Monday, April 25, 2011

BEELAHA MADAXWEYNE DIR EE LAYIILE IYO REER AW SACIID

Qoomiyada Caws-Lafil ( Dir ) waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay kuwooga ugu taariiqda fog. deegaanka geeska afrika. haday noqon lahayd xaga hogaanka, siyaasada, xadaarada, waxaana ka soo jeeda runtii hogaamiyaashii diimeed ku wooga ugu caansan gayiga soomaaliyeed mana aha mid qoraal lagu soo koobi karayo muhiimada ay inoo leeyihiin geesiyaashaasi oo ahaa hormuudka saldanadihii aanu cadceedu ka dhici jidhin;
waxaanu qaybtaan maanta ku soo qaadanaynaa qabiilka ” Layiile,,

Layiile Sidaan Lawada Socono Waxay ka Tirsan Yihiin Umadda Direed ee Faraha Badan. Waana Beel dagan konfurta Soomaliya oo ay qaybo fara badan kaga kala dadsan yihiin Kismayo Ilaa Beledweyne. Mida kale, Reer Awa Saciid iyo Layiile anaga xagayaga waa ka mid oo waa isla Cali Madaxweyn. 2-1995-kii anigu waxaan isku dayay in aan uruuriyo Tariikhda Dadka Direed meelkasta oo ay joogaan Geesta Afrika anigoo isku dayay in aan Baaro waxa ay Reer Galbeedku ka qoreen dadka Direed. Isla Markaana Baari tankeygi waxaan ku Tagay Dalka Djabouti, Dire- dhabe, NFD, iyo Waqooyiga Soomalia. Marka ugu Horeeysa qoraaga I.M Lewis ee Ingiriiska ah oo Waqooyiga ka qoray Bugaagta ay ka mid yihiin “Nomadic Democracy”oo ku saleyn jiray Buugaagtiisa Baritaano hore oo Qoraaga Talyaaniga ee la yiraahdo Cerruilli ayaa aad uga hadlay Tariikhda Layiile Ali Madaxweyne.

In uu layiile Ali Madaxweyn ahyeen nimanka ugu awooda weyn Madaxeeyn Direed ilaa 300 sano. ka Horna ay Jabiyeen Labo Beelood oo kala ah Isaaq iyo Ogaadeen iyo Ajuurankii ka talin Jiray Dhanka Qalaafe. I.M Lewis “The Layiile Ali Madaxweyn Dir Became Highly Dispersed and Lost Their Tribal Integrity” 2) I.M Lewis waxaa uu qoray oo uu sheegay in Dadkan Direed ee Layiilaha ah ay kala Daadasho, iyo Firir weyn ku Dhacay oo ay ku Dhex Milmeen Ummado kale oo Dir iyo Shisheeyaba Leh. Waa sidii ku Dhacday Beelah Baajimaal iyo Dabruube oo Labaduba ku Dhamaaday Dagaladii ay Ajuuraanka Qalaafo kula galeen qarnigii 1700. Sanadkii 2000-2001 anigoo isku Taxluujinaya inaan ka Salgaaro oon Wax Ka Ogaado Dadkaan Direed iyo Tariikhdooda ayaan Waxaan Tagay Dalka Ethiopia oo aan Safar Dhulka ku kala Maray ilaa Dira Dhabe—Jijiga–Hargeysa—Sheeikh— Burco—Boorame-Arabsiya iyo meelo kale oo fara badan waxaanan soo ogaaday Taarikho bada:

