Qabiilada Lagu Sameeyay Cilmi Baadhista
.
Qabqablayaasha kala qoqabay dadka ee maanta ka jirra Dalka badankoodu kaaraha ( Tanks ) Ethiopia ayuu midna horsocday midna daba socday Dalka cida laga xoreeyay & Cida loo xoreeyey midna lama yaqaano ?
Dadka qaarkoodna ma garanaayan waxa laysku haysto iyo halka laysla marayo Hadaba Soomalida oo ka mida Qoomiyadaha lagu tiriyo kuwa ugu Deegaamada badan ee Geeska Africa oo dhulkuna ka badanyahay kuna coloobay Qabyaalad iyo Qabiil. waxaa lama huraan noqotay mar hadii Qabyaallada aan la dhaafayn in la xuso oo Cilmi baadhis lagu sameeyo Qabiilada.
Hadaba waxaan qiimaynaynaa Qabiilada iyo qaabka ay u kala duwanyihiin,Qabiiladii hore iyo kuwa maanta. Qabiiladii hore waxay dhalan jireen iyagoo Islaam ah oo Soomaliya waxayna ku kori jireen Dal jaceyl, Diin jaceyl iwm Qabiilada maanta Jiraana waxay dhashaan ooy ay koraan oo waliba ay dhintaa iyagoo Qabiilo ah
Hadii maanta uu qof dhinto waxaa la yiraahdaa Qof reer hebel ah ayaa dhintay oo lama yidhaahdo qof Islaam ah ama Soomaaliya ayaa dhintay inta uuna qofku guursan waa nus.( badh ) marka qofku uu gursadana wuxuu noqdaa Reer ku soo biiray Reeraha. waxaan la yiraahdaa Reerkii reer Hebel. Qabiilkuna markuu kalidii joogo waa qabiil marka uu la bahoobo Qabiilada kalana waxay noqdaan Bulsho isbahaysatay oo loo yaqaan Ummad, sidaa darteed Soomaliya Gobanimada waxay qaadatay Soomaalidii oo wali Qabiil ah oon midoobin .waxaana dhalatay Dawlad 1960kii oo Qabiil ku salaysan oo Reer baadiye ah.waana halka sartu ka qudhuntay
Qabiil kaliya oo ma manaafaacsaday Dalka ma jiro waxayna ku kala duwanyuhiin korsiinta iwm. waayo? qofna kuma korin somalinimo iyo wadaniyad, hadaba Qabiilada Qudhmuunkooda iyo Qudhunkooda aan qiimaynay waxay kala yihiin sidan:
Daarood: wuxuu dhashaa Isagoo Somaliya wuxuuna koraa isagoo Dawlada wuxuuna dhintaa isagoo dambiile ah
(waxaana Xaal ka raba Dawladnimo )
Hawiye: wuxuu dhashaa isagoo Somaliya wuxuuna koraa isagoo dadaallaya wuxuuna dhintaa isagoo waxba aan fahmin
( waxaana xaal ka raba Nabad & Hub )
Isaaq :wuxuu Dhashaa isagoo Somaliya , wuxuu ku koraa Isaaqnimo wuxuuna dhintaa isagoo hadlaya
( waxaana Xaal ka raba Hadal, Hubsiimo & Qabyaalad )
Digil & Mirifle: waxay dhashaan iyagoo Soomaliya, waxayna koraan iyagoo tabcanaya( muruqmal ah ) waxayna dhintaaan iyagoo tuugsanaya..( waxaana Xaal ka raba wax soo saar )
Gadabursi: waxuu dhashaa isagoo Somaliya wuxuuna koraa isagoo wadaniya wuuna dhintaa isagoo aan la fahmin wuxuu rabo
( waxaana xaal ka raba Aqoon )
Madhibaan ,Midgaan, Tumaal, Yixir & Jareer,Baajuun: waxay dhashaan iyagoo Somaliya waxayna koraan iyagoo dulman waxayna dhintaan iyagoo islaama (muslim ) aakhirana aan Soomaali abaal u hayn.
>>>>> ( Waxay xaal ka rabaan Soomali oo dhan )>>>>>>>>
Dir-konfureed: wuxuu dhashaa isagoo Soomaliya waxay koraan iyagoo is cajabiyey waxayna dhintaan iyagoo aan raysamaal haysan ( waxaa xaal ka raba Xoolo iyo Biyo )
Cadcad, Reer Xamar, Barawaani, Shaashi:waxay dhashaan iyagoo xadaarad leh waxayna koran iyagoo Ajanabi isku haysta
waxayna dhintaan iyagoo is lugoynaya.
( waxaana xaal ka raba is dhexgal )
Qabiilada Cusub: Amxaar iyo Tirgree: marka hore aan macnayno Amxaar oo labo xaraf iyo weedh
AM=american + Xaar = Amxaar: waxay dhashaan iyagoo Islaamka neceb, waxayna koraan iyagoo Soomali neceb waxay dhintaan iyagoo is jecel
Tigree: wuxuu dhashaa isagoo Tuuga wuxuuna ku cayilaa
Somaliland, Puntland ,Gaajoland Daaduunland, Qabiilland wuxuuna dhintaa isagoo Ereteria saamaxay.
Yaa Somali u maqan ?
yaa u maqan Kilinka 5aad ?
Afeef:: maan jeclayn inaan Qabiil ka hadlo, ee raali ahaada
wakhtiga maanta lagu jiro ayay ka turjumaysaa
*********************************************************************
Fiiro gaar ah
Dalkii Soomaliya ayaa Qabyaaladii ka dacwooday Xaalna ka raba Qabiilada Somaaliyeed.
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
m/africa/somalia/sanaag-3844/all/view-all/
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
-
▼
2010
(57)
-
▼
September
(36)
-
▼
Sep 05
(20)
- The Proud Somali Dir clan: what Western Scholars s...
- Peace Process Somaliland The Gadabuuris Dir Sultan...
- The Somali Dir Clan Reject Being Arabs Origins an...
- AXMED GUREY MA DIRBUU AHAA MISE DAAROOD ?
- Qabiilada Lagu Sameeyay Cilmi Baadhista
- Somali Dir clan Officials in Region 5 Ethiopia m...
- TARIIKHO HORE BIMAAL AND OTHERS
- PRESIDENT OF CHAD HUSSIEN HABRE I AM A DIR MAN
- THE SOMALI DIR CLAN BIYOMAAL BIIMAAL
- A SHORT HISTORY OF THE SOMALI DIR CLAN
- Land Dispute Erupts in Galkayo, 10 Killed AGOON ...
- ABTIRSIINYO QUBEYS DIR AND GADSAN DIR
- OGADEENYA MISE SOMALI GALBEED
- 2005 MAMULKII MUQDISHO LOO SAMEYN RABAY XIBNAHA DI...
- BEENTA DANJIRE CAWIL LAGA FIDIYAY CUMAR MUUSE
- PRESIDENT CUMAR GEELE OF DJABUTI A MADOOBE DIR S...
- BEESHA CABAS MUUSE FARAX IYO DEEGAMADOODA BARO
- SOMALI ORIGINS FROM 10TH CENTURY
- THE ISAAQ DIR CLANS HABAR YONIS AND HABAR JECLO
- SOMALI DIR CLAN ELDERS LIST AND SETTELMENTS
-
▼
Sep 05
(20)
-
▼
September
(36)
- ► 2012 (418)
No comments:
Post a Comment