Monday, April 25, 2011

Qoraal cabasho ah oo ay soo saareen waxgaradka iyo odayaasha Beesha Qubeys (Maxay cabashadaasi ku saabsan tahay…?) Posted to the Web Aug 01, 15:24

Beesha Qubeys


Qoraal cabasho ah oo ay soo saareen waxgaradka iyo odayaasha Beesha Qubeys (Maxay cabashadaasi ku saabsan tahay…?)
Posted to the Web Aug 01, 15:24

Muqdisho:-Waxgarad ka tirsan Beesha Qubeys ayaa soo saaray qoraal ay kaga cabanayaa haweenka Bulshada rayidka ah, waxayna qoraalkoodaas ku sheegeen inay aad uga xun yihiin war laga sii daayay Idaacadaha ka howlgala Muqdisho kaasoo lagu sheegay in haweenka bulshada rayidka ah ay faragelin qaawan ku hayaan arrimaha hoose ee beesha Qubeys. “Haweenka bulshada rayidka ah waxaan u soo jeediynaynaa in ay gartaan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed fahana kala baxaan arrimaha hoose ee beesha Qubeys” ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo saareen waxgaradka beesha Qubeys. Sidoo kale qoraalkaas waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliyeed ay la aragto waxgaradka beesha faragelinta qaawan ee ay haweenka bulshada rayidka ah ku hayaan arrimaha beesha Qubeys, waxayna ka xuseen qoraalkooda haweenka ku bahoobay magaca (SSWC). Waxaa kaloo qoraalkaas lagu sheegay in haweenkaas xaqa ka maqan ay u doontaan beelihii ay u dhasheen, iyaodoo waxgaradkaasina ay sheegeen in beeshu ay leedahay Ugaas lagala soo xiriiri karo arrimaha qoyska, isaga ayaana goyn kara arrinta beesha, ciddii uu u soo xulana ay beeshu taageerayso kuna kalsoon tahay. Qoraalkaan oo uu soo gaarat Puntlandpost.com ayaa waxaa ku saxiixnaa odyaasha beesha Qubeys oo ay ka mid yihiin: Maxamuud Geedi Cilmi, Buule Cabdi Barre, C/llaahi Xuseen Yuusuf iyo afhayeenka beesha Qubeys Axmed Max’ed Daahi. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

No comments:

Blog Archive