Monday, April 25, 2011

Beesha SUURE Direed oo Maxkamad lagu Magacaabo Al-Nasri ka furatay Muqdisho Maantay.

Beesha SUURE Direed oo Maxkamad lagu Magacaabo Al-Nasri ka furatay Muqdisho Maantay.

Munaasabad balaaran oo maanta loo sameeyey ku dhawaaqista maxkamad islaami ah oo ay leedahay beesha Dir ayaa ka dhacday xarun ku taala nawaaxiga Warshadii Hore ee kokakoLa ee xaafada Hodon ayadoo munaasabadan ay ka soo qeyb galeen inta badan mas’uuliyiinta sar sare ee golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed.



Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuxigeenka dhinaca amniga ee golaha Sheekh Muqtaar Roobow Abuu-mansuur, xoghayaha golaha fulinta maxkamadaha Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley, guddoomiye kuxigeenka golaha fulinta Sheekh C/qaadir Cali Cumar, guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka daladda Culimada Sheekh Axmed Yaasiin iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, guddoomiye kuxigeenka golaha shuurada maxkamadaha Dr. Cumar Iimaan, Ugaaska beeshaasi Sheekh Axmed Bile, Abwaano uu ku jiro Abshir Bacadle iyo xubno kale iyadoo khudbooyin faro badana halkaasi laga soo jeediyay kuwaasoo dhiirigelinayay in dhamaamba beelaha iyo dhalinyarada ka soo jeeda beesha Dir ay ku mideysmaan maxkamada maanta halkaasi looga dhawaaqay ee loogu magac daray maxkamada Al Nasri.



Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha Sheekh Shariif oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay beesha Dir oo uu sheegay inay xil weyn iska saareen sidii ay uga mid noqon lahaayeen maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed isagoo xusay in beesha Dir ay ka mid tahay beelaha ugu badan ee taageerada siiya golaha maxkamadaha safka horena uga jiray halgankii lagu raacdeeyey isbaheysigii la dagaalanka argagixisada.



“Maxkamadan waxaa la ii sheegay inay dhamaan beelaha Direed wada leeyihiin runtiina waa arrin aad u qiimo badan, waxaana lala socdaa inay ka mid tahay beelaha aadka ugu waaweyn meelo badana dega, oo xuduuda Soomaaliya dhaafsan, macnaheeduna wuxuu yahay beesha Dir oo dhan inay ka shaqeyneyso diinta islaamka, meel walba oo ay joogaana waa inay ku talo galaan inay ka tirsan yihiin maxkamada Al Nasri ayna hoos tagayaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha Sheekh Shariif.



Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamada Al Nasri oo loo magacaabay Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley ahna xoghayaha guud ee golaha shuurada maxkamadaha islaamiga, wuxuuna sheegay in beesha Direed ee maanta maxkamada ku dhawaaqday looga baahan yahay meel kasta oo ay joogto inay taageerto maxkamadan isagoo sidoo kalena tilmaamay in maxkamada Al Nasri howsha ugu badan ay ka qaban doonto gobolada ay beeshu degto meel kasta oo ay joogaan



“Waxaan isku balan sanahay ILLAAHEY-na marqaati nooga yahay Dir oo islaamka ku dhex jirta inaan noqono ee aanaan noqon Dir oo islaamka ka sareysa, waxaan kaloo carabka ku adkeynayaa in dadkan ay diyaar u yihiin inay dalkan ka difaacaan Gaal iyo wixii soo raaca, waxayna isla qireen in nin walba oo ka mid ah beesha Dir oo Diinta ka Ridooba ee Gaal noqda uu weyn doono xubinimada beesha Dire aana Dili doono” ayuu yiri guddoomiyaha oo beelaha kale ugu baaqay inay ka hortagaan ninkii ka horyimaada Diinta islaamka balse aysan oran Gaalkeena maxay ka rabaan Gaalkoodaba ma sheegnee.




Januune Geedi
Muqdisho, Somalia
Januune46@hotmail.com

KU NOQO BEYJKA WARARKA
Cowslafil.com

No comments:

Blog Archive