Magaalada Diraa Dhabe iyo Jigjiga intaa u Dhexeysa Waxaan kula kulmay Dadka Indheer Garadka iyo kuwa Tariikhaha Uruuriya oo u kala Dhashay Dadka Direed Sida Barsuuga, Gurgurah, Akishoda, O Layiile, Gadabuursi iyo Ciisaba. Waxaa la ii sheegay in Layiilah Badankiisu ay Dhex Dagaan Gurguraha oo ay Dad isugu xigaan. Waxa kale oo la ii sheegay in ay Degaan Layiilah Carro Ogaadeen oo xitaa Qaar kamid Ahi ay Xukumaan Ogadeenka Qaybo Dhan. Waxaa la ii sheegay in Gabyaaga weyn ee Dhoodaan uu Asal ahaan ka soo Jeedo Beesha Layiile oo waxaa La’yidhi Ninkii Layiile ee Dhalay ayaa Nin Layiilaha Dilay Una Cararay Deegaanka Ogadeenka Isagoo Wata Canugiisi iyo xaaskiisii. Odeyaashii aan La kulmay ee Layiile ee Gurgurah la Dagaanaa waxa ay ii Sheegeen in Kala Daadasho Xoogan ay ku dhacday Beesha Layiile oo ay Badh Dhankaas Nageele– ilaa Guure Dhaamoole ay Gurrah Wada Dagaan, Badhna ay Waqooyi Galbeed Hargeeysa xageeda jiraan, laakin xooga Beesha uu u Badan yahay Dhankaan Howdaka. Magaalooyinka Harta sheeikh iyo Qabri bayax Layiile fara badan ayaan Kula kulmay. Bartamihii 2000, Waxaan Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa oo aan ku soo Dagay Xaafada la Yiraahdo Xero Awr. Malin maalimaha ka mida, ayaa Dagaal xoog Badan ka Dhacay xaafad Xero Awr oo ilaa 400 oo Nin ay isku Soo Baxeen oo ay Suuqa ilaa Xafadah Dhexdeedi la is Eryadaay:

Maalintii Ayaanu Ku Barjaynaynay Aqal waxaanan La fadhiyay niman Isaaq oo Habar Awal ah waxaa la igu Yidhi Waxaa Dagalamay Beel Habar Awal ah iyo Layiile. Anigii yaab ayay igu Noqotay Arrintii, Gadaal ayaa waxaa la iiga sheegay in Layiilaha ay ku Badan Yihiin Magaalada Hargeeysa oo ay Si Wayn Isu Dhalaan Reer Gadiid oo ka mid ah Habar Awal, Waxaa ay Iisheegeen Ragaas inkastoo ay Layiilah aheyn Isaaq Hadana Reer Gadiika ayaay isla Dhiig Baxaan Layiilah. Maalintii uu Dagaalka Dhacay Ka Dib Ayaa Waxaanu Israacnay Labo Nin oo Midna Gurgure yahay midna Surre laakin ku Dhashay waqooyiga, waxaanu Fariisanay Guri uu leeyahay nin Layiile ah oo odey u ah Layiilah Xafada Dagan Waxaana Lagu Yidhi nin Direed oo Konfurta ka Yimid ayaa Doonaya inuu kula kulmo. Ragii meesha iigu Yimid waxa ka mid ahaa Cabdisamad X. Cabduulahi iyo Xasan Cabdi. Ragaan ayaa ii Sheegay in ay Dadkooda ay Dagaan Ethiopia Dhanka Hawd oo ay Qaarkalena ay Mandaluug Uwada Guureen Kismayo iyo Hiiraan oo ay la Dagaan Dirka Dalkaas. Waxa kale oo ay ii sheegeen Layiilaha in ay Rag iyaga ka mid ah Ay Soo Dageen Waqooyiga Hargeeysa 200 sano ka hor, Markii ay soo Dageen la Ximiyay oo ay Dagaalo Fara Badan Galeen Oo Markaa Mag ( Diyo ) Farabadan loo Qabsaday oo ay Sidaa Darteed Diyada ku Darsadeen Beesha Hargeysa Dagta ee loo Yaqaan Reer Gadiid inkastoo Aysan Iska Heyb Aheeyn:

