boqor Cismaan, gabadha uu ugu jeclaa xaasaskiisa ay tahay gabar uu dhalay suldaan Keynadiid. Talyaaniga ayaa markaas wuxuu bilaabay in uu xiriirka Hobyood kaga faa´iideysto si uu xiriir ula yeesho maamulka Majeertiinya. Si toos ahna madaxdii Hobyo fadhiday ayuu uga codsaday in lala xiriirsho boqor Cismaan. Taasi waxay irridaha u furtay xiriirkii uu Talyaaniga la yeeshay reer bariga, taas oo ku dhamaatay heshiiskii dhacay 1/ 4- 1889-kii oo lagu caddaynayay in Majeertiinya ay kamid noqotay degaanka uu Talyaaniga dusha ka maamulo. Nuqulka heshiiskan ayaa wuxuu lamid ahaa kii suldaan Keynadiid lala saxiixday. Waxaa la xusaa in boqor Cismaan uusan damac siyaasadeed ka lahayn heshiiskan, balse uu u galay si uusan u lumin isu dheeli-tirka xoogga maamulkiisa iyo kan Hobyo. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p.124).
Heshiisyadii dabadeed, Talyaanigu wuxuu degaanka soo booqday sanad kaddib, taas oo ku beegnayd socdaallada joogtada ah oo uu qunsulku ku mari jiray dhulka maxmiyadda u ahaa shirkadda, markaas oo V. Filonardi uu hadiyad u waday suldaan Keynadiid ay kamid ahayd 25 qori iyo 5000 oo rasaas ah. Sanadkii 1993-kii, dowladdii Talyaaniga ayaa waxay qunsulkeeda soo fartay in uu labada maamul gaarsiiyo in ay oggolaadaan qodobo kamid ah heshiisyadii lagu gaaray fadhigii Baljam iyo kii Barliin. Qodobadaasi waxay ahaayeen in la reebo ganacsiga adoomada iyo in la xadeeyo hubka iibka ah oo Afrika la geynayo. Filonardi waxaa xilligaas ka haystay gobolka Banaadir caqabado la xiriira xagga maamulka. Sidaa darteed waxaa adkaa in uu dhambaalkan hor dhigo maamulladii ka jiray bariga iyo bartamaha oo uu ogaa in ay diidayaan. Sanadkii xigay waxaa gobolka loo soo diray ergey hor leh oo la yiraahdo Cecchi. Ganacsiga adoomada oo aanan ku xooganayn degaanka, waxay sababtay in reebitaankeeda uusan ergeygan kala kulmin wax dhib ah. Waxaase ay boqorkii iyo suldaankii ka diideen arrinta ku saabsan in ay joojiyaan soo iibsiga hubka. Taasi waxay abuurtay khilaaf sababay in muddo sanooyin ah uusan degaanka iman markab Talyaani leeyahay. Mar danbe oo Talyaanigii uu bixiyay hadiyado badan oo uu hub kamid ahaa ayay ka heshiiyeen arrintii. (Ibid. p.124-125).
Dhulkii ay Soomaalidu ku noolaayeen, wixii ka baxsanaa xuduuddii labadaas maamul, ayaa waxay ahaayeen meelaha judhii horeba uu saameyn ku yeeshay hooshkii ay dowladaha shisheeyaha ah la damacsanaayeen degaanka. Faransiiska oo soo degay xeebaha waqooyi-galbeed (Jabuuti) ayaa damaciisa wuxuu ku ekaa dhul kooban oo leh ahmiyad istraateejiyadeed. Sidaas darteed ayaa qarniga dabayaaqadiisii wuxuu dhamaystiray mashruuca uu ku qeexayay dhulkii uu ku habsaday. Degmada Jabuuto ayaa dekad iyo magaalo-madaxba u noqotay maxmiyaddii uu ka dhisay halkaas. Waxaa u weheliyay dhul kooban oo ku hareereysan oo uu kaga kaaftoomay in uu kharaj badan ku bixiyo hoosh dhul ballaaran oo gudaha ah.
