Monday, April 25, 2011

WAR SAXAAFADEED BEESHA SALEEBAN CABDALLE SOO SARTAY XILIGII MAXAKIIMTA

SOO BAXAY XILIGII MAXAKIIMTA


Warsaxaafadeed: Beesha S/Cabdalle (Surre-Dir) oo qaadacday maamulka GalMudug Bismillaah, Alxamdulilaah, Allahumma sali calaa sayidinaa Muxammad.

KU: Dawladda Federalka ah
KU:Maxkamadaha Islaamiga ah
KU:Galmudug

Ujeeddo:
Caddayn inaysan Beesha Saleebaan Cabdalle qayb ka ahayn nidaamka cusub ee laga hirgaliyay degaano ka tirsan gobolka Mudug, islamarkaana aan lagu casumin dhismihiisa kaasoo dhisiddiisu muddo bilo ah ay ka socotay halkaa.

Beesha iyo Degaankeeda:
Beeshu waxay ka deggentahay Mudug deegaanada iyo magaalooyin ay ka midyihiin
* Towfiiq,
* Galhagoog,
* Ceeldhanaane,
* Dhinowda,
* Garacad,
* Jarriiban,
* Balli-busle iyo, Seemade iyo tuulooyin badan aanaan soo koobi Karin.

Sida la wada ogsoonyahay waxaa dhawaan looga dhawaaaqay qaar ka mid ah deegaannada Mudug maamul loogu magac daray Galmudug oo xaruntiisu tahay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Baraxley. Maamulkaas waxaa soo dhisay beesha Sacad ee wax ka degta koonfurta Mudug.

Hadaanahay odayaasha, aqoonyahanka iyo indheergaradka Saleebaan Cabdalle, marka hore waan soo dhaweyneynaa jiritaanka maamulka Galmudug iyo cid kasta oo soomaali ah oo rabta inay ka gudubto fowdada jirta si loo yareeyo dhiigga macnadarrada
ah ee daadanaya.

Waxaan talo iyo walaaltinimo ugu soo jeedinaynaa maamulka cusub ee Galmudug inay dhowraan deris wanaagga iyo islaanimada oo aysan oggolaan duullaamada xaqdarrada ah ee degaanadooda ka askuma ee ku wajahan beelaha deriska sida Beesha S/Cabdalle iyo kuwa kaleba. Waxaa Degaanka ka jira maamul kale sida Puntland kaasna S/Cabdalle qayb kama aha waxaana wadaagnaa xeerar deriseed iyo islaanimo wanaagsan, sidaas ayaana idinka rajeynaynaa inaad u dhaqmi doontiin inshaa Allah.

Waxaan kaloo u soo jeedinaynaa in beeshu ku darto tallaabooyinka ay qaadeen, horumarinta degaanka, xaqdhowrka dhirta iyo daaqa iyo weliba duurjoogta.

Odayaasha:

1. Dr. Mohamed Aden Ali
2. Dr Khaliif Mohamed Nur
3. Sh. Mahad Mohamed Ali
4. Inj Aden Noor dhegegood
5. Nabadoon Mohamud Nuryare Mohamed (Gaani)
6. Nabadoon Siciid Mohamud Hussein (Indhoole)
7. Inj Abshir Jamac Hussein
8. Suldan Abdulahi Mohamed Ali
9. Inj Abdi Khaliif Warsame
10. Saed Jama Guuled dhegajuun
11. Nabadoon Ahmed Sadiq Farah
12. Mohamed Hersi Juun
13. Nabadoon Ahmed Mohamed Aliseed
14. A/Karim Hussein Ali
15. Inj Sayidcumar aden Guled
16. Ganacsade Haji Baarre
17. Sharaf Mohamed Ali




around the villages of Towfiq and Awle, some 200 km east of Galkayo

. It was sparked off by revenge killings for the deaths of eight fishermen near Afbarwaqo,

No comments:

Blog Archive