Ragaas waxa ay ii Sheegeen in ay isku Dad Yihiin Guurah iyo Gurgurah Waxa aynaa ii Xisaabsheen Xildhibaanada Barlamaanka iyo Dowlad kilinka Shanaad ku Jira ee Gurgure iyo Guureba Sidii ay Yihiin Rag Layiila ah. Qabiilka Direed ee Reer Dood Maalin Niman Isaaqa Ayaan Qaad la Cunay Markaas Ayaa Ruux u soo Galay oo uu ku Yidhi Ninkan Idiinla Fadhiyaa Yuu Yahay waxaa ay ku Yirahdeen Waa Nin Direed. Markaas ayuu Ragii ku xanaaqay oo uu Yidhi, War Soo Idinkoo Dhan Dir MaTihiin, Isaaqow Maxaad ka Wadaan. Ninkii Markaanu Sheekeysanay in aan nin Direed oo Reer Mahe Dir ah u Sheegtay oo Ladhashay Maxamed Xiniftire ayaa (Lilmo Indhihiisa ku soo Joogsatay) Waxaa uu ii sheegay in uu 70 sano jiro Walina Uusan Horey u arkin Qof Dir Sidaan u kala sheeg sheegi kara, Odeygii ayaa i Weydiiyay Miyaad Maqashay Reer Dood, Hadii Aad Tahay Wiil Direed oo Maxamed Xiniftire dhalay ? Waxaan ugu Jawaabay Maya ee ii Sheeg, Tolkeey aan Bartee? Odeygii Waxaa uu igu Yiri Waxaan Ahay Reer Dood, Reer Doodna waa Dad Direed oo La daga Habar Jeclo, kana Mida Habar Jeclo Laakin ka soo Jeeda Maxamed Xiniftire. Waxaa u ii Sheegay Odeygaan in Fananda Weyn ee Guduudo Carwo Ay Ka Soo Jeedo Reer Dood, Waxaana uu i Siiyay Walakeed oo Jigjiga Dagan oo uu Igu Yiri Raadi:

Qabiilka Maxbuubta Aad sheegeyso waxan kula kulmay Nin Darawal ah oo Dagan Magaalada Abaarso Habeen aan ka Doodnay Dirnimada iyo Shirkii Carta ayaa Rag waxaa i Weeraray Habar Awal ah oo Yidhi Wax Dir la Yidhaada Majiraan, Geelaa Carta ku sameeyay. Ragii Isaaq ahaa ayaa waxaa iiga soo dhex Baxay Nin Difaacaya Dirnimada oo Markii Danbe Si Cad u Yiri Anigu Waxaan Ahay Nin Direed oo ma Diidayo Dirnimo. War Yaad Dir ka Tahay ayaan ku Idhi Darawalkii Waxaa uu iigu Jawaabay Anigu waxaan Ahay Nin Direed oo Maxbuubta ka Mida oo La Dhiig Baxa Reer Shirdoon (Habar Awal). Markii aan sii War Wareystay ninkii waxaa soo Baxday in Ninkaan uu Yahay Gaaljecel– Maxbuub oo Waligood la Dagaanaa Rerkan Habar Awal Lana Dhiig Baxaan Reer Shirdoon. Ninkaan adinku Hawiye u arka ama iska Daaya Isagu Waxaa uu ii Sheegtay in uu Yahay Maxbuub Dirna Yahay Dalkaa Waqooyigana uusan ka Xigin Nina. oo uu Yahay Dal Direed. Magaaloyinka Arabsiyo-Awbare-Gibiley-Ijaara -Taysa-Darbiga Waxaan La kulmay Rag fara Badan oo ay ka Mid Yihiin Mandaluug reer galbeeda iyo Gurgure( Reer awbare) iyo Madiigaan iyo Beel weynta Gadabuursi oo Si Wacan iiga Waramay Tariikhaha Dadka Direed:

Lasoco Qaybaha Xiga,,,,,,,,,

Beesha Layiile Waxa ay ukala Baxdaa Sidan,

1 Abkeey Xaaji oo Aderkii Ah

2 Faarax Saciid

3- Abiikar Saciid

4- Sacdi Saciid

5- Nuur Saciid

6- Cali Saciid

7- Cismaan Saciid

8- Xuseen Saciid

9- Xasan Saciid

10- Cumar Saciid

No comments:

Blog Archive