Ingiriiska oo ku habsaday gobollada waqooyi ayaa markii uu hubsaday in uu ku guulaystay hannaankii dul-maamulka ahaa ee uu halkaas ka dhisay, wuxuu u tallaabay in uu si tartiib ah ugu fido dhulka gudaha ah oo ay Soomaalidu xoolaha daaqsadaan, gaar ahaan dhulka ay degaan beelaha Gadubiirse, Isaaq, qayb kamid ah Ciisaha iyo qaybo beelaha Harti (Dhulbahante iyo Warsangeli). Waxaa kale oo uu ku sikanayay dhulka gudaha ah oo ay degaan beelaha Absame. Ingiriiska,bilowgii hore wuxuu lahaa qorshe uu ku damacsanaa in nadaamka dul-maamul ee uu waqooyiga ka dhisay uu xuduud uga dhigo illaa iyo 100 km. oo gudaha ah, dhul ku bar-bar ah xeebta. Waxaa markaas maamulkiisa hoos imanaya magaalada Biya-qaboobe oo ahayd degmada ugu milgaha adag waddada ay ku socdaali jireen awrta ganacsiga ee ka dhex shaqeeya Harar iyo Seylac. Waxaa kale oo 100-ka km. hoos imanaya degmada Jigjiga oo ku taal dhul biyo badan isla markaasna ah albaabka loo maro dhulka lama-degaanka ah ee glbeedka Soomaaliya.
Talyaaniga ayaa isaguna markii uu cagaha la helay Kismaayo, intuusan Banaadir u tallaabin wuxuu markiiba bilaabay in uu ku sikado dhulka uu maro webiga Juba. Cap. Bottego oo ahaa jaajuus Talyaani ah ayaa wuxuu gaaray degmada Luuq bilowgii sanadkii 1893-kii. Magaaladan ayaa xilligaas waxay ahayd mid uu camiray xiriirkii ganacsi oo ay la lahayd gobollada Banaadir iyo Shawa. Waxaa kale oo magaalada ay ku caan ahayd beeraha waawayn. Biyaha badan oo ay webiga ka heli jirtay ayaa waxay sabab u ahaayeen in dadku ay tabcadaan beeraha. Bishii disember isla sanadkaas ayuu Cap. Bottego ku soo laabtay Luuq isaga oo ciidamo wata. Markuu laabanayay, wuxuu magaaladii kaga tegay ciidan dhan 42 nin iyo bakhaar rasaas ah. Waxaa jirtay in Luuq ay kamid ahayd meelaha uu Menelik isha ku hayay, dood badan oo degmada ku saabsanna waa ay dhex martay isaga iyo Talyaaniga.
Damaca Xabashida oo ka duwanaa damaca gumaystayaasha kale ayaa wuxuu ahaa mid kana xoog weynaa inoogana khatarsanaa. Xabashida oo markaas hoggaan u ahayd qawmiyado badan ayaa waxay sheeganayeen dhamaan dhulka Soomaalidu degaan in uu yahay mid ay iyagu leeyihiin. Waraaqda wareegta oo uu Menelik ku xusey arintan ayuu hoggaamiyayaashii reer Yurub uu kaga helay gacan buuxda. Madaxda ay waraaqdu gaadhay waxaa kamid ahaa qaysarkii Ruushka, embradoorkii Jarmalka, boqorkii Talyaaniga, boqoraddii Ingiriiska iyo madaxweynihii Faransiiska. (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 36).
Menelik, wuxuu qorsheystay in uu hoosho dhulka Soomaalidu degaan, hadba inta ay awooddiisa gaarsiiso. Ololihii ciidameed ee uu qaaday bartamihii sanadihii 1890-aadkii, ayaa waxay ku soo gaareen dhulka uu maro webiga Shabeelle, illaa iyo degmada Balcad. Waxay ku soo dhowaadeen Xamar. Beelihii ay sida xun u dhaawaceen waxaa kamid ah beesha Karanle. Soomaalidii, kaddib markii ay dagaallo kharaar la galeen ayay ku guulaysteen in ay iska soo eryaan ciidamadii Xabashida. Beelaha dagaalladaas ka qayb-qaatay waxaa kamid ahaa Jiidle, Jajeello, Moobleen iyo Gabroon. (The Shaping of Somali Society. Lee V. Cassanetti. 1982. p. 199-200).
Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya, qudhooda kama eeyan badbaadin dabkii ciidamada Menelik. Bishii may 1891-kii Cap. Swayne oo ahaa nin wax-badan dhulka Soomaalida maray, wuxuu ku war bixiyay in Xabashidu ay soo direen ergey ka yimid Jigjiga, kaas oo farriin soo gaarsiiyay reerka la yiraahdo Yoonis Jibriil (Gadubiirse). Farriintu waxay ahayd in ay xoolo cashuur ah bixiyaan oo ay siiyaan maamulka boqortooyada Xabashida. Haddii ay oggolaadaan waxaa abaal looga dhigayaa in ciidamada Xabashida eeyan hooshin beesha sida ay ku hayaan beelaha kale ee Soomaaliyeed. Fadhi ay duqeydii reeraha ku qaateen meel u dhexeysa labada tuulo ee Meydir iyo Suurel ayaa waxay ku guddoonsadeen in ey diidaan cashuuraha ay Xabashidu dalbayaan. (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 36-37).
Reerka la yiraahdo Nuux Ismaaciil (Habar-Awal) ayaa waxay kamid ahaayeen beelaha Soomaaliyeed oo ay beeshan duddo wadaagta ahaayeen, isla markaasna la qabay dhibaatada ay ciidamada Xabashidu geysanayeen. Shiikh Madar oo kamid ahaa culimadii Soomaaliyeed ee wax ku bartay Harar una dhashay reerka ayaa Ingiriiskii wuxuu ka codsaday in ay hub ka iibiyaan si ay Soomaalidu isaga caabiyaan daandaansiga Xabashida.
Maamulkii Ingiriiska waa uu ka diiday, iyaga oo tilmaamay in degaanku uu yahay mid hoos yimaada dul-maamulka Ingiriiska. Sidaa darteed ay tahay waajib saaran Ingiriiska in uu diyaariyo ciidamo ilaaliya beelaha Soomaaliyeed. (Ibid. p. 36).
Waxaase la hubaa in dowladihii reer Yurub ay ku ballan fureen dadkii Soomaaliyeed oo ay heshiisyada la galeen. Waxay uga dhaqaaqeen meel cidla ah iyaga oo aanan u hurin taageero la bixiyo midda ugu yar ee ah damiir xanuunsada. Soomaalida oo aanan aqoon u lahayn hannaanka cashuurta ayaa waxay arkeen ciidamo dhulkoodii marti ku ah oo misana dadkoodii boob iyo dhac ku haya in ay xaaraan tahay in loogu daro xoolo la siiyo. Arrinkaas Soomaalidu geeri ayay ka xigeen. Xabashiduna wax arxan ah uma eeyan gelin. Falka ay kaga jawaabi jireen diidmada Soomaalida wuxuu ahaa gumaad aanan cidna loo aaba yeelin.
Sandkii 1896, boqor Cismaan Maxamuud iyo suldaan Yuusuf Keynadiid waxay Talyaanigii u soo jeediyeen qorshe ay difaacayaan beelaha Soomaaliyeed kaga daan-daansiga iyo duulaamada kaga imanayay Xabashida. Waxay soo bandhigeen in ay wadajir u soo agaasimaan ciidan tiradiisu dhanyahay 50.000 oo dagaalyahan. Waxay Talyaaniga u sheegeen haddii uu ciidankaasi siiyo qoryo iyo rasaas, in ay Harar ka kicinayaan ciidamada Menelik, oo weliba dadka Soomaaliyeed ee degaanka ku nool ay gacan kaga helayaan arintan. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p.126).
Abwaan Soomaaliyeed ayaa suugaan taariikhda gashay ku tilmaamay goobashada laysugu tegay Soomaalida xilli eeyan diyaar ahayn in ay is difaacaan. Eebe naxariistii janno haka waraabiyo abwaan Faarax Nuur wuxuu tix gabay ah ku yiri :
Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekamiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiro Sabaan iligyadiisiiye
Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiy
Afka iyo adduunkaa hadloo oodna sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Casharkii XXXI-aad


Shirkaddii laga asaasay Sensibaar ee la oran jiray IBEAC (Imperial British East Africa Company) ayaa rool weyn ka cayaartay in Talyaanigu uu ku fido koonfurta Soomaaliya. Shirkaddan oo horay kula heshiisay suldaankii Sensibaar in ay la wareegto maamulka degmooyinka bariga Afrika, ayaa waxay V. Filonardi ku wareejisay gebi ahaan qorshihii ay ka lahayd gobolka Banaadir. Talyaaniga oo xilliyadaas hore aanan fir-fircooni ka muujin xiriirka uu la yeeshay maamulladii ka jiray gobollada bariga iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa shirkaddu waxay u suurogelisay in ay caga-dhigtaan gobollada koonfureed ee Soomaaliya.
Waxaa intaa weheliyay Ingiriiska oo mar-kasta suldaanka Sensibaar u shaxaadayay in ay oggolaadaan in uu ka kireeyo Talyaaniga dekadaha Banaadir oo uu maamulkooda ku wareejiyo. Wxaa jirtay waraaq uu suldaankii Sensibaar Xaamid bin Tuwayn u qoray dowladdii Ingiriiska. Waraaqdaas oo uu ku xusay in qsulkii Ingiriiska uu ka codsaday in degaanka Banaadir iyo dekadeheedaba lagu wareejiyo gacanta Talyaaniga, ayuu wuxuu u qoray sidan :
" Zenzibar, may 14 - 1893
(Ammaan dabadeed)
Sida ay saaxiibadaya rajeynayeen, Talyaanigii ayaa la wareegay dekadihii Banaadir. Halkan waxaan idiinku muujinayaa, aniga oo awood buuxda idiin siiyay arintaas in aad ku kacdaan tallaabo kasta oo aad u aragtaan in ay hagaagsan tahay, hadba sida sharaftiina waafaqsan. Waxaan aaminsanahay, wax aanan wanaag ahayn in aydnaadan inoo sameyneen. Waxaa amarka suldaanka ku qoray biddihiisii oo ah Saalem bin Maxamad ". (Ex-Italian Somaliland. E. Sylvia Pankhurst 1969. p. 18).
Talyaaniga dhankiisa ayuu wuxuu ka waday heshiisyo qarsoodi ah oo uu la gelayay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee gobollada koonfureed. Isla markaas wuxuu feer waday wada-hadallo uu Soomaalida ka qariayay oo uu la yeelanayay suldaankii Sensibaar. Shaxaadkii Ingiriiska ee suldaankii Sensibaar iyo wada-hadalladii uu suldaanku la yeeshay Talyaaniga ayaa waxay ku dhamaadeen in sanadkii 1893-kii dekadaha Banaadir lagu kireeyo lacag dhan 50. 000 oo £ oo uu suldaanku qaatay. Waxaa xusid mudan, sanadkii 1905-tii, in isla dhulkaas Talyaanigii uu ska kaga iibsaday oo kula lahaansho-wareegay lacag dhan 144. 000 oo £. (Italian Somaliland. London. 1920. p. 810).
Talyaaniga, ituusan wax tallaabo ah qaadin, wuxuu ishaa-falataysi kaga dhur-sugayay natiijada cadaadiskii uu Ingiriisku saaray kacdoonkii ay wadeen Soomaalidii ku noolayd gobolka Juba-land. Talyaanigu waxay ka baqayeen in kacdoonku ku soo faafo Soomaalida ku nool Banaadir. Ingiriiska oo gacan aanan arxan lahayn ku muquuniyay kacdoonkaas ayaa qudhiisu ka cabsi qabay in kacdoonku u gudbo gobolka Taana, oo xilligaas uu ka waday olole uu ku cadaadinayay xoolo-dhaqatadii Soomaaliyeed si eeyan degaanka ugu fidin.
Maamulkii Ingiriisku ka dhisay gobolka Juba wuxuu bilaabay in uu si tartiib ah xilkii ugu wareejiyo Talyaanigii. Arintaasi waxay ku fulaysay calanka suldaanka hoostiisa iyo saxiix mar-walba laga soo qaadanayay isaga, iyada oo ay dusha kala socotay dowladda Talyaaniga. Kaddib Talyaanigii oo loo xasiliyay dhulkii ayaa la wareegay maamulkii gobolka Juba. Wuxuu bilaabay howlihii lagu ogaa gumaysiga. Wuxuu la wareegay dhamaan dhulkii banaanaa ee aanan la deganayn. Wuxuu dhisay maxkamado iyo xarumo cashuurta lagu ururiyo. Wuxuu qortay rag ciidamo ah iyo howl-wadeeno rayid ah. Waxay hagaajiyeen ganacsigii, iyaga oo habeeyay bangiyo iyo cumlado loo adeegsado lacag ahaan.
Bartamihii sanadkii 1893-kii, wasiirkii dibadda ee Talyaaniga Benedetto Brin ayaa wuxuu la soo xiriiray V. Filonardi. Wasiirku wuxuu soo diray dhambaal uu ku amrayo in la bilaabo sidii xiriiro wanaagsan loola sameysan lahaa odeyada dhaqanka iyo hantoolayaasha ganacsatada ah ee koonfurt Soomaaliya, si ganacsiga Talyaaniga uu u gaaro dekadaha ku yaal gobolka Banaadir. Dowladda Talyaaniga, xilligaas weli diyaar uma ahayn in kharaj iyo ciidan badan ay ku gumaysato dadka Soomaaliyeed. Waxay is-tusiyeen in ay dalka ku qabsadaan qaab ah la wareeg maamul iyo heshiisyo maxmiyadeed.
Filonardi ayaa xilligaas wuxuu ahaa isha keliya oo dowladda Talyaaniga ay ka hesho ogaallada ku saabsan xaaladda nololeed ee ka jirtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Banaadir. Si ay u helaan il kale ayaa dowladdu waxay soo dirtay sarkaal dhallinyaro ah oo la yiraahdo Leuit. Count Giovanni Lovatelli, kaas oo ka tirsanaa ciidamadii badda ee Talyaaniga. Waxaa xusid mudan in ninkani hadda ka hor loo magacaabay in uu la shaqeeyo arahyo Ingiriis ah oo loo diri jiray Kismaayo iyo gobolka Juba. Arrintaas oo uu guul ka keenay darteed ayaa boqoraddii Ingiriiska Queen Victoria uu kaga helay billad-sharaf. Count G. Lovatelli qoraalladii uu Banaadir ka soo diyaariyay ayuu wuxuu ku sheegay in eeyan u baahnayn kharaj badan si Talyaanigu u maamulo gobolkan. Sababta wuxuu ku sheegay in dadku yahay kuwo u diyaar ah soo dhoweynta Talyaaniga, gaar ahaan kuwa ku nool xeebaha. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 40 - 41).
Filonardi wuxuu xiriir toos ah la lahaa wasiirkii dibadda ee Talyaaniga B. Brin. Wakhti badan ma qaadan in uu soo gaarsiiyo hor u marka uu ka gaaray xiriiro uu la yeeshay qaar kamid ah duqeydii Soomaaliyeed iyo ganacsatadii ku nooleyd xeebaha Banaadir. Waxaa jirtay arrin Talyaanigu dhayalsaday oo ku xusnaa qoraalladii Filonardi uu u diray wasaaraddii dibadda ee Talyaaniga. Waxay ahayd talo uu soo jeediyay odey kamid ah duqeyda beesha Biyamaal. Ninkaas oo la yiraahdo Fiqi Caddow, ayaa Filonardi uga digay in uu shaqo siiyo Abuubakar bin Cawad oo ahaa ganacsade kamid ah carabtii ku noolayd gobolka Banaadir. Ninkan ayaa wuxuu xiriir la lahaa ganacsadayaal badan oo ahaa carabtii Banaadir ku nooleyd. Laakiin Soomaalida dareen ayay ka qabeen oo waxay diidanaayeen in uu odey ka noqdo degaanka laga talo-geliyo. Filonardi ayaa wuxuu ninkan ka doonayay in uu kala shaqeeyo geedi-socodka uu ku doonayo in uu ku hanto Banaadir, sidaa darteed buusan dheg u raaricin dareenkii Soomaalida iyo digniintii Fiqi Caddow.
Filonardi oo tan iyo markaas aanan marna hakad gelin howlaha la xiriira mashruuciisa gumaysi-doonka ah, ayaa wuxuu la xiriiray ninka la yiraado Edoardo Incoronato. Ninkani wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay markab weyn oo kuwa dagaalka ah ee uu Talyaanigu lahaa. Markabkaas oo la oran jiray Staffetta ayaa wuxuu ku sugnaa Sensibaar.
Filonardi wuxuu ninkan ka doonayay in uu la dejiyo qorshaha ay ku baxayaan.
Filonardi, intuusan u soo ambabixin Banaadir, wuxuu diyaariyay qoraallo uu ugu talo-galay in uu ku maamulo degaanka. Sidii gobolka Juba ayuu Filonardi ku caddeeyay qoraaladiisaas in maamulkiisu xaq u leeyahay in uu la wareego dhamaan dhulka bannaan oo aanan cidna lahayn. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay dhulka hantida dabiiciga ah leh sida dhulka beeraha ku wanaagsan iyo dhulka dhirta waaweyn ee dhuxusha laga shito. Waxaa kale oo uu tilmaamay dhulka macdanta iyo cusbada leh. Dhulalkaas ayaa si looga shaqeysto, sida uu Filonardi qoray, wuxuu ku xiray ruqsad laga haysto maamulka.
Si uu Soomaalida u raali-geliyo, caadifaddoodana u soo jiito ayuu Filonardi qodobka VI-aad ee qoraalkiisa ku xusay in uu degaanka ku dhaqayo shareecadda diinta Islaamka.
Isaga oo ilaalinaya heshiiskii lagu gaaray Baljam ayuu wuxuu reebay ganacsiga addoomada iyo hubka (qoryaha iyo rasaasta). Sidaa darteed wuxuu xusay in dhamaan doonyaha ku soo xiranaya dekadaha Banaadir ay oggolaansho ka heystaan maamulka. Waxaa kale oo qoraalkiisaas ku xusnaa inta ay le´egtahay cashuurta laga qaadayo waxyaabaha laga dhoofinayo dekadaha iyo waxa laga soo dejinayo. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 39 - 43).
5/ 10- 1893-kii waxay ahayd taariikhda uu Filonardi u doortay socdaalkiisii rasmiga ahaa ee uu ku iman lahaa Banaadir. Isaga oo la socda Staffetta ayuu taariikhdaas aanu soo xusnay ka soo degay degmada Baraawe oo uu horay si dadban maamulkeedii ula wareegay. Degmadan ayaa dadka ku nool waxay ahaayeen kuwo aanan culays u arag imaatinka Talyaaniga.
7/ 10- 1893-kii, hoggaamiyihii ciidamadii markabka Edoardo Incoronato ayaa arah u diray dhulka baadiyaha ah ee ka tirsan degmada, iyada oo ujeeddadu tahay in la soo indha-indheeyo. Arahda waxaa kamid ahaa Cap. Ugo Ferrandi oo ganacsade dal-mareen ah iyo Leuit. Maurizzio Talmone oo ahaa takhtarkii markabka. Waxaa weheliyay ciidan dhan 30 askari oo kamid ahaa ciidamadii waaligii Baraawe iyo 10 nin oo lababa ay ka socotay beel kamid ah shan beelood oo reer Baraawe ah. Arahdan oo ku socdaashay waddada magaalada ka baxda ee aadda Baardheere ayaa muddo toban saacadood ah lugeynayay. Ogaallada ay heleen ayaa waxay isugu jireen kuwo soo dhoweyn iyo khatarba lahaa. Arrinta dareenka gelisay, madaxdii arahda, oo si gaar ah qiimo ugu lahayd mashruucoodii gumeysi ayaa waxay ahayd raggii Soomaaliyeed oo ay baadiyaha kula kulmeen oo dhamaantood ku hubeysnaa qalab dagaal. Taas oo kamid ah hiddo-nololeedka ay leeyihiin xoolo-dhaqatadeena ayaa waxay ahayd arrin ku cusbayd raggii gumeysi-doonka ah ahaa. Waxay halkaas ka akhristeen arrin ka duwan fudeydkii ay sugayeen in ay dalka ku maamulaan. Waxaa kale oo ay soo arkeen dhulka beeraha ku wanaagsan oo goofafka ah, kuwaas oo lagu waraabinayay biyaha kanallada ku socda oo laga soo leexiyay webiga Shabeelle. Soo dhoweyn ka muuqatay wejiyadii dadkii ay la kulmeen ayaa waxaa wax ka tilmaamay Leuit. M. Talmone. Qoraal uu socdaalkan ka diyaariyay ayuu wuxuu ku qoray sidan :
" Xasilloonida maamulkayaga Banaadir, xataa haddii hodantooyada aan aamin sanahay awooddeeda uusan helin natiijo si deg-deg ah looga miro dhaliyo, ................ Taasi noqon meyso arrin aanan inoo soo jiidin in aanu ahaano horseedayaal meel haboon u diyaarinaya facaha danbe ee Talyaaniga iyo aayahooda. Halkaas oo noqon doonta meel ay ku soo qul-qulaan dadkayaga iyo wax soo saarkayaga ". (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 45. Laga soo xigtay Brave to Commander of Staffetta. October 9. 1892. Libro Verde. Doc. 81. anex. Pp. 178-80 ).
Rajadii wanaagsanayd oo xiddigle Talmone ka qaaday booqashadii Baraawe ma noqon mid hesha cimri dheer oo ay ku raagto. Sarkaalkan ayaa markii uu qoraalkiisii dhameeyay, muddo 48 saacadood ah dabadeed waxaa loo geystay dhaawacii uu la dhintay. 10/ 10- 1893-kii, isaga oo ka soo degay doon yar ayaa meel xeebta magaalada Marka ah waxaa waran geliyay nin dhallin-yar oo u dhashay beesha Biyamaal. Ninkii wax dilay isla goobtii ayaa waxaa ku toogtay askari carab ah. Dhacdadan oo aanan lahayn wax hor-dhac u ahaa, ayaa waxay ahayd casharkii ugu horeeyay oo uu Filonardi ku ogaaday in Soomaalidu ay iskala weyn-yihiin Talyaaniga. Dabadeed wuxuu qaaday tallaabooyin cadaadis ah oo uu bulshada ciqaab uga dhigayo. Wuxuu gacanta ka jaray ninkii wax dilay isaga oo meyd ah, magaaladiina waa uu xabadeeyay. Wuxuu waafaqay in ay magaalada ka howl-galaan 280 askari iyo 8 sarkaal oo calooshooda u shaqeystayaal ah, kuwaas oo dhamaantood carab ahaa. Askartaas ayaa waxay hoos imanayeen xarun uu lahaa waali cusub oo uu degmada u magacaabay oo la oran jiray Suleymaan bin Xaamid.
Ma jirin cid u yeeratay iyo cid xataa u baahnayd nimankan doolaaliska ah ee inoo yimid. Iyagu maaheyn dad habow ah oo soo lumay, bal waxay lahaayeen ujeeddo dheer oo ay ku ballameen in ay facahooda danbe u gudbiyaan. Qorshahooda dhabta ah ayaa waxaa inoo turjumay falalkii ay nagula kaceen markii ay inaga itaalka roonaadeen. Soomaalidu maahayn dad garasho ka arradnaa oo kasi waayey ujeeddada gumeysiga. Inkasta oo laysugu tegay oo xoogag badan ay isu kaashadeen hooshka dhulkooda, misana ayaan-darrada keliya oo haysatay baa waxay ahayd maqnaanshaha maamul-dhexe oo mideeya, sida maantaba inoo muuqata.
Sayid Maxamad Cabdaulle Xasan ayaa goor danbe tilmaan wacan ka bixiyay, guud ahaan, heerarka uu marayo geedi-socodka gumeysiga. Isaga oo Soomaalida baraya ayuu gabeygiisii Dar-daaran wuxuu ku tiriyay tixdan :
Marka hore dekaduhuu ku iman daawashiyo beene
Dalxiis in uu yahay idin latahay weydin dagayaaye
Marka xiga dabkuu idin ka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada´e
Marka xiga dabaaqad ayuu idin dareensiine
Marka xiga dushuu idin ka raran sida dameeraaye
Dalkayaga labadii qarni ee u dambeeyay (kii 19-aad iyo kii 20-aad) gumaysatyaasha Yurub iyo Xabashida (Euro-Abassinian Colonialism) ayaa inta qaybiyay misana sii qaybiyay. Qiimo muuqda oo uu dalkayagu lahaa maahayn arinta sababtay in dhulkayaga la boobo. Maxaa yeelay qallafsanaanta ay leedahay noloshayada xoolo-dhaqatada ah maahayn mid dhiirri gelinaysay raggii ina soo weeraray. Raggaasi waxay nolosha u qiimeeyeen si aanu annagu u qiimayn. Waxay horay u degeen dhul hodan ah oo beeraha ku fiican, hawadiisuna ay wanaagsan tahay. Ujeedooyinka laynoo qabsaday waxaa ka faalooday falalkii ay gumaystayaashu mar danbe sameeyeen. Falalkaasi waxay ahaayeen siyaasadihii anaaniga ahaa oo ay xoogaggii gumaystayaashu nagula keceen. Taas oo ay ka dhigteen waddo ay raacaan, iyaga oo aanan u aaba yeelin masaalixda dad-waynaha soomaaliyeed". Qudbad uu allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka jeediyay barlamaankii Soomaaliya 1962-kii

2 comments:

abdi said...

waxan idinka codsanaya in an ku so dartaan sida uu ukala baxo beesha biyaal jilib jilib iyo laf laf ilaa an ka arko meesha uu ka soo galo beesha dir idin koo rali ah....mahadsanidiin ...thx in advance

abdi said...

waxan kawada biyamaal ... ismiin.... daud iyo sada ay ukala baxan

Blog